COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 29, 2010

Guddoomiyaha Guurtida oo si qotodheer uga hadlay arrimaha doorashada, baaqna u jeediyey xisbiyada

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda dalka iyo Komishanka Doorashooyinkaba ay khasab ku tahay inay wada shaqayn yeeshaan.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay Hargeysa ku soo laabtay ka dib socdaal dhawr bilood qaatay oo uu ku tegay dibadda, waxa uu ka hadlay shaqaaqooyin dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay degmada Buuhoodle.
Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu baaq u jeediyay Murashaxiinta u taagan doorashada Madaxtinimada, wuxuuna amaanay siday wax u wadaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtida beesha Caalamku ka qabto Somaliland iyo doorashadeeda, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiyaha, sideed u aragtaa qaabka Komishanku hawsha u wadaan?
J: Anigu waxaan u arkaa in Komishanku hawl fiican wadaan. Doorashadu way inagu raagtay, saddex sannadood bay hadda dhaaftay waqtigii lagu qaban lahaa, hase yeeshee muddadii ay joogeen waxaan qabaa inay si fiican u hawlgaleen, wax walbana waxa ka wayn kalsoonida dadku ku qabo, kalsoonidii dadkana sidaa ku kasbadeen. Hadday wax badan qabtaan, balse aan kalsooniyi jirin waxba ma tarto, laakiin ilaa hadda kalsoonidii dadka way kasbadeen, waxaanan ku rejo waynahay inay ku wadaan, doorasho xor oo xalaal ah inay qabtaan, inay caddaalad inoogu garnaqaan, waayo garsoorayaal weeye, waana inay kii xaq lehna xaqiisa siiyaan, kii aan xaq lahayna yidhaahdaan waad gardaran tahay, wixii la odhan jiray waxbaa lagu shubay iyoxoolaa la qaatayna inay mar uun inaga hadho, ilaa haatana way wanaagsan yihiin. Markaa anigu waxaan bogaadin ahayn uma hayo, hawshiina si fiican bay u wadaan. Hadda waxa England ku maqan xubno Komishanka ka tirsan, hawshana way is barbar wadeenba. Markaa insha Allaah in 26 June karku inaga dhaco, sidaa ay u wadaana ay u wadaan baan u arkayaa.
S: Maxay tahay aragtidaada ku saabsan qaabka ay u wada shaqaynayaan Xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka iyo Komishanku?
J: Anigu siday u wada shaqaynayaan idiinkama dhawiye, way khasban yihiin inay wada shaqeeyaan, tartana waa la ogolyahay oo siyaasaduba waa tartan. Laakiin, labaduba waa inay danta guud u adeegayaan, Mucaarad iyo mid hadda awoodii ku fadhiyaa labaduba waa inay danta dadweynaha iyo dalka u adeegaan, wada shaqayna waa in la helaa. Waxa walba waxa ka wayn inay ilaaliyaan nabadgelyada.
S: Waxa jira in Komishanku codsadeen in xeerka doorashooyinka wax laga bedelo, waqtiga ololahana laga dhigo 21 maalmood, taasna labada goleba ansixiyeen, laakiin weli in aanu Madaxweynuhu saxeexin sideed u aragtaa?
J: Waxaan u arkaa in laga gudbo, wax dib loo sii dhigtaa ma jirto, mar haddii labada goleba isku raaceen. 21 maalmood wax ka badan maxaaba la qaban? Dalalka ugu waawayn baa afar todobaad ku qabsada, intaa wax ka badana dadkaa ku daalaya, doorashaduna had iyo jeer dhaqaale ayay keentaa. Markaa aniga Madaxweynuhu inuu saxeexayaa aniga I soo gaadhaye, ma wax baa is bedelay? Waa inuu isna saxeexaa, kuna wada dhaqaaqnaa oo loo wada hawlgalaa, si ay doorashadu 26-ka u dhacdo, ololuhuna ku dhamaadaa muddada loo qabtay.
S: Guddoomiye, waxa jiray in dhowaan shaqaaqooyin dad ku dhinteen ka dhaceen Widhwidh iyo Buuhoodle, markaa gole ahaan sidee baa jeceshihiin inaad ku waajahdaan?
J: Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inaga qaboojiyo – horta dhiig daata uma baahnin. Dawladda Itoobiya iyo Ciidanka qarankaba way isku dhaceen (dadka degaanka), waxaanan anigu jeclahay in maskaxdu shaqayso, balse aanu laxawga iyo shucuurta seef-la-boodnimadu shaqaynin, wax la dhawrtana dad baa ugu wayn. Waqtigan ay ku soo hagaagtay waa waqti doorashadeeniiba bisishahay, tii Itoobiyana waa tii dhacaysay, waxyaabahaas oo kalena waa marka la iska ilaaliyo wixii shaqaaqo keenaya, dadweynane ama reer Buuhoodle ha noqdo ama qolooyinka kaleba ha noqdee waa inay iyagu is ilaaliyaan, dalkana waa la wada joogaa, waa la wada degen yahay oo meelna reer kelidii ma degena. Markaa in taas la ilaaliyo ayaan u arkaa, insha Allaahna Illaahay wuu inaga qaboojin.
S: Dadweynaha reer Somaliland maxaad u soo jeedinaysaa?
J: Waxaan u soo jeedinayaa, doorashadana gala, qaranimadiinana ilaashada.
S: Gole ahaan guddi ma u saaraysaan shaqaaqadaa dhinaca Bariga?
J: Dee waanigan hadda imiye, aan war iyo taloba qaato oo Guurtidu wixii ay ilaa hadda qabteen aan ilaa beri (maanta) eego, wixii waajib ahna waajib baa naloogu leeyahay in aanu dadka dhexmaro oo wax u sheegno, laakiin horta aan warqaato.
S: Kaalintii guud ee doorashaduna maxay tahay?
J: Waa tii ay ahaan jirtay, wacyigelin, wanaag iyo nabadoonimo inaanu ku shaqayno.
S: Maadaama aad dibadda ka soo laabatay, dadweynaha dunidu siday u arkaan xaalada Somaliland iyo siday doorasho uga bixi karto.
J: Somaliland inay inala wayn tahay oo isla wayne, dadweynaha dunidu uma jeedaan. Laakiin, dawladdaha gaar ahaan kuwa reer Galbeedku way danaynayaan in doorasho xor ahi ka dhacdo, waxay ina yidhaahdaana waxa weeye, ‘bal doorashadan gala inaad Dimoqraadiyadda u bislaateen aanu idinka eegnee.’ Markaa aniga waxay ila tahay iyaga ugu danayn maynee inagaa isugu danaynayna inaynu u bislaano Dimoqraadiyadda, inay doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan wax iswaydaarin lahayni dhacdo…
S: Ugu dambayn, maxaad u soo jeedinayaa saddexda Murashax ee doorashada u tartamaya?
J: Tartama, dadka iyo dalka uun bay muhiimadu tahay dantoodu waa taas, kiina laga helaana ha haneeyo, kii helaana xuquuqda ka kale ha ilaaliyo.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking