COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 23, 2010

“M/weynaha Jabuuti fikirkiisa ayuu hadlay, in ictiraafka Somaliland isaga la waydiiyana maaha.”

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku marayey qaybo ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaalada Hargaysa, ayaa shalay wuxuu kormeer ku soo maray Saylada Xoolaha ee magaalada, Sariibadda Inji iyo Biriijka labaad.
Guddoomiyaha oo ay socdaalkiisan ku wehelinayeen masuuliyin ka tirsan Xisbigiisa, ayaa ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay Saylada Xoolaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo soo-dhawayn ka dib, uu kula hadlay dadweynihii soo-dhaweeyay. “Maanta Daaq xumaanta xoolaheena haysata, waxa ka xun Saylad-xumaanta haysata Xoolihii Saylad ma haystaan. Sayladdan magaalada waanu ka dhex raraynaa, Saylad hadhkii leh oo Biyihii leh oo dadku marka ay wax iibsanayaan aanay kululaan baanu u dhisaynaa. Halkan waxaanu ka dhigaynaa garoon Kubbadeed oo dhalinyartu ku ciyaarto..” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xoolaheenana wixii Ood ah ee la ootay waanu ka baabiinaynaa, Geed dambe oo la jarayaa ma jirayo, xoolihinana xor baad u noqonaysaan, wax kooto la yidhaahdo oo dalka ka jirayaa ma jirayo. waxaanu doonaynaa inaan carabta oo qudha la gaynine Maraykan la geeyo oo Aasiya la geeyo oo insha alla aynu Yurub gayno oo uu Wankeenu ka qaalisanaado laba foosto oo Baasiin ah. Markaa walaalayaal xoolaheena waxaanu ka dhigaynaa inay dahab inoo noqdaan.”
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu kormeerkiisan ku soo maray Sariibadda Hilibka lagu iibiyo ee Inji ee magaalada Hargeysa. ““Halkan waxaanu ka dhigi doonaa iyo meelaha kale ee wax lagu iibsadaba meelo casriya, walaalayaal waxaanu idiinku ballan qaadaynaa Caanahaa caagadaha ku jira inaanu weel cusub u samayno oo aanu Wershado u samayno oo dhalooyin lagu shubo oo suuqa adduunka loo iib geeyo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo la hadlayay dadweynihii ku soo dhaweeyay Sariibadda Inji.
Intaa ka dib, waxa uu Guddoomiyaha UCID kormeerkiisa ku tegay Biriijka labaad ee magaalada Hargeysa oo muddo dheer qabyo ah. isla markaana wuxuu ka hadlay ujeedada socdaalkiisa iyo arrimaha Biriijka. “Walaalayaal ilaa dorraad magaalada ayaanu dhex maraynay, hadda waxaanu dhex maraynaa waa Hargaysadii hore, waxaan labada maalmood ee soo socdana waxaanu tagi doonaa daafaha magaalada oo halkan ka sii liita. Waxaynu arkaynaa inay magaaladii Hargaysi qudhuntay, waad aragtaan Biriijkii, ummad ama dawlad samaysan kari wayday Biriij magaalada isku xidha way adag tahay inay Qaran dhisaan, taasi waxay ku tusaysaa inaan dan laga lahayn dalka, Dumarkeenii caanaha iibinayey waad arkayseen halka ay fadhiyeen, dumarkeenii khudradda waad arkayseen khudraday iibinayeen, waxay ahayd mid ay ka keeneen Itoobiya kaabashka iyo Baradhadu Waad arkayseen intay leekayeen, Sanaag Kaabashka ka baxaa wuxuu leeg yahay neef adhiya, Baradhaduna waxay le’eg tahay xabbad Maango ah.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waad aragtaan khudraddeenii waxa haysata Itoobiya, haddaynu wax beerano WFP ayaa raashin bixinaysa, hadhuudhkeenii wuu baaba’ayaa. Waxaan jirin sharci, adduunku wuxuu ku dhisan yahay waa sharci, waxaanu jecelnahay inay dadka reer Somaliland ku cibro qaataan caasimadii Hargaysa hadday sidaa tahay, dhulkii kalena maxaad u malayn doontaan. Markaa waxaanu idin leenahay maanta codkiina ku aarsada. Somaliland waa inuu waa cusubi u baryaa, waa inaynu gadaal iska marinaa xumaantii, xaasidkii, musuqmaasuqii iyo qabyaaladda. Waa inaynu ku hamminaa sidii dalkeena loogu haajiri lahaa ee inaynu ku fikirno maaha sidii aynu uga tahriibi lahayn. Maanta waad arkaysaan Hargeysa Club (Hudheelkii Dawladda) wuu xidhan yahay, wuxuu ka mid ahaa meelaha ugu fiican ee lagu nasan jiray.”
Guddoomiyaha UCID wuxuu dhaliilay wax-qabadka Wasiirka Hawlaha guud iyo guud ahaan Xukuumaddaba. “Wasiirkii hawlaha guud wuxuu qabanayaa ma jirto, waddooyinkii way burbureen, Wasaarad qudha oo shaqaynaysaana ma jirto. Waxa lagu mashquulsan yahay sidii dhulka ummada loo iibsan lahaa, dadka cashuurtii waa laga qaadayaa hadday cashuurta la habsaamaan albaabka ayaa laga goosanayaa wax uga soo noqonayaana ma jiro.” Ayuu yidhi Faysal Cali.
Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay dad uu sheegay in laga iibsanayo Kaadhadhka codaynta iyo Aqoonsiga. “Dadka laga iibsanayo Kaadhadhka waxaanu leenahay, Kaadhadhka la iibsanayaa waa Kaadhkii dhalashada ee maaha Kaadhkii codaynta. Qofka Kaadhka iska iibiyow waxaad ogaataa in aan lagu dawaynayn, in aan Shaqo lagu siinayn oo ay Kaadhkaa kaaga xidhmayso oo qofka reer Somaliland ahi kaadhka ayuu ku kala baxayaa. Anigu ujeedo ay ka leeyihiin Kaadh-urursiga ma garanayo, laakiin waxaan idin leeyahay waxaad iibsanaysaan maaha Kaadhkii codaynta ee waa Kaadhkii dhalashada.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Mar Guddoomiyaha UCID la waydiiyay sida uu u arko Dhismaha Biriijka labaad ee raagay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Wasiirka Hawlaha guud, saaxiibkay Siciid Sulub waxaan xusuusinayaa, in uu halkaas (Biriijka labaad) uu isa soo taagay oo uu yidhi, Hargeysaay ogaada Biriijkii waxa u hadhsan saddex bilood, hadda waxa uu marayaa bishii Afraad.”
Mar uu ka jawaabayay Faysal su’aal la xidhiidhay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu ku sheegay in aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu yidhi, “In isaga la waydiiyaba maaha, fikirkiisa ayaanu hadlay, inaga ayay ina khusaysaa arrintaasi. Xornimada Somaliland maynu baryin oo xoog baynu kaga soo qaadnay (Soomaaliya), insha Allah aqoonsigana baryi mayno..haddii uu isagu (Madaxweynaha Jabuuti) isagu Soomaaliya waydiisanayo, anagu wax aanu waydiisanaynaa ma jirto. Sanad ii qabta Insha Allah, anaga ayaa keenayna ictiraafka.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking