COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 3, 2010

Ururka Gaaroodi oo deeq lacag ah gaadhsiiyay dadka roobabku ku waxyeeleeyeen Hargeysa

Hargeysa,(NNN)- Ururka Gaaroodi oo ka mid ah ururada samofalka ee ka hawlgla Somaliland, ayaa deeq lacag ah gaadhsiiyay qoysas ku dhaqan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-Dhagax oo waxyeelo ka soo gaadhay roobkii todobaadkii hore ka da’ay magaalada Hargeysa.
Munaasibad loo sameeyay gudoonsiinta deeqdaas lacageed oo xalay lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay Maayarka caasimadda, xubno ka tirsan masuuliyiinta ururka Gaaroodi, guddiga taakulaynta dadka khasaaruhu gaadhay oo lacagtaas lagu wareejiyay iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn, guddoomiye kuxigeenka ururka Gaaroodi Mr. Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadam oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka ay dhaqaalahaas u soo ururiyeen. “Dhibaatada roobku keenay waxay ahayd mid laba dhinac ah, dhinac wuxuu ahaa mid dadkaa uu waxyeeleeyay lagu imtixaamayo, dhinacna wuxuu ahaa mid dadka kale siday wax ugu qabtaan lagu eegayo,” ayuu yidhi. “Xubnaha ururka oo ilaa saddex boqol oo qof ka kooban, kuna kala dhaqan daafaha dunida darteed, waqti bay nagu qaadatay in aanu soo ururinao wixii aanu dadkaa waxyeeladu gaadhay ku taakulaynayo. Laakiin, muddadaa todobaadka ah, waxaanu ku soo ururinay $ 8600 (sideed kun iyo lix boqol oo doolar) oo ay soo bixiyeen xubnaha Gaaroodi ee Qurbaha iyo xubno reer Hargeysa ahi,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka Gaaroodi. “Hadda wixii ka dambeeyay, lacagtaa waxa lagala xisaabtamayaa guddiga wax u qabashada dadka dhibtu gaadhay,” ayuu raaciyay Cabdirisaaq Cabdilaahi.
Guddoomiyaha guddiga beesha Koonfurta Hargeysa, ahna guddoomiyaha guddiga taakulaynta dadka uu roobku khasaaraha gaadhsiiyay Kayse Haybe Dheere oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu u mahadnaqay ururka Gaaroodi ee lacagtaas ku deeqay. “Guddi ahaa, gacantii u horaysay waxa na soo gaadhsiiyay dawladda, waxaana sababta lahaa oo dedaal u galay Maayarka caasimadda Hargeysa,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. “Deeqda na soo gaadhaa waxay gaadhi doontaa dadka roobabku waxyeeleeyeen, lacagtanina waxay ku baxday halkii ugu haboonayd,” ayuu yidhi Mr. Kayse Kayse.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tiro dad ah oo ku dhaw intii khasaaraha gaadhay la tiro-koobay aanay weli waxba gaadhin, isla markaana aan markii hore qiimayntii la sameeyay lagu darin. “Markii hore gurmadka anaga uun baa samayn jiray, laakiin maanta mar haddii dawladdu doorkeeda qaadatay way mahadsan yihiin. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa xisbiga KULMIYE, ururka Gaaroodi iyo cid kasta oo gacan ka geysatay taakulaynta dadka roobabku dhibaatada gaadhsiiyeen,” sidaana waxa yidhi Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna halkaa ka hadlay.
Ugu dambayn, Maayarka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka waramay qaabkii ay guddi dawladdu u saartay oo uu xubin ka ahaa u sameeyeen qiimayntii khasaaraha roobku gaadhsiiyay degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-Dhagax iyo taakulada dawladdu gaadhsiisay dadkaas. “Anaga bulshada oo dhan xil baa naga saaran,” ayuu yidhi Maayar Jiciir.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking