COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 11, 2010

Qubanaha Munaasibada Xuska 18-Ka May

Waxaan Haddii Eebe idmo isku dayi doonaa in aan qormoyin goo-goos ah oo aan kaga qayb-qelayo xuska iyo farxada maalinta 18-ka bisha May u soo gudbiyo shacbi weynaha reer Somaliland ee ila wadaagaya farxad 18-ka May.
18-ka bisha May ayaa ah mid aniga iyo dhamaan umadda reer Somaliland-ba noo ah maalin farxadeed isla markaana qiimo badan noogu fadhida.
Marka aad maqasho maalin hebla’ ama sannad-guuradii maalin heblaayo, waxaad markiiba yaqiinsanaysaa in ay tahay maalin suntan, laakiin yey u suntan tahay iyo maxay ku suntan tahay ayay noqonayaan su’aalaha ku xigga ee maskaxdu is-weydiinayso, jawaabtana u raadinayso.Waxa hubaal ah samaan iyo xumaan-ba in ay jirto, sabab ay maalintaasi muddatay oo lagu xusuusto iyo cid ay taariikh u tahayba.
Haddaba Somaliland waxay leedahay dharaaro u gaar ah oo laga xuso, dharaar kastaana waxay huwanyahay waayeheeda taariikhdeeda ama ha ahaato mid wanaagsan ama mid xun.
Haddaba waxaynu maanta joognaa oo fooda inagu soo haysa oo aynu xusidoonaa sannad-guurada 20-aad ee xuska 18-ka May oo ah maalinta dib u yagleelida madaxbanaanida Somaliland taas oo ku began todobaadkan soo socda, waxaana la filayaa in siweyn looga dabaal-degi doono goob kasta oo ay ku sugan yihiin umada reer Somaliland dal iyo dibad-ba.
Goobtu waxay ahayd Caasimadda labaad ee Somaliland,taariikhduna waxay ahayd 18-ka bisha May Damaashaadka iyo farxada ay cirka isku shareeray farxad aan la qiyaasi Karin ayaa lala yaacay, ka dib markii magaalada Burco oo uu ka socday shirkii koowaad ee beelaha Somaliland lagaga dhawaaqay go’aamadii najaxay ee ahaa inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii , isla markaana ay ka go’day dalwaynihii beenta ku dhisnaa ee la odhan jiray jamhuuriyadda somaliyeed.
Warka ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland oo ay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii 18-ka may baahisay idaacadda raadyow hargaysa waxa cirka isku shareeray sanqadha iyo iftiinka rasaas boqolaal xabo gaadhaysa oo laga ridayey qoryo kala duwan oo ay ka midyihiin boobayaasha fudud iyo kuwa lidka diyaaradaha,waxayna taasi qayb ka ahayd dabaal-degii ku saabsanaa go’aankii ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland.
Ka dib markii lagu dhawaaqay go’aankii madaxbanaanida waxa magaalada Burco lagu soo dhisay dawlad ka kooban Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo gole wasiiro ah, waxayna xarunta dawladaasi noqotay magaalada hargaysa oo ah caasimadda Somaliland...
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland –na wuxuu noqday C/raxmaan Axmed Cali (tuur), Madaxweyne-ku-xigeena waxa noqday Xasan Ciise Jaamac oo waqtigaa isu ahaa labadoodu Gudoomiyihii iyo gudoomiye-ku-xigeenkii ururka SNM ee qabsaday goboladii Waqooyi ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, ka dib markii si fool xun looga saaray canaasiirtii iyo taliskii keligii taliye Siyaad Barre.
Mohamed Abdi jama
E-mail: mabdi1@live.nl

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking