COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 3, 2010

Xuska Xorriyatul-Qawlka iyo hambalyada Gudoomiyaha Ururka JAR & Afhayeenka AU ee Warbaahinta

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha Saxaafadda Qaaradda Afrika ee JAR, isla markaana ah muwaadinad u dhalatay Somaliland Muha Daahir Faarax iyo u-qaybsanaha Midowga Afrika ee Warbaahinta Mrs. Esther Asaa Yambou oo u dhalatay dalka Cameroon, ayaa si wada-jir ah hambalyo ugu diray Warbaahinta Afrika, maalinta Xorriyatul-qawlka oo ku beegan maanta awgeed.
Warsaxaafadeed ay ku wada saxeexnaayeen, isla markaana ay wada-jir u soo saareen oo munaasibaddan la xidhiidha, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Saxaafada Qaarada Afrika waxaa sanadkan 2010 uu Midowga Afrka (AU) iyo Ururka Suxufiyiinta Qaaradda ee Journalists For African Renaisance (JAR) ugu hambalyaynayaan dhamaan maalintan qiimaha leh ee ku astaaneysan Xoriyatul Qowlka Saxaafada Dunida. Waxaa suurtowda in aanay saxaafada Qaaraddu la qabin tan caalamka ee horumartay dabaaldegyada ay maalintani ku helaan fursadaha Abaal marineed ee ay ku mutaystaan jaa’isadaha u qalma hanaanka iyo masuuliyada ay u guteen howlahooda mihnadeed sanadka idil. Waxaa marag-ma-doon ah in aanay saxaafaddu lahayn wakhti ay u helaan, Naftooda, Hantidooda gaarka ah iyo weliba mararka Qaar Qoysaskooda iyo inta ay Ehliyad iyo Asxaab jecelyahiin. Sidaas darteed, waxa maalintan ku qaaliga ah bahweynta Saxaafada caalamka, gaar ahaanna tan Afrika ay wada-jir ugu dirayaan dhambaalkani bogaadinta ah, anagoo u rejaynayna horumar, caafimaad, Daryeel, Tixgalin, iyo weliba masuuliyad ay iyagu u muujiyaan guud ahaanba Qaaradda ay hogaanka wacyigalineed, horumarinta bulsheed iyo taabbo-galinta dimuqraadiyadeedba daabka u hayaan.

 Muha Daahir Faarax Jire (Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika ee JAR
Midowga Afrika iyo Ururka Suxufiyiinta Qaarada ee JAR waxay wada jir ugu baaqayaan Dawladaha doorashooyinku ku soo foolka leeyahiin ee Qaaraddu inay aad u tixgaliyaan Tixgalinta Dimoqraadiyada oo ay horseedka yihiin Suxufiyiinta Qaaradda oo sida ay bidaan habsami-u-gudashada waajibaadkooda shaqo ay awooddooda oo masuuliyadi ku dheehan tahay u gudan karaan.
Waxay sanadkan 2010 u dirayaan hambalyo gaar ah dowlada Itoobiya oo ilaa hadda yididiilo la taaban karo gelisay Saxaafadda kadib markay Wasaarada Isgaadhsiintu Warbaahinta Caalamka iyo tan Maxalliga ahba ku wargaliyeen in ay dawladdu ka doodey in xeerka Saxaafada ee National Electro Board of Ethiopia (NEBE – Guddida Doorashada ee Itoobiya) ay isku hortaageen Xoriyadda Saxaafada ee ka xog-waramida doorashada Ethiopia ku soo foolka leh bishan May ee 2010.
 Esther Asaa Yambout (u-qaybsamaha Warbaahinta ee Ururka Midowga Afrika
Madaxweynaha Djibouti Mudane Geelle oo muujiyay heerka uu ka taaganyahay Saxaafad horumartay, kadib markuu sanadka 08/03/2010 uu abaal mariyay Haweeenka fara-kutiriska ah ee mihnadda si masuuliyadi ku dheehan tahay uga hawlgalay.
Waxaan dhamaan Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqaynaa in ay isku taxluujiyaan inay kaalmo dhismeed (Capacity building) iyo tababarro la hal-maala ay ka caawiyaan guud ahaanba Saxaafadda Qarada Afrika, inay ka caawiyaan Mihnaddan ay naftooda u hureen sidii ay uga guul gaadhi lahaayeen.
Hay’adaha Qaramada Midoobey oo waxyaabo badan ka caawiya Qaaradan saboolka ah ee Afrika oo aan weli muujin dedaal ay ku kaalmaynayaan Xirfadlayaasha Warbaahinta oo ah udub dhexaadka koowaad ee Horumarin kara, dhisi kara Qaaradda hadii ay helaan awoodo badhitaara, ayaan mar labaad ka codsanaynaa in ay ugu yaraan Miisaaniyaddooda sanadlaha ah ku darsadaan mashaariic lagu horumarinayo Warbaahinta, si horumar waara oo Aqoon & masulliyad ku salaysan ay Afrika Warbaahinteedu ugu talaabsato.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking