COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 22, 2010

Wararkii u dambeeyay ee dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Buuhoodle

Buuhoodle 22, May 2010 (NNN)- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday, tiro labaatan ka badana way ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Dagaalkaas oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyo degaankaa ka tirsan, waxa ku dhintay ilaa 13 qof oo shacab ah iyo todoba Itoobiyaan ah, iyadoo tiro sodomeeyo ahina ku dhaawacmeen. “Ilaa hadda inta la ogyahay waxa ku dhintay 13 qof oo shacab ah, dhinaca Itoobiyaankana war kama hayno, dagaalkuna wuxu ka dhacay magaalada gudaheeda, waxayna Xabadu ka bilaabantay maqsinka Jaadka,” sidaa waxa yidhi Maayarkii hore ee degmada Buuhoodle Mr. Cusmaan Yuusuf Maxamed oo u waramay Wargeyska Ogaal. “Dagaalku wuxuu bilaabmay 01:15 duhurnimo, wuxuuna istaagay 6:15 fiidnimo. Waxa dhaliyay, ciidanka Itoobiyaanku waxay meesha joogeen labadii todobaad ee u dambeeyay, muddana dadku wuu ku dhibanaa, wixii gaadiid joogay way soo ururiyeen, magaaladaa la isu yimi, gaadiidkana way diideen inay sii daayaan, mushkilada ugu waynina taas bay ka bilaabantay, xataa gaadiidkii WFP ee dhinaca Gaalkacayo u socdayna saddex habeen bay haysteen, wixii kalena way haysteen,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in ka dib markii dagaalku joogsaday, ay xalay gaadiid dagaal oo Itoobiyaan ahi soo galeen gudaha magaalada Buuhoodle. “Waa ilaa dhawr iyo toban baabuur, waxaana la sheegay in abaara 11:30 habeenimo ay soo gaadheen ciidamada gurmad ah oo ka kala yimid Wardheer iyo Gaashaamo,” ayuu yidhi Mr. Cismaan Yuusuf. “Dhaawaca dadka rayidka ahi waa labaatan. Dhinaca Itoobiyaanka dhimashadooda lama xaqiijin karo, laakiin todobaa lagu sheegay, saddex askarina waa laga hayaa,” ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay siday xaalada magaaladu tahay, waxa uu ku jawaabay; “Dadku waa wax cararaya oo dagaalka ka qaxaya, wax dhaawac ah oo la jiidayo iyo wax mayd dul taagan oo aasaya weeye.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking