COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 16, 2010

“Waxa jira goobo kaadhadh-baddelku ka dhacayso oo ay leeyihiin Wasiiro UDUB ka tirsan, laakiin..”

Xisbiga UCID – Warsaxaafadeed
Hargeysa,(NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa naqdiyay hadal ay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ku difaaceen tallaabo ay Xukuumaddu Albaabada ugu laabtay laba goobood oo ka mid ah kuwa kaadh-bedelashada ee Hargeysa, isla markaana Xabsiga loogu taxaabay 17 Shaqaalihii goobahaas ka hawl-galayay ah.
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in muwaadiniinta Guryaha laga kiraystay ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in aanay Xukuumaddu xidhin ama aanay tallaabo ka qaadin. Waxaanay difaaceen xuquuqda Muwaadinku u leeyahay in Guryo looga kiraysto hawlaha Doorashada.
Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Xisbigaas Xasan Xuseen Codyare, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Faro-galinta qaawan ee lagu sameeyey Goobaha Kaadhadh-baddelka, Xisbiga UCID waxaa uu si xoogan u cambaareynayaa faro-galinta qaawan ee shalay 14kii/05/2010 lagu sameeyey goobo ka tirsan goobihii Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku sameynayeen Kaadhadh-baddelka.
Waxaa aannu la yaabanahay sida taliyaha ciidamada bileyska iyo wasiirka arrimaha guduhu ugu badheedheen inay suul-daaraan geedi-socodka hawlaha komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay bulshadda reer Somaliland indhaha ku hayeen kuna hawlanaayeen sidii ay uga dhabayn lahaayeen yoolka qarankeenu rabo inuu ku xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
Waxaa sidoo kale ah wax nidaamka dawladeed ceeb ku ah kala hadalka mas’uuliyiinka xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee is huwan. Waxaa wax lala yaabo ah in xukuumaddu marna sheegto inay raali ka tahay hanaan-socodka arrimaha kaadhadh-baddelka marna ay shareerto oo ay ceeb iyo cambaareyn u raadineyso hawlaha socda una tafo-xaydan tahay sidii ay u fashilin lahayd geedi socodka kaadhadh baddelka oo hore saddexda xisbi qaran isula qaateen in loo daayo Komishanka, qawaaniinta dalkuna damaanad qaadayaan madaxbanaanida Komishanka Doorashooyinka.
Maadaama aanay jirin Guryo ama Goobo Komishanku iskood u leeyihiin awoodeenuna aanay saamaxayn in la sameeyo goobo u khaasa Arrimaha Doorashooyinka Dalka, laguna khasban yahay in Kaadhadh-baddelka lagu sameeyo goobihii hore diiwaangalinta codbixiyeyaashu uga dhacday duruufta dhaqaalena sidaas ina farayso, waxaa nasiib darro ah in xukuumaddu macno u samayso Goobta hawlahaas laga fulinaayo cida leh, iyadoo ka sokow goobaha ay xukuumaddu joojisey ay jiraan goobo ay hawshaasi kaadhadh-baddelku ka dhacayso oo ay leeyihiin wasiiro xukuumadda iyo xisbiga UDUB ka tirsan.
Haddaba, Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID waxaa uu ka digayaa fal kasta iyo faro-galinta qaawan ee lagu sameynayo geedi-socodka hawlaha Komishanka. Waxaannu axsaabta aannu saaxiibka nahay ka codsanaynaa inay dhawraan Qawaaniinta doorashooyinka iyo Xeerka Anshaxa ee hore aynu u wada saxeexney iyo heshiiskii 6-da Qoddob ee sildhiga u ahaa hirgelinta doorashada madaxtooyada. Dadweynaha reer Somaliland maanta waxay u baahan yihiin cid uga raysa oon uga darin umana baahna khal-khal galin iyo fadqaqalo inagu sababi karta inaynu ka habawno himilada aynu u socono. Waxaanu ka digaynaa talaabo kasta oo doorashada dib u dhigi karta.
Waxaannu cod dheer ugu baaqaynaa cid kasta in loo daayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka fulinta hawlaha loo igmaday.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking