COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 24, 2010

Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo shalay Daad ku qaaday Hargeysa

Hargeysa, (NNN)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil, ayaa shalay daad ku qaaday gudaha caasimadda Hargeysa.
Wasiirka oo gelinkii dambe doonayay inuu ka gudbo Laagta xaafadda Goljano ee degmada 26 Juun, waxa qaaday daad ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay magaalada Hargeysa.
Mr. Abiib Xasan Filfil oo markii gurmad loo sameeyay lagu badbaadiyay ka dib, una warramay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka xogwaramay dhacdadaas.
Wasiirka oo dhacdadaas ka waramaya, ayaa sheegay in Gaadhigii ay wateen uu daadku qaaday shalay duhurki, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maanta (shalay) 2:30-kii roobkii oo da’aya ayaanu rawaxnay, Laag yar oo Xaafadda Goljano ku taala oo Baabuurtu marto, wakhtigaana ay Caruuri ku ciyaaraysay, ayaanu is-nidhi Gaadhiga anaga oo wadana mara, dabadeed Gaadhiga ayaa naga yar qabsaday. Anaga oo aan meeshii ka bixin oo Gaadhigu haysto, ayay Mawjad Biyo ahi noo timi, ileen Roob baa da’ayee. Dabadeed, anaga iyo Gaadhigiiba way na rogtay oo anaga iyo Gaadhigiiba Daadku wuu nala tegay, Biyihiibaa na qaaday oo Doon naga dhigay (na kaxeeyay) oo meel kale ayuu na geeyay.”
Mar aanu Wasiirka waydiinay tirada dadka ay gaadhiga ku saarnaayeen iyo sida ay wax u gaadheen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Saddex qof baanu ahayn, darawalka, Askari iyo Aniga..Shakhsiyan waxba namay gaadhin, laakiin waanu ashahaadanay oo waanu dhiman waynoo, meel buu Gaadhigii Daadku dhigayoo, dad baa noo gurmaday oo naga saaray markii ay Muraayadihii dambe naga jebiyeen ee ay Biyihii ku soo dhex dhaceen, ayaanu gacanta dhiibanay oo nalaga guray. Markaa imika Gaadhigaa ay dhibaatadu gaadhay mooyaane, wax dad ahaan a gaadhay ma jirto, Alxamdullilaah waa nalaga guray oo dawakh yar mooyaane, wax kale oo na soo gaadhay may jirin.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Gaadhigii laga soo saari kari waayay Laagtii qaadday, isla markaana Wiishashkii loogu yeedhay ay ka saari kari waayeen. “Gaadhigu halkii (Laagta) ayuu yaalaa mooyaan, meel loo maraa la waayay, saddex Wiish baanu ugu yeedhnay oo way ka noqdeen, Makaaniga (farsamo-yaqaanka) ayuun baa sheegi doona marka la jiido.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal aanu arrintaa ka waydiinay.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking