Addis
Ababa (Nasiib)- Milatariga Dawladda Itoobiya, ayaa si rasmi ah
ugu biiray Hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaag Gudaha dalkaasi
Soomaaliya.
War
kasoo baxay shalay wasaaradda Gaashaandhiga Ethiopia, ayaa lagu sheegay in ay
ciidamada Ethiopia si rasmi ah ugu biireen howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan
gudaha Soomaaliya.
Waxa
warkan lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay la shaqeyn doonaan ciidamada
Uganda iyo Burundi ee ka hawlgalaya gobolada Shabeelooyinka iyo Baay, halkaas oo
ay ka wadaan hawl-gallo milatari ay dagaal ku jiraan xoogagga Kooxda Al-Shabaab
oo awood ku leh gobolladaas.
“Ciidamadayadu
maanta wixii ka dambeeya waxay ku shaqaynayaan sharciyadda ciidamada AMISOM oo
ay maanta (shalay) si rasmi ah ugu biireen,” ayaa lagu yidi war-murtiyeed ka
soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dawladda Itoobiya.
Ciidamada
Itoobiya ee ka mid noqday hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa tiradooda lagu
sheegay inay yihin 2,000 Askari oo si hordhac ah ugu biiraya xoogagga
nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.
War-murtiyeedkan,
waxa sidoo kale lagu sheegay in dawladda Itoobiya ay xoojin doonto dagaalka ka
dhanka ah kooxda Al-Shabab isla markaana ay xaduudaheeda adkaysan doonto.
Ciidamada
Itoobiya oo gobollada Soomaaliya qaarkood in muddo ah ku sugnaa iyaga oo aan ka
tirsanayn howlka AMISOM, ayaa waxa soo dhaweeyay Ururka Midawga Afrika xafiiska
arrimaha Soomaaliya u qaabilsan.
Howlgalka
AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkii 2007, ayaa hadda waxa ku jira
ciidamada lix wadan oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala Uganda, Burundi, Kenya,
Jabuuti, Nigeria iyo Itoobiya, waxaanay dawladda Soomaaliya ee taagta daran ku
gacan siiya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabab.
0 comments:
Post a Comment