COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 17, 2010

Faysal Cali Waraabe oo talo u jeediyey madaxweyne Rayaale, eedeeyeyna qaar ka mid ah wasiirradiisa

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay soo daabacatay Lacag dalka la keeni doono dabayaaqada bishan. Waxaanu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale, Taliyaha Ciidamada Booliska, Shacabka iyo labada Xisbi ee kale ee UDUB iyo KULMIYE.
Eng. Faysal oo shalay Warbaahinta kula hadlay Guriga Shaqaalaha oo uu shalay ka qaatay Kaadhka cusub ee codaynta, ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo Madaxweyne Rayaale oo uu ku ammaanay in uu saxeexo wakhtiga loo cayimay Doorashada.
“Waxaan tahniyadaynayaa dhammaan shacbiga reer Somaliland sida wanaagsan ee ay ugu hawl galeen inay qaataan kaadhadhkii cusbaa, waxaanan si khaas ah ugu mahadnaqayaa Komishanka Qaranka iyo Ciiddamada nabadgalyada oo nabadgalyada si fiican u wada. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha oo isna ogolaaday hab-u-socodkii cusbaa ee doorashooyinka, isla markaana digreetadii soo saaray uu ku ansixiyey maalinta doorashadu dhacayso. Illaahay waxaan ka baryayaa 26-ka June tii hore way inaga saqiirtaye mid aan inaga saqiirin oo inoo noolaata oo illaahay inaga siiyo gobanimo iyo madaxbanaani.” Ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha UCID wuxuu baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale, isla markaana wuxuu dhaliilay qaar ka mid ah Wasiirada Xukumaddiisa. “Hal baan Madaxweynaha leeyahay, Madaxweyne intaad dalka gacanta ku haysay wixii aad khayr iyo shar la timaaddaaba adigay dusha kaa saaran tahay, waxaan hadda Faysal ahaan kuu hayaa wax la majiirto, inaad saddex doorasho oo hore qabatay intaad ahayd Madaxweynaha, tana tii afraad tahay. Taasina waa mid taariikhda kuu galaysa, waxa aan kuu sheegayaa dad aan taariikhda kula galayn oo kuu shaqeeya inay sumcad kaa xumeeyaan maaha, waxa la yidhi cimri tagay ceeb laguma sagootiyo.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Doorashadani waa doorashadii labaad ee Madaxweynaha, waxa jira niman Wasiiro ah oo waxaynu wadno maahee wax kale wada oo Wasiirada oo dhan ma wada ceebaynayee qaar gaar ah oo aanu adduunkana u soo sheegnay oo taariikhduna sheegi doonto. Waxaa markaa u sheegayaa dadka dawlada u shaqeeya Wasiirada ha ahaadeen ama hawl wadeenada kale, wixii aanu anagu wadno iyo waxa aad wadaan waa kala jaad. Anagu waxaanu wadnaa ummadani inay noqoto ummad jirta oo sharaf ku nool oo caafimaad hesha oo biyo hesha oo tacliin hesha oo shaqo hesha oo ictiraaf hesha. Idinkuna waxaad ku mashquulsan tihiin inaad boosaskiina ilaashataan, markaa arrimuhu way kala duwan yihiin. Illaahay baa arsaaqadda bixiya, ta soo socotana shaqo ka waayi maysaan haddaad wanaagsan tihiin. Laakiin waxaanu leenahay hala badbaadiyo qaranka, doorashadaa mugdiga halaga daayo.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu cambaareeyay xadhigga Shaqaalaha laba goobood oo kuwa Kaadh-bedelashada ah ee Hargeysa oo ay Ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen, waxaanu arrintaa ku sifeeyay mid lagu waxyeellaynayay Madaxweyne Rayaale laf ahaantiisa. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxaan aad iyo aad u cambaaraynayaa oo ceeb ku ah dhalinyarta la xidhay, dhalinyarta la geeyey meel ee Komishanku u cayimay ee ah ardaydii jaamacadaha ee maanta labada habeen xidhani maxay gaysteen, waxaanu u aragnaa in arrintaasi tahay arrin lagu waxyeelaynayo Madaxweynaha qudhiisa, waayo waxay imika ina tuseen kuwii xidhay inuu Madaxweynuhu yahay cadawga ardayda jaamacadaha iyo dhalinyarta. Sababtoo ah, haddaanay sidaa ahayn sabab la’aan umay xidheen. Markaa waxaanu u aragnaa arrintaasna mid lagu mijo xaabinayo geed-socodka diiwaangelinta.”
Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, ayuu sidoo kale baaq u jeediyay Guddoomiyaha UCID. “Waxaan leeyahay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, shacabka reer Somaliland uma baahna is-jiid-jiidad, uma baahna yoo-yootan, shacbiga reer Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgalyo iyo midayn, qabyaalad in lagu kala saaro uma baahna halaga daayo dibad-baxyada, cunsiyarada halaga daayo, halaga daayo dhibaatooyinka taagan. Hadda intaa ka dhacday Ceerigaabo illaahay intaa ha inoogu ekaysiiyo.” Ayuu yidhi Faysal.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay soo daabacatay Lacag uu sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu musuq-maasuqo Doorashada iyo habka codaynta. “Dawladdu waxay soo daabacanaysaa 28-ka bisha oo dalka imanaysa lacag cusub haddaydaan ogayn shacbiga reer Somaliland-naw, lacagtaa waxa loogu talo galay in codkiina lagu iibsado. Waad ogtihiinoo imika UDUB ma dhaqdhaqaaqdo oo lacagtaas ayey sugayeen. Laakiin mid baan idiin sheegayaa, lacagtaasi waa cashuurteenii, waana magaceenii. Hore ayaad u sheegteenoo waxaad tidhaahdeen UDUB halaga cuno, UCID-na haloo codeeyo, halkii ka cuna baanu idin leenahay insha alla, lacagtu waa lacagteenii, ka qaata, codna ha siinina (UDUB). Waayo, ceebbay idinku tahay inaad codkiina iyo sharaftiina iibisaan, lacagtaas imika lagu soo beegay iyo Wasiirada la samaynayaba waanu cambaaraynaynaa, waxaanu u aragnaa inay tahay khiyaamo dalka lagu burburinayo.” Ayuu yidhi Eng. Faysal.
Guddoomiyaha UCID waxa uu baaq u jeediyay shacabka Somaliland, isla markaana wuxuu ka hadlay aragtidooda heerka sugidda amniga ee Ciidamada Booliska, waxaanu dhaliilay Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska. “Waxa kale oo aan shacabka reer Somaliland u sheegayaa nabadgalyada in la ilaashado maanta ciidamada nabadgalyadu aad bay u fiican yihiin, marka laga reebo taliyaha Booliska, garan mayno meel uu kubadda u wado. Laakiin Booliisku sharaf buu naga mudan yahay, Taliyaha Booliska waxaanu leenahay uma shaqaysid Rayaale ee ummada ayaad u shaqaysaa, hadduu Rayaale derajo ku siin lahaa waxba may ahaateen. Laakiin derajaba ma haysid, qof bilaa derajo ahi inuu qof derajo siin waayey u adeego waa ceeb. Shacbiga u adeeg oo nabadgalyada u adeeg baanu leenahay..Dadweynaha waxaanu leenahay kaadhadhkaa cusub ee aynu doorashada ku galayno xabad uun qaata, habkan ay dawladu la collowday waa kii aynu sugaynay ee caddaalada ahaa.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking