COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 3, 2010

Somaliland: Xuska Murugadii siddeed sanno ka hor iyo Maanta oo kale

Hargeysa,(NNN)- Siddeed sano ayaa ka soo wareegay maalin Somaliland ugu suntan maalin madow oo ahayd maanta oo kale sanadkii 2002, wakhtigaas oo uu dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
 Muddo haatan laga joogo siddeed sanno oo ku beegnayd 03 May 2002, ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu ku geeriyooday Cusbatal ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo loo geeyay xaalad Caafimaad.
Marxuum Cigaal oo wakhtigaa xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Koonfur Afrika, isla markaana muddo kooban ku jiray Cusbatal ku yaala Pretoria. Waxaana si heer Qaran ah oo aan look ala hadhin loogu aasay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Marxuum Cigaal waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1928-kii, wuxuuna ku dhashay magaalada Oodweyne. Marxuum Cigaal dabayaaqadii Afartamaadkii ayuu waxbarasho u tegay Dalka Ingiriiska, wuxuuna dib uga soo laabtay horaantii kontameeyadii xiligaas oo ay Somaliland ka aloosnayd dabayshii gobonimo-doonka ee lagaga horjeeday Maxmiyaddii Ingiriiska.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking