COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 18, 2010

Dikreetada Ogolaanshiyaha Rayaale Iyo Carqaladaynta Qabsoomida Doorashada ee uu Wadaa Ma Wax Isqabtaa?

Khamiistii toddobaadkii hore ayaa inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa si rasmi ah uga bilaabmay bedelaada kaadhadhkii diiwaangelintii hore iyo qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada Madaxtooyada ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimeen isla markaana uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin digreeto ku ogolaaday wakhtigaasi.
Iyadoo maanta ay tahay maalintii shanaad ee ay socoto bedelaada kaadhadhka iyo qaadashada kuwa cusub ayaa Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxa laga soo sheegayaa inay aad u hooseyso tirada dadweynaha u soo baxaya goobaha lagu qaadanayo kaadhadhka cusub.
haddaba waxaynu la soconaa dhacdadii ay Ciidanka Ammaanku Albaabada ugu xidheen laba goobood oo ku yaalla Hargeysa oo ay ka socotay hawsha bedelaada kaadhadhkii hore ee diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxaynu sidoo kale aynu ka warqabnaa sababta ay u cuskadeen carqaladaynta hordhaca ah , waa dariiqa xukuumadda Rayaale damacsan tahay inay ku khalkhaliso hanaanka kaadhadh bedelka iyo qabsoomidda doorashada , si shacabka loo seexiyana waxa uu madaxweynuhu soo saaray qoraal degreeto ogolaanshiyo ku aadan wakhtiga doorashada loo qoondeeyey, bal u dhug-yeesha shacabyahaow ninka leh doorashada waanu galaynaa waa Daahir Rayaale e dhanka kalena adeegayaashii dhagaha fududaa waxay ku guda jiraan afcaashaa aynu soo xusnay ee ah curyaaminta dimoqoraadiyada , cabudhinta shacabka, burburinta dawladnimadda , abuurida qas iyo qalalaase , kala fogaynta bulsho isku xidhan. Bal shacab yahow, hab-dhaqankaa uu Daahir Rayaale faraha kula jiraa ee uu isleeyahay kursiga kusii adkayso miyeynu ka yeelnaa ? shacabiyahow qabsoomida doorashadu ma waxay dan u tahay seddexda hogaamiye xisbi ee musharaxiinta ah mise waxay dan u tahay mustaqbalka dalka iyo shacabka guud ahaan? Daahir Rayaale haddii uu isleeyahay musuq kursiga ku hanti mar labaad miyeynu ka aqbalnaa? “Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho” .
gabagabadii; maanta wax hadal ah oo aan usoo jeedinaayo cida ay arintani khusaysaa iima hadhin, balse kelmeda u dambaysa ama marxaladan hadda taagan waa mid khusaysa shacbiweynaha Somaliland oo kali ah , tallo iyo tusaalayn hogaamiyaasha asxaabtu hore ayaynu inbadan usoo nidhi , haddase cida aan xusuusinayaa markale shacbi weynaha muwaadiniinta guda iyo dibedba weeyi, waxaanan leeyahay shacbiyow dhagartaa udub gacanta ku maleegayso cida ay saameynaysaa waa idinka waa shacabka gudaha iyo dibedaba guud ahaa waa muwaadiniinta reer Somaliland. Haddaba sidee ayaynu uga hortagi karnaa mastaqbalkeena iyo masiirka qarankeena rag qorshaystay inay jar ka tuuraan wixii lagu soo tabcay labaatanka sanno? Anigu waxaan odhan. Aynu indha kusoo wada jeedino oo yaan laga jeesan oo indhaha halagu hayo carqaladaha iyo mushkiladaha ay maleegayaan kuwa dalka sideeda sanno soo silcinaayey ee haddana raba inay shan sanno oo dambe leeleeliyaan, waxay ka dhigan yihiin habartii “ xaabada qaadi kariweyday ee tidhi ii kordhiya”

wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa. Somaliland

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking