COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, January 24, 2014

Madaxweynaha oo Guddi Wasiirro ah u magacaabay Ka-hortagga Dhaqan-xumada

Hargeysa (Nasiib)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu shalay soo saaray guddi heer wasiir ah ugu magacaabay ka-hortagga Anshax-xumada oo uu sheega inay laf-jab iyo ku tahay qaranimada.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal; Waa xilka Xukuumadda in laga hortago cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.
Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.
Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.
XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY
1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddoomiye        
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xubin  
3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xubin
4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska,  Xubin
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska, Xubin
6. Taliyaha  Sirdoonka Qaranka, Xubin
Guddigan uu madaxweynaha Siilaanyo magacaabay, ayaa noqonaysa Guddigii labaad ee heer-wasiir ah oo uu u magacaabo Wax-ka-qabashada Arrimo khuseeyaha adeegyada Bulshada, waxaanu dabayaaqada sannadkii hore magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano goleyaasha ah oo loo xil-saaray kor u qaadista iyo kobcinta bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalka.    

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking