COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 11, 2010

Ururka Somaliland Forum oo Doortay Guddi Cusub

Waxaa bishii April 29, 2010, la soo geba-gebeeyey codeyntii lagu dooranayey Guddida Fulinta ee ururka Somaliland Forum ee sannadka 2010-2011. Sida xeerarka uruku dhigayaan guddidu waxay ka koobantahay shan xubnood. Guddida Fulinta ee ururka waxa la doortaa sanad kasta wakhtigan oo kale. Doorashooyinka Guddida Fulinta waxa xaq u leh inay ka qayb qaataan xubnaha ururka oo dhan.
Waxaa Guddida Doorashada ee ururka Somaliland farxad weyn u ah in aanu ku dhawaaqno magacyada xubnaha ka mid noqon doona guddida fulinta ee Somaliland Forum sanadka 2010-2011, kuwaasi oo kala ah:

Guddoomiye: Ayaan Cusmaan Jibriil (Rwanda)
Goddoomiye-ku- Xigeen: Eric John Raymond (Canada)
Xoghaye: Daahir Maxamed Daahir (Somaliland)
Khasnaji/Lacaghaye: Maryan Muuse Xasan (Somaliland)
Xubin-guud: Axmed Maxamed Diiriye (Somaliland)
Guddida doorashadu ee Somaliland Forum waxay mahadcelin aan la koobi karin usoo jeedinaysaa guddida cusub ee Fulinta iyo xubinaha kale ee sharafta leh ee naga aqbalay is-sharaxaada, muujiyeyna inay diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan, wakhtigoodana u huraan ururka Somaliland Forum, dadka iyo dalka Somaliland.
Guddida doorashadu ee Somaliland Forum waxa kaloy halkan mahadnaq uga soo jeedinaysaa guddida golaha Somaliland Forum hugaanka u haysay sannadkii tegey. Guddidaasi waxay si hawlkarnimo iyo xilkasnimo u gudatay xilkii cuslaa ee ay u hayeen golaha, dadka iyo dadka Somaliland. Guddidaasu waxay ka koobnayd xubnaha kala ah:

Guddoomiye: Cali Cabdillaahi Daahir (Somaliland)
Goddoomiye-ku- Xigeen: Cusmaan Xaashi Cawad (Canada)
Xoghaye: Kaysar Maxamed Cabdillaahi (UK)
Khasnaji/Lacaghaye: Ayaan Osman Jibriil (Somaliland)
Xubin-guud: Cali Ibraahim Handule (U.A.E.)

Guddida Doorashada Somaliland Forum:

Kamaal Cabdillahi Xuseen
Maxamed Cabdillaahi Ducaale
Xuseen Maxamed Wadaadyare
Cabdiraxmaan Maxamed Magan

ILAAHAY BAA MAHAD LEH

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking