COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 18, 2010

DALJIRE: 26ka Juun...Kaana Siib Kanna Saar

By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo.
Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe:Horta,anigoo ku hadlaya afka mafrishka Danlaawe, dhamaan Somaliland hambalyo ayaan u dirayaa maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida. Bashbash iyo barwaaqo Ilaah haynagu daa’imiyo.
Doolaal:Aamiin. Waa sidaa. Weliba khudabaddii Madaxweynaha ma dhegeysatay?
Dubbe:Horta inkasta oo aan aad iyo aad uga xumahay inuu joojiyay dabbaaldeggii maalinta qaranka haddana, Ina Rayaale maanta ayuu ugu hadal wanaagsanaa intii Ilaahay abuuray. Kelmad aan diido muu odhan. Nin sii dardaarmaya oo aan soo noqonaynna wuu u ekaa oo furasaddii wuu ka faa’iidaystay laakiin maxaa Ilaahay ka taray waa hadalka wanaagsani cunahiisa ma dhaafsiisnayn. Waa munaafaq.
Doolaal:Maxaad uga jeeddaa?
Dubbe:Waxaan uga jeedaa munaafaqad buu inagula hadlay. Waa ninka meel walba u diray wasiir ama oday xun oo lacag xanbaarsan ama dadkii uu adeegi jiray ee yidhi soo carqaladeeya kaadhadh qaadashada ee haddana ina leh”si wanaagsan u qaata.” Waa ninka ina leh dad walaalo ah ayanu nahay ee haddana beelaha isku diraya ee qaska abuuraya. Waar adigu dhammaan wuxuu leeyahay mooyee wax kale ayuu samaynayaa. Munaafaq miyaanu ahayn? Haddaanu munaafaq ahayn saw kuwa shirka jaraa’id ku qabanaya kaadhku wax micno leh maaha,diiwaan gelintu wax micno leh maaha, doorashadu xalaal maaha muu qabteen.
Doolaal:Madaxweynuhu dardaaran wanaagsan ayuu dadka u soo jeediyay ee wax kale sheeg. Ta kale wax qarxa iyo waxbuu dadka uga baqay. Buuggan xun ee aad sidataana waa maxay maana?
Dubbe:Waar u kaadiya, u kaadiya. Horta waxaba dadka ugamuu baqan ee faalkii baa sheegay inaanu dabaal deign. Berina faalku wuxuu u qaban doona inaan Sonaliland wax la yidhaahdaa jirin ee aan iska qabano intay goori goor tahay ee codka noogu rida. Taka Saw ma aragtaan buuggaa uu sheegayo Doolaal? Waa digshineeri(dictionary)
Doolaal:Hadduu yahayna? Maxaad ka eegeysay?
Dubbe:Horta waan idiin sheegayaa waxaan ka eegay kelmadda ama erayga la yidhaahdo 26 Juun.
Doolaal:Waar taasi eryba maaha ee waa taariikh eh maxaad u jeeddaa?
Dubbe:Oo maxaad ka xanaaqsan tahay adigu. Waaryaadhaheen? Faqashtii oo maryaha dhigatay oo wax walba ka xanaaqaysa ma aragteen? Diiwaangelintii bay ka xanaaqaysaa, kaadhadhkii bay ka xanaaqaysaa, roobkii bay ka xanaaqaysaa,carruurtii foodhyaysay bay ka xanaaqaysaa, 26ka Juun bay ka xanaaqaysaa,bulshadii caalamkay ka xanaaqaysaa, saacaddu waa imisadii bay ka xanaaqaysaa. Walllahi inay magacooda cisho dhow ka xanaaqi.
Doolaal:Waar waxba kamaannaan xanaaqine maxaad adigu ka eegtay 26ka Juun.
Dubbe:Horta digshineerigu wuxuu ku macneeyay 26ka Juun: Kaana sib kanna saar.
Doolaal:Naw! Anna inaad wax kale sheegayso ayaan moodayay. Waar sheeko kale ma haysaa?
Dubbe:Horta 26ka Juun oo ah maalinta doorashada lagu beegay waa maalintii aynu gumaysigii lixdankii iska ridnay. Waa maalin maantana aynu iska ridayno wahabkan iyo dulliggn iyo tuugtan inagu habsatay. Waa kaana siib kanna saar. Waa Ina rayaale iska rida. Waa maalintaynu dulinka la socda ee Cawil, Ina Siciid Sulub, Cabdillahi Cirro, cabdillahi maxamed Ducaale, Saqadhi oo weliba isagu cudur kale dheer faqashta inteeda kale(intaan taliyaha laga dhigin kiiskii ku socday ee Ina Rayaale dembebesey ee uu iminka ku khuukhiyo(Blackmail) waanu la soconnaa oo dib baa loogu soo oogayaa markay xukuumaddu is beddesho)IWM.
Waa maalintaynu musuqmaasuq iska reebaynay. Waa maalintaynu dadkeena meel ay joogaanba u hiilinaynay. Waa maalintaynu dhallinteena rajadeeda noolaynay. Waa maalintaynu dawladnimadeena sii shiiqaysa soo noolaynaynay. Geediga wadaay. Somalilandeey mashaakilka Rayaale soo wado ee carqaladaynta doorashada ina ilaaliya. Nabadda inoo ilaaliya.
Hambalyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland dhammaan.
Waa inoo qoraalka xiga.Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking