COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 23, 2010

Qaar ka mid ah haweenka Somaliland oo shahaado sharaf ku maamuusay Marwo Edna Aadan Ismaaciil

Hargaysa,(NNN)- Qaar ka mid ah haweenka Somaliland ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Marwo Edna Aadan Ismaaciil, taas oo ay ugu hibeeyeen waxqabadkeedii mutadawacnimo ee ka fulisay Somaliland.
Munaasibada xalay lagu Hutel Empirial ee magaalada Hargaysa oo ay ka qayb masuuliyiin ka socday xisbiyada Mucaaradkak, Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horeyn Aamina Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah haweenkii munaasibadan soo diyaariyey ayaa waxay aad ugu dheeraatay taariikh nololeedkii shaqo iyo hawlihii ay soo qabatay muddo ku siman dhawr iyo konton sano Marwo Edna Aadan Ismaaciil. “Marwo Edna Aadan waxay bilawday nolosheeda shaqo 1953-kii, iyada oo ka bilawday dugsi ku yaalaa magaalada Burco, markay ahayd 1954-kii waxa loo diray waxbarasho magaalada London ee cariga Ingiriiska, si ay u soo barato aqoonta umulisonimada iyo kalkaalinta caafimaad. Waxay soo noqotay 1961-kii waxaanay shaqo ka bilawday cusbitaalka Hargaysa iyadoo ka shaqaynaysay qaybta dumarka. 1963-kii waxa loo badelay magaalada Xamar halkaas oo ay ku tababaraysay umulisooyinkii iyo kalkaaliyayaashii caafimaad ee Xamar joogay. 1965-kii waxa qaadatay hay’ada WHO ee caafimaadka adduunka, waxaana la geeyey Xamar iyadoo halkeediina ka sii waday tababarkii ay dhinaca umulisooyinka iyo kalkaalinimada caafimaadka. Isla 1965-kii waxa la geeyey dalka Liibiya, waxaanay ka soo noqotay 1967-kii.” Ayay tidhi Aamina, waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, “Sababtay ay u soo noqotay waxay ahayd odaygeedii alla ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo laga dhigay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, si markaasi ay dhinac ula qabato hawshaa qaran ee loo dhiibay. 1971-kii waxay noqotay agaasimaha qaybta dumarka ee cusbitaalka Madiina. 1976-kii waxay gashay tababar milatari oo dhinaca caafimaadka ah. 1978-kii waxay tagtay dalka Cumaan iyadoo u tagtay shaqo. 1982-kii waxay tagtay dalka Jabuuti oo ay u dirtay hay’ada WHO si ay halkaa uga furto dugsi caafimaad oo lagu barto dhinaca caafimaadka dumarka. 1984-kii ilaa 1987-kii waxay ku hawlanayd inay cusbitaal ka dhisto magaalada Xamar, cusbitaalkaas oo dhismihiisu aanu suuro galin duruufihii waqtigaa taagnaa awgii. 1986-kii waxay noqotay u qaybsanaha 22 dal oo carbeed dhinaca umulisooyinka iyo kalkaalinta caafimaad ee hay’ada WHO.”
Sidoo kale, waxa ka hadlay munaasibadan Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka warbixiyay hawlo badan oo ay soo wada qabteen Marwo Edna oo dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshadaba. Waxaanu sheegay inay Edna isaga ay abaal gaar ah ku leedahay, “Marka laga yimaado Edna magaca ay u soo hoysay qaranka iyo hawsha ay imika u hayso ee dhinacyada badan leh, aniga Edna abaal gaar ah bay igu leedahay, shan caruura baan leeyahay afar ka mid ah iyadaa ka umulisay Hooyadood.” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyey oo yidhi “Markii ugu horeysay ee aan Ingiriiska tagayn taygii Hargaysa la iiga sii xidhay, iyada iyo Dr. Aadan Ismaaciil ayaan ugu tagay, dukaankii ugu horeeyey iyo ilbaxnimadii ugu hareysay Dr. Aadan baa I geeyey, Ednana dadkii na tababaray ee na ilbixiyey ee indhaha noo furay ayey ka mid ahayd.”
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay mareti sharf badan oo ay ka mid yihiin Sh. Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Culamada Somaliland, Cali Maxamed Cajab madaxa xidhiidhka bulshada ee shirkada TELESOM. Dr. Robert oo ka mid hawl wadeenada Cusbitaalka magaalada Hargaysa.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa iyaduna mahad naq balaadhan u soo jeedinayey, dadweynihii ka soo qayb galay munaasibadan iyo haweenkii soo agaasimay munaasibadaba. Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa guddoonsiiyey Marwo Edna Aadan shahaado sharaftii ay ku maamuuseen qaar ka mid ah haweenka Somaliland.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking