COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, January 31, 2010

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 January

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 Januaryaa Wargeys maalinle ah oo madax bannaan oo ka soo baxa Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeisa.

Guurtida: Is-casilaaddii Sh. Furre, aamuskii Siciid, amakaaggii Saleebaan iyo ereyadii ka dambeeyay

“Sheekh Axmedoow ma sidaasaad garatay, mase u gudbiyaa Golaha?”

“Waxa soo korodhay arrin kale oo aanan hore u ogayn oo ka baxsan tii aanu hore uga hadlaynay”
Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay khilaafka aan weli xalka loo helin ee Golahaas, isla markaana wuxuu sheegay in aanay jirin weli wax ay isla meel-dhigeen Shirguddoon ahaan. Waxaanu baaq u jeediyay Mudanayaasha kale ee Golaha.
Fadhigii shalay ee Golahaas oo ay ka xaadireen 55 Mudane, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay ku furmay jewi degan.
Ugu horrayn Sheekh Khaliif Xasan Gudaal oo ka tirsan Mudanayaasha Golahaas, ayaa halkaa hadalk uu ka jeediyay waxa ka mid ahaa, “Umaddu siday doonayso mar walba wax ma noqdaan oo si kale ayay u dhacdaa mararka qaarkood ee marka ay wax yimaaddaan waxa wacan in laga wada tashado oo la xalliyo. Sababtoo ah, khilaaf wuu jirayaa oo beri iyo saadambeba wuu imanayaa, meelna la kala tegi maayee Khilaafka ha la xalliyo oo Ilaahay ha laga yaabo.” Waxaanu intaa raaciyay Mudanuhu oo uu yidhi, “Dadka ama Gaajaa isu-geysa iyo baaha ama Dherag baa isu-geeya. Inaga Gaajo isuma keen gaynaysee (khilaafka ma abuurayso) ee waxa isu-keen gaynaya waa Dherag iyo durduro. Waxaan leeyahay, haddii Jidhka qofka uu Dhabarku yidhaahdo dhinacaygaan u dhaqaaqayaa, Wejiga iyo inta horena tidhaahdo dhinacaygaan u soconayaa ma suurtogalayso, waxa wanaagsan in la kala dambeeyo oo lays daba socdo.”
Waxa hadalkii la wareegay Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlay arrimo la xidhiidha wada-xaajoodyo dhawaanahanba u socday Shirguddoon ahaan, waxaanu sheegay in aanay jirin weli wax laysla meel dhigay. “Hadii xil ina saaran yahay oo Baarlamaanka had iyo jeer waa laynaga reebaaye waxa ina saaran xil Baarlamaan, waliba mid Guurti iyo Odaynimo, waxa weeye in la xalliyo wixii ina dhex yaala oo aynu Bulshada si ugu wada adeegno.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idinkaga tegay Heshiis inaga oo ah oo aynu waliba gaadhnay heshiis 9 qodob ka koobnaa oo aan islahaa waa la fulinayaa. Labada Guddoomiye-ku-xigeen nabad baanu ku kala tagnay, waxa Golihii soo galay khilaaf ay labada Guddoomiye-ku-xigeen yidhaahdeen anaga Shirguddoon ahaan ayuu noo dhaxeeyaa. Waa waajib in aanu khilaafka dhexyada ka saarno, hawshaasna waanu wadnaa. Laakiin, weli waxba islamaanu meel dhigin, hase yeeshee, wixii aanu gaadhno ayaanu Gole ahaan idiin soo gudbinaynaa.”
Guddooomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu Mudanayaasha Golahaas u jeediyay in aanay isku xidhnaanin wada-hadallada socda ee Shirguddoon ahaan iyaga u dhaxeeya iyo hawlihii uu qaban lahaa Goluhu oo uu ugu horreeyo gudo-galka kalfadhiga Golahaas u furmay. “Anagu Shirguddoon ahaan dhexdayada aanu danaha ka raacno, balse Goluhu wuu furmay oo istaagi maayee ha shaqeeyo, hawlanaha ha la wado.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha oo hadalka wata, ayaa Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdilaahi-dheere Guddoomiyaha u dhiibay Warqad saxeexan, taas oo keentay in uu Guddoomiyuhu hoos ahaan u akhristo, isla markaana uu su’aal la xidhiidha qoraalka ugu noqdo Guddoomiye-xigeenka 1aad Sh. Axmed Nuux Furre. “Sheekh Axmed ma sidaasaad garatay?” ayuu waydiiyay Guddoomiyuhu, taas oo uu Sheekh Furre ka jawaabay oo uu yidhi, “Waan ka wadi waayay, waan ka wadi waayay”. Guddoomiye Saleebaan waxa uu Sheekh Furre waydiiyay su’aal kale oo u dhignayd, “Ma u gudbiyaa (Qoraalka) Mudanayaasha Golaha?”, taas oo uu Furre kaga jawaabay, “Haa ee u gudbi”.
Gudoomiyuhu wuxuu Warqaddii u gudbiyay Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Siciid Jaamac Cali oo madasha fadhiyay,  hase ahaatee, Siciid waxba kama odhan ee inta uu akhriyay ayuu iska celiyay.
Intaas ka dib, Guddoomiye Saleebaan oo Wejiga ay ka muuqato yaab iyo fikir uu muddo kooban kaligii iskula faqay, waxa uu xidhay fadhigii, waxaanu Mudanayaasha ku wargeliyay in fadhiga maanta Golaha mar kale laysugu soo noqdo. “Arrin aan halkan ku ogaaday ayaa nagu soo korodhay oo tii aanu wadnay mid aan ahayn oo kale ayaa timi ee aanu saddexdayadu (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) is-raacno oo aanu shirno, fadhiguna wuu inoo xidhan yahay ee waa inoo berri Insha Allah.” Ayuu hadalkii ku soo gebogebeeyay Saleebaan.
Ka dib markii ay Shirguddoonku dibedda uga soo baxeen Golaha, ayaa mar Sheekh Furre wax laga waydiiyay nuxurka Qoraalka, ayaa Guddoomiyaha Guurtida isaga riixay in uu ka hadlo. “Guddoomiyaha ayaa Qoraalka haya ee waydiiya waxa ku qoran.” Ayuu ku jawaabay Furre.
Geesta kale, Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna wax laga waydiiyay nuxurka qoraalka, ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, waxaanu sheegay in ay Golaha horkeeni doonaan wixii jira.

Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inuu xilkaa iska  casilayo
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa la sheegay inuu ku hanjabay inuu iska casili doono xilkaas.
Siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews, arrintani waxay ka dambaysay ka dib markii ciidanka ilaalada Madaxtooyadu ay shalay Afhayeenka UDUB ka horjoogsadeen inuu galo xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in is hortaaga ilaaladu kula kaceen Afhayeenku ay sababtay inuu hadalku ka taagtaagmo, kaasoo markii dambe sidu bedelay in hadalo kulkululi dhexmaraan.
Siday dad goobjoog ahaa u sheegeen shakabadda, waxa muran iyo buuq dhexmaray afhayeenka UDUB io ciidanka is hortaagay, kaasoo ku dhexmaray irida hore e laga galo xarunta Madaxtooyada. Sida warku sheegay, arrintaasi waxay sababtay inuu xidhmo jidka halbowlaha ah ee hormara Madaxtooyada, ka dib markii dad aan badnayn iyo gaadiid jidka marayay halkaa ku hakadeen. “Isagana (Madaxweyne Rayaale) imikaan Telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan guul-wadayaashiisa oo kuwo la mid ah ayuu na moodayaa," sidaa waxa laga sheegay inuu ku tiraabay Muj. Cali-gurey.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in Afhayeenka la tusay warqad aanay cadayn waxa ku qoraa, taasina waxay sababtay in Afhayeenku ku hanjabo inuu is casilayo.
Intaa ka dib, waxay weriyeyaal shabakadda ka tirsani ka soo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr talaabo u jira Madaxtooyada kula kulmeen Afhayeenka UDUB oo gaadhigiisa dhex fadhiya, kuna mashquulsan telefoonkiisa gacanta (Mobile-ka), isla markaana ku tiraabaya erayo uu ku diidan yahay dhacdadaas.

Hargeysa: Magacyada dad ku dhintay Shil Baabuur
Hareysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen shil Baabuur oo shalay ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay Keyse Maxamed Muxumed oo ka tirsan qaybta gargaarka degdega ah ee Cusbatalka guud ee Hargeysa, waxa uu shilkaasi ka dhacay meel u dhow tuulada Dhubato oo u dhexaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Waxa uu sheegay in Baabuurka shilkaas geystay uu ahaa nooca loo yaqaano Maarka-tuuga, isla markaana ay ku dhinteen Cabdi Muxumed (Cabdi-rabaysane) iyo nin kale oo magaciisa Axmed lagu koobay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen darawalkii gaadhigaas oo la yidhaahdo Axmed Yaasiin Maxamed iyo Cabdifataax Maxamed Sh. Caynaan, kuwaasoo haatan lagu daawaynayo Cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa kor u sii kacayay khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka Somaliland.

Wasaaradda Qorshaynta iyo hawlgalkeeda la xisaabtanka hay’addaha
“Waa xaq in ciddii xil loo dhiibo lala xisaabtamo, haddaan la-xisaabtan jirina…”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka………Shirjaraa’id
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaraddiisu kula xisaabtamayso hay’addaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.
Wasiirka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheega inay waajib tahay in cid kasta oo xil loo dhiibo lala xisaabtamo, taas la’aanteeda waxa uu sheegay in aan horumar la gaadhi karin.
Wasiir Cali-Sanyare oo ay shirkiisaa jaraa’id goobjoog ka ahaayeen guddi farsamo oo Wasaaradda Qorshayntu u xilsaartay isku-dubaridka barnaamijka la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah, waxa uu sheegay inay wax-ka-bedel ku sameeyeen qorshihii laxisaabtanka ee ay sannadkii hore u bandhigeen hay’adda. “Waxaanu bilownay sanadkan qorshihii la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah ee aan dawliga ahaynba, waxaanan kula xisaabtamaynaa deeqihii dalka soo gaadhay siday u baxeen. La xisaabtankani wuxuu noqon doonaa mid joogto ahaan doona. Sanadkii hore markii noogu horraysay bay ahaydoo, may ahayn wax la wada dhammaystiri karo,” ayuu yidhi Wasiirku. “Khibradii aanu sanadkii hore ka faa'iidaysanay la xisaabtanka hay’addaha, waxaanu sanadkan foomamkii u diray hay’addaha caalamiga ah, si ay ugu soo buuxiyaan deeqihii iyo siday u baxeen. Waxa kale oo aanu nuqulo siinay ururada iyo hay’addaha dawliga ah ee la fulinayay mashaariicda. La-xisaabtanka sanadkani wuu ka balaadhan yahay kii sanadkii hore. Su’aalihii aanu sanadkii hore waydiinay waxay ahaayeen 12 su’aalood oo dhammaantood la xidhiidhay mashaariicda iyo deeqaha. Laakiin, sannadkan waxaanu soo kordhinay xogihii aanu waydiinaynay oo aanu ka dhignay 18 su’aalood oo loo baahan yahay,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in barnaamijkan la-xisaabtanka ay qayb ka yihiin Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ah ee Somaliland oo uu xusay in looga fadhiyo inay soo bandhigaan meelaha laga fuliyay siday u baxeen mashaariicda horumarinta ee ay wax ka fulinayeen. “Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in aanu dhawaan soo bandhigi doono warbixin cilmiyaysan oo salka ku haysa natiijada barnaamijka la xisaabtanka…. Hay’addaha Caalamiga ahi si weyn ayay u  qaateen barnaamijkan la xisaabtanka oo ah wax xaq ah oo u baahan inuu dhaxal u noqdo Somaliland oo uu sii socdo, inagana waa la inooga baahan yahay inaynu dhinaceeda diyaar u noqono,” ayuu yidhi.
Wasiirka oo la waydiiyay inay wax talaabo ah ka qaadeen dhawr iyo toban hay’addood oo ay sannadkii hore digniin u qoreen, ka dib markii ay warbixintoodii waxqabad soo gudbin waayeen, waxa uu ku jawaabay; “Horta, nasiib-wanaag saddex mooyee intoodii badnayd way soo direen la xisaabtankii, kuuwaasina waxaanu ogaanay inaanay dalkaba joogin ee ay ka tageen, markaa digniintayadii way gaadhay xarumahoodii,” ayuu yidhi Cali Ibraahim Maxamed. “Haddaan la isla xisaabtamin horumar la gaadhi maayo, cid kastoo xil loo dhiibay in lala xisaabtamaana waa xaq,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inay hay’addaha ku wargeliyeen inay si siman mashaariicda ay fulinayaan ugu balaadhiyaan gobollada dalka, iyadoo sida uu sheegay ay intii ka horaysay 2006 mashaariicdu u badnayd gobollada Galbeedka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inay ku dedaalayaan in hay’addaha dalka ku sugani si siman ugu xaqsooraan gobolada dalka, iyadoo muhiimada la siinayo siday baahidu ugu kala badan tahay. “Waa run in Galbeedku u badnaayeen waqtiyadii hore…Wasaaraddan baa u xilsaaran inay ilaaliso in mashaariicdu si siman dalka looga fuliyo, haddii wadanka deeqdu kala qaybisana midnimadu jiri mayso. Intii ka dambaysay 2006 markii aanu hay’addaha ku wargelinay, 66 jeer bay u ruqaansadeen dhinaca Bariga,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in qiimayntii ay sannadkii hore soo saareen ay gobollada mashaariicda ugu badan laga fuliyay uu gobolka Togdheer kaalinta labaad ka galay.

Wefti ka socda Golaha Wakiilada oo Ingiriiska kaga qayb-galaya Shirka dalalka Barwaaqo-sooranka
Addis-Ababa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Guddida la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golahaas Md. Aadan Tarabi Oogle, ayaa habeen hore ka amba-baxay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana u kicitimay dalka Ingiriiska.
Mudanayaashan oo habeen hore Wargeyska Ogaal ugu waramay Magaalada Addis-Ababa, ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho casuumad Rasmi ah oo ay ka heleen Shirka Barwaaqo-sooranka oo ku qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay sheegeen in lagaga hadli doono Dhismaha nabadda iyo maamul-wanaagga.
Labadan Mudane waxay sheegeen in SShirkan lagu marti-qaaday 40 Dal oo mid kasta laga casuumay laba Xubnood. “Waxaanu ku faraxsanahay anaga oo metelaynaya Somaliland in aanu Shirkaa ka qayb galayno.” Sidaa waxa yidhi Md. Samaale oo sheegay inay qaddiyadda Somalialnd ku soo bandhigi doonaan shirkaas.
Shirkan Barwaaqo-sooranka ayay sheegeen in uu socon doono muddo toddoba maalmood ah, kuwaas oo 5 ka mid ah uu ku qabsoomi doono Magaalada London, halka 2 maalmood ee kalena uu ka dhici doono Magaalada Belfast ee Waqooyiga Ireland.
Maaha markii ugu horraysay ee Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay ka qayb-galaan Shir noocan oo kale ah, hase ahaatee, waa markii u horraysay ee Somaliland shirkan loogu marti-qaado si rasmi ah.


Markab Dhuxul sida oo Dab ku qabsaday Dekedda Magaalada Muqdisho
Muqdisho, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Markab nooca Dhuxusha qaada ah oo lagu magcaabo Al-Marjan, ayaa shalay ku gubtay dekedda Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu halkaas ku xidhay si looga badbaadiyo Dab si lama filaan ah uga kacay Markabka.
MV Al-Marjan oo dorraad soo gaadhay Dekedda Muqdisho ayaa dhuxusha uu wado ka soo qaaday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ee isla Soomaaliya, halkaasoo ay gacanta ku hayso Kooxda Al-Shabaab. "Waxaanu dedaal u galnay in aanu Markabka daminno” sidaa waxa yidhi masuul ka tirsan Dekedda Muqdisho oo Warbaahinta u waramay shalay.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Markabka ayaa sheegay in Dhuxusha markabka saaran ay ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxayna sheegeen in Dabka ay ku arkeen markii ay soo gaadheen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baraawe.
Gaadiidka Dab-demiska iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa ka qayb-qaatay deminta Dabka ka kacay Markabka. Markabkan oo siday Dhuxul aad u tiro badan, taas oo badankeedii ku dul baaba’day, ayaa ka mid ah Maraakiibta Dhuxusha ka qaadda Soomaaliya ee geeya dalal badan oo uu Khaliijka Carabtu ka mid yahay.
Maaha markii ugu horreysay oo uu Markab ku gubto dekedda Muqdisho, iyadoo sannadkii hore uu ku gubtay markab kale oo dhuxul waday, kaasoo ay damiyeen ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka Dekedda.
Urur Siyaasadeedka UDHIS oo shir ku qabsaday Carriga Ingiriiska
“Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo”
Sheffield, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa Shirweyne uu ku qabsaday magaalada Sheffield ee carriga Ingriiska waxa ay ku falanqeeyeen Xaaladda Dalku hadda taagan.
Xog-hayaha guud ee Urur siyaasadeedka UDHIS Axmed Maxamed Jawhari oo dhawaan ka tegey dalka oo uu socdaal ku joogay, ayaa Khudbad dheer oo uu kulankaas  ka jeediyay waxa uu si qoto dheer uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, Hogaaminta Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay kuwo Xisbiga UDUB la qaba Fashilnaanta iyaga oo aanu cadayn Barnaamij siyaasadeedkoodu.
Hadalka uu halkaa Jawhari ka jeediyay oo dhamaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
"Mudanayaal Iyo Marwooyin waxa ii sharaf ah in aan maanta halkan aynu ku kulano oo aan idinka waramo  xaalada wadankeenii oo aan dhawaan ka soo laabtay.  Dhulkeenii maanta waa nabad, Illaahii nabad-gelyadaa inagu simay ayaa mahadeeda leh. Deganaanshahaa iyo nabada Somaliland ka jirta waxa iyaguna markasta u taagan in ay dhawraan shacabka Somaliland, oo ah kuwa ay sida weyn ee tooska ah ay u taabanayso haddii ay xasiloonidaas ay wax ku yimaadaan. Waxa jira kooxo aan raali ka ahayn deganaanshaha dalka iyo isku duubnida bulshada Somaliland. Waxa aynu ka wada dheregsannahay xaalada cakiran ee ka jirta gobolka maanta. Waxa aad la socotaan in weeraro argagixiso ay ka dhaceen wadankeena, markastana cadawga Somaliland ay maleegayaan shirqoolo wax lagu yeelaynayo nabada dalka iyo dadkeena.
Waa illaahay mahadii in kooxahaasi ay ku guul-daraysteen in ay faafiyaan fikirkooda guracan, ee ku salaysan siddii ay u kala qoqobi lahaayeen dadkeena, shaki iyo aamin darana ay uga abuuri lahaayeen heer kasta oo bulsheedana ah, ha ahaato mid dhaqan, mid gobol, mid xisbi siyaasadeed iyo wax kasta uu u fududaynaya in aragtiyahaas ka reebka ahi ay ku xididaystaan wadankeena. Taasi kama dhigna in qataraha wax u dhimi kara dalkeenu ay ka yimaadaan oo keliya meelo ka baxsan xuduudaha Somaliland. Waxa khatar taas la mid ah keeni kara ka-feejignaan iyo dhayalsi aynu dhayalsano xad-gudubyada iyo xil gudasho la’aan ka timaada kuwa loo igmaday in ay ka turjumaan rabitaanka dadkeena.
Waxa aynu qaadanay nidaamka Dimuqraadiyada xisbiyada badan, laakiin waxa aynu hadda u muuqaanaa in nidaamkeena dimuqraadiyeed uu magac u yaal uun yahay. Waxa berigii hore badanaa qaarada Afrika ka dhici jirtay in marka uu nin keligii talis ahi uu xukun qori caaradiis uu ku qabsado uu sameyn jiray nidaam uu weligii xukunka ku haysto. Teenu waxa ay maanta u muuqataa keli-talisnimo dhawrkii biloodba dib loo cusboonaysiiyo. Habka iyo heerarka loo maro cusboonaysiinahan ayaa ah kuwo la qabitimay, muuqaalkeeda meel dheer ayaa laga gartaa, waxa ay ku bilaabantaa khilaaf siyaasadeed oo la soo macmalay oo la dhex dhigo golayaasha wakiilada iyo guurtida, khilaafyadaas oo ujeeddada keli ah ee laga leeyahay ay tahay si loo wiiqo rabitaanka shacabka, loogana hortago in doorasho xor iyo xalaal ahi ay wadanka uga qabsoonto.
Horaa loo yidhi “Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo” Waxa wax laga tiiraanyoodo oo aan marnaba la qaadan Karin ah in 30 sannadood ka dib aasaaskii dhaqdhaqaaqii SNM iyo kudhawaad 20 sanno ka dib la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland, ay xukuumadeenu ay shacab mudaharaadaya ay rasaas kula dhacdo magaalada Hargeysa. Xukuumada talada dalka haysaa wey ku fashilantay xilkii loo igmaday, inta ay wadanka ka talisona wax inaga dhaca mooyee, waxba inoo kordhi maayaan.
Waxa ayaan daro ah in aanay ahayn xukuumada oo keliya tan fashilantay, ee waxa daawasho iyo ceeb la qaba labadda xisbi mucaarid oo iyaguna ku guul daraysatay in ay soo bandhigaan barnaamij siyaadeed oo ay dawlad ku hagaan,  dimuqraadiyadeena kaga dhigi lahaayeen mid magacaas u qalanta.
Wax aan hore u sheegay in xikmada siyaasadu aanay saddex xisbi ku koobnayn, kuna koobnaan Karin. Dadkeenuna ay u qalmaan in loola dhaqmo in ay yihiin   kuwo kala garan kara xaqa iyo baadilka, dadka iyo xisbiyada is-bidaya in ay hayaan talooyin taabo gal ah, oo dalka iyo dadka faaiido u lehina ay helaan firaaqadii ay ku soo bandhigi lahaayeen fikirkooda.
Khatarta ay leedahay in koox gaar ah, oo u adeega danahooda gaarka ah, oo aan si dhab ah u metalin dadka ay sheegtaan in  ay ka wakiil yihiin, oo aan ficilkooda iyo fikirkooda midnaba aan ku salayneyn danta guud iyo halka dawadu ku jirto, oo taas ka door bida dan shaqsi iyo mid xisbi, waxa tusaale cad inoo ah maqiirta ku habsatay walaaleheena Soomaaliyeed, ee 20ka sanno u dabran nin ku danaysta iyo urur aan u diir naxayn.
Marka aynu qiimaynayno halka ay Somaliland taagan tahay way haboon tahay in garawsano waxyaabaha  inoo qabsoomay, waxa iyana meesha ku jirta in aynu ogaano in aynu ka kororsan karno halka aynu maanta taaganahay. Xoraynta wadanka waxa loo soo maray halgan qadhaadh oo naf iyo moodba leh. Ururkayaga UDHIS waxa uu u taagan yahay in la helo xoriyad buuxda iyo horumar siyaasadeed."




Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, January 28, 2010

Qarax maanta ka dhacay Laascaanood oo lagu dhaawacay guddoomihii gobolka dadka kalana ku dhinteen



Laascaanood (Nasiiba)- Mid ka mid ah ilaaladii Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen ayaa dhintay, Guddoomiyaha iyo afar qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii maanta Laascaanood lagula beegsaday Bam nooca meesha fog laga hago ah.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Ilaaladiisa, ayaa Bambo nooca meesha fog laga hago ah oo Gurigiisa la ag-dhigay lagu qarxiyay abbaaro 11:15 subaxnimo ee saacadda Afrikada bari, waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo uu ku jiro Guddoomiyuhu.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, January 25, 2010

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Isniin 25 January


Halkan ka akhri wararkii wargyeska ogaal maanta oo Isniin ah








Holhol: Ciidanka Qaranka oo xubno Garaado ah qabqabtay
Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay gaadheen tuulada Holhol oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.
Sida uu xalay baahiyay Telefishanka Horn Cable, Ciidanku waxay tuulada Holhol u tageen si ay uga hortagaan shir Somaliland ka dhan ah oo la doonayo in lagu qabto degaankaas, kaasoo ay dhawaan shaaciyeen qaar ka mid ah Garaadada beesha gobolka Sool.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Ciidanka Milaterigu markii ay gaadheen tuulada ay qabqabteen saddex ka mid ah Garaadada doonayay inay shirkaas qabtaan. Waxa la sheegay in Ciidanku fadhiisin ka samaysteen tuulada Holhol, isla markaana ay halkaas ka baxsadeen qaar ka mid ah koox dhowaan shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo muddooynkii u dambeeyay abaabulayay shir lagu diidan yahay Somaliland.
Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka ee jiida hore, waxay shalay u ruqaansadeen dhinaca Puntland.
Sida warku sheegay, Ciidanku waxay ku ruqaansadeen oo ay gaadheen tuulada Tuko-rag oo ilaa 50 Km u jirta magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland.
Hargeysa: Ciidanka Booliska oo is hortaagay dadweyne gadood sameeyay
Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka Booliska ee Somaliland, ayaa is hortaagay dadweyne gadood ka sameeyay magaalada Hargeysa.
Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in dadkaas oo dumar iyo dhalinyaro u badnaa ay doonayeen inay gacanta ula tagaan nin habeenimadii Jimcihii aynu ka soo gudubnay wiil dhalinyaro ah Toori ku dilay, kaasoo weli maydkiisu yaalo Cusbatalka guud ee Hargeysa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dilka wiilkaa dhalinyarada ahi ka dambeeyay ka dib markii hoteel dhinaca Bariga magaalada ku yaala uu isku dhac ku dhexmaray dhalinyaro aroos ka qaybgashay. “Niman dhalinyaro ah baa is af dhaafay, dabadeedna mid baa Mindi la geliyay oo u dhintay, imikana dilkiisa shan baa u xidhan,” ayuu yidhi.
Mr. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo inay gudbiyeen dadka falkaas loo haysto oo sida la sheegay Maxkamadda gobolka Hargeysa shalay rumaan ahaan ugu gudbisay Xabsiga Mandheera. “Hala rumaangareeyo ama Saldhiga haku jireena, waa loo hayaa, nimankana wixii loo xidhay baa lagu eedaynayaa, kiiskana baadhistiisii baa socota,” ayuu raaciyay. “Dhalinyaro ehelka ninka dhintay ah baa buuqa samaynayay, cadhaysnaa oo lahaa ‘noo soo saara anagaa wax ka qabane’. Markaa rumaan may diidanayne, waxay doonayeen inay ninka farosaaraan oo ay waxyeeleeyaan,” ayuu yidhi Maxamed Saqadhi oo ka jawaabayay waxyaabaha ay dadweynuhu doonayeen.
Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay jirin cid ay u xidhxidheen gadoodkaa dadweynuhu sameeyeen.
Dhinaca kale, sida uu sheegay Weriye Wargeyska Ogaal ka tirsan oo goob joog u ahaa isku-dhacaa kooban ee Booliska iyo dadkaa dibad-baxa samaynayay, Ciidanku waxay rasaas ay kor u rideen u adeegsadeen inay kala dareeriyaan dadkaas. Intii uu socday is wajahaada Ciidanka iyo dadkaasi, waxay askartu mararka qaarkood dhagax-tuur kaga jawaabayeen shiidh ay dadweynuhu la beegsadeen Ciidanka iyo Saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa.

Dawladda Itoobiya oo xidhay Xadka ay la wadaagto Somaliland iyo socdaalka Meles Zenawi ee Jigjiga

Jigjiga, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Dawladda Itoobiya ayaa muddo 48 saacadood ah xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, waxaanay joojisay gebi ahaanba isu-socodka gaadiidka ee u kala gudbi jiray labada dal, marka laga reebo Baabuurta Qaadka.

Inkasta oo aanay labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, kaas oo ay sheegtay in uu xidhnaan doono muddo 48 saacadood ah oo shalay ka bilaabma, kuna eg maanta oo Isniin ah. “Toddobaadkii u dambeeyayba waa la adkeeyay xadka, si adag baana loo baadhayay dadka ka gudbaya, balse maanta (shalay) ayaa la xidhay. Dhinaca Somaliland waxa tuman dad badan oo u gudbi lahaa dhinaca Itoobiya, waxaanay buux-dhaafiyeen Huteellada la seexdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalo-xuduudeedda Wajaale oo Wargeyska Ogaal uga waramay arrintan. “Baabuurta Qaadka ka soo qaada Itoobiya oo kaliya oo aanay Darawalka iyo raacuhu oo kaliya la socdaan ayaa la ogol yahay inay ka gudbaan Xadka, kuwaas laf ahaantoodana lama ogola inay dib ugu noqdaan Itoobiya ilaa amar dambe oo waxa la faray in ay joogaan dhinaca Somaliland.” ayuu intaa raaciyay qofkaasi. Waxaanu sheegay in dadkii ka bixi lahaa Itoobiya ee u socday dhinaca Somaliland lagu joojiyay Magalaada Jigjiga oo aan loo ogolayn inay ka baxaan ilaa xadka la furayo.

Sababta loo xidhay Xadka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal-Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi markii ugu horraysay muddo 20 sano ku dhaw oo uu xilka hayay uu socdaal ku imanayo magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. “Magaalada Jigjiga waxa lagu qabanaa shirkii xoolo-dhaqatada Itooobiya oo beri (maanta) oo Isniin ah, marka laga yimaaddo masuuliyiinta kale ee ka qayb-galaya, waxa Shirkan imanaya oo ka qayb-galaya Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo la filayo in uu Diyaarad ku yimaaddo.” Waxa isna sidaa Ogaal u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Masuulkani wuxuu intaa ku daray in waqtiga la filayo in la furo Xadka Somaliland iyo Itoobiya ay tahay marka uu Meles Zenawi ka amba-baxo magaalada Jigjiga. “Waxa la filayaa in uu Jigjiga joogo muddo afar saacadood ah, waxaana la furi doonaa xadka marka uu noqdo gelinka dambe ee beri (maanta). Inta ka horraysa waxa la sheegay in uu xidhnaan doono xadku.” Ayuu yidhi masuulkaasi.

Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Booliska ee Jigjiga oo loo magac-bixiyay Booliska cusub (New Police), ayaa la keenay magaalo-xuduudeedda Wajaale, kuwaas oo ilaa shalay hubinayay hirgelidda xidhitaanka Xadka, isla markaana kormeerayay xadka.

Maaha markii u horraysay ee ay Dawladda Itoobiya xidho xadka ay la wadaagto Somaliland, hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo gaaban ay sidan oo kale u xidhay, balse ay markii dambe dib u furtay.

 

Garoowe: Dil lagu xukumay nin Al-Shabaab uga adeegi jiray Hargeysa iyo Kismaayo
Garoowe 25, Jan.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Maxkamadda derajada koowaad ee magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland Sheekh Cabdinuur Jaamac Xusseen, ayaa sheegay in ka dib marii Maxkamaddu dhegaysatay dacwadda Xusseen Maxamed Cali oo 20 jir ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa, ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Guddoomiyuhu waxa u sheegay in markii wiilkan Maxkamadda la soo taagay uu qirtay dambiyada lagu oogay, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid ahaayeen; inuu Al-Shabab sawiro u qaadi jiray, isla markaana uu u kala safri jiray magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, sidaa darteedna ay Maxkamaddu go’aamisay in dil toogasho ah lagu fuliyo.
Xusseen Maxamed Cali oo ah wiilka xukunka lagu riday oo xukunkaa ka dib Saxaafadda kula hadlay Maxkamadda Garoowe, waxa uu sheegay iuu qirsan yahay eedaha loo haysto oo ah inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Wiilkan oo labaatan jir ahi, waxa uu sheegay in hadda ka hor Maxkamadda lagu soo taagay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhinaca kale, maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa isla shalay xukuntay Cabdiweli Maxamed Daahir oo l sheegay in Ciidanka Amaanka ee Garoowe isagoo xidhan dharka dumarka, waxayna Maxkamaddu ku xukuntay 10 sannadood oo xadhig ah.
Doraad waxay Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Bari xukun dil iyo xabsi dheer ah ku riday dad la sheegay inay dilal ka geysteen badhtamaha magaalada Boosaaso ee Puntland.

 

 

KULMIYE oo ka hadlay xaaladda dalka iyo hadal Xukuumadda ka soo yeedhay

“Madaxweyne Rayaale ha la waydiiyo inuu ogol yahay in ku-xigeenkiisu Wasiirada beddeli karo”

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

 

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- “Saddexda Xisbi waxa ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen Lixdii qodob, oo ay gundhig ay u ahayd in doorashada la qabto, dalkana xasarad siyaasadeed laga badbaadiyo, wixii hada ka dambeeyana dalka iyo dadka looga tudho in wax carqalad ku keeni kara xasiloonida, wada jirkooda iyo hab sami u socodka dimuquraadiyada laga ilaaliyo. Laakiin nasiib-daro baryahan dambe sida aad la socotaan waxa ka socda dhanka Xukuumada iyo Xisbiga talada haya ee UDUB weeraro si badheedh ah loogu qaadayo Xisbiga KULMIYE, hadii ay tahay Guddoomiyaha iyo hogaankiisa iyo hadii ay tahay qaabkiisa jiritaan oo dhan. Arimahaa oo xag xagashadooda loogu talo galay sida aan dareensanahay in xasaasiyad siyaasadeed lagu abuuro si hab sami u socodkii iyo heshiiskii ahaa in laga midho dhaliyo, doorashaduna ay si wanaagsan u dhacda carqaladani ku dhacdo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo shalay ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay qabteen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay jawaab ka bixiyay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana waxay ku eedeeyeen in ay si gurracan u adeegsadaan Warbaahinta Qaranka iyo talada dalka. “Hadii aan arimahaas mid mid u soo qaadano Idaacada Radio Hargeysa iyo Tv-ga qaranka saacad alaala iyo saacada aad furataan waxa a socda hadalo dhaxli leh hadalo colaad abuuraya, hadalo aflagaado ah, waad ogaydeen oo dalka Rwanda waxay lahayd Idaacad qudha waxa ku dhintay Kumaankun qof, markaa hubka Warbaahinta marka si qaloocan loo isticmaalo wuxuu noqon karaa hub khatarteeda leh.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee gobollada bariga Somaliland Dr. Gabboose wuxuu ka jawaabay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda, kaas oo ay ku sheegeen in Guddoomiyaha KULMIYE aaminsan yahay Soomaaliweyn. “Guddoomiyaha Axmed Maxamed Siilaanyo la idin bari mayo, bulshada Somaliland la bari mayo, Xukuumada iyo Xisbiga UDUB la bari maaayo, noloshiisa oo dhan waxa ku qaatay geed hoostii iyo Kaneecada iyo nolol adag, naftiisa ayuu huray inay xabadu ku dhacdo inay dhibaatada uu dadkiisa lagu hayey ee murugsan uu ka badbaadiyo. Halgankii aad ogaydeen ee maanta midhihiisa aan wada hadhsanayno oo waliba kuwa isaga aflagaadaynayaa ay yihiin kuwii dhanka kale ka soo jeeday markii uu isagu halganka waday, ayaa maanta lagau leeyahay hadalo qaloocan oo ah Maddaarka kama soo degi karo, cafis ha waydiisto oo Wasiiradii dawlada ugu waynaa ay ku hadlayaan oo waa nasiib darada iyo taariikhda ummada. Waxa ay sabab uga dhigeen Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi Federaal ayaan aaminsanaa. Waxaan idin xasuusinayaa Ururkii SNM waxa uu ahaa urur ka abuurmay ummada xuquuqdoodii jiritaan iyo xasuuq joogto ah lagu hayey sidii ay isaga dul qaadi lahayeen, Ururkaasi distoorka uu lahaa waxa ku qornaa Somalia wada jir ah ay u tahay siyaasadiisu, sababtoo ah markii la bilaabayey arimahaas ama ahaato dalka aan deriska la ahayn iyo aragtii uu ka qabay, ama ahaato dadka halganka u soo baxasy  oo nin walba fikradiisa ayaa lagu qoray. Marka halganku soo dhawaadaba xaqiiqda runta ah ayaa isa sii qorayey in ummada iyo guddoomiyahoodu uu arimahaasi ka yidhi Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa hogaankii Ururkii SSDF ayaa ka markhaati kacay, hadii uu maanta Siilaanyo yidhaahdo  waxaan aaminsanaa Federaal xaq buu u lahaa qofkasta oo SNM ku jiray inuu afkaartiisa soo bandhigo.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin Xisbigan SNM waxa sal u ahaa Dimuquraadiyad, waxaad doonto aamin, balse intayada badani halka aanu isku raacno ayaad aaminsan tahay, waxaaan ku soo galnay oo aanu dalka ku nimid iyadoo SNM oo dhami, aniguna (Gabboose) waxaan ku jiray golaha dhexe, ay maalintaas ay dhammaanteed ay u bislaayeen in Somaliland go’do, Axmed Siilaanyana kamuu duwanayn. Tusaale ahaan Guddoomiyihii markaa na hogaaminaayey oo noqday Madaxweynaha dalka muu qarin fakirkiisii inuu Federaal aaminsan yahay waa Cabdiraxmaan Tuur Alle ha u naxariistee, waayo fikirku dambi maaha ee waa talo la kala dooranayo, waxaanu yidhi ‘sida Imaaraadka aan noqono dawlado kala jira, hase yeeshee shacabkiisa ayaa yidhi maya ee waanu go’aynaa, iyagaanu u ogaansamay.”

Waxa kale oo uu Gabboose jawaab ka bixiyay hadal Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibeddu oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE aanu dalka iman ilaa uu cafis waydiisto Xukuumadda. “Wasiir-ku-xigeen ayaa yidhi kama soo degi karo Maddaarka, Wasiir baa yidhi wax dambi oo Axmed galay ma jirto, Wasiir kale ayaa kaga dambeeyey oo yidhi cafis hana waydiisto, Xukuumada na haysata sida ay u jaho wareersan tahay oo  aanay siyaasad midaysan lahayn, ku dheeraan mayo, balse waxaynu eegi cida Maddaarka iska hor taagta. Arinta xaasaasiyad lagu abuurayo waxa ka mid ah Guurtida, waxaan ognahay nidaamka loo dhisi qaab dhismeed, inteenan hadaan qof ka dhigano hogaamiye ama guddoomiye ka dhigano in aan ku xigeenkiisu waxba bedelin Karin, hadiiba uu awood u leeyahay inuu wax bedelo Madaxweyne Rayaale hala waydiiyo inuu ogol yahay in ku xigeenkiisu Wasiirada bedali karo, maxaa ka dhigay Shirguddoonka, waxa nasiib daro ah in golihii ugu qaalisaa dalka albaabada loo xidho, sababta loo xidhayna tahay wax alaala iyo wixii aad dhigatay inagaa bedelay hadaan ku xigeenkaagii ahay.” Ayuu yidhi Gabboose.

Waxa kale oo uu ka hadlay xadhig la sheegay in Xukuumaddu la doonayso Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maxamed Xaashi Cilmi ma diidin Haya’ada sharciga, Maxamed Xaashi waa aasaasayaashii dalka xoreeyey, Maxamed Xaashi nololashada ugu qaalisan isagoo ka heli kara Maraykan ayuu cimrigiisa ku dhamaystay darxumo iyo halgan, waxa la isku khaldayaa Askariga CID-da ah xogta ee uu soo helo waxa uu u gudbiyaa haya’adii soo diratay, siyaasiguna fikirkiisa ayuu cabirayaa, hay’adu waxay hay’ad tahay markaad cadaalada ka heshid, hore ayaan Aniga (Gaboose), Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid hore ayaanu u soo aragnay Hay’adaha ay sheegaan oo dhakada ayaa laga maamulaa. Maxamed Xaashi ma diidana haya’ada garsoorka ee wuxuu diidan yahay karaamo dhaca, Maxamed Xaashi ma diidana qarannimo ee waxa uu diidan yahay kuwo ku gabanaya qaranimada, Maxamed Xaashi waxa u taagan yahay xariyatul qawlka, anana waan la qabnaa oo waanagaa hadlayna, markaa waxaan leeyahay Haya’adaha qaranka ee aad sheegaysaan ka dhiga kuwo qaranka u qalma, Askarigii ayaa laga dhigay mid shaqsi u shaqeeya.” Waxaanu Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB ku eedeeyay inay gobollada ka bilaabeen Olole aanu Komishanku fasaxin.

Dr. Gabboose waxa uu Komishanka ugu baaqay inay fiiro u yeeshaan wax kasta oo carqaladaynaya habsami-u-socodka hannaanka qabashada Doorashada, maadaama iyaga loo igmaday hawlahaas.

 

Fadhigii Golaha Guurtida oo maalintii labaad u baaqday kooram-la’aan

“Ma ogi waxaanu shirguddoon ahaan ku kala maqanahay, laakiin Mudanayaal Goluhu wuxuu inoo furmayaa..”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida

 

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu ka war-qabin sababta keentay in shirguddoonka Golahaasi ku kala maqnaado Golahaas oo maalintii labaad fadhigiigiisii baaqday, ka dib markii uu kooramku buuxsami waayay, isla markaana ay Shirguddoonku isu-dhammaan waayeen.

Fadhigii Golaha Guurtida Soamaliland ee shalay ayaa maalintii saddexaad kooram la’aan u furmi waayey, kadib markii ay Mudanayaasha garabka Muxaafidka ah  ee la safan labada guddoomiye-xigeen ee Guurtidu ay ka soo xaadiri waayeen  saddexdii fadhi ee u dambeeyey. 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas guddoominaayey oo kelmado kooban u jeediyay mudanayaashii madasha ka xaadiray, ayaa sheegay in aanay Shirguddoon ahaan dhammayn, isla markaana aanu garayn sababta keentay kala maqnaanshaha, taas oo loo aanaynayo maqnaanshaha Mudanayasha Guurtida. “Kooramka Goluhu ma dhama, Anaguna (Shirguddoon ahaan), ma dhamin, kolayba waxaanu kula maqan nahay ma ogi, markaa Mudanayaal waa in Goluhu isku soo dhammaado Sabti.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Labadii fadhi ee u dambeeyay oo ka mid ah saddex maalmood oo ay Guurtidu leeyihiin inay ku shiraan Hoolka shirarka ee Guurtida, maadaama ay saddexda maalmood ee kale Hoolka ku shiraan Mudanayaasha Wakiilada oo Hoolkoodii shirku dhisme ku socdo, ayaa baaqday, isla markaana waxa Golaha Guurtidu u ballamay inay kulmaan sabtida soo socota.

 

Maamulka Gobolka Togdheer oo shaaciyay abaaro ka jira Deegaano ka tirsan Gobolkaas
“Waxaan idiinku yeedhay inaan idinku wareliyo xaaladaha Abbaareed ee ka jira gobolka Togdheer”
Badhasaabka gobolka Togdheer
Burco 25, Jan.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa hay’adda iyo ururada samofalka ka dalbaday inay Biyo gaadhsiiyaan dadka iyo Xoolaha ku dhaqan tuulooyinka ku xeeran magaalada Burco.
Mr. Biin oo shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay hay’adda samafalka ee ka shaqeeya gobolka Togdheer, waxa uu ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku soo maray deegaamada gobolkaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhulka uu soo maray uu ku arkay Abbaaro daaq la’aan ah iyo Biyo la’aan ba’an, sidaa darteedna ay dadkaasi u baahan yihiin gurmad iyo taakulayn degdeg ah. "Waxaan idiinku yeedhay in aan idinku wargaliyo xaaladaha abaareed ee ka jira gobolka Togdheer iyo waxyaabaha laydiinka baahanyahay,” ayuu yidhi Jaamac Cabdullaahi Biin.
Waxa uu hay’adda iyo ururada samofalka ee gobolkaa ka hawlgala u soo jeediyay inay si degdeg ah wax ugu qabtaan dadkaas tabaalaysan, isla markaana gudbiyaan fariimaha Biyo la’aanta iyo abbaaraha deegaankaas ku dhuftay.
Guddoomiyuhu waxa uu shegay inuu kulan noocan oo kale ah la yeelan doono ganacsatada, si ay gacan uga geystaan Biyo-dhaamis loo sameeyo dadkaas.
Ilaa labaatan hay’adood oo kulankaas ka qaybgalay, waxay dhinacooda balanqaadeen inay maalmaha soo socda soddon Booyadood oo Biyo ah u dirayaan deegaamada Biyo la’aantu ka jirto, isla markaana ay gudbin doonaan baaq la xidhiidha xaaladaaas.

Guddoomniyaha SOLLA G. Sanaag oo Xukuumadda ku eedeeyey faro-gelinta Dacwadda loo haysto Sagaal Nin

Ceerigaabo, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ee Gobolka Sanaag Cali Siciid Jaamac, ayaa ka hadlay Kiiska sagaal nin oo ku eedaysan Budhcad-Badeednimo oo ku xidhan Ceerigaabo, kuwaas oo la sheegay in la amray in loo soo wareejiyo dhinaca Gobolka Saaxil.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Ceerigaabo Cabdilaahi Xuseen Darwiish, Guddoomiyaha SOLLA ee gobolka Sanaag oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay farogelin ku samaysay dacwadda sagaalka nin ee ku eedaysan Budhcad-Badeednimada. “Nimankani waa sagaal, waxayna dhammaantood ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee Ceerigaabo, dacwaddooduna waxay ka furan tahay maxkamadda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo toddobaadkii inna dhaafayna fadhigeedii ugu horreeyey lagu dhegeystey halkaas” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLLA ee Sanaag, waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Haddaba waxa nasiib-darro ah in maanta oo fadhigii labaad ee dacwaddan loo ballansanaa la yidhi guddoomiyaha maxkamadda Sare ayaa Taar amar ah ku soo diray in eedaysanayaashan loo wareejiyo maxkamadda gobolka Saaxil ee Berbera, iyadoo loo cuskanayo arrin qaldan oo ah in qaar ka mid ah eedaysanayaalka lagu qabtay soonaha Berbera oo dacwaddoodu labada maxkamadoodba ka furan tahay.  Taasoo ay jirtey markii hore laba ka mid ah in lgu qabtay soonahaas oo lagu xidhay Berbera laakiinse maxkamadda Berbera labaddas nin waxay usoo wareejisey halkan (Ceerigaabo) oo ay ku xidhan yihiin. Haddaba, waxan u sheegayaa eedaysanayaashan kiiska loo haysto sida la sheegayo hadday budhcad-badeed yihiin iyo hadday biyaha Somaliland ku soo xad gudbeen wuxuu ka dhacay soonaha Sanaag. Sidoo kalena Saaxil xuduud lama laha Puntlad ee waxa la leh gobolka Sanaag, xaqna waxa u leh  xa-dhuleed ahaan iyo awood ahaanba qaadista dacwaddan maxkamadda gobolka Sanaag ee haddan gacanta ku hayso”.

Ugu dambayntii, wuxuu baaq u jeediyay Xukuumadda. “..Waxaan leeyahay Xukuumadda iyo Garsoorku waa kala madax bannaan yihiine Guddoomiyaha maxkamadda sare ha ka fiirsado go’aankiisa si aanay wax ugu dhimin nidaamka sharci ee garsoorka, dastuurka iyo shuruucdana aan ku dhaqanno”.

 

Shan Wasiir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb-galay xil-wareejinta Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibedda

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Wasiiru-dawle dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka loo magacaabay.

Munaasibaddii xil-wareejinta oo ka dhacday shalay Xafiiska Wasiirka khaarajiga, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirada, Arrimaha gudaha, dib-u-dejinta, Caafimaadka, Arrimaha dibedda, Wasiir-xigeenka Warfaafinta, Shaqaalaha Wasaaradda khaarajiga iyo marti-sharaf kale, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale. “Waxa weeye wakhti adag ayaa lagu jiraa waliba wakhti aynu sugayno doorashooyin. Waxa lagama maarmaan ah qaran ahaan madax iyo mijaba in tallo wadareed lagu shaqeeyo, waxaan leeyahay axsaabta waa inaad iska ilaalisaan wixii dacar dadka ku reebaya dhawr jeer ayaynu siganay oo dhib badan oo aan loo baahnayni inagu dhacday. Waynu og-nahay oo doorashooyinkii dib ayay inooga dhaceen nasiib darro wax loogu tallo galayna may ahayn” ayuu yidhi Ducaale. Waxaanu WWasiiru-dawlaha cusub ku wargeliyay in ay diyaar u yihiin soo-dhawayntiisa iyo in ay la shaqeeyaan, isla markaana wuxuu ku baaqay in Doorashadu si cadaalad ah u qabsoonto.

Wasiirul dawlaha cusub Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan, oo isaguna xafladii xil wareejinta ka hadlay ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada khaarajiga uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhaweeyeen Wasaarada waxaanu balan qaaday inaanu wixii awoodiisa ah waxba ka hagran doonin oo uu la shaqeyn doono Wasaarada.

Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Wasiirada, Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), dib-u-dejinta Maxamed Cismaan Yuusuf, Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, iyo Wasiir-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi, kuwaas oo dhammaantood Wasiiru-dawlaha cusub ku hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isla markaana ballan-qaaday inay dhinacooda kala shaqayn doonaan.


Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, January 7, 2010

Sadex Nin oo Soomaali ah Oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykan


Qaahira(Maroodijeex) Alle ha u naxariiste waxaa habeenimadii xalay dil togaasho ah  lagu diley sadex nin oo u dhashey dalka Soomaaliya.  kuwaas oo ahaa ganacsadayaal iska leh goob lagu iibiyo hilibka xalaasha ah.
Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtey in beleyska ay heleen fariinta gar-gaarka deg-dega ah taas oo ku saabsan dhac loo geysanaayo meel dukaan ah oo markaas la siiyey cinwaanka.
Saddexda nin ee Soomaaliga ah isla markaana la diley ayaa ahaa kuwo qaraabo ah, iyadoo goobtan hilibka lagu iibiyaana ay wada lahayeen, waxayna ku soo galeen dalka maraykanka qaab qaxootinimo.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Hargeysa: Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo garaacis dhulka loogu tuuray

Hargeysa (Maroojeex)- Ciidanka Booliska Amaanka, ayaa la sheegay inay xidheen nin la yidhaahdo Siciid Saalax Nuur oo ay wada dhasheen marxuum Fagadhe oo ahaa Danjirihii Somaliland u joogay dalka Faransiiska oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa.


Inkastoo aanay Boolisku wax war ah ka soo saarin xadhiga ninkaas, haddana waxa sida la sheegay loo xidhay ka dib markii uu garaacay, dhulkana ugu tuuray Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Maxamed Xagar Dirir oo ay isku gobol ka soo jeedaan Danjirahaa geeriyooday.


Haddaba, waxa uu xalay Wargeyska Ogaal khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wasiirka ay is faro-saareen marxuum Fagadhe walaalkii. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;


S: Wasiir; waxa na soo gaadhay warar sheegaya inaad Marxuum Fagadhe walaalkii isku faro-saarteen Xabaasha dusheeda, arrintaa ma jirtaa?


J: Haa, way jirtaa.


S: Dabadeedna siday wax u dhaceen?


J: Arrintu waxay dhacday markii ninka (Marxuum Fagadhe) la aasayay ee dadka badidoodu soo dareertay.


Anigu ninka maan garanaynin, dabaadeedna isagoo nin yari daba socda buu ii yimi anigoo niman la taagan, wuxuuna igu yidhi; ‘adeer, sow hebel ma tihid, ka dibna nabarkii baa ii xigay.’


S: Nabarka kuu xigay muxuu ahaa, muxuu ku yeelay?


J: Bakoorad buu Luqunta igaga dhuftay oo waan dhacay, waanan miyir-beelay. Cabaar markaan miyir la’aa ka dib baan miyirsaday.


S: Markaa imika maxaad qabtaa?


J: Dhulkana waan ku dhacay, ushuna Luqunta ayay igaga dhacday. Usha xaga dambe muu haynine dhexda ayuu haystay, dabadeedna nabar gaadmo ah anigoo aan iska filaynin uu dhanka Midig ee Luqunta igaga dhuftay….Waa la I soo qaatay oo Cusbatalka baa la I geeyay.


S: Ma Cusbatal baa lagu dhigay oo aad imika igala hadlaysaa?


J: Mayee, imika guriga ayaan joogaa.


S: Waxa la sheegay in markii arrintaasi dhacday ay ninkaa Boolisku qabteen, sow sidaa maaha?


J: Iyagoo raadinaya (Boolisku) ayaa iigu dambaysay, inay qabteena war uma hayo….Wuxuba intaas uun bay ahayd.


S: Wasiir; arrinta lagugula dagaalamay maxaa keenay?


J: Ma garan karayo. Waxa la igu yidhi ninka dhintay bay walaalo ahaayeen, weligayna hore uma arag oo wuxu la socday Diyaaradda (maydka siday).


S: Maadaama aad ka mid tahay guddiga loo saaray aaskii Marxuumka, ma laga yaabaa inuu segsaag kaa tirsanayo?


J: Muxuu iga tirsan karaa?


S: Laga yaabaa segsaag la xidhiidha dhinaca qabanqaabada aaskii marxuum Fagadhe?


J: Ma isagaa warba u haya. Waxaan u malaynayaa markii hore ayaa lagu yidhi halkaa (Paris) halagu aaso. Waxay ahayd hadal iyo wax loo dhiibay uun oo ay ahayd, ninkuna dee Ul ma sidan oo Diyaaradda ayuu la socday, mu’aamarad uun baanay iska ahayd.


S: Markaa adigu ma ragga Xukuumadda ka tirsan ee soo jeediyay in marxuumka Paris lagu aaso ayaad ka mid tahay?


J: Xabaalaha Islaamku xagaana (Paris) way yihiin, xagana (Hargeysa) way yihiin.


S: Laakiin, aragti ahaan marka hore waad qabtay sow maaha in Paris lagu aaso?


J: Anigu go’aanka miyaan lahaa? Anigu go’aankaa ma lihi, anigu shaqsiyan halkaana kuma aasi karaynin, halkana ma keeni karaynin.


Xigasho: Wargeyska Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking