COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 30, 2010

Guddiga Anshaxa doorashada oo qodobbo culus ka soo saaray Doorashada Madaxweynenimada Somaliland ee Natiijadeeda la sugayo

Hargeysa, (Nnn)- Guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland ayaa ka codsaday Xisbiyada qaranka Somaliland [KULMIYE, UDUB iyo UCID] inay xakameeyaan taageerayaashooda si looga hortago waxkasta oo kicinaya taageerayaasha Xisiyada kale ee ay tartamayaan, isla markaana waxay u soo jeediyeen shacabweynaha reer Somaliland inay muujiyaan dulqaad inta ay komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqayaan natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010.
Sidaa waxay guddidu ku sheegtay Shir-saxafadeed uu gudoomiyaha guddiga ilaalinta An-shaxa iyo Habsami u socodka doorashooyinka Md. Axmed Maxamed Cadaad ka akhriyey warsaxafadeed qoraal, kaas oo ka koobna todob qodob oo cidkasta la hadlaya.
Waxaanu Warsaxafadeedkii oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:
“Guddida Ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka madaxweynaha, iyaga oo fulinayaa hawlihii loo igmaday waxay si aad u dhow ula socdeen ama si qoto dheer ula socdeen banaan baxyadii ololaha doorashada, iyaga oo ugu baaqay dhamaan cidda ku xad-gudubta heshiiska anshaxa ee ay saxeexeen sadexda Xisiga qaran [Code Of Conduct].
Si ay u hirgeliyaan heshiiska, isla markaana ugu cadeeyeen dadweynaha guud ahaan ciddi ku kacday dhaq-dhaqaaq sharci-daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay Caasimada iyo gobolada dalka oo ay la joogeen wakiilladayadu si xilkas ahna u guteen hawshoodii.
Maanta waxay guddidu qiimaysay xaaladii doorashada ka danbeysay waxaanay go’aamisay qodobadan soo socda:
Guddida ilaalinta anshaxa iyo hasami u socodka doorashooyinka qaranka waxay:
1. Waxay u dhamaan dadweynaha reer Somaliland sidii nabadgelyada iyo kala danbeynta lahayd ee ay sida xoogan uga qeyb-qaateen doorashada, iyaga oo iska dhega mariyey khatartii ay ku hayeen xag-jirka ka soo horjeede dimuqraadiyada.
2. Waxay u mahad-qanaysa cidkasta oo si firfircoon uga gacan-geysatay inay guuleysato doorashadu, gaar ahana hawlwadeenadii guddida doorashooyinka qaranka, Golkaha Guurtida. Goob-joogayaasha caalamiga ah, Goob-joogayaasha wadaniga ah iyo gudiga dhex-dhexaadinyta khilaafaadka.
3. Waxay Si diiran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culimaa’udiinka Somaliland, kuwaas oo ku dhiirigelinayey dadweynaha reer Somaliland inay codeeyaan oo aan dheg jalaq loo siinin hadalada aan saxa ahayn, isla markaana ku abuureysa khal-khal iyo doodo aan sax ahayn oo khal-khalgelinayaa doorashada oo inagaga timi dibada, iyada oo culima-awdiinta si fir-fircoon u caawinayey codbixiyayaashi ay ku adkaatay inay si hamsami ah u raacaan nidaamkii codbixinta, maalinta codbixinta.
4. Waxay u mahad-celinayaa ciidamadda amniga ee sida hawlkarnimada leh u sugayey amniga ee ilaalinayey kala danbeynta intii ay socotey doorashadu.
5. Waxaan mar-labaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddida doorashooyinka qaranka ee ku guuleystay habeynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonaan karo, imika u soo saaray natiijadii oo ku saleysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhex dhexaadnimo.
6. Waxay Cambaareynaysa oo ay dhalaaceynaysa cidkasta oo wareejinaysa hadalada kutiri kuteenka iyo mala-awaalka natiijooyinka doorashooyinka sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada in ay ilaaliso oo raacdo talalooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hordhicin ku dhawaaqida natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.
7. waxaanu Ka codsanaynaa guud ahaan dadwaynaha reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee kasoo bixi doona guddida doorashada qaranka waxaan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo isku dhac iman kara.
8. Waxaanu ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyaan taageerayshooda wax kastoo awoodooda ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicin kara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartamayeen.
9. Waxaanu si qalbi furan u soo dhaweynaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba taasoo muujin doonta wadaninimadooda.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiga talada haya ee UDUB oo Komishanka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada codbixinta sheegtayna in deegaamo badan oo lagu shubtay

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa galabta Komishanka doorashooyinka Qaranka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada ku meel gaadhka ah ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishan June, oo ay sheegeen in degmooyin badan lagaga shubtay.
Xisbiga UDUB waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha olalaha doorashada Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxaanay shir-saxaafadeedkaasi ka akhriyeen qoraal u qornaa sidan:-
“Sidaad la wada soctaan doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoontay Ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga Somaliland.
 Foolxumada iyo Weji-gabaxa ka muuqda Masuuliyiinta UDUB
Waxaase jirta dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada Maroodi jeex degmadiisa Gabiley gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo Buhoodle, Sanaag degmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar’adag gobolka Sool degmadiisa Caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa 26 Juun iyo Axmed Dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Haddaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid nabadgelyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu mas’uul ka yihiin.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo aan weydiiyay su’aal ahayd inay deegaanadani ay yihiin kuwa ay ku badan yihiin taageereyaasha mucaaridku oo ay ka gal galanayaan natiijada Komishanku soo wado, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaad moodaa in su’aashaasi in aanay toosnayn sababtu waxa weeye Anagu markaanu xisbiga UDUB nahay gobol ama degmo noo gaar ahi ma jirto. Anaga dalka degmooyinkiisu way noo siman yihiin.
Waxaanu kuu sheegnay meelihii ay khaladaadku ka dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in lagu tacadiyay xuquuqdii muwaadinimo waana lagu shubtay doorashadii deegaanadaasi.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Soomaali xukun khaldan lagu riday oo magdhaw u helay $525,000 oo Doollar

MELBOURNE,(Nnn)- Nin Soomaali ah oo si khaldan loo xukumay, loona xabsiyay kiis kufsi ah, ayay dawladda Ustaraaliya abaal-marin u siisay lacag dhan $525,000, ka dib markii lagu waayay dembigii loo xukumay, sidaana waxa faafiyay Taleefishanka ABC ee dalka Ustaraaliya.
Faarax Jaamac oo da’diisu tahay 22 jir, ayaa qaaday dedaal uu ku doonayay magdhaw, ka dib markii uu 15 bilood xabsiga ku jiray oo sambalka dhiigiisa DNA-ga oo laga qaaday laga waayay inuu la fal-galay dhiiga haweenay lagu eedeeyay inuu kufsaday xilli ay ku jirtay Kalaab habeenkii lagu caweeyo. Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in xabsiga laga soo daayay bishii November ee sannadkii tegay, iyada oo xaakim Brett Sonnet lagu ganaaxay inuu kiiskaasi ahaa mid si aad ah u muujiyay cadaalad-darro.
Haweenayda la sheegay in la weeraray oo 48 jir ah, ayaa la sheegay inay wax yar ka xusuusato dhacdaddaas dhacday bishii July 2006-dii, isla markaana Mr Sonnet ayaa sheegay inaan weligeed wax sharraxaad ah laga siinin khatarta dhiigga DNA-ga laysugu talaali karo.
Xaakimadii Maxkamada dembigaa qaadaysay, ayaa diiday dacwaddii ninkan Soomaaliga ah ee la xidhiidhay inaanu weligii tegin Kalaabkii la sheegay inay arrintaasi ka dhacday, dabadeedna waxa lagu xukumay lix sannadood oo xadhig ah oo isku noqonayay afar sannadood inuu ku jiro xabsiga. Looyarada difaacayay Mr Jaamac ee Hina Pasha, ayaa habeen hore u sheegay Taleefishanka ABC in go’aan kama dambays ah arrintaa laga gaadhay Jimcihii la soo dhaafay. “Marka laga yimaado inuu Mr Jaamac uu faraxsan yahay, haddana wuxuu awoodaa inuu noloshiisa degenaanso uga raadin karo halka uu doono,” ayay tidhi Looyaradiisa difaacaysay.
Ms Pasha waxay sheegtay in Mr Jaamac wuxuu raadinayay raaligelin shaqsiyadeed oo uga timaada Xeer-ilaaliyaha guud Rob Hulls, kaasoo raaligelintaas si aan qarsoodi lahayn ugu soo bandhigay. Mr Hulls oo arrintaa ka hadlayay ayaa yidhi, “Dawladu may haynin waajibaad sharciyaynayay inay magdhaw siiso Mr Jaamac, balse waxay aaminsanayd in magdawgu ahaa talaabada saxa ah ee lagu dhaqaaqayo, immikana waxa arrintaa lagu wajahayaa iyadoo loo eegayo aayaha degenaanshaha nolosha Mr. Jaamac.”
Qoyska uu ka dhashay Mr Jaamac ayaa la sheegay inay tixgelinayeen talaabo sharci oo laga qaado dawlada gobolka Victoria iyo booliska oo ay sheegeen inuu argagax isku-buuq lahaa ku abuuray wiilkooda intii lagu guda jiray dacwadii ka dhanka ahayd.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Komishanku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan”

Goobjoogayaasha maxaliga ah oo ka hadlay doorashadii qabsoontay
Hargeysa 30, June 2010 (Nnn)- Goobjoogayaal maxali ah oo kormeerayay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii ka qabsoontay Somaliland, ayaa ka hadlay qaabka ay doorashadaasi u dhacday.
Goobjoogayaashan oo uu soo agaasimay ururka ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahi ee Somaliland ee SONSAF, waxay sheegeen in doorashadu ku dhacday nidaam xor iyo xalaal ah, waxayna amaaneen Guddiga Doorashooyinka oo ay tilmaameen inuu si hufan hawshaa u diyaariyay.
Warsaxaafadeed ay SONSAF ka akhriyeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidan; “SONSAF waxay dalka oo dhan ka hawl gelisay goobjoogayaal ka socda bulshada rayidka ah oo dhexdhaxaad ah kana soo warbixiya in doorashadii madaxtooyada ee bisha June 26, 2010 ka dhacday guud ahaan dalkoo dhan. Doorashadaasi waxay u qabsoontay si nabad ah oo lagu qanci karo.
Goobjoogayaasha SONSAF waxay rumeysan yihiin inay doorashadu ahayd mid xor iyo xalaal ah kuna salaysan ixtiraamidda danaha iyo rabitanka dadka reer Somaliland.
SONSAF waxay ka hirgelisay Somaliland oo dhan isku duwid dhexdhexaad ah ee goobjoognimada doorashada madaxtooyada ee bishii Juun 26-da. SONSAF waxay heshay 1000 warbixinood, kana yimi in ka badan 700 oo goobjoogayaal loo tababray lana geeyey in ka badan 900 goob oo codbixineed oo ku baahsan 6da gobol ee Somaliland. Inka badan 40% ee goobjoogayaashu waxay ahaayeen haween. SONSAF waxay adeegsatey foomam goobjoognimo oo isku mida kuwaas oo caddaynaya hab raaca furaha u ah codaynta oo ay ka mid yihiin furida goobta codbixinta, codaynta xidhista goobta iyo tirinta codadka.
Goobjooyaaashu waxay ku ekaayeen goobaha codaynta maalintii oo dhan. Hase yeeshee meelaha qaarkood waxay ka wada shaqaynayeen dhawr goobood oo isku meel ku yaalla ama isu dhaw dhaw. Warbixinta waxay u soo gudbiyeen habraac xidhiidhsan sida goob, degmo, gobol ilaa iyo heer qaran oo hoos imanaya isku duwidda guud ee xoghaynta SONSAF. Magaala madaxyada gobolladu waxay ahaayeen xarumaha xog ururinta xoghaynta SONSAF. Caasimada Hargeysana waa xarunta xog ururinta dhexe ee dalka oo dhan iyo xarunta lafo-gurida halkaas oo lagu caddeeyo tayada laguna lafa-guro dhexdhexaadnimada warbixinaha ee heerarka goobjoogidda doorashada aan dhinacna u xaglinayn.
SONSAF waxay bogaadin iyo hambalyada ugu saraysa u gudbinaysa dhammaan mutawadiciintii wakhtigooda u huray siday u taabagelinlahaayeen sugnaanta iyo hufnaanta habraaca doorashada. SONSAF waxa kale oo u mahadnaqasaa hawlwadeenada guddida doorashooyinka qaranka (NEC) iyo daneeyeyaasha kale ee doorashada siday iskaga kaashaden geedi socodka goobjoognimada.
Marka laga reebo ficillo aan aad u muuqan, SONSAF waxay qirtay in hab-socodkii maalinta doorashadu aad u degganaa oo aanay ka muuqan wax iswaydaaris ihi. Waxay ahayd mid aad loogu soo baxay codayntu gaar ahaan dumarku inkastoo hal gobol ka qaybgalkiisu aad u hooseeyay.
SONSAF waxay aad uga xun tahay rabshadii ka dhacay Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool taasina ay sababtay dhimashada hal qof oo ka socday gudida doorashooyinka qaranka iyo hal qof oo ka mid ahaa ciidamada nabadgelyada.
Guud ahaan, guddida doorashooyinka qaranku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan, waxaanay ku guulaysteen xallinta caqabadihii dhinaca farsamada iyo saadka ee ka horyimid inkastoo gudida doorashooyinka qaranku qirtay in 34 goobo codbixineed aanay furmin xaalado nabadgelyo darro awgeed, wakiillada axsaabtuna way joogeen badiyaa goobihii codaynta ee la soo arkay.
Guud ahaan saalada siyaasadeed ee Somaliland way deggeneyd maalintii doorashada. Sidoo kale, ololihii doorashadu aad buu u nabdoonaa waxanuu waafaqsanaa xeerka anshaxa ee ay saxeexeen saddexda xisbi siyaasadeed, inkastoo guddida kormeerka doorashadu soo weriyeen gefef aan badnayn oo lagu sameeyey anshaxa: Waxa si aan xeerka anshaxa aan waafaqsanayn loo adeegsaday hantida qaranka sida gaadiidka dawlada, Telefishanka Qaranaka iyo shaqaalaha dawlada oo ku lug yeeshay ololihii.
Sharciga cusub ee diiwaangelinta iyo sharciga doorashada ee la cusboonaysiiyay waxay keeneen asaas wanaagsan iyo dib u habayn muuqata taas oo wax wayn ka tartay qabashada doorasho madaxtooyo oo noqotay mid u dhiganta heerka caalami ahaan laysla oggolaaday ee dimoqraadiyada siyaasadaha xisbiyada badan.
Keenidda habka diiwaangelinta cusub ee lagu soo sameeyey liiska codbixiyeyaasha ee dalka oo dhan iyo kaadhadhka habka casriga ah ee codbixinta/dhalashada ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniinta Somaliland waxay muhiim ah u yihiin doorashada madaxtooyada iyo dhinacyada sharciga, hawlqabadka iyo caqabadaha maaliyadeed.
Samaynta guddida doorashooyinka qaranak ee joogtada ah oo madax bannaan kana faaiidaystay waayo aragnimadii wax ku oolka ahayd ee doorashooyinkii hore ee samaynta siyaasadaha qaranka iyo heerarka maaraynta khilaafyada doorashada (sida guddida kormeerka doorashooyinka, golaha dhexdhexaadinta, kooxda kormeerka warbaahinta) iyo qaabka cusub ee xeerka anshaxa ee axsaabta siyaasadda iyo warbaahinta oo ku suntan horumarinta qaab-dhismeedka sharciyeed ee doorashada Somaliland.
Sidii doorashooyinkii hore, SONSAF waxay hoosta ka xariiqaysaa in fulinta guddida kormeerka doorashadu si cad uga muuqanayso in isticmaalka hantida ka dhaxaysa dadka ee axsaabta siyaasadda iyo doorka ay shaqaalaha dawladdu ku leeyihiin ololaha waxa looga baahan yahay inay ixtiraamaan axsaabta siyaasaddu.
Guud ahaan, warbaahintu waxay ka muujiyeen baahin dhexdhexaad ah dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee ololaha axsaabta siyaasadda. Haddaba labadii toddobaad ee u horeeyey, kooxda kormeerka warbaahinta iyo guddida kormeerka doorashadu waxay ku soo warbixiyeen in telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) aanu ixtiraamin xeerka anshaxa waxaanay ku adkeen guddida doorashooyinka qaranku inay tallaabo ka qaadaan sida ku cad xeerka anshaxa.
Maalinta doorashada, goobjoogayaasha SONSAF waxay ku soo warbixiyeen inay codbixiyayaashu xor u ahaayeen inay meel sir ah oo qarsoodiya codkoodii ku dhiibteen, in agabka doorashada si wanaagsan loo habeeyey, taas oo suurtogelisay in hawluhu sidii loogu talogaly u uga hirgalaan inta ugu badan goobihii la soo arkay. Wejigii hore ee maalintii doorashada, tiro dad ah oo aad u badan ayaa u soo baxay waxana meelo badan ka jiray safaf dhaadheer oo si fiican u habaysan. Guud ahaan goobaha codbixintu si wanaagsan ayay isugu duba-ridnaayeen, degganayeen si habboonna loo maamulayay, waxana ka shaqaynayay shaqaale guddida doorashooyinka qaranku soo oggolaatay oo ay ilaalinayeen (dibedda goobaha codaynta) laba sarkaal oo boolis ihi oo ay weheliyaan saddex qof oo ka wakiil ah saddexda xisbi siyaasadeed.
Hadaba, meelaha qaarkood waxa ka jiray dhibaatooyin sida: caddaynta xarfaha magacyada cod bixiyayaasha iyo sida ay ugu kala aadayaan goobaha.
Goobjoogayaasha SONSAF waxay soo weriyeen in goobaha la xidhay wakhtigii loogu talo galay iyadoo dad sugayey inay codeyaan loona ogolaaday.
SONSAF waxay soo dhaweynaysaa isbedellada ay keeneen doorka ay axsaabta siyaasadu ku yeesheen maamulka doorashada, joogitaankooda goobaha codeynta oo guud ahaan wanaagsanayd. Goobjoogayaashu waxay soo weriyeen in tirinta goobaha codbixintu waafaqsanayd hababka inkastoo ay dheerayd. Awoodda in wakiilada axsaabta siyaasadu heleen nuqul lasoo cadeeyay oo ah natiijadii goobaha codbixinta waxay caawisay sugnaanta iyo xisaabta dhabta ah ee habkan doorashada ee xasaasiga ah iyo helitaanka kalsoonida natiijada ka soo baxda.
SONSAF waxay mar dambe soo saari doontaa warbixinta kama dambaysta ah natiijooyinka iyo talooyinka. SONSAF waxay daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan ka codsanaysaa inay wax ka bartaan doorashadan kuna dabaqaan casharada ay ka barteen wareegan dheer ee doorashada si ay ugu fududaato hagaajinta wajiyada badan ee hababka doorashooyinka mustaqbalka, sida doorashooyinkan deeganka ee inagu soo fool leh.
SONSAF waxa lagu dhawaaqay bishii August 2008 waxaanay ka kooban tahay bulshada rayidka ah ee Somaliland, ganacsatada gaarka ah, aqoonyahano iyo haya’daha waxbarashada. Doonista ah inay habayso oo ay abaabusho goobjoogayasha gudaha ee doorashada madaxtooyada ee 2010, guddida reer Yurub iyo Safer World UK-Nairobi ku heshiiyeen inay SONSAF ku caawiyaan taageero maaliyadeed iyo mid farsamo.
Bishii May 2010, SONSAF waxay qoraal isfaham la saxeexatay guddida doorashooyinka qaranka (NEC) oo wadada u xaadhay qaabka isku duwidda ee labada hay’adood wakhtigii la samaynayay hawlaha goobjoogidda gudaha ee doorashada Madaxtooyada.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ceerigaabo: Ciidamada Qaranka oo xabsiga dhigay hawlwadeeno Komishanka ka tirsan, qorshe ay wateena fashiliyay

Ceerigaabo,(Nnn)- Guutada lixaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhigeedu yahay gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay fashiliyeen isku-dayga weerar masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbul-xaakimku ay ku qaadeen xarunta Komishanka dorashooyinka ee magaalada Ceerigaabo.
Siday ay xalay faafisay Idaacada Horyaal, weerarkan waxay xubno xukuumadda ka tirsani ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan hawsha tirinta iyo hubinta codadkii doorashada ee ka soo xerooday guud ahaan gobolkaas.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ciidamada qaranku ay gaashaanka u daruureen kooxo la sheegay inay maleeshiyaad-beeleedyo yihiin oo lagu eedeeyay inay masuuliyiintaasi soo abaabuleen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Yuusuf Ciise Tallabo, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Taliyaha Saldhiga saddexaad ee Ciidanka Qaranka Mr. Muuse Jaamac Dalaf.
Kooxahan la eedeeyay waxa la sheegay inay isku dayeen inay galaan gudaha xarunta Komishanka oo ay ka socotay hawshii tirinta codadku.
Sida warku sheegay, waxay Ciidanka qaranku xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Komishanka ee degmada Ceerigaabo Naalleeye Axmed Sheekh iyo Siciid Cali Ducaale oo ka mid ah hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka ee Ceerigaabo, kuwaasoo warku tibaaxay inay kula jireen masuuliyiinta xukuumada weerarkaa la sheegay in lagu qaaday xarunta Komishanka ee gobolkaas, hase ahaatee waxa la sheegay in hawshii dib-u-tirinta iyo hubinta codadku ay xalay ku dhawayd gebogabo.
Dhinaca kale, wararka ka imanayay gobolka Awdal, ayaa sheegaya inay masuuliyiin xukuumada halkaa ka joogtaa ay cadaadis badan ku saarayeen xarunta Komishanka doorashooyinka oo hawshii tirinta iyo hubintu ka socotay, kuwaasoo la sheegay inay isku deyayeen sidii uu musharraxa xukuumaddu uga heli lahaa codad badan. Labada musharrax xigeen ee Xisbiyada Mucaaradka ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay xukuumadu cadaadis badan ku haysay goobihii doorashooyinka ee Gobolka Awdal. Sidoo kalena, warbixino ay soo saareen Goob-joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba, ayaa lagu sheegay in Gobolka Awdal, gaar ahaan Degmeda Boorame ay ku arkeen caruur aan gaadhin da’dii codaynta oo codadkooda dhiibanayay.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Juun, waxa caalamku u akay mid la jaan-qaadaysa doorashooyinka caalamiga ah ee nidaamka dimuquraadiyadeed ku salaysan.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 28, 2010

Goobjoogayaasha Machadka IRI oo Ammaanay doorashooyinka Somaliland

Hargeysa,(Nnn)- Machadka Daraasaadka iyo Horumarinta Dimuquraadiyada oo magaciisa loo soo gaabiyo IRI, ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinka Somaliland ay si nabadgelyo buuxda ah ku dhaceen, iyada oo aanay dhicin wax dhibaatooyin ahi, isla markaana ay u dhiganto doorashadani heerarka caalamiga ah.
Warbixin uu Machadkan Maraykanka ahi ku baahiyay boggiisa Inter-net-ka ayaa lagu sheegay inay dadweynaha Somaliland si xalaal ah ugu codeeyeen doorashadii afraad ee dimuquraadiyadeed ee dalka ka dhacda. Warbixintoodana waxay u dhignayd sidan: “Boqolaal kun oo qof oo Somalilanders ah ayaa u soo baxay inay codkooda ka dhiibtaan doorashadii afraad, isla markaana inkasta oo doonayaan inay ku gaadhaan aqoonsi caalamiya aan haddana sii sugin sidii ay u dhisi lahaayeen dimuquraadiyadooda socod-baradka ah. Sidaa daraadeed, waa inay beesha caalamku ka abaal-mariyaan horumarka dimuquraadiyadeed iyo tusaalaha ay dalalka kale u tahay Somaliland. Sidii hore loo sheegay, doorashada June 26 si fiican ayay u dhacday; balse maalinta codayntu waa qayb ka mid ah qaybaha balaadhan ee ka dheer geedi-socodka hanaankan, kaasoo isugu jira jewiga ka horeeya doorashada, maamulka ka hor codaynta, maalinta cod-bixinta, iyo tirinta codadka iyo ku-dhawaaqidda natiijooyinka la aqbalayo ee sharciga ah. IRI waxay u soo jeedinayaan xisbiyada siyaasadda iyo dadweynaha reer Somaliland inay sugaan ilaa inta laga soo saarayo natiijooyinka rasmiga ah, ka hor inta aan la soo gunaanadin hanaanka doorashada.
Nabadgelyadu waxay ahayd udub-dhexaadka Somaliland 20-kii sannadood ee la soo dhaafay, waana qoddobka uu Machadka IRI xusuusinayay muwaadiniinta, ururada bulshada, masuuliyiinta doorashada iyo musharrixiinta madaxweynenimo intii ka horaysay codaynta. Iyaga oo codadkooda dhiibanaya Sabtidii doorashada madaxtinimo, ayaa Somalilanders-ku ay muujiyeen jacaylka iyo taageerada ay u hayaan dimuquraadiyadda iyo dhulkooda hooyo. Jewigii doorashada ka hor iyo habkii loo maamulay guud ahaanba waxay ahayd mid xiise leh oo caqligal ka dhigaysa hanaankan. Iyaga oo ololayaashooda ku guda jira si ay u gaadhaan gobollada oo dhan, ayay musharrixiintu aaminsanaayeen inay awoodayeen sidii ay farriimahooda u gaadhsiin lahaayeen dadweynaha iyo warbaahinta madaxabanaanba. IRI way jirtay siday doontaba ha ahaatee, cabashooyin soo gaadhay oo la xidhiidhay isticmaalka xisbiga talada haya ee hantida qaranka, sida taleefishanka dawladu gacanta ku hayso iyo gaadiidka.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC) ayaa u qalma abaal-marin fara badan. Samayntii kaadhadhka diiwaangelinta iyo kaadhadhka bedelka ayaa khaasatan ahayd talaabo hore oo loo qaaday hanaanka doorashada. Samayntii iyo farsamooyinkii la adeegsaday maalintii codaynta ayaa sidoo kale si waaagsan u dhacday. Masuuliyiintii goobaha cod-bixinta ayaa hawlahooda u watay si la-yaab lahayd. Waa markii ugu horaysay ee caalamka weligeed ay Machadka IRI goob-joog u ahaadaan dedaal amaan mudan oo farsamaysan oo ay ardayda jaamacado loo tabobaray noqdaan masuuliyiintii doorashada. Sidoo kale, Machadka IRI waxa cajiib ku ahayd joogitaanka goob-joogayaasha metelaya saddexda xisbi ee siday u badnaayeen goobaha codayntu ka dhacaysay. Kanina waa habka ugu faa’iidada badan ee lagu kala daadin karo musuqmaasuqa.
Dalal kale oo badan iyo siyaasiyiinba ayay tahay inay wax ka bartaan tusaalaha Somaliland, balse taasi waa keliya hadii doorashooyinku ay ku dhacaan si joogto ah waqtiyada loogu talogalay. Xubnaha Machadka IRI oo 19-xubnood ka koobnaa waxa hogaaminayay Madaxa Boodhka IRI ee Richard S. Williamson oo hore u ahaan jiray Ambaasadoor Qaramada Midoobay ah iyo Ergeygii Khaaska ee Suudaan; Constance Berry Newman oo ah Kaaliyihii Arrimaha Afrika ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Kaaliyihii Maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga Maraykanka (USAID) ee Afrika. Weftiga waxay sidoo kale isugu jireen wakiillo ka kala socday dalalka Czech Republic, Kenya, Nigeria, Norway, Sierra Leone, Serbia, Spain iyo United States. Kooxdani waxay goob-joogayaal ka ahaayeen goobihii cod-bixinta iyo tirintii inka badan 70 goobood oo ku kala yaala magaalooyinka Berbera, Borama, Burco iyo Hargeysa.
Xubnaha kale ee weftiga IRI waxay kala ahaayeen:
Rune Aale-Hansen, Chief Information Officer of Norway’s Høyre Party;
The Honorable Sophia Abdi Noor, member of the Kenyan Parliament;
The Honorable Aminu Bello Masari, former Speaker of the Nigerian House of Representatives;
Ambassador Ramón Gil-Casares Satrústegui, former Spanish Ambassador to South Africa and former Secretary of State for Foreign Affairs;
Dr. J. Peter Pham, Senior Fellow and Director of the Africa Project at the National Committee on American Foreign Policy, and non‐resident Senior Fellow for Africa Policy Studies at the Foundation for the Defense of Democracies;
Ambassador Lange Schermerhorn, former U.S. Ambassador to Djibouti;
Petr Sokol, Secretary of the Czech Republic’s Civic Democratic Party Group at the European Parliament; and
Dr. Christiana Thorpe, Chairwoman of Sierra Leone’s National Electoral Commission.
IRI staff also served as observers and assisted in the mission. IRI staff were led by Lorne W. Craner, IRI President and former Assistant Secretary of State for Democracy Human Rights and Labor; Paul Fagan, IRI’s Regional Director for Africa programs; Scott Pool, Resident Country Director for Kenya and Somaliland; and Lara Petricevic, Somaliland Resident Program Officer.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sababaha ka dambeeya guushii ay somaliland dadkeedu ka soo hooyeen , doorashadii dhacday‏

Waxaan salaamaya , oo aan ugu hamabalyeynayaa guusha doorashada, ee ay ku farxeen dhamaan shacabweynaha somaliland meelkasta dunida ha ka joogaane , bacda salaan , waxaan isku dayi doonaa , inaan aragtidayda ku iftiimiyo arrin aanu soomalida kale oo dhan dheeraanay , oo ilaa hadda aanay iyaguna dhaadsanayn , balse ah , lix tiir oo ay somaliland maanta ku tiirsan tahay , alle ( s.w.c ) ka sokowna , aanay halkaas maanta somali oo dhami majiiranayso soo gaadheen , hadaanay jirin , lixdaa qolo oo aan aniga iyo inta ila aragtida ahi u aqoonsan yihiin , tiirarka dhabta ah , ee ay ku taagan yihiin guulaha ay somaliland gaadhay intii ay xoriyadeeda la soo noqotay , isla markaana aan ku guubaabin lahaa inay somalidan arrinteeda xalka loo waayey , inay nagaga daydaan , hadaanu nahay qaranka somaliland iyo dadkiisa.
Bal aan carabaabo anigo mid mid u kala qaadaya lixdaa tiir ee somaliland ay ku faanto oo aanu dheernahay wixii la odhan jiray shanta somaliwayn
(1) Askari , daacadnimo iyo akhlaaq wanaag isku darsaday
(2) Suxufi , daacadnimo , dhiiranaan iyo dhexdhexaadnimo isku darsaday
(3) Guurti , daacadnimo iyo xaqsoornimo isku darsaday ( f.g : guurtidu maaha 82 golaha noo fadhida oo kaliya ee waa qof walba oo nabada iyo wanaaga ka taliyayaaba isla markaana dadka isku soo jiida )
(4) Siyaasi aan axmaq ahayn oo dadkiisa iyo dalkiisaba u naxa , oo harag-daamada ka ilaaliya
(5) Sheekh caalim ah , oo sida alle iyo rasuulkiisu , raalida ka yihiin , caamada diinta ugu bayaamiya oo aan jaahwareer ku ridin
(6) Shacab dantooda u heelan oo kala garanaya wixii u dan ah iyo wixii dhib u horseedi kara

Aan mid walba taabtaabto waxqabadkiisa anigoon buunbuuninayn
(1) Waxqabadka askariga somaliland
Askari somaliland waa mid aan ku fikirin , sida ka dhacda askarta caalamka kale , diraysan aad gashan tahay waa mid aad waxaad doonto , ama danahaaga gaarka ah ayaad ku fushan doontaa, balse askariga somaliland waxa uu ka warqabaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa u shaqeeyo isla markaana ka difaacayo , cadaw dibadeed iyo midka gudahaba , askariga somaliland waa mid aan tacadi ku samayn , isla markaana xaqdhawra shacabka Police, iyo Milatari ka uu doono ha ahaadee, waa askari , binu-aadanimada iyo akhlaaqdii muslinimadu ka muuqato, waa askari marka uu cadawga qabanayo ku faro kulul, marka uu dadkiisa u shaqaynayana aad ka dareemayso , deganaan , dabacsanaan, akhlaaq wanaag , taxadar uu ka taxadirayo , inaanu wax hagardaamo ah u gaysan dadkiisa , mana aaminsana in uu dadkiisa xoogisa askarinimo u muujiyo, ee wuxuu aaminsan yahay odhaahda carbeed ee tidhaahda , qofka binu-aadamka ah wada ugu sahlan ee aad ku gumaysan kartaa waa adigoo wanaag badan u sameeya , dantu qofkaas aad wanaajisay waxay ku khasbin inuu ku adeeco oo kaa dambeeyo, somaliland dadkeedu markay arkeen akhlaaq wanaaga askartooda , dhamaan waxay ka siman yihiin fikirka ah , askarigu inaguu inoo shaqeeyaaye aynu la shaqayno ixtiraam badana ugu muujino la shaqayntaa , madaama baahiyihiisa badan ee uu khaaska u leeyahay dalkeenu maanta wada dabooli karin alse cadawga sida loo karbaasho waa yaqaan, marar badan oo cidda somaliland u cadawga ahi dibad iyo guddo meesha ay doonaan ha ka yimadeene , ay damceen inay shamacaa damiyaan , askarta somaliland talaabadii ku haboonayd way qaadeen , guulna way u soo hooyeen dalka iyo shacabka somaliland, taariikhdaana xusin oo aan ka duugoobayn.
(2) Askariga labaad aan ku baro ( suxufiga qalinka ku dagaalama )
Tan iyo intii somaliland xoriyadeedi la soo noqotay , waxay samaynaysa , astaamo ay ku muujinayso, erayga ah ( xoriyad ) oo ah erayga ay ku andacooto inay u dagaalantay oo 500,000 qof kaga baxeen sida ay u heli lahayd eraygaa kaliya ee ah xoriyad, waa laga yaabaa in dadka qaar u yaqaanaan erayga xoriyad , dhul , ama dad , balse waa eray intaas ka macno balaadhan , dhulkuna haddaanad xoriyad ku haysan macno kuguma fadhiyo , waxaana tusaale kugu filan , walaaleheena falastiin .
su,aasha meesha taal ayaa ah somaliland eraygii dalkeedu u burburay isla markaana kumanaan ay jeclayd u wayday ma heshay mise wali may helin?, su,aasha jawaabtan waxaa ka jawaabaya ninka suxufiga la yidhaahdo ee somaliland ka hawl gala , warbaahinta uu ka hawl galaa mida ay doonto ha ahaatee ( sida , websideyada , wargeysyada, tvyada , ) balse madaxa banaan ee aan loo yeedhin waxa ay qorayaan, isla markaana shaqada ay dadkooda u hayaan , aan cidna uga gaban , agaasime , wasiir , ama madaxweyn ka uu doono ha sheegte, hadii mur ay ka qadhaadhahayna, runta kolba shacabku ku sugan yahay soo gaadhsiiya, isla markaana ka taxadara in warbixintaa uu gudbinayaa keento isku dhac ama qalalaase hor leh , oo waa nin masuuliyada uu hayaa inay tahay seef laba afleh oo dhanka xunna loo adeegsan karo dhanka wanaagsana loo adeegsan karo garan kara, isla markaana mixnadiisa aan runta ku dabooli ee banaanka ku keena , isaga oo ka taxadiraya dhibka ay leedahay warkaa uu gudbiyaa , balse xagga wanaagsan ka eega.
waana askari meelaha qaar kaga wanaagsan askariga qoriga sitta, sida wasiirada iyo madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiintaayada khaldanta ama dhibka soo wada waddada aanu kaga cabano ama iskaga qabanaa waa wiilashaa iyo gabdhahaa dada yar ee u dibad-gaaloobay difaacida rayidka , uu ninka masuulka ahi ama siyaasiga ahi ku tuman lahaa.
waana waxyaabaha aanu dhamaan shantii somaliya lagu magacaabi jiray kaga duwanahay

(3) Guurtinimo
Erayga guurti fasilaad badan iigama baahna oo somali way wada taqaan ,balse halka uu waxqabadka somaliland kaga jiro aan yara xuso , somaliland waxay somaliyada kale dhamaanteed ku dhaanta oo ay nasiib u yeelatay , marka horeba in odaygeeda la tixgaliyo oo wiilka dhalinyarada ahi ka dambeeyo odayga guurtida ah , isla markaana aanu garab boodin ee uu u daayo talada , isla markaana adeeco go'aamada ka soo baxa , kolba arinta taagan cidda ka guurtiyeysa , guurtidaasina waxay ka dheeraataa inay ku kacdo wax eex noqon kara , illaahay dartiina arin kasta oo timaada dhexdhexaad ayey uga noqdaa, waana tallo waayeel waxa ay somaliland halkaas ku soo gaadhay , walow aad moodo in hadda qoladii , aanu sida gaarka ah guriga Guurtida u fadhisinay ay siyaasadii ku dhex milmayaan, waana arin khatarteeda leh , hadaan intay dhaw dahay xal loo helina dhibkeedu badan , saamaynteedana dalka iyo dadkaba waa ay ku yeelan, waayo siyaasigu waa cadaw , hadii uu arrinka odayga kala hoos baxana sida somaliya hadda ka taagan ayay noqon, oo odaygii waxba laga dhagaysan maayo , wiilkii dhalinyarada ah wuxuu noqon doonaa sida somaliya agab uu ninka siyaasiga ahi danihiisa ku fushado
waana wax alle loogu mahadnaqo in odayaasheenu cuqaal , waxgarad , abwaan , mutacalim ka uu doono ha ahadee ,garanayo macnaha guurti , isla markaana danta dalka iyo dadkaba dhexdhexaad ka yahay
(4) Siyaasi dadkiisa u naxa
siyaasiyiinta somaliland maaha , siyaasiyiin damacooda oo qudha tixgaliya, ee waa siyaasiyiin waxbadan eega isla markaana aan ka talaabsan danta dalka iyo dadka , oo aan dan khaasa oo ay leeyihiin u halaagin , ummada ay masuulka ka yihiin, balse hadii ay dhici lahayd sida ay u walaaqayaan siyaasiyiintu walaalahena somaliya meeshaas aynu hadda joogno maynaan soo gaadhnee
tusaalena waxa kugu filan , markii qamaamuurta kulmiye lagu yidhi 80cod ayaa laydinkaga helay , hadii ay damacooda ku sii taagnaan lahaayeen wax badan ayey kharibi lahayeen , balse dalka oo ay lexjeclo ka haysay ayey uga tanaasuleen cabashadoodii,
tii kale ee maalintii dhawayd saddexda xusbi dalka ku badbaadiyeena guul kale oo siyaasiga somaliland u soo hoyatay ayey ahayd , doorashada soo socotana alle xaqqa ha garan siiyo , komishanka , cidii ku guulaysatana waxaan filayaa inay labada kale u hambalyeyn doonaan , oo ay taariikhda ku gali doonaan waxaan afrika ka dhicin
(5) Sheekh diinta islaamka sida xaqqa ah u sheega
alle s.w.c umadiisa diinta isku si umuu wada barin , dalkastana waxa uu maalinta qiyaame kala xisaabtami doona kolba inta uu fursada u siiyey diintiisa macaan inay bartaa, cidii si khaldan u adeegsatana , alle waa yaqaan waxa uu abaal uga dhigi doono, waana ayaan daro hadda somalida ku soo koradhay in waxaan diin ahayn diin lagu sheego isla markaana , kitaabkii alle laga dhigo ( la jiifiyaana banaan ) oo aad arkayso laba nin oo culimo sheeganaya isla markaana midba aayad quraan ah soo daliishanayo , danahiisana ka dhex eegayo , ka fikirka kaga soo hor jeedo ku tilmaamayo ( gaal ) subxnalah , allahayow yaqiinta ha naga xumayn.
somaliland dadkeedu way ka nabad galeen , culumo isku sheeg caamiyaha wareerisa , isla markaana kitaabki alle ka dhigata , madedaalo qofba sida laabtiisu jeceshahay u marsado
waana culimo wixii alle kitaabkiisa ku diiday dadka u diida , wixii ku dhiiriyeyna ku guubaabiya inay sameeyaan si dambi dhaaf iyo naxariis ay xagga alle uga helaan
(6) Shacabka
Waa shacab yaqaana colaada iyo nabada farqiga u dhexeeya , horumarka iyo burburka farqiga u dhexeeya , isla markaana waa dad muwaadinimadu ka dhab tahay oo isku tanaasulka iyo istixgalinta dhexdooda ah yaqaan , waxaanad ka dareemaysaa marka ay sidan 26 jun dhacday oo kale iskugu yimadaan , kooda jilicsan waa ay ixtiraamaan , kooda naafada ah way u gargaaraan,
waana dad garaadkoodu sareeyo oo aan in gaar ahi ku shuban karin danaha gaarka ah ee ay kooxdaa gaarka ahi leedahay , ku darsoo waa dad baraarugsan oo intaanu ciidanku cadawga qaban isku taxalujiya inay iyagu qabtaan oo qofka ama kooxda dalka harag daamada u wada aan la sugin ciidanka dalka balse waxwalba isku daya inay iyagu saxaan, iyagoo dhexdooda is tixgalinaya sida uu qof kasta oo ololihii somaliland saddexda todobaad ka socday , ogaa , dareemi karo ama ka dheehan karo , sida shacabka somaliland u yihiin dad isku xidhan, waana sababaha somaliland halkaas soo gaadhsiiyey.
Somaliland qodobaddaas aan kor ku xusay ayey ku caano maashay , somalida kalena alle ha garan siiyo , wixii ay xaq u leeyihiin

Allena ummada islaamka ha u gargaaro meelkasta oo ay dunida kaga nooshahay dhibkana ha ka dul qaado

Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed
Hargeysa, somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 26, 2010

Somaliland: Isu-ekaanshaha maanta iyo 50 sannadood ka hor!!

Siciid Maxamed Askar
Dhamaan gobollada Somaliland ayaa saaka waxa si isku mid ah uga bilaabmaya u dareerida cod-bixinta doorashada madaxtooyada, taasoo dadweynaha Somaliland ay inbadan ku hamiyayeen inay mar uun si nabadgelyo uga qaybqaataan.
Haddaba, waxa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay u kala dhaqaaqay gobollada iyo degmooyinka Somaliland hawlwadeenada iyo muraaqibiinta doorashada, sidoo kale waxa iyaguna maalintii shalay lixda gobol ee dalka u kicitimay inka badan 70 goob-jooyaal caalami ah oo ka kala yimi dhamaan dacalada dunida, goob-joogayaashaas caalamiga ah oo hawshooda ugu wayni tahay inay bulshada caalamka u gudbin doonaan oo uga warbixiyaan siday u dhacdo doorashadan madaxtooyada ee maanta ay ummada reer Somaliland nasiibka u yeesheen inay codkooda si xor iyo nabadgelyo ah u dhiibtaan nus-qarni ka dib markii markii ay xornimadooda ka qaateen isticmaarkii Ingiriiska.
Haddaba waa maxay faraqa u dhexeeya ama waxa ay iskaga mid ka yihiin 50 sano ka hor iyo maanta oo ay dadka reer Somaliland u dareerayaan doorashada madaxtooyada markii labaad?

50 sano ka hor maanta oo kale ummada reer Somaliland waxay u ahayd maalin aad iyo aad u qiimo badan iyagoo in ka badan boqolaal sano la soo tacaalayey sidii ay maruun iskaga dulqaadi lahaayeen guumaystihii waqtigaa dusha ka haystay, waxaanay dedaal dheeri u galeen oo ay af iyo adinba ay ula tageen aqoonyahankii, waxagaradkii iyo abwaanadii waqtigaa hormoodka u ahaa ummadan reer Somaliland sidii ay dalkooda hooyo u noqon lahaa mid ay si xor ah ugu madaxbanaadaan, balse illaahay mahadii waxay nasiib u yeesheen shacbi weynaha Somaliland maanta oo kale nus-qasrni ka hor 26 June 1960-kii inay ka xoroobaan guumaystihii inbadan madaxa kaga fadhiyay iyadoo maalintaa ay dadka ku dhaqan Somaliland u ahayd maalintoodii ugu qiimaha badnayd maadaama oo ay iska dulqaadeen heeryo saarnayd muddo ka badan boqolaal sannadood, isla markaana ay rajaynayeen inay si xor ah ugu naaloon doonaan wadankooda hooyo. Xornimadaa ay ka qaateen isticmaarkii Ingiriika maalmo kooban ka dib, waxay dadka ku dhaqan Somaliland si aan ka fiirsi lahayn ula midoobeen gobolladii Koonfureed oo waqtigaa iyaguna xornimada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga. Hase ahaatee, nasiib-darro 9 sano ka dib, ummadani waxay la kulantay gumaysi labaad iyadoo 1969-kii 21 October uu af-gembi kula wareegay talada Maxamed Siyaad Barre wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya.
Isla waqtigaa uu Ina-Siyaad Barre wadanka xooga kula wareegay waxa meesha ka baxay rajo fara badan oo ay ummada ku dhaqnaa Gobolladii waqooyigu qabeen, waqti yar ka dibna wuxuu Siyaad Barre saaray caddaadis dheeraad ahaa oo dhinac walba leh dadweynihii reer waqooyiga ahaa, kuwaasoo laga curyaamiyay dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, horumarka adeegyada aasaasiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, dedaal iyo halgan fara badan oo naf iyo maalba ku baxay ka dib, waxay ummada reer Somaliland mar labaad iska dulqaaday keligii-taliyihii Siyaad Barre nidaamkiisa. Iyada oo midhihii halgan uu yahay ka aynu maanta guranayno ee saaka oo ay bishu tahay 26 June 2010-ka u dareerayno doorashadii madaxtooyada markii labaad inagoo rajaynayna inuu Illaahay si nabadgelyo ah inoogu dhameeyo, taasoo muujinaysa kala-dambaynta iyo dimuquraadiyada ka hirgashay dalka Somaliland.
Haddaba, waxyaabaha la odhan karo 50-kaa sannadood ka hor iyo maanta waa isugu mid ummada reer Somaliland, waxa ka mid ah kalsoonida iyo rajada ay ka qabaan inay samayn karaan isbadel la taaban karo, kaasoo sida ay filayaan u horseedi kara horumar dhinac kasta ah, iyaga oo 50 sano ka hor maanta oo kale filayay inay wadankooda xor u noqon doonaan, isla markaana rajo badan ka qabay inay isbadel mustaqbalka dalkooda ah iyagu gacantooda ku samayn doonaan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga u Taxaabtay Tifatiraha Shabakada Wararka ee Baadiya.com

Hargeysa, (Nnn)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay xabsiga u taxaabtay Tifatiraha shabakada Wararka ee Baadiya.com Xadiis Maxamed Xadiis, iyada oo lagu xidhay saldhiga dhexe ee booliska ee magaalada Hargeysa.
Ilaa hada si rasmi ah looma oga dambiga lagu haysto weriye Xadiis Maxamed Xadiis iyo cida soo dacweysayba, basle sida ay warbaahinta u caddaysay xaaskiisu, ciidamo ka socday hay’adda dambi baadhista ee CID-da, ayaa fiidnimadii xalay ka qabtay hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo u si toos ah ugu dhaadhiciyey saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
“Looma sheegin sababta loo xidhay, markii aanu askara booliska weydiinayna way na diideen inay nala hadlaan iyo inay noo sheegaan sababta loo xadhay Xadiis iyo cida soo dacwaysaba, kamaradii iyo furihii gaadhiisana way noo diideen, markaa anigu ma garanayo sababta uu ku xidhan yahay ee wuxuu ku jira saldhiga dhexe ee maagalada Hargeysa,” sidaa waxa tidhi; xaaska weriye Xadiis Maxamed Xadiis oo xalay u waran tay qaar ka mid ah saxaafada Somaliland.
Maaha markii u horaysa ee xabsiga loo taxaabo wariye Xadiis Maxamed Xadiis, balse waxa jiray xadhigyo kale oo lagula kacay wariyaha, iyada oo aan mar qudhana wax dambi ah lagu helin, lamama garanayo sababta ciidanka Somaliland u bartilmaameedsanayan weriyaha ku shaqaysta mihnada saxaafada.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Haddaan Taageero Waayey, Ma Tabaan Waayey?!!

Dadweyenaha sharafta leh ee reer soomaaliland waxan ku salaamayaa salaanta islaamka asalaamu alaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu. Ayadoo oo maanta loo dareeray codbixintii doorashada Madaxweynaha, waxaan Illaahay ka baryeyaa in ay si nabadgalyo ah inoogu dhacdo.
Waxan jecelahay inaan sii baraarujiyo shacbiga isbeddel-doonka ah si ay codkooda uugu hubsadaan xisbiga kulmiye oo masiirka dadka iyo dalkuba ku toosayo.
Taageerada xisbiga Kulmiye oo buuxdhaaftey iyadoo lagaasoo digaroganayo xisbiga Udub, Maxaa u sabab ah?
1. Kaarbetkii Casaa ee Odweyne (The Odweyne Red Carpet Reception)
Kadib socdaalkii Mujaahid AHMED MOHAMED MOHAMOUD SIILANYO ku tagay Odweyne, waxay anfariir iyo layaab ku noqotay xisbiga Udub oo beesha Odweyne isku halaynaysey.
2. Taageerada ay beesha saaxil ay siisey kulmiye, iyadoo Udub iskuhalayneysey oo qoondeysatay inay helayso taageeradooda.
3. Wasiirada, xildhibaanada, madaxdhaqameedada, fanaaniinta iyo wakiilada xisbiga UDUB oo si xaddhaafa uugu soo biiraya kulmiye, waxay u qooskoysay rajadii ay ka qabeen in ay doorashada madaxtooyada ku guulaystaan.
4. Xisbigii Udub Oo U Eekaadey Boqortooyo Burburaeysa.
Qodabadaa iyo qaar kale oo badani , waxay kaliftey in xisbiga UDUB tabihiisii siyaasadeed u badalo habar dhaliweydey aleelo ku waalatey.
• Kaadhadh la iibsado.
• Dacaayad raqiis ah.
• Beelo colaad lagu kala dhex abuuyro.
• Tvga qaranka oo laga mamnuuco xisbiyada mucaaradka.
• Hantida qaranka oo gaar loo adeegsado ( violation of code of conduct).Dardaaran: xisbiga kulmiyey waxan leeyahay weynuguulaysan inshaallaahu ee sodaha siigada ka qunyara.

QORE. Abdulkhaliq Mohamed Sheikh Osman NUR

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Shacbiweynaha Somaliland oo saaka u dareeray goobaha Codbixinta, safaf dhaadheerna u galay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaamiyaha talada haynaya 5ta sanno ee soo socda

Hargeysa, (Nnn)- Dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa Saaka subaxnimadii hore u dareeray Goobaha Codbixinta ee Doorashada Madaxtooyada oo saaka 7:00 subaxanimo si rasmiya uga bilaabantay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo soo dooran doona madaxweynaha Somaliland hogaamin doonta shanta sanno ee soo socota.
Hal Milyan Sagaal iyo Lixdan Kun iyo Sagaal Boqol iyo Afar iyo Toban qof ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya guud ahaan Dalka, kuwaas oo ah Dadkii qaatay Kaadhadhka Cusub ee codbixinta Doorashada.
Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa waxa saaka subaxnimadii hore u jarmaaday goobihii ay hore iska diiwaan geliyeen si ay codkooda uga dhiibtaan kumanaan dadweyne ah, kuwaas oo safaf aad u dhaadheer u taagan goobaha ay magaalada Hargeysa saaka ka bilaabantay codbixintu.
Dadweynaha magaalada Hargeysa ee safafka ugu jira doorashada madaxtooyada, ayaa waxa si weyn uga muuqata sida ay uga go’an tahay in ay qoraxda u taagnaadaan sidii ay codkooda uga dhiiban lahaayeen goobaha codbixinta, isla markaana ay u dooran lahaayeen madaxweynaha Somaliland hagi doona shanta sanno ee soo socota.
Dhinaca kale Saddexda Murasahaxa ee u tartamaya jagada madaxtinamada dalka ee ka kala socda saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye, UDUB iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa ay saaka codkooda ka dhiibteen Guriga Hay’ada Shaqaalaha dowlada ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay hore isaga diiwaan geliyeen.
Waxaanay hadalo kooban oo ka dib markii ay codeeyeen dadweynaha u jeediyeen kaga codsadeen in ay si nabadgelyo ah codkooda u dhiibtaan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 24, 2010

SHARCIGA iyo SI XUN U ADEEGSIGA LACAGAHA OLOLAHA DOORASHOOYINKA

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxaan qabaa in qof kasta oo leh aqoon Diineed ama mid Sharciyeed iyo mid fahamka Nidaamka dawladeed ahba ay waajib ku tahay in uu ka hadlo oo uu ka hortago wax kasta oo mujtamaca fasahaadin kara ama xumayn kara Nidaamka Guud, Anshaxa wanaagsan iyo wax kasta oo keeni kara musuq-maasuq iyo wax isdaba marin ah.
Sidaas darteed anigoo og duruufaha dhaqaale xumo ee bulshada ku xeeran iyo aqoon la’aanta nidaamka dawladnimo ee la xidhiidha xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhexeeya Dadka iyo Dawladooda ee haysata, ayaa waxaan halka isku deyayaa inaan si guud uga halo arimo maalmahan dambe suuqa ku jirtay oo ah Si Xun U Adeegsiga Lacagaha Ololaha Doorashooyinka oo la xidhiidha Kaadhadh-iibsi iyo is daba marin nidaamka cod-bixineed ee doorshadan madaxtooyada, iyada oo ay haboon tahay in laga hortago in Dadku ay noqdaan bulsho-maadiyiin ah (Materialisms) oo lacagtu ay ka qaalib noqoto, qiimaha dadnimaduna ay ku yaraato ama meeshaba ay ka baxdo, waxaana hubaal ah in haddii ay dhacdo taasina ay lumayso Qiyamkeenii ummadeen (Our Social Values). Waxay kaloo sababaysaa in Qofka wanaagsan aynu ku weyno sabab lacageed.

SHARCIGU MUXUU KA QABAA?!!
Sharcigu ugu horayn, wuxuu nidaamiyaa hab-u-dhaqanka Aadamaha (Human Behaviors), Sidoo kalena wuxuu ilaaliyaa Nafta, Sharafka, Hantida, Diinta iyo Dhaqanka suuban ee ummadda, wuxuu kaloo Nidaamiyaa xidhiidhada-macaamileed ee dhexmara aadamaha dhexdiisa, wuxuuna xaddidaa xaqa isticmaalka Hantida/Maalka, Sharciguna ma ogola in qofna xoolihiisa uu u adeegsado (isticmaalo) si khaldan oo lid ku ah xuquuqda dadka kale, ama in la fasaqo Nidaamka Guud iyo Anshaxa suuban, xataa Sharcigu ma ogola in qofna uu burburiyo ama si qayrul caadi ah uu u daa-daadiyo xoolihiisa/hantidiisa gaarka ah, waxay sababtaa in Sharcigu qofkaas ka joojiyo Xaqii Tasaruf ee Isticmaalka Hantidiisa, waxaanay qofkaas Maxkamaddu qoraysaa sida safiiha oo waxay soo saaraysaa Qaraar caynkaas dhigaaya.

Haddaba, saddexdan Xisbiba Qaran ee UCUD, KULMIYE iyo UDUB-ba Lacagta ay ku Ololaynayaan ha ahaato mid Dawladdeed ama mid ay jaaliyadaha dibadda ama/iyo mid xisbiyada dhexdoodu ay iska soo ururiyeenba key doonto ha ahaatee waa hanti Ummaddeed oo dad Reer Somalilanders ahi ay leeyihiin oo ujeedada loo soo ururiyey ama loo soo qaadhaamayba aanay ahayn in lagu waxyeelo nidaamka guud.

Ma Banaantay in Dadka Kaadhadhka Cod-bixinta Laga Iibsado?!! Ama in La Dhaariyo?!!
Jawaabtu waa maya. Waana waxba kama jiraan (Null and Void) Heshiis kasta oo Dadka lagula galo wax lid ku ah Nidaamka Guud iyo anshaxa wanaagsan ee ummadda Waxaana taas u daliil ah Qodobka 133 ee Xeerka Madaniga ah oo u dhigan sidan “Haddii Mawduuca waajibku khilaafsan yahay Nidaamka Guud iyo Anshaxa wanaagsan waxba kama jiraan heshiiska, sidoo kale waxaa la mid ah haddii uusan waajibka lahayn sabab ama sababtiisa khilaafsan tahay Nidaamka Guud ama anshaxa.” Horta iib haddaad maqashidna meeshaas heshiis baa jira, Heshiisyadana Sharciga ayaa nidaamiya, Noocyada Heshiisyaduna way fara badan yihiin. Qodobkani wuxuu si fiican uu inoogu muujinayaa doorka Sharcigu uu ka ciyaaro muhiimadda ay leedahay in laga hortago wax kasta oo fasahaadinaya musjtamaca.

Sidoo kale, waxa waxba kama jiraan ah Heshiis kasta oo dadka lagu dirqiyo, ama lagu dago iyadoo lagaga faa’iideysanaayo xaaladda Qofka iyo/ama Duruufaha baahiyeed ee Dhaqaale Xumo, waxaana u daliil ah markaynu Diinta soo qaadano xadiiska Rasuulkii Illaahay (NNKH) uu yidhi ee macnihiisu yahay sidan“Ummadayda waxaa Laga Kor Qaaday (aan loo qabsanayn) saddex arimood (1) Wixii Khadda’ kaga dhaca; (2) wixihi Illowshiiyo kaga dhaca iyo (3) Wixii Lagu Dirqiyo ee lagu Khasbo” Sidaas darteed waa waxba kama jiraan (Null and Void) wixii qofka lagu dirqiyo rabbitaankiisa kasoo horjeeda.

Haddaba, waar LACAGI waxay Gashaa CALOOSHA lakiin magasho Maskaxda oo Qofna Dammiirkiisa iyo Rabitaankiisa/Caqligiisatoona laguma iibsan karo Qiime yar oo lacageed. Sidaas darteedna qofkastaaba waa inuu ogaadaa in cidda lacag lagu bardaamiyaa ay tahay cid/qof la quudhsaday. Sidaas darteed, waxaan Dhammaan Dadweynaha JSL aan u sheegayaa inay ogaadaan in cidda kuu quudha ee kaala xishoon wayda ay cid jiritaankaaga xaqirtay. Waxaa kale oo Dadweyne haboon inaad ogaataan in lacag yar oo lagu siiyaa aanay caddaabta illaahay kaaga filnayn/kaa celinayn, sidoo kale qofka aad Dulmiga ku raacdaa, isaga ayuunbaa illaahay uu dib kuugu salidaa oo ku dulmiyi doona.

Haddana, dadweyne waxaan idiin sheegayaa Nabadgelyadan la sheegaa ee dalkani uu ku faanaa waxay tahay mid ka timid xagiina, laakiin ma aha mid ka timid dhinaca Dawladda oo maamul wanaag ku timid. Tallaabada maamul ee ay Dawladdu qaadaa iyo warqadda ay qortaaba waxay abuurtaa Nabadgelyo daro, oo cid bay Dulmidaa oo xuquuqdiisa ay ku xad-gudubtaa, oo marka maamul xumadu ay ugu yar tahay waa mar Dhul-Jago ah ay Dawladdu u soo kala Sharciyeyso laba qof oo kala duwan dabadeedna halkaa madaxa ay isla galaan dadkii. Sidaas darteedna waxaan idinka codsanayaa in maantana caddaaladdu ay dhinaceena ka timaado, oo aynaan u kala eexan saddexdan musharax ee tartamaya.

Sidoo kale , arintani waxay si toos ah uga soo horjeedaa ujeedada Doorashada iyo mabaadiida dimuquraadiga ah ee inay dhacdo “Doorasho Xor iyo Xalaal ah”, markaa haddii iib uu meesha soo galo waxaa meesha ka baxaysa Xornimadii Qofka ee ahayd inuu si xor ah u codeeyo, iyo Xalaalnimadii doorashada. Qabiil iyo lacagi inaga difaaci maayaan caddaabta illaahay. Waxaan idin xasuusinayaa halku dhigii dadkeenii hore ay ka tegeen ee ah “Berberi Ka Weyn Wax Go’ Lagu Qaado” iyo murtida kale ee tidhaahda “Waad Baahan Tahay Looma Bahalo Cumo”

Dadku waxay xaq u leeyihiin in la dhawro Xorriyadda Dammiirkooda. Dalkeena ma jiro wax Qawaanuun ah oo nidaaminaya habka ay Ururada/Xisbiyada Siyaasaddu ay u ololaynayaan. Si loo helo madax iyo siyaasiyiin dhawrsan waxaa Dadweynuhu ay u baahan yihiin in dalka loo sameeyo xeerarkan;
1. Xeerka Ololaha Doorshooyinka (Electoral Campaign Act);
2. Xeerka Hab-u-Dhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dalka (Public Official and Politician Behavior Act);

DIGNIIN: waxaan uga digayaa Musharixiinta saddexda Xisbiba iyo cid kale toona waa in aanay ummaddan u horseedin dariiq xun oo Wax-is-daba marin, Musuq-maasuq iyo Cid u eexasho waa inay ka digtoonaataa oo ay ka dhawrsanaato caddaabta Illaahay. Sidoo kale waa in Madaxdu ay Ogaataa in Illaahay (SWT) wuxuu inaga mamnuucay/Reebay in Arlada aynu Fasahaadino.. Waxaana muhiim ah in mar walba la xusuusnaadaa in qiimo kasta oo lacageed oo lagu siiyaa aanay kaa difaacayn CADDAABTA ILLAAHAY. Illaahay ha inaga badbaadiyee Aamiin, Aamiin .Sidoo kalena

(Allaahumaa Laa Tajcal Al-Dunyaa Akbara Hamminaa Walaa Mablaqa Cilminaa) Allaahumaa Aamiin,

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige)

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiiro iska casilay Xukuumadda Rayaale, kuna biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa 24, June 2010 (Ogaal)- Xubno ka tirsanaa golaha Wasiirada Somaliland, ayaa cadeeyay inay iska casileen xilalkii ay hayeen.
Xubnahan oo kala ah wasiiradii Madaxtooyada iyo Wershadaha Mr. Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin) iyo Axmed Cali Ubaxle, waxay sheegeen inay xilalkii ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka hayeen iska casileen, kuna biireen xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Labadaa xubnood oo xalay goor dambe shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen inay go’aankaa qaateen ka dib markii murashaxa xisbiga ay ka tirsanaayeen ee UDUB Mr. Daahir Rayaale Kaahin ka gaabiyay inuu xisbiyada Mucaaradka tartan la galo. “Anigoo ahaa wasiirkii Madaxtooyada Somaliland, waxaan caddaynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay qaranka,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale. “Waxa kale oo aan iska casilay xubinimadii xisbiga aan ka tirsanaan jiray ee UDUB,” ayuu raaciyay.
Mr. Xasan-Macalin waxa uu ka hadlay sababta ku keliftay inuu iska casilo xilka wasiirnimo oo uu muddo dheer ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Sababta igu keliftay inaan iska casilo xilkaa wasaaradda Madaxtooyadu waxa weeye, haddii aanu ahayn xisbiga UDUB waxaanu lahayn murashax, wuxuuna ahaa Daahir Rayaale Kaahin – Madaxweynaha Somaliland, murashaxaas baana noo taagnaa, laakiin murashaxii noo taagnaa baa ka baxay tartankii loolanka siyaasadda. Maadaama uu murashaxii noo taagnaa tartanka ka baxay, ololihiina ka fadhiistay cid aan dhisaa meesha joogtaa ma jiro, taas baana nagu keliftay in aanu iska casilo hawshaa. Taasi way noo muuqatay anaga, si wanaagsana way noogu muuqatay anagoo hawshii gudaheeda ku jira, xogogaalna u ah,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Dadka taageerayaasha ii ahaa dhamaantood, waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan oo ay codka siiyaan xisbiga KULMIYE, waanan ku dhiirigelinayaa.”
Wasiirkii Wershadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu jeclaystay inuu ka muquurto inuu tartan u galo xilka uu u sharaxan yahay, taas bedelkeedana waxa uu amaanay qaabka xisbiyada Mucaaradku ololaha u galeen. “Anagu Madaxweynenimo maanu doonayn oo wasiiro ayaanu ahayne, murashaxayagii mar haddaanu diyaar u ahayn inuu tartamo ama hawsha wax ka galo, anaguna taas ma doonayno in aanu ku keliyaysano, sidaa darteed baanan iskaga casilay xilkaa. Markaa wixii hadda ka dambeeya, waxaan jecelahay in la helo dadkii aan muddadaa ku hawlanaa cid ka faa’iidaysata codkooda. Markaan eego dedaalada ay sameeyeen xisbiyada kale (Mucaaradku), qaabka ay u abaabulan yihiin iyo siday hawshu ugu kala qaybsan tahay, waxaan filayaa runtii in taas lafteedu hinaase badan I gelisay, waanan jecelahay dadkaygii inay noqdaan kuwo maanta taageerayaal u ah ama gacan siiyay xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Mr. Ubaxle.
Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu kaga baxay inay soo daad-gureeyaan dad uu ku tilmaamay reer guuraa kaadhadhka cod-bixinta qaatay, loona baahnaa in loo fududeeyo sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. “Murashaxayagu nooma sahlin ama nooma meel dhigin qaab aanu dadkaa tasiilaad ugu samayno – ilaa xad muraaqibiintii xisbigu lahaa cidlo taagtaagan yihiin oo aad ka naxayso hawlaha na haystay,” ayuu raaciyay.
Labadan xubnood ee xilalkii ay hayeen iska casilay oo ka soo wada jeeda degaanka bariga Burco, waxay ku doodeen inay ku rejo wayn yihiin in xisbiga ay u digo-rogteen ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada.
Mar la waydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu Murashaxa xisbiga UDUB tartanka uga muquurtay, waxay sheegeen in ilaa bilawgii ololaha aanu u muuqan murashax rejo ka qaba doorashada, isla markaana aanu isu diyaarin inuu tartan la galo Mucaaradka tartanku ka dhexeeyo. Hase yeeshee, waxay ku doodeen inay iyagu hawsha intii kaga beegnayd dedaal u galeen, isla markaana aanay garanaynin sababta uu Madaxweyne Rayaale ugu dedaali waayay inuu tartanka ka midho dhaliyo. “Halganka si fiican baanu ugu jiray, daacadna waanu u ahayn, saaxiibkay, murashaxayagii UDUB qaabkii aanu ugu talogalay ololaha wuu ka fadhiistay…..Waxa noo cadaatay in hawshii aan haya isa soo xidhay,” ayuu yidhi Mr. Macalin oo la waydiiyay inuu faahfaahiyo waxay uga jeedaan in Rayaale aanu tartankiisa niyad u gelin. “Ololuhu maaha in meelahaa la marmaro, in aanu rejoba ka qabin oo uu ka hawl yaraystay iyo inuu qaab kale oo aanaan garanaynin u dhigay garan mayno,” ayuu raaciyay.
Xubnahan is casilay waxay muujiyeen in aanay weli rasmi ahaan Madaxtooyada u gudbin iscasilaadooda. “Way qoran tahay, waana la gudbinayaa,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 23, 2010

Shalay: Sagootintii Ololaha ee Shimbiraha, Sacabkii dadweynaha & badheedhihii Suugaanyahanka

Hargeysa,(Nnn)- “Walaalayaal waxaanu maanta haddaan xisbiga KULMIYE murashax u ahay aan la tartamayaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu dalka haystay siddeed sanadood, wax alla wax dalka laga qabtayna waad ogtihiin oo maanta ma jirto, wax alla wax lagu faanaa ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed oo ka hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Madaxweyne Rayaale.
Dadweyne aad u tiro badan, ayaa magaalooyinka dalka isugu soo baxay maalinta u dambaysa ee Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE oo shalay ahayd. Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha sida aadka ah shalay isugu soo baxeen dadku, waxaana halkaa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa xaaladda dalka, taas oo ay metelayeen, isla markaana sameeyeen Abwaano ay ka mid yihiin, Maxamed Aadan (Dacar), Xasan X. Cabdilaahi (Ganey) Ismaaciil Cabdi (Basbaas), taas oo ay nuxurkeedu ahayd in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu ku tagri-faleen taladii dalka, isla markaana ay ku jireen Heeso ka dhan ah.
Ka hor intii aanu halkaa khudbadda ka bilaabin Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa dhalinyaro ku labbisan Calanka KULMIYE, waxay hawada u sii daayeen Shimbiro cad-cad, hase ahaatee, loo mariyay Rinji ka kooban labada midab ee Calanka KULMIYE ee huruudda iyo Cagaarka, taas oo aan hore loogu arag fagaarayaasha Ololaha Doorashada.
Axmed-Siilaanyo, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waad ogtihiin Daahir Rayaale wuxuu si cad u yidhi oo uu sheegay inuu dhiisha buuxsaday, inuu isagu baahidii ka baxay, inaanu u baahanayn Xisbi kale oo dardar qaba in loo keeno, dadka sidiisii moodayaa..Abaal gudkii dalka iyo dadkana wuxuu ka dhigay inuu yidhaahdo weelkiibaa ii buuxsamay.” Waxaanu Axmed-Siilaanyo intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal, waa ayaan darro reer Somaliland waxaanu u cadaynaynaa inaan weelka anagu aanaan ka buuxsanayn ee insha alla shacbiga aanu weelkooda u buuxino.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in markii Qaraxyadu ka dhaceen Madaxtooyada 29 October 2008 ciddii u horraysay ee tagta Aqalka Madaxtooyadu ay ahaayeen hoggaanka Mucaaradka. “Walaalayaal wuxuu nagu tilmaamay oo masuuliyiinta waaweyn ee caanka ah ee aan magacooda iyo sharaftooda la taaban karin ee ummadan u soo halgantay ee dhaqanka wanaagsan ee aad wada taqaanaan, wuxuu ku tilmaamay xag jir, muxuu ugala jeedaa yuu qaldayaa. Ummadda ayuu galinayaa niyad-xumo, shacbigii la ogaa ee argagixisada la dagaalamay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “CCiddii ugu horeysay ee aqalkiisa tagtay maalintii la ina soo weeraray waxaanu ahayn aniga iyo guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe. Walaalayaal shacbigani waa kii nabadgelyada u daglaamay waa ka nabadgelyada ilaalinaya illaahay ka sakaw, waa ka argagixisada qabta, waa ka budhcada qabta.”
Gebo-gebadii, waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in Xisbigoodu wax badan qaban doono haddii ay talada ku guulaystaan.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. “Walaalayaal waynu ka wada war haynaa in dalku u dareeri doono doorasho madaxtooyo 26-ka bishan, walaalayaal maalintaasi waa maalin taariikhi ah, waxaana saaxiibo badan oo ay shacabka reer Somaliland ku leeyihiin dibadaha ay rajaynayaan inay doorashooyinku u dhacaan si nabadgelyo ah, oo salmi ah, oo xor ah, oo xalaal ah, waxaanay ummada reer Somaliland rajaynaysaa isabdelkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca ilaa 1993-kii markii aynu shir beeleedka ku galnay magaalada Boorama.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal himilooyinka qaranka Somaliland leeyahay waxa ugu wayn inuu noqdo dal aqoonsi hela, bulshada caalamkana xubin ka noqda.
Waxa muuqata in maamulka imika jira ee siddeeda sano dalka xukumayey inuu si aad iyo aad ugu fashilmay oo uu ku guul-darraystay inuu riixo oo uu dhaqaajiyo oo uu horumariyo, ictiraaf uu keeno iska daaye Daahir Rayaale waxa uu xumeeyey oo muuqata saaxiibadii qaranakani lahaa ee aynu 19-ka sanadood dhisaynay. Haddaan soo qaado xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka dawlada ugu wayn dunida ee ugu awooda badan ee xidhiidhkeeda, taageeradeeda iyo saaxiibtinimadeeda aynaan qaran ahaan ka maarmi karayn, Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu way burburisay, waanay baabiisay, arrintaasio anagoo ka duulayna xisbi ahaan, anagoo ka diuulayna himilada shacabka reer Somaliland, xisbiga KULMIYE wuxuu ka galay hawl gal aad u badan, waxaanu dib u soo noolaynay oo aanu dib u soo celinay xidhiidhkii wada shaqaynayneed ee ka dhexeeyey Maraykan iyo Somaliland, waana guul wayn oo shacabka reer Somaliland u soo hoyatay oo xisbiga KULMIYE-na hormood ka ahaa, Kongreeska Maraykanka oo ah meesha awooda ugu way nee maraykanku ku dhisan tahay aynu ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda Rayaale uu gaadhay meeshii ugu hoosaysay oo xataa cilaaqaad caadi ahi aanu ka dhaxaynin.”
Dr. Maxamed waxa uu sheegay inay dalka imanayaan Goob-joogayaal Caalami ah, waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd marti-qaadka goob-joogayaasha.
Waxa kale oo uu Xoghayuhu ka hadlay kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya iyo aragtidooda la xidhiidha. “Walaalayaal, waxaynu ognahay inay jiraan kooxo xag jir ah oo arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika khatar ku haya, xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa kooxahaa inay joojiyaan rabshadaha iyo nabadgelyo xumada. Waxaananu cambaaraynaynaa falalka argagixisonimada ah ee ay kooxaasi ka wadaan Geeska Afrika, dalkeena 2005-tii iyo 2008-dii waxa ku soo duulay cadaw shisheeye ah xisbiga KULMIYE wuu cambaaraynayaa waanuy ka soo horjeedaa waxaanu xoojinyaa nabadgelyada, difaaca dalka iyo ka hortaga aragagixisada iyo wixii rabshada ku keenaya mandaqada iyo dalka Somaliland-ba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE rabshadaha iyo khilaafaadka ka Geeska Afrika wuxuu ugu baaqayaa kooxaha isku siyaasadu inay si nabadgelyo ah oo wada hadal ah ay ku dhamaystaan cid uu gacan saar iyo taageero la leeyahayna ma jirto.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

CODKAAGA KU CIIL BAX- 15

“KURSI ISKU-DHEJINBAA DAL BURBURISA…DAWLAD XUMAA UMMAD BAA’BIISAA
DULMI WAXA UGU CULUS KA QARAN DHAN LAGA GALO..WAANA KOLKA QALAD LAGU DAAFCO XAAKIM CADAALAD DIID AH…GEESIGU MA AHA NINKA QORIGA KU DAGAALAMA WAA NINKA XAAKIM DAALINA HORTIISA RUNTA KA SHEEGA..DADNA WAXA UGU RAQIISAN NINKA DAMIIRKIISA IIBIYA..WAANA HUBAAL INUU IFKANA MAGAC XUMO KU JOOGO AAKHIRANA XISAABI KA HORREYSO “
Allow naga yeel kuwa xaqqa raaca, kuwa aan dhaldhalaal adduunyo dariiqa toosan ka leexin, kuwa aan u hiilin daalin iyo cadaalad diid, kuwa aan noqon calool la ciyaar iyo dhaameel raac, kuwa aan eex qabiil iyo hiil-xigto xaqqa ka indhosaabin, Allow naga dheeree xaasid. Allow ha naga yeelin kuwa naftooda mooyee aan tu kale eegin, kuwa aan u nixin miskiin gaajo la sooma, danyar aan u damqan, indhihiisu dhulka eegin ee cirka tiigsada.
Dalkeenu waxuu marayaa marxalad qof walba looga baahan yahay inuu naftiisa xisaabiyo, oo uu garto waxa uu qaban karo, iyo inta dhibta ka taagan uu mas’uul ka yahay. Aamusku xiligan waa hiil xaq-darro, waa gaabis dalka wax yeelaaya, waana dambi culus oo diintu inoo sheegtay inuu ka mid yahay dunuubta culus ka aamuska arrin lagaga baahan yahay markhaatigeeda. Waxa dalka ka taagan balan-baajis, iyo caxdi ka bax caado noqotay, deedna intii farta ku fiiqi lahayd cidda balanka jabisay, dar-jiidhay ee indhaha iyo dhegahaba xidhatay, ayaa la yidhaahdaa waxaanu nahay dhexdhexaad.

Dhexdhexadnimadu ma aha xaqqa oo laga aamuso, ma aha adigoo cidda qabsoomaysa culeeskaaga saara, ma aha adigoo ka cabsada runta, ma aha adigoo ka dhigta fursad ku soo martay ood magacaaga ku iibiso, amba ku ganacsataba. Dhowr arrin oo u baahan bayaamin ayaan maqaalka uga dhigay darmada-soo dhoweynata, bal qaar ka mid ah aan daahfuro.

KURSI ISKU-DHEJIN IYO AAFADEEDA

Waa cudur aafeeyey carrada nin madow iyo duul carbeed. Waana masiibada ugu badan ee qaran burburisa. Waxaad ka warqabtaan dirir iyo dagaal sakooye iyo mid shisheeyaba inuu keeno nin (weli dumar miyenaan maqale), yidhaahda anigaa hoggaanka keli ku ah, cid kale talo ma hayso, kii wax ii sheegaa waa cadow wadan iyo nabad-diid ah….waa odhaahdii looga bartay taariikhda casriga ah dalalkii shuuciga ahaa, iyo kuwii ka horeeyey ee Naziga ahaa ee Yurub. Maantana waxa caadaysatay inta Illaahay ku manaystay qoroxda diiran iyo kheyraadka dhulka hoostiisa iyo guudkiisa daadsan….waa Qaradda Afrika iyo Bariga Dhexe…Maxaa Ciraaq helay, maxaa Suudaan ka jira, Rwanda iyo Burundi maxay ka soo kabteen, Itoobiya iyo Mengiste iyo Xaylihii ka horeeyey soo qabo, bal dhegeyso Yaman iyo Chad waxa ka taagan, dhegta u fur guuxa aan damin ee ka sanqadha Masar, Liibiya, Algeeriya iyo inta xadigaas ka badan ee hareeraheena ah. Iyada leysu tilmaamimaayo waxa Ina Soomali saymo goo’yey…waa nin kusri ku fadhiistay, deedna xabag aan maydhmin iskugu dhejiyey kursiguu ammaano ahaan ugu fadhiistay.Wax-qabadkii loo igmadayna ku bedelaa inuu hub iyo maalkii ummadda kaga hawl galo ku fadhiga kursiga oon wax kale soo raacin.

Haddaba haba fadhiyee maxuu falaa? Sideedaba qofku marka uu noqdo kursi-daafac, waxa ka luma xiska iyo garaadka garashada, waxuu noqda ruux talada u arka cay, waxuu la coloobaa inta toosin lahayd, waxuu maqlaa waxuu jecel yahay, waxa soo baxa dar damiirkoodu liito, oo laxankaas uu jecel yahay si wacan miisig u raaciya…waxuu ka fogaadaa waxgaradka ummadda, waxuu la saaxiibaa dhuuni-raacyo iyo daneestayaal aan sacabkooda iyo afkooda wax dhaafsan arag….Waxuu aaminaa beenta laga iibiyey. Muruq iyo cududbaa bedesha maskaxdii iyo maankii uu wax ku miisaami lahaa. Adduunkii uu dalka ku horumarin lahaa, waxay noqdaan wax uu meel xun iyo xaraan-fal ku bixiyo, iyo wax uu beenta la subkay ku iibsado. Waxa bilaabma in dad badan oo niyad jabay isku rogto ka shaqeyso iyo ka daneyso..Danaysti baday, afafkii kala qabay, carabkiina soo riday, ee halkee looga keenaa wax uu dhalaq siiyo. Ugu dambayntii taasi waxay keentaa inuu waayo wax uu ku raali geliyo tirada sii kordheysa ee been-iibiyaasha…Waxa uu noqdaa nin kala doorta kii shalay beenta ka iibiyey, iyo kan ka dabo yimid ee shalay isaga caayi jiray, bal se kaba laxan macaan kii hore….Wuu nuglaadaa oo cabdi iyo shakibaa gala..kolkaas ayuu nacaa kii shalay u diriray, waxuuna gudaha soo gashadaa nin ay col ahaayeen oo beerka u seexday, si uu malafsiga oo badhkiis u muudsado, deedna uu xiliga uu la sugo, uu suldaaro iyo tabco isu raaciyo…deedna uu kaga cararo: “Cadkay dhe..” Waa bilowga burburkiisa…Astaanta ugu horeysa ee jabka kelitaliyahu waa kolka uu garabkiisa daaqo oo uu eryo ragii dhufayska kula jiray, ee uu u gacan haadiyo dhurwa haraad iyo hamuum qaba, hoostana cadho iyo ceel ugu haya. Waa jabkiisii oo uu gacmahiisa ku soo xareeyey.

Aan uga gudbo xaalka manta iyo duruufaha taagan. Waa siyaasad jaahwareersa, oo ku wareegaysa mareeg, kolba halkii aad hore u dhaaftay ku soo laabmayso, hore-u-socod ma leh, yool iyo hiimilo ma leh. Waxa ka maqan xukuumad hogaamisa dalka. Waxay ku mashquushay dumiska garabadii dawladnimo ee ay dhisi lahayd, sida Golayaasha Sharci dejinta, Waaxda Garsoorka iyo Hay’adaha Dhaqaale.

TODDOBAADKAN IYO DHACDOOYIN TAARIIKHI AH
Waxa is yidhi waajibkiina guta oo xaaladaha aloosan wax ka qabta Golaha Wakiilada oo ah hay’adda keliya ee weli sharci ku joogta. Waxaa xusid mudan in Guurtida oon doorasho ku iman iyo Madxtooyaduba waqtii ka dhammaaday loo igmaday inay amaano ahan xilka ummadda u hayaan. Haddaba waxa hor yimid filan-waa iyo tanina ma hadhsanayd. Waa xubnihii loo soo doortay sharci-dejinta iyo la-xisaabtanka Waaxda fulinta ee madaxtooyada iyo wasaaradaha, waxa ay qaar fariimo guracan loo soo guntay, u dhaqmeen sida budhcadda iyagoo kuraas rux iyo tuurisba fadhigii golaha ku baajiyey…waxa ka-daran noqotay..raggii(Weli haween wey inoo dhiman yihiin, inkastoo haweenay golaha joogtay ayna yareysan qaylo iyo gujaba), intay gacanta shirgudoonka warqad rasmi ah oo qaranku leeyahay, ay xoog ka faro maroojiyeen, maamuus la’aanna ay hortooda ku jarjareen uguna dareen kuraas la dul lalmiyo, hanjabaad iyo hiif, ayaa kolkii la yidhi waar aan sida dhalaanka u dulqaadano, oo yeynaan seddex cisho wax ka badan ganaaxin, ayeyba habarwacasho iyo goolaftan bilaabeen. Kaba sii darane, waxa hiil iyo garab u noqday kuwii sharciga loo dhaariyey inay cidda baal marta ku soo dabaalaan..waa ciidankii boliska. Haye. Waa ayaan darro ee xalku guracanaa. Boliska iyo Taliyahiisu hadday noqdaan kuwii Ina Bare ee wedha odaygu wax walba kala weyneyd, sharcina u ahayd, sidee himmiladii loo soo dhintay, loo soo dhawacmay, maal iyo mood loo soo huray loo gaadhayaa?

Waa tabta keliya ee hadhsan ee awoodda dadweyne wax ha laga tuso, iyadoon qori iyo rasaasi dhicin isusoo bax iyo qaylo ha la tuso. Sidaas waxa is-yidhi dhalin danta guud aragtay. Cidi ma abaabulin ee dhalinyarro iyo haween geesinimo wadan jaceyl u raacdo ayaa Golaha isa soo tumay, garab xaq-raac ah ayey noqdeen, dhiirade duqaydi oo yidhaahde “meynu waajibkeena gudano, sowkan odaygu dabar-goostay, sow kan dastuurki noqday xuruuf warqad ku qoran, oon nafci iyo naruuro midna lahayn, sowkan waxuu nahyiyey la xalaaleeyey, waxuu amrayna la xaaraameeyey.”

“La yee odayga hawsha aynu u dhiibanay, hadduu minjihii madax u rogay, maynu albaabka tusno, inayn xilka ummadda aynu wakiilka ka nahay ayaa u dhiibatayee.” La soo dhig mooshin xil-ka qaad. Umey cuntamin qayb wakiilada ka tirsan, oo halka ay sharciga ka daafici lahaayeen, hadday mooshinka qalooc ku arkaana daadafayn lahaayeen ooy tusi lahaayeen waxa ka qaldan iyo halkuu tuurta ka leeyahay, ayey ficilkii dhoorayda la yimaadeen “ oo meynu ka dhooqayno, maan jaahwareer iyo looma-fadhiyaan ridno” Soo dhigi moshin kale oo rag magacooda ku taxan yahay lagu eryaayo Shir-guddoonka Wakiilada waa Cirro, Samaale iyo Baashe.

Magacyada labada mooshin, si aad ula socoto xildhibaankaaga, ood berry ka maalin la xisaabtanto,guji linkan oo kaydka xusuusta gasho.

MOSHINKA LOO MARAAYO SHIR-GUDDOON BEDELKA

Haddaba waxa la yaab leh in xubnaha moshinka hinaase soo dhigay ay garab mareen asaaska qodobka ay rabaan inay si dadban ugu sii maraan hadafkooda ah inay shirguddoonka eryayaan. Moshinkani waa mid aan soconayn sababo sharci awgood ooy ugu muhiim san yihiin:

1- Waxa isku si loo adkeeye oo loo dhigay madaxda seddexda waaxood ee Madaxtooyada, Guurtida iyo Wakiilada in hoggankooda lagu eryi karo cod ah 2/3. Dastuurkuna waa mid uu si isagu xidhaayo qiimaha hawlwadeenadani dalka u leeyihiin iyo in laga foojignaado qaskii ka dhici jiray Golayaasha degaanada ee dhowrkii biloodba nin loo cumaamadim jiray.
2- Tan ka weyni waa mabda’ asaasi ah oon la,aantii sharciyadi jireen. Waa sharci 2/3 ku hirgelaaya, lagamu bedeli karo cod hal dheeri ah. Waayo hadday taasi dhacdo qiimo ma leh qodobka ku salaysan eek u ansaxaaya 2/3, illeyn waxa baa’biin kara sharci ku fula hal dheeri. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa in la helo cod 2/3 ah si loo bedelo sharci kasta oo ku fulaaya cod 2/3 ah.

Kolka arrinku sidaas yahay, waxa looga fadhiyaa qaybta sharciga ee golahu inay ka badheedho oo ay waajibkooda gutaan. Waxa se mad-madow geliyey dib-u gurasho iyo tan manta dhacday ee la yidhi La-taliyii sharci ee Wakiilada waxa looga yeedhay Maxkamadda Sare. Maxaa taas meesha keenay? La-taliye waa shaqaale loo qortay aqoontiisa inuu ku kabo socod-siinta hawlaha Wakiilada, ma laha go’aan qaadasho..waa talo bixiye u khaas ah wakiilada. Teeda kale arrin aan weli sooba gaadhin Golahii hawsha lahaa, halkay Maxkamaddu u soo martay? Farogelinta intaas leegi maxay ka dhigaysaa Maxkamadda? Waa mid qiimaheedii lumisay, tuurtay madaxbanaanidii dastuurku siiyey, iskana qaaday sharaftii ummaddu u huwisay. Waxay ahyd inay xilka u deysa wakiilada, iyana sugto kolka xil-ka-qaadku soo maro dhabbada sharcigu dejiyey. Wax walba filo. Dhinaca kale ma laga yaabaa in labada garyaqaan is-aragoodu kheyr ku dhammaado, ooy daafaca xaqqa isku qanciyaan iyo danta qaranka! Waa suuragal.

Xubnaha wakiiladana aan xusuusiyo, inay yihiin wakiilo shacbiga matala, loona doortay sharci dejin iyo la-xisaabtanka fulinta. Ma aha kolka arrinku joogo sharciyada iyo dastuurka iyo masiirka ummadda inay xisbi iyo reer iyo qoys iyo saaxiibnimo eegaan. Shacbiga soo doortay wey arkaan, sharaf iyo maamuusna waxay ku leeyihiin sida ay hawsha qaranka u fuliyaan. Daafaca xisbi ee garab marsan danta qaranka iyo sharciyaddu waa gef waana danbi kolka Islaamka loo yimaado, waayo waa gar eexo. Sidoo kale ayaa La-taliyaha, iyo Maxkamadda sare looga fadhiyaa inay awoodda dastuurku siiyey ku dhaqmaan, ogaadaana inay u dhaarteen ilaalinta sharciga iyo daacadnimo ay hawshooda u gutaa. Waa mid dhammaan xil-qaadayaasha meel kasta ooy joogaanba saran.

Waxa se jab ka joogaa, kolka kii cidda sharciga ku gafta soo qaban lahaa, isagii la adeegsado.Waa doorka boliska halka sartu ka qudhuntay..waxa hoggamiya oday weyn oo shaqada askarinimo ka bilaabay xiligii 50naadkii, dunida waa kow Taliye ciidan oo da’daas ah iyo aqoontaas leh. Dambi kuma laha kolkaad si u eegto, oo waxa boliska la qoray xiligii isticmarka oo waajibkiisu ahaa inuu ilaaliyo badhasaabka, intaas ayaa loo tababaray. Waxaan Odayga odhan lahaa inuu ka fakiro culayska hawshu leedahay iyo fulinta looga baahan yahay. Qaadashada shaqo aadan karti iyo itaal u lahayn ood ogtahay, waxay noqonaysaa khiyaamo, hadayna noqonba dambi.Illaahay waxaan uga baryayaa inuu odayga iyo inta ka le ee xilka haysaba tuso dariiqa xaqqa ah, kana yeelo kuwa u gurmada badbaadada dalka, sidoo kale ayaan u rajeynayaa dhammaan min Madaxtooyo, Maxkamado, Wakiilo, Guurti, Bolis iyo Ciidanka kaleba inay noqdaan dar ku soo laabta sharciyada.

Shacbigana aan idhahdo indheha iyo dhegahaba fura, xaqqa garab gala, kan qaldan soo waaniya, inteydaan garabka soo qaban, qas iyo qalalaase adoon ku dhaqaaqin, isu diyaari inaad xaadho dhabbadii aad u mari lahayd inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO. Kaad doortay ee kaa danaystay tuur, tus in xilku ahaa ammaano aad u dhiibatay, kii fashilaana uu badda ka cabi doono, ku dhiiro inaad hoggaanka qaranka ka dhigto mid uu qabto ka aad doorataa, kuna socdo dastuurkaga. Ka dhig xukuumaddu mid adiga kuu shaqaysa, ogow adigaa biiliya. Sanku neefle reer Soomaliland ah, amba aan ahayn oo dalka jooga ma jiro oon lacag si joogta ah u siin inta xilka inoo haysa madaxweyne ilaa askari, karaani iyo agaasime. Waa cashuurta sida tooska lagaga qaado iyo sida dadban tan sharciga lagu burburiyaa..”Waa la mustafeeyey...waa dhaameel..faro aan dufan lahayn wax ma duugaan..waa hawl fududeyn” ereyadaas waxa dhaqan galiyaa waa beesadaha laga soo uruuriyey islaanta tamaadhada dhulka la fadhida ee ciiddu gogal u tahay cadceedna aan hadh ka haysan.

Xaqqa ayaa guulaysan ee samirkeed iyo niyad wanag aan la nimaadno.

Mahad oo dhan ALLAH leh

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

Warkii oo Dhan

Nasiib News

DALKAYGU WACANAA DADKIISU WANAAGSANAA DAWLADIISU WEECSANAA CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII (35)

Mahad Allaa leh, ILaaha i nabad geeyey dalkii aan muddada dheer ka maqnaa, dal ruuxaygu joogay oo aanan saacadna ka fikir la’aan, dad qalbigeygu la joogay. Waxaan ahaa qof ruux iyo jidhku kala maqanaa. Waxaan noqday qof dhan oo taabtay nolasha dhabta ah ee dadkeyga. Wax cusub ma arag oo dharaar iyo habeenba waan la socday dhib iyo dheef, barwaaqo iyo abaar omas ah, waan la qaybsanaayey dhacdooyinka farxad iyo murugu isagu jira. Intaan ogaa oon waxba ugu kordhin ayaan haddana si dhab ah u taabtay.
Waan ogaa samirka, nabad jaceylka, wax wada cunka dadkeyga, waan ogaa shaqo la’aanta, danyarta darxumeysan, dhalinta gidaar jiifka ah, qasriyada madhan ee buulasho hareereeyeen. Waan ogaa quruxda, bilicda, cunta wanaaga huteelada, sooryada guryaha. Waan ogaa in bilicda Maansoor ay agtaal buulasha hortiisa ah. Waan ogaa dadkeyga ku darxumeysan state house iyo dhammaan guryaha bacaha ka sameysan ee aqal Soomaligu qasrigu u yahay. Waa danyar darxumo u dhammaatya, ma haystaan daryeel noocnaba, caafimaad maa kuu, tacliin macnaheedaba ma yaqaaniin, hoyna waa u bac sumaysan. Waa dad samirkii Ayuub leh. Dedaal kuma yara, daacad wey u dhasheen. Waa se la doorshay. Waxa helay dad ay diir , muuqaal iyo magac wadaagaan, dhiig iyo walaalnimo u dheertay, ooy waliba ay u cumaamadeen, kuna noqday goofanayaal aan halka ay qabsadaan ka gu’in, aan dhergin, aan nixin aan lahayn jidh damqada iyo dareen aadminimo.
Duhurkii Jimcaha 18 Juun waxaan cagaha la helay dhulkii hooyo iyo Berbera. Madaar u eeg meel quruumihii lagu dagaalay waayeyna wax dhadhaba. Waa qolol iska daa rinji eh aan lahayn talbiis, daaqadahu waa gidaar madhan oo weli sugaya in laga dhigo daaqad. Gudaha waxa ka taagan buuq inta ku jirtaa wey ka badantay ita soo degtey. Waa dad ay ka muuqato dayac dhaqaale darro wax yar ayaa madaarka si rasmi ah uga shaqeeya. Waa dad eryanaaya quud maalmeed. Umay iman inay wax boobaan, umey iman inay tuugsadaan oo sharaftuuda u diiday. Waa inay helaan farsamo quud loo helo aan xaraan iyo ceeb xanbaarsanayn. Dhalinta askartu wey taqaan inay baahi keentay. Wey u naxaan oo sharciga ayey jiifiyaan si ay dhalintu u gaadho hadafkooda ayna waxba uga hooseen dhadhamo ay ku qaboojiyaan calool ololeysa. Askarta iyo shaqaalaha ee goobta joogaa, darxumadu kama madhan. Waxa ka muuqda diif iyo nolol engegan. Musharkoodu waa qadhiidh aan kafayn baahiyaha asaasiga ah ee nafleyda. Waxay laftoodu dhowraan in ay wax soo gaadhaan. Waa duul xishood iyo khajilsan, sharaf badan bal se baahi
Waxa laga dhigay mushaharka shaqaalaha madani iyo ciidanba mid yar oo lagu kalifo inay sharciga jabiyaan. Waxa loo fasaxay laaluush, si ay u noqdaan dar u jilca sarkaalka ka sareeya oo isagu musuq kooda ka badan liishaanta. Ninba ninkuu ka sareeyo ka af weyn. Waxa helay ummadii xukuumad nidaamkii dawliga ahaa qulubaa gedidey. Waxay ka dhigtay askartii duul la kireeyo, oo ciddii doontaa kaxaysato. Sharaftii ciidan wey burburtay. Derejo ma leh, dharku waa duug dhowr meelood jidhku ka muuqdo, kabahu waa sandhal hadday isku noocba noqdaan ninka gashani Alle mahadiyo.
Dariiqii cagta saarnay. Waa barwaaqo iyo mahad Alle meel waliba waa cagaar, waxa se wadnaha ku qabanaaya kidhkidh iyo hubaqlayn. Waa jid aan mitirna fayoobeyn, godood iyo bacaad aan karkar lahyn, waa kantaroolada oo calanka sharafta badan kaaramada ka qaaday. Kow kuma qornaa kalmedu tawxeed, dhammaan wey goo’goan-yiihiin. Waa astaan ku tilmaamaysa tamarta xukuumadda, xataa birta kontroolku waa amba mid daxal rudhay oo taabashadeedu cudur tahay, amba waa caleen yar oo la soo jaray. Dariiqa ilaa Hargeysa waa tuulooyin dadku iska-faraxsan yahay bal se nolashooda ay ka muuqato rafaad ay wax badan qabitameen.
Waxay ahayd maalin UDUB ololaynayso. Waxa anigoon Hargeysa gaadhin i horyimid markhaati cad oo fal danbiyeed doorasho ah. Waa baabuurtii xukuumadda gaar ahaan kuwa Dekedda Berbera oo raxanraxan ah uuna hormood u yahay Agaasimaha Guud. Waxa labada dhinac laga tuurayaa jawaano qaad ah, waxa kale oo kolkii aan is-taagnay naloo sheegay inay ilaa xalay lacag qaybinayeen. Waxa amakaag igu riday sida loo qabitimay iyo habacsanaanta ummadda. Waa iska caadi..waxay ka mid tahay ereyada aad wax badan maqlayso. Waxa markiiba maankeygu sajilay cinwanka maqaalkan...Dal wacan, dad wanaagsan iyo xukuumad weecsan. Waxa xukuumaddu ka leexatay marinkii xilkeedu tilmaamaayey. Lacagta danyarta, dibjirka, geeljiraha, adhi-raaca, lo-jirka, dilalka, baalashlaha, caanodiiqda, bacadlaha, biyoolaha, timirlaha, taajirka, shaqaalaha, sheikh, shariif iyo ruux kasta oo dalkan degan iyo mid soo cago-dhigtaba laga qaaday ayaa laga dhigay mid dano gaar ah oo danbi cad ah lagu galo.
Muwaadinku ma oga inuu shilin kasta oo uu wax ku iibsadaa qayb ka mid ihi tahay cashuur. Ma jiro qof nool oo aan cashuurta laga qaadini, waxaana looga qaadaa in loogu shaqeeyo. Laakiin waxay noqotaa mid loo isticmaalo si kale. Waa xukuumad weecsan oo marinkii loo igmaday baal-martay. Lacagta waxa loo adeegsadaa sidii dadka maskaxda looga addoonsan lahaa iyo sifooyin xaaraan ah.
Hargeysa ayaan soo gaadhay anigoo aad u faraxsan inaan dadkeygii ehel, qaraabo iyo asxaaba la kulmo. Jawigu waa wacan yahay. Baabuur iyo dad isku haysta marin yar oo dhagax iyo ciidi ku weheliso, ayaa ah waxa ugu xun ee indhahaaga iyo jidhkaaguba dareemaayo. Kidh-kidh aan kala joogsi lahayn oo beerku ku hiqleynaayo. Wey fiday ooy darafyada dhaaftay, waa la dhisaty qof iyo itaalkii, mid qasri aloosa, mid buul ka hordhista, mid sandaqad dhadhabta. Mansha Alla masaajiddu waa buux, makarafoonka wacdiga diimeed ma yara, haddana dhaqanka dadku waa ka durugsan yahay asluubta suuban. Been dul iyo hoos ah, balan la,aan, markhaati aan sax ahayn, laba-wajinimo, isku-dir, nifaaq la joogtaystay, ooy intaba u sal tahay laaluushka iyo xukuumad weecsan oo marinkii ka luntay.
Bilicda magaaladu waa dhaawac sakaraad ku dhow. Nalku waa teel-teel, nuurkiisu waa daciif, jidad la’aan lumisa waqti badan oo shaqo, dhaqaale badan oo baabuur burbur leh, oo halis dadka dariiqa ay maraan baabuurtu ugu tegtay dhe. Biyo yaraan joogta ah, Hargeysa oo intey leegtay la ogyahay ayaa waxay leedahay biriij keliya oo isku xidha labadeeda daamood. Kii lacagta ilaa caruurta laga guray waa mid aan fari ka qodnayn, kolkaad aragtana aad xusuusan balamadii is-dabo-joogay eey Wasiiradu meel walba ka akhriyeen. Si gaar ah waxaan u xusuustaa Wasiirka Hawlaha Guud oo ku baaqay inay Wasaarad ahaan dhammayn doonaan intaan sanadkii hore dhammaan.
Inagoon soo koobi Karin dareenkeyga farxadda iyo murugada isagu jira bal se ay farxaddu u badantay dhinaca shacbiga, anigoon idinka waramin dadka ku dhibaataysan state-house iyo meelo kale oo la mid ah, aan u jeesto dardaan iyo nuxurka weedhayda. Waxa muuqata in dadka maskaxda laga addonsaday., oo kuwa ugu dhibatada badani yihiin kuwa loo adeegsanaayo joogtaynta dhibta haysata. Waa dad u dhiibaaya mindidii lagu qali lahaa kii qalaayey..
Aan qodobo kooban ku gudbiyo fariin muhiim ah;
1. Miyaad jeceshay inaad cimrigaaga ku noolaato, ku dhasho ood ku barbaariso ubadkaaga buul bac ah, nolosha reer State-house ma tahay mid ay rabaan inay wax ka badalaan. Ma tahay wax habboon inaad mustaqbalkaaga siisato qadhiidh iyo quud maalmeed.
2. Haddaad tahay dhalinyaro shaqo la’ ma rabtaa inaad ka korto baryo, qadoodi iyo silica an rajo lahayn
3. Haddaad waxbaratay, ma rabtaa in la tixgeliyo aqoontaada, sinnaan iyo cadaalad lagugu shaqaaleeyo. Rajo-xumida badaha saaxiibadaa ku dhinteen ma rabtaa inaad ka badbaado.
4. Shaqaale dawladeed haddaad tahay, ma rabtaa inaad maskaxdaada u madaxbanaanaatid, inaad adiguu fikirkaaga u xor ah shaqada dawladdana haysid. Ma rabtaa inaad hesho mushahar kaaga filnaada duliga iyo dambiga laaluushka. Ma rabtaa inaad soo ceshoto karaamadada iyo tan qoyskaaga. Ma rabtaa inaad mushaharkaaga heshid xiligeeda.
5. Haddaad Bolis tahay amba Ciidanka ma rabtaa sharaf iyo maamuuskii ciidan lahaa, derejo garbaha kuu sudhan, direes bilicsan, badhan iyo kabo baalashaysan oo kolkaad laafyooto dhalintu ku daawato. Ma rabtaa mushahar kaa xoreeya in sida mihnadaha xun laguu kireysto.Sarkaal iyo askar leh xarumo lagu barbaariyo ubadkooda iyo agoontooda, lagu daryeelo caafimaadkooda.
6. Haddaad tahay ganacsade taajir weyn ah, bacadle iyo mid bacaad fadhiyaba, ma rabtaa ganacsi xor ah oon takoor lahayn, ma rabtaa cashuurta lagaa qaado oo dalka wax loogu qabto, adigoo hela jidad laamiyeysan, biyo aan gu’in, dhakhtaro casri ah, iyo waxbarsho ubadkaagu ka haqab beelaan.
7. Intaasba waxa ka weyn, ma rabtaa cadaalad, xoriyad af iyo mid dhaqdhaqaaq ah. Inaan xadhig iyo hanjabaad midna laguula iman muwaadin, inaan cidi ku xidhi Karin, albaabka gurigaagana lala bixi Karin, ma rabtaa in la baa’biiyo xukunka degdega ah iyo dulmigiisa. Ma rabtaa saxaafad xor ah oo idaacad iyo TV leh dalkoo dhan gaadha.
Intaas oo dhan waxaad ku gaadhi waa adiguu CODKAAGA KU CIIL BAXA. Waa adigoo Xukuumadda weecsan ku bedela xukuumad kuu adeegta. Diid laaluushka mustaqbalkaaga lagu iibsanaayo. Diid inaad kaadhka aqoonsigaaga ee muujinaaya jinsiyadaada iyo nasabkaaga inaad iibiso. U kac oo u codee KULMIYE...KUNNA UU KU SIINE AHOW KULMIYE..SIDAAD U GAADHO MUSTAQBAL IFAAYA.
Masiirka ummadda weeyee codkaaga ha khasaarin, ha la seexan, ha siin CID AAN SOO BAXAYN, oo ha soo saarin CIDDAAD KA CARARTAY...CODKA KHASAARAA WAA MID TAAGEERO U AH UDUB IYO DULMI JOOGTA AH.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking