COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 29, 2010

Beesha Reer Shirdoon (Sacad Muuse) oo Markii ugu horraysay isku raacay inay taageerayaan Xisbiga Kulmiye

Hargaysa, (NNN) - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal tiro badan oo sheegay inay ka soo baxeen xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay taageeradooda u hurayaan xisbiga Kulmiye.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay barxada hore ee xafiiska Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland iyo dadwayne tiro badan.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Xisbigii UDUB uu baaba’ay, isla markaana uu tartanku ka dhaxeeyo Xubno uu sheegay inay shaqaale dawladeed yihiin, waxaanu soo dhaweeyey taageerayaasha beesha reer shirdoon oo uu sheegay inay u baahnaayeen, waxaanu yidhi “ Raga maanta nala tartamayaa waa Wasiiro iyo Xubno kale oo shaqaale dawladeed ah oo aan sharcigu u banayn inay xafiisyada ummada cid ugu olaleeyaan, waxaanse idin sheegayaa inay UDUB meesha ka baxday oo aanay jirin.
Waxaanu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata ”Qoladaa wasiirada ah waxaan leeyahay anagaa dhawr jeer dhacnay oo hadana waanu nool nahay, markaa soddon sanadood ayaan mucaarid ahaa ceebna kuma qabo ee waxaan leeyahay wuxuun baydun cuniye qalaanqalka inaga daaya.
Dadwaynaha waxaan leeyahay doorashadaa aynu si nabad ah u galno oo iska ilaalino danbaabudha UDUB iyo qoladaa xukuumada, qolada maanta xisbiga taageerada u muujinaya aad baan u soo dhawaynayaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna sheegay inay Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay, isla markaana Xukuumadu tartanka kula jirto, waxaanu u mahad celiyey taageerayaasha cududooda muujiyey oo uu ka dalbaday inay codka siiyaan, waxaanu yidhi “ Walaalayaal waxaan idin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay oo burburay, cida inala tartamaysaa waa Dawladii oo sidaa walaalkay Muuse Sheegay aan sharcigu u ogalayn inay xafiisyada ummada ku olaleeyaan. Walaalayaal hadaad codkiina iigu ridaan wax badan ayaan idin qaban doonaa sida aad ka akhrisateen barnaamijka Xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE ayaa xafiis cusub ka furtay degmada Abaarso ee galbeedka magaalada Hargaysa, iyadoo uu xafiiskaas cusub xadhiga ka soo jaray guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee gobolada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking