COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 9, 2010

Shirkadda Wadaniga SOMCABLE oo dalka keenaysa Xadhigga Isgaadhsiinta ee Badda iyo berrigaba mara

Hargeysa,(NNN)- Shirkadda Somaliland Cable (Somcable) oo ah shirkad wadani ah, ayaa sheegtay inay markii u horeysay ka bilaabi doono Somaliland mashruuca Isgaadhsiinta Badda iyo Berriga ee loo yaqaan Cable Fiber Optic, isla markaana uu wax weyn ka bedeli doono dhinacyada Internetka Iyo Telefoonada Line-ka Iyo Mobiladaba.
Sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay ay shirkada SOMCABLE, waxa hirgelinta mashruucan oo uu ku baxaya 35 Milayan oo dollar shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo reer Somaliland ah oo haatan shaqo la’, kuwaas oo ay si dadban uga sii faa’iidi doonaan Bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada. Waxa kale oo ay sheegeen in ka mid noqon doona faa’iidada uu mashruucani ku soo kordhin doono Somaliland in hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, bilayska iyo ilaalinta xuduudaha Badda iyo barrigaba in ay heli doonaan isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah u maamushaan.
Waxa kale oo War-murtiyeedkan lagu sheegay farriin ay Shirkaddani u dirtay Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta.
Warsaxaafadeedka shirkadda SOMCABLE oo dhameystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Shirkadda wadaniga ah ee Somaliland Cable (Somcable) waxa ay hir galin doontaa mashruuc balaadhan sanadkan 2010ka. Mashruucani waxa uu yahay mid ku kooban dhinaca isgaadhsiinta oo kaliya, loona yaqaan Cable fiber optic, oo wax weyn ka bedeli doona dhinacyada internetka iyo telefoonada Line-ka iyo Mobiladaba. Mashruucani waxa uu yeelanayaa laba qaybood oo la kala dhigi doono Badda iyo berrigaba. Dhinaca barriga waxa keebalkaasi la dhigi doonaa dhulka hoostiisa qiyaastii laba mitir in ku dhow, dhinaca baddana keebalka loo yaqaan Submarine Cable ee badda hoosteeda mara.
Mashruucan qaybtiisa dhulka waxa Cable-ka la wada gaadhsiin doonaa dhamaan gobolada dalka iyo soohdimaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah, dhinaca Baddana wuxuu sidoo kale ka bilaabmi doonaa soohdinta Somaliland ee xagga badda kala leedahay Djibouti ilaa berbera. Inkastoo ay bad iyo barri kala mari doonaan, haddana waxay leeyihiin nidaam farsamo oo u saamaxaya hadii ay dhacdo in mid ciladi ku timaado, ka kale isla markiiba shaqeyn karo. Mashruucan waxa fulin doonta Shirkada Waddaniga ah ee Somaliland Cable, cidkalena la wadaagin. Hawsha ay shikadani qabanayso ayaa ah mid caalami ah oo geeska afrika ka sokow isku xidhaysa ilaa caalamka oo dhan, sidaasi daraadeed waxay shirkadu gacan saar la leedahay shirkado caalami ah oo ah kuwa iyagu kala wada isgaadhsiinta caalamiga. Shirkadahaasi oo kala ah alcatel-lucent oo laga leeyahay dalalka Faransiiska iyo Maraykanka iyo Sagemcom oo ah mid Faransiis ah. Mashruucan waxa lagu maal galinayaa lacag kor u dhaafaysa 35 milyan oo Dollarka Maraykanka ah, lacagtaasoo haatanba ay shirkaddu gacanta ku hayso, iyadoo aanay jirin cid shirkadda ka baxsan oo gacan ka geysaneysa maalgelinta mashruucan.
Ruqsadda ay Shirkadda Somaliland Cable ku fulinayso mashruucan waxa la siiyey sanadkii 2009-kii, iyadoo la raacayo sida uu qeexayo Sharciga dalka Jamhuuruyada Somaliland u yaala dhinaca Isgaadhsiinta (National & international long distance - NLD & ILD - Service license agreement for provision of access facilitation, landing facilities at cable landing stations for international submarine cable, bandwidth capacity & co-location facilities).
Sida ku cad heshiiska ruqsaddan ayaa waxa ay Shirkaddu mashruucan kaligeed gacanta ku hayn doontaa muddo 25 sanadood ah, iyadoo mudadaasi ka dib ay si buuxda ugu wareejin doonto shirkaddu lahaanshaha mashruucan Qaranka Somaliland. Mashruucan oo la hubo in uu waxtar weyn u yeelan doono dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadaba, ayaa waxa faa’iidooyinkii ka mid ah:
1- Somaliland oo si buuxda uga hoos bixi doontaa Isgaadhsiin ay u marto caalamka intiisa kale Muqdisho.
2-Fududeynta dhamaanba Isgaadhsiinta guud ee dalka.
3-Mashruucani waxa uu ku soo kordhin doonaa hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, Bilayska iyo ilaalinta xuduudaha badda iyo barrigaba in ay helaan Isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah maamushaan. Sidoo kale, hay’adaha caalamiga ah ee dalka degan, Jaamacadaha, Iskuullada, Cusbitaalada iyo dhakhaatiirta, ayaa dhamaantood ka faa’iidaysan doona mashruucan, iyadoo uu u dhib yareyn doono, fursadna u siin doono inay Caalamka kala xidhiidhaan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Cilmi baadhista IWM.
4-Hirgelinta mashruucan waxa shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo somalilander ah, oo haatan shaqo la’ kuwaasi oo ay si dadban uga sii faaiidi doonaan bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada.
5-Shirkadaha isgaadhsiinta dalku, iyadoo ay amaan mudan yihiin marka dib loo eego xiliga ay soo bilaabeen iyo heerka ay maanta marayaan iyo waliba kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan u adeega bulshada dhan walba, ayaa waxaanu jecelahay inaanu si cad ugu muujino in shirkada Somaliland Cable aanay noqon doonin mid kula tartanta suuqa iyo adeegyada ay ka shaqaystaan Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku. Balse waxa aanu adeegooda ku soo kordhin doonaa in ay helaan awood (capacity) ka badan ka ay maanta haystaan oo waliba qiima ahaan aad uga jaban kharashka ay hadda kaga iibsadaan adeegyada isgaadhsiineed caalamka.
Mashruucan oo hawshiisu ay bilaabmi doonto badhtamaha 2010ka ee sanadkan, ayaa waxa ay shirkaddu ku faraxsantahay inay hormood ka noqoto maalgashiga mashruuc baaxadan oo kale leh, iyadoo shirkadu filaysa inay tani dhiirigalin u noqoto maalqabeenada waaweyn ee dalka, si ay dalka uga hirgaliyaan mashaariic kan la mid ah amaba ka waaweyn oo fursad shaqo u abuuri kara bulshada, siiba dhalinyarada.”
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking