ah oo uu qoray ka qayb-qaadatay soo-maaxashadiisa
 Haweenay lagu magacaabo Liu Hong oo deggen magaalada Shangqui ee Shiinaha ayaa sida la sheegay sabab u noqotay inuu hadlo ninkeeda oo muddo 12 sanno ah miyir la’aan ku jiray ka dib markii ay muddada intaas le’eg ka dul-akhriyeysay waraaq jacayl oo uu hore iyada ugu qoray ninkeedu wakhtigii uu ugubka ahaa jacaylka qoyskooda maantu ka dhasay.   Haweenaydan ninkeeda oo lagu magacaabo Huang Jianjun ayaa 13 sanno ka hor waxyeello ka soo gaadhay shil baabuur kaas oo ka dhigay bukaan mayd-yaal ah. Ka dib markii uu muddo yaalay cusbitaal, lagana quustay soo-maaxashadiisa, waxa la dhigay gurigiisa oo xaaskiisu cunto dareere laga dhigay ku quraamin jiray iyada oo maalin walba ka dul akhriyi jirtay waraaqda jacaylka ah oo ay iyadu si sir ah u xadidatay. Lammaanahan oo jacaylkoodu hana-qaaday 1990 waxa ay is-guursadeen isla sannadkaas iyaga oo isku dhalay laba wiil. Sannadkii 1996kii ayuu Huang shaqo ka helay meel ka durugsan deegaankiisa si uu u debbero nolosha qoyskiisa. Waxa uu sii watay shaqadiisa muddo yar ka dib markii bishii September 1996 uu ku dhacay shilka miyir-beelka ku keenay isaga oo wakhtigaa baabuurkiisa ugu safrayey magaalada Puyang oo uu ka shaqaynayey. Isla markiiba waxa la dhigay cusbitalka magaaladaas isaga oo dhaawacyo qaba, waxaana astaan u ahaa inuu weli nool yahay garaaca wadnihisa iyo isaga oo neefsanayey. Dabadeed Liu oo xaaskiis ah aya u qaadday gurigooda si ay u daryeesho iyada oo mararka qaar isku dayeysay inay ka dul akhrido heesihii iyo hadalladii wakhtigii jacaylkooda. Haseyeeshee, wax isbeddel ahi ma iman ilaa ay ka heshay waraaqda jacaylka ah. “Markii ugu horraysay ee aan bilaabay akhrinta waraaqda, waxaan aad ula yaabay inuu afkiisa dhaq-dhaqaajiyey. Dabadeed waan sii waday ilaa uu bixiyey afcaal uu kaga jawaabayo wax uu maqlayey,” ayey tidhi Liu. Dabadeed waxaan sii waday akhrinta waraaqdii, ‘Waxaan helay waraaq aad beri ii soo qortay, waxaan rajaynayaa inaad fahmayso iskana kay cafin doonto inaadan dib iiga helin wax qoraal ah.’Haeenaydani waxa ay sheegtay in markii ya hallkaas maraysay inuu ninkeedu dhoola-caddeeyey. Waxa kale oo ka mid ahaa erayadii waraaqda ku qornaa: ‘Waxba igama gelin sida ay dadkuu ii arkaan, kaliya waxaan danaynaa sida aad uu yahay dareenkaaga igu aaddan.’Mr. Huang ayaa markii dambe cusbitaal la dhigay si caafimaadkiisa loogu daryeelo isla markaana dib loosoo celiyo xusuustiisa luntay. 
Mucjisada nin afar todobaad ku hoos jiray burbur dhisme oo la helay isaga oo nool
In kasta oo aanay caddayn sidii uu ku badbaaday muddadaas dheer, haddana waxa uu dhakhaatiirta u sheegay in qof aanu garanayn oo jaakeed cad ku labbisan uu biyo iyo raashin ugu keeni jiray goobtii burburka ee uu ku xannibnaa. Waxa kale oo uu dhaqaatiirta u sheegay inuu maqli jiray dhawaaqyada dadka fadhaya burburka dhismayaashaa isla markaana uu ka baqayey in nolol lagu aaso. Ninkan hooyadii oo warbaahinta u warrantay ayaa tidhi, “Inuu dhintay ayaan u malaynayey, laakiin Illaahay tiisa kamuu dhigin.”
Ka dib markii baadhi-taanka lagu sameeyey, dhakhaatiirtu waxay sheegeen inuu haysto dareemayaashiisa balse jahwareer iyo isku-dhex-yaac ku dhacay. Ninkan ayaa sida ka muuqata dhakhaatiirtu ku sheegeen inay hayso nafaqo-darro saayid ah iyo fuuq-bax, haseyeeshee kamay muuqan dhaawacyo ka soo gaadhay dubkiisa sare. 

Wakhtiga ninkan la helay ayaa muddo badan ka dambaysay xilligii ay dawladda waddankaasi ku dhawaaqday in la soo afjaro baadi-goobka iyo hawlaha badbaadinta ah oo ahayd 23 Jeenarawi. 
Qoyskiisuna waxa ay sheegeen in ila waayey ilaa 12 Jeenwari oo dhul-gariir dhibaatooyin badan gaystay uu ku dhuftay waddankan jaziiradda ah kaas oo galaaftay nolosha in lagu qiyaasay 200,000 oo qof.
Sababaha keenay in dhul-gariirkii Haiti 
Dhul-gariirradii lagu hoobtay ee ku dhuftay Shiinaha 12 May 2008, Talyaaniga 6 April ee 2009 iyo kii ugu dambeeyey ee bil ka hor ku dhuftay waddanka Haiti waxa dhammaantood lagu qiyaasay in ka badan 6.0 ee heerka cabbirka dhulgariirka kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan. In kasta oo dhul gariirka ku dhuftay Shiinaha oo ka dad badan waddan kasta oo caalamka ah uu ka xajmi badnaa kii Haiti  ku dhuftay, haddana waxa la isweydiin karaa sabab uu saamaynta badan u yeeshay dhul-gariirka Haiti Haiti 
Natiijooyinkii ka soo baxay saamayntii dhul-gariirka ee burburiyey dhismayaasha, ilaha aasaasiga ah ee bulshada, xafiisyada dawladda iyo xafiisyada ururrada caalamiga ah ayaa keentay in aan isla markiiba jawaabo deg-deg ah lagu qaabilin dhul-gariirka oo xataa markii dambe sababay dhimashada dad badan oo la badbaadin kararayey.
Waxa uu sheegay in marka la eego dhibaatada Haiti 
Haddaba, isbarbar dhig lagu sameeyey saamaynta ay keeneen dhul-gariirrada kala dambeeyey ee ku dhuftay saddexdan waddan ayaa waxa ka muuqanaysa farqiga wayn ee u dhexeeya saamaynta masiibooyinkaas ee saddex dal. Waddanka Shiinaha oo dhulgariirkii ku dhuftay uu ahaa kii ugu xajmi badnaa dhanka qiyaaska xoogga dhulgariirka (7.9 Richter), waxa uu galaaftay nolosha 87,476 qof halka uu dhaawac uga gaystay 360,000 oo qof, hoy la’aanna ka dhigay 1.5 milyan oo qof. Dhinaca Talyaaniga oo dhulgariirkii ku dhuftay lagu qiyaasay 6.3 Richter waxa ku dhintay 295 qof isaga oo dhaawacyo u gaystay 2,000 oo qof, waxaana ku guryo beelay 0.24 milyan (235,000 qof).Waddanka Haiti oo dhul-gariirka ku dhuftay lagu qiyaasay 7.0 Richter waxa ku dhintay in ka badan 230,000 qof waxaana ku dhaawacmay 300,000 halka uu guryo-la’aan ka dhigay tiro gaadhay 5 milyan oo qof. 
Marka la eego dhinaca khasaaraha maaliyadeed ee uu gaystay, waxa ugu khasaare batay Shiinaha oo uu ka galaaftay maaliyad dhan 85 bilyan oo Dollar (shan iyo siddeetan kun oo milyan) oo waxyar ka noqonaysa dhaqaalaha guud ee waddankaas. Halka waddanka Talyaaniga uu dhulgariirku ka khasaariyey 2.5 bilyan oo Dollar. Waddanka Haiti 
Hoggaamiyeyaal iyo fannaaniin la isku lammaaneeyey
Ka hadalka Siyaasiyiinta caalamka ee nooca miyuusikada ay dhagaystaan iyo sida ay u xiiseeyaan ayaa noqotay mid wakhtigan casriga ah mararka qaar laga weydiiyo si loogu kuur-galo nooca shakhsiyaddooda iyo hab-la-dhaqanka bulshada ay u hellan yihiin inay hoggamiyaan. In kasta oo aan qormadan lagu soo koobin dhammaan hoggaamiyeyaasha caanka ah ee caalamka, haddana waxa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaal caalamka magac ku leh isla markaana dunida reer galbeedku ay inta badan farta ku godaan nidaamkooda maamul. Nooca Miyuusikada ay dhagaystaan oo la kooxeeyey ayaa warbixinta laga diyaariyey waxay lammaanaynaysaa hoggaamiyeyaal iyo heesaaga ay jecel yihiin inay dhagaystaan. 
Robert Mugabe: Cliff Richard 
Hoggaamiyaha Zimbabwe Rober Mugabe waxa uu gaashaanka ku dhuftay inuu waddankiisa u ogolaado Bob Marley oo sannadkii 1980kii doonayey inuu bandhig faneed ka sameeyo maalinta xornimada waddankaas, in kasta oo aanu iska hor istaagin inuu bandhigga ka sameeyo, haseyeeshee waxa uu carrabka ku dhuftay inuu ka jeclaan lahaa heesaaga caanka ah ee Cliff Richard. 
Colonel Gaddafi: Lionel Richie 
Hoggaamiyaha Liibiya waxa uu muujiyey xiisaha uu u qabo masraxadda iyo heesaha fannaanka caanka ah ee Lionel Richie oo sannadkii 2006 munaasibadda nabadda lagu taageerayo ku qabtay waddankaas, taas oo lagu xusayay sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay weerarkii uu Maraykanku ku qaaday magaalo-madaxda waddankaas ee Tripoli halkaas oo dadkii ku dhintay ay ka mid ahayd Hanna oo ahayd gabadh uu dhalay Qaddaafi. Dhinaca kale, Richie ayaa sheegay inuu masrax-ciyaareed ka samaynayey waddanka Ciraaq habeenkii ay taangiyada Maraykanku weerareem magaalada Baqdaad. 
Slobodan Milosevic: Frank Sinatra 
Madaxweynihii hore ee waddankii la isku odhan jiray Yugoslavia New York 
Kim Jong-il: Eric Clapton 
Fannaanka Clapton ayaa noqday heesagii ugu horreeyey ee reer Galbeed ah oo fursad u helay inuu heesihiisa ka qaado masraxyada waddanka Woqooyiga Kuuriya ka dib markii uu dalbaday hoggaamiyaha waddankan Kim Jong-il sannadkii hore. Arrintan xiisaha fannaankan ayaa la sheegaya inuu ka dambeeyey wiil uu dhalay madaxweynahaasi oo waddanka Switzerland 
Mahmoud Ahmadinejad: Chris de Burgh 
Fannaaka Chris de Burgh oo u dhashay waddanka Ireland  ayaa xagaagii hore loo ogolaaday inuu bandhig-faneed ka sameeyo waddanka Iran 
Warkii oo Dhan
 





 
 



 
 








 


