COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 22, 2010

Haweenkii lagu dhacay mashruucii JIIF-OO-JAQ oo xisbiga UDUB lagu shirqoolay

Hargeysa, (NNN)- “Maalin hore ayey noo timi anagoo ah dumarkii lagu dhacay Jiifoo-Jaq, gabadha (Xaaska) Badhasaabka Maroodi-Jeex, waxaanay nagu tidhi sheekadiinan (Mashruucii la dhacay) baan wax idiin ka qabanayaa, dabadeed shalay (dorraad) bay gabadhi nala soo hadashay.
Waxay tidhi, dumarkiini la dhacay oo 50 Dumar ah ayaa la idin doonayaa, laba Bas ayaa la idiin soo dirayaa, waxa la idin gaynayaa Huteel Baar Xaraf (Hargeysa), waxaana la idin doonayaa 8:00 subaxnimo (shalay), Ra’yigiina ka dhiibta.” Mid ka mid ah Haweenka lagu dhacay Mashruucii fashilmay ee fadhi-ku-macaash oo magacceeda ka gaabsatay, isla markaana sheegtay in Xisbiga UDUB u maleegay xeelad ay sheegtay in lagu doonayay in lagu sheego inay ka digo-rogteen Xisbiga KULMIYE oo ay UDUB ku biireen.
Haweenaydan oo ka mid ahayd Haween shalay u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in la khiyaameeyay. “Anagoo hooyooyin badan ah oo gaadhayna 180 ayaanu diyaar garawnay. Hawshayadii iyo shaqadayadiiba dhulkaanu dhignay, ka dibna waanu dhaqaajinay oo Baskiibaa nalagu guray. Markaanu Xarumaha Wasaaradaha ag-marayno, ayaanu ugu tagnay laba Bas oo kale, waxaanu ku nidhi, Baar Xaraf baanu doonaynee waakan Bar Xarafe na jooji. Inankii Baska waday ayaa nagu yidhi Xaraf halkan maahee waa Hotel kale oo halkaa hore laga dhisay oo cusub, anagu hore umaanu arag, markaa horaanu u soconay oo waanu raacnay. Wax kolba Dhir nala sii mariyaba, waxa nala geeyey meel la yidhaahdo Xaraf baa la yidhaahdaa, ka dibna Basaskiibaanu ka daadegnay oo geed baanu fadhiisanay.” Ayay tidhi Haweenaydani, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Intayadii wada socotay gaar baanu u fadhiisanay, cabbaar baanu fadhinay, Gabadhii (Marwada) Badhasaabkaanu la hadalnay, waxaanu ku nidhi kumee, waan idiin soo socdaa meel gaar ah baan idiin diyaariyee fadhiya bay tidhi. Waanu fadhinay oo waanu sugnay..Gabadhii way noo timi oo way na kaxaysay, meel gaara ayaan idin gaynayaa bay tidhi, balse namay gaynin, dadkii meesha joogay markaanu wareysanay ee aanu Dumarkii wareysanay, waxay nagu yidhaahdeen waxaanu leenahay Alla-Bari, qaarna waxay yidhaahdeen dad KULMIYE ka soo baxay ayaanu meesha ku soo dhaweynaynay. Intaa ka dib Gabadhii iyo Gabadhii kale ee noo yeedhay ayaanu labadoodiiba helnay, gabadhii noo yeedhay baanu ku nidhi waadigii lahaa wax baa la idiin qabanayaaye wixii naloo qabanayey ha naloo qabto. Iyada oo aan na qancin bay gabadhii haddana tagtay, dabadeed, meeshii laga hadlay oo waxaa la yidhi meeye dadkii KULMIYE ka soo baxay, cid hadasha waa la waayey.”
Haweenaydan oo ka sii hadlaysa Kiiska Dacwadda mashruuca fadhi-ku-macaash iyo dhacdada ay sheegtay in lagu sameeyay, ayaa waxay hadalkeeda ku soo gunaanadday oo ay tidhi, “Markii hore waxa nalagu yidhi, Marwada Madaxweynaha ayaa idin la hadlaysa, markaa anaguna waxaanu is nidhi idinka oo aan Xisbina ka socon mar haddii marwada Madaxweynhu idin la hadlayso u taga oo dantiina u sheegta. Maxkamaddii dhulka nagu jiidaysay, waxa noo raacday maanta in nalagu siyaasadeeyo gabadhii Madaxweynaha ayaa idiin yeedhaysa, waxbana iyadoo aanay ka jirin. Hadal iyo dhammaan, waxaanu af-duubnayn 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo.”
Dhinaca kale, Warbaahinta maxalliga ah, gaar ahaan Telefishannada ayaa laga baahiyay Barnaamijka ay Haweenkani sheegeen in uu fashilmay ee dadweynaha ku biiray Xisbiga UDUB, sidoo kalena mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno masuuliyiinta Xisbiga UDUB, si aanu arrintan wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking