COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 1, 2010

Xisbiga UCID oo barnaamijkiisa Siyaasadeed mar kale daah-furay

Hargeysa,(NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay si rasmi ah u soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayay Barnaamijkan siyaasadeed ee Xisbiga UCID, isla markaana ay ka qayb-galeen hoggaanka sare ee Xisbigaas, masuuliyiinta kale ee UCID, Ardayda iyo aqoonyahanka dalka qaarkood iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, ayaa shalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo muddo saacado ah socotay, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. “Horta, waa illaahay mahaddii oo maanta saddexdii xisbiba barnaamijyadoodii waad haysaan, kii UDUB waad haysaan oo waa bilaa Biyo, waa tahriib, waa bilaa idaacad, waa bilaa darajo, musuqmaasuq, qabiil, shaqo la’aan. Markaa saddexdii barnaamij waad haysaan saddexdii musharax iyo ku-xigeenkoodiina waad haysaan, iyagana diirada saara, kaadhkoodana eega mid waliba wuxuu wato, markasaad garan kartaan Xisbi waliba wuxuu wato. Anigu wasiir hore oo shaadh UDUB ah intuu iska soo saaray mid UCID ah idiin gashaday oo tamartiisa garanaysaan ma wadno, Dhiil culanbaanu idiin wadnaa. Maanta waxa la kala dooranayaa lixdaa qof (Murashaxiinta) iyo rakaabkoodii, rakaabku wuu qarsoon yahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay Ololaha horkeenaan Murashaxiinta UDUB ee aanay Xoghaye guud iyo Guddoomiye Olole toona la xisaabtamin. “Markaad maqashid guddoomiyaha ololaha doorashada xisbiga micnihiisu maaha isagu inuu halkii musharaxa madaxweynaha ka ololeeyo, waa inuu dhigaa khidaddii uu kusoo bixi lahaa oo uu qorsheeyaa, haddaba arki mayno musharxii madaxweynaha waxaynu arkaynaa guddoomiyihii ololaha oo ubax loo galinayo, isagu ma musharax baa? Xoghayaha guud ma musharax baa? Waxa wax loo raacayaa waa musharaxiinta. Bal waad na tidhi caynkaase maxaad noo qabatay dhaha, markaa nimankan ina hor boodboodaya waxaad tidhaahdaan idinku musharixiin ma tihiin ee arrintu waxay ka taagan tahay lixda musharaxe ee Rayaale ha yimaado. Waxaananu jecel nahay inay nala akhriyaan, ha yimaaddo Siilaanyo, ha yimaado Rayaale sida Ingiriiska. Saddexda musharaxna ha dooddeen, markaasaad garan doontaan waxa ka soo baxa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa anagu waxaanu doonaynaa inaanu xooga saarno hantida dadka, bani’aadamka hantidiisu maxay tahay? Waa caafimaad iyo waxbarasho, qofku hadduu caafimaad helo oo uu waxbarto, xirfad yeesho shaqo ayuu helayaa markuu shaqo helana dawladana wuu naaxinayaa, cashuurtii buu bixinayaa, intii kalena reerkiisii iyo carruurtiisuu buu ku hagaajinayaa. Mrkaa labadaasaanu ahmiyada saaraynaa.” Waxaanu Faysal sheegay in Tuulooyinka qaarkood la midaynayo oo magaalo laga samaynayo, si adeegyada aasaasiga ahi ugu suurtogalaan, isla markaana ay horumarinayaan Dekedda Berbera.
Mar uu ka hadlayay xidhiidhka ay la yeelan doonaan Itoobiya ee dhinaca Ganacsiga waxa uu Faysal yidhi, “Maanta wax kasta Itoobiya ayay inooga yimaaddaan, haddaynu inagu is nidhaahno wax geeya (Itoobiya) waa kootarabaan, waxaanu samaynaynaa Ganacsi labada dhinacba ka socda. Waxa kale oo aanu ballan qaadaynaa in lacagtan dawladihii hore ee dalkeena ka socota inaanu lix bilood ku bedalno oo aanu ta dalkeena u samayno, in aanu idaacad weyn oo aanu nin xukumin balse guddi xukunto oo qof kasta u furan samayno.” Waxaanu sheegay in Ciidamo xooggan oo ilaalada Xuduudka ay samayn doonaan, isla markaana ay muddo sanad gudaheed ah ku keeni doonaan Ictiraaf. Waxaanu sheegay in ay sanad kasta ilaa 600-Qoys u qaban doonaan Aroos Wadareed. “Insha Allah 120-Milyan oo Dollar ayaanu u qorshaynay sanadkii in aanu gelino adeegyada Bulshada, sida Madaarada, Dekedaha iyo Garoomada, waxaananu u samaynaynaa Hay’ad gaar ah.” ayuu yidhi Guddomiyuhu.
Barnaaijkaa siyaasadeed ee UCID waxa iyana ka mid ahaa qodob u dhignaa sidan; “Waxaanu taageero xoog leh oo maaliyadeed iyo farsamaba siinaynaa Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal iyo SNM”
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay, Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo ka warbixiyay Barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxyaabaha hordhaca u ah.
“Munaasibaddan oo ah daah-furkii Barnaamijka Xisbiga oo aan ahayn markii ugu horeysay ee la soo bandhigo, balse ay tahay go’aankii rasmiga ahaa oo maanta la daah-furayo markii la helay tallooyin iyo tusaalooyin dhinaca dadweynaha ka yimi. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay 13 qaybood oo qayb waliba ay leedahay qodobadeeda hoos imanaya qaybahaasi. Hadddii aan ugu horeysiiyo hiraalka Xisbiga, hiraalka xisbiga UCID wuxuu yahay sidii loo heli lahaa bulsho ku salaysan caddaalad, sinnaan iyo wada-jir bulsho ay hogaaminayso dawlad casriya oo ku qotonta qiyam islaami ah, Dhaqanka iyo hiddaha ummada iyo nidaamka dawliga ah ee diqmuraadiga oo ah tallo-wadaag. Sidaa darteed waxaa saldhig u noqonaya jiritaanka iyo horumarka Somaliland saddexdaa tiir oo ay mudnaantiisa leedahay qiyamka islaamiga ah, dawlad ilaalinaysa madaxbanaanideeda, isla markaana muhiimad siinaysa xidhiidhka ay la leedahay wadamada jaarka ah, ixtiraamaysa heshiisyada caalamiga ah, dawlad casriya oo lala xisaabtami karo, muhimadna siinaysa wanaajinta, dhawrida iyo horumarka muwaadiniinteeda.” Ayuu yidhi Mr. Waqaf, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Si looga midho dhaliyo dedaalkaa kor ku xusan xisbiga UCID waxaa hogaaminaya dad leh daacadnimo, wadanimo iyo aqoon ay kaga turjumayaan mabaadida uu xambaarsan yahay qorshahaa waxqabad ee xisbiga. Waxa kale oo lagu xaqiijin karayaa hiraalkaas inuu xisbiga UCID la yimaado dedaal dheeraad ah, waxqabad iyo farsamooyin cilmiyeysan oo uu ku hanto bulshada reer Somaliland iyo beesha caalamkaba. Waxa kale oo lagu xaqiijin karaa taageerada dadweynaha iyo iyaga oo codkooda siiya xisbiga UCID doorashada soo fool leh, maadaama oo wada tashigu lagama maarmaan u yahay dhismaha talo kasta oo la go’ aamiyo, isla markaana uu aasaas u yahay dhismaha dastuurka Somaliland.”
Munaasibaddan oo ka-qayb-galayaashii loogu qaybiyay Buugaagta Barnaamijkan, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbigaas Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo isna ka hadlay Barnaamijkooda siyaasadeed iyo ku-tagalka qorshahooda Xisbi ahaaneed. Waxaanu ka hadlay oo kale arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo dib-u-dhacyadii hore ugu yimi. “Doorashadii la inoo sheegay ee ay Komishanku inoo sheegeen ee ay yidhaahdeen Bisha June ayey dhacaysaa, waxaynu ognahay in talladaas sida lagu soo gaadhay inay aad iyo aad u adkayd inta ka war haysa inta kalena loo sheegi maayo. Waxa lagu soo gaadhay dadka siyaasada dalkan u ololeeya ama ka ololeeya oo xisbiga UDUB kaw ka yahay inayna doonayn in doorasho xor ahi dhacdo ama doorashaba dhacdo, waxaad ogtihiin iska horimaadkii yimi in xataa si arrintaasi u hirgasho markii xisbiga UCID uu soo diyaargareeyey ee uu ku dooday ilaa wadankan diiwaangelini ka dhacdo inaanay doorasho wanaagsani ka dhacayn. Taa waxa ku xidhan taariikhdii wadankan iyo dawladnimadiisii in dawlad wanaagsan oo casriya wadankan laga dhisi karo oo keliya iyadoo doorashadu wax xalaal ah ay noqoto.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed-Rashiid, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga UCID laba goor ayuu ka hadlay waad ogeydeen. Taasi markaa waxay keentay In markii ugu dambaysay qolada kale ee diidani ay xataa diideen wax alla wixii waan-waan ahaa ee ummada reer Somaliland ay u soo jeediyeen xataa ay diideen dadka adduunyada inagula nool ee bulshada Caalamka loo yaqaan ee dalkan nabaddiisa iyo dimuqraadiyadiisa jecel. Waxay keentay taasi inay ku naf waayaan dad dhalinyaro ah oo maanta laga yaabo in dad badani aanay xasuusnayn, doorashada inagu soo socota maaha doorasho ku timi wax ciyaar-ciyaar. Xisbiga UCID wuxuu taariikh ku leeyahay oo lagu ogyahay kaalintii uu ka galay doorashadaas in ummadan iyadoo loogu tallogalay in doorashada loogu marmarsiyoodo oo dagaal iyo fawdo dhacdo inuu xisbiga UCID yidhi maya anagu nabadda ayaanu hogaaminaynaa xataa haddaanu 20- sano sugayno doorashada, taana waa inaad ogaataan.”
Sidoo kale, waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Dhalinyarta ee heer Qaran Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac oo ku dheeraaday muhiimadda kaalinta uu Xisbiga UCID ugu talo-galay dhalinyarada qorshihiisa mustaqbalka. Waxaanu si qoto-dheer Cabdiraxmaan uga warbixiyay waxyaabaha Xisbigooda uga meel-yaala dhalinyarada haddii uu talada qabto oo ah in ugu yaraan 5 xil ama Wasiir oo la shaqeeya Wasiirada (Shadow Ministers) la siiyo.
Dhinaca kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Maamulka iyo Qorshaynta UCID ee heer Qaran, ahna guddoomiyaha abaabulka dhalinyarada ee Xisbigaas Maxamed Xasan Dirir oo sidoo kale, isna tilmaamay muhiimadda uu UCID siinayo dhalinyarada, waxaanu xisbigaas ku tilmaamay Xisbiga kaliya ee dhalinyarada u qoondeeyay mansabyo sare.
Waxa iyana halkaa ka hadlay dadweyne kale oo tiro badan oo isugu jiray ka-qayb-galayaashii munaasibaddaas.
Gebo-gebadii, dadweynihii munaasibaddaa ka qayb-galay ayaa su’aalo waydiiyay Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee UCID, su’aalahaas oo ay ka mid ahaayeen mid nuxurkeedu ahaa, waxa uga qorshaysan dadka qaxootiga ah ee ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaya. “Horta, maanta inaga iyo qaxootiga dalka soo galay waxaynu ku kala duwanahay ma jirto..Somaliland-na waa Kawsarad Timir ah oo Xabaal taala, cid walbana qaadanayso. Wax allaala wixii Itoobiya ka dawarsanayay way isku soo keen tilmaameen, intii Cudurka qabtay iyo intii aad ka naxaysay oo dhan, waanu ka sifaynaynaa Insha Allah, sharci baananu u samaynaynaa Insha Allah.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo su’aashaas ka jawaabay.
Sidoo kale, mar Guddoomiyaha UCID la waydiiyay waxa uu ka yeelayo xaaladda Soomaaliya haddiiba uu talada ku guulaysto, wuxuu sheegay in haddii talada dalka ku guulaystaan ay dib-u-heshiisiin dhex dhigi doonaan dhinacyada Soomaaliya.
Waxa kale oo wax laga waydiiyay Guddoomiyaha UCID waxa uu ka yeelayo Jaadka haddii uu talada qabto. “Jaadka joojin mayno Insha Allah, laakiin dadka ayaanu wax fahamsiin doonaa..Shaqooyinka marka la qorayana waxa ka kow noqon doona in aanu qofku Qaadka cunin. Waxaananu dadka ku qancin doonaa inay iyagu iska daayaan, inantana waxaanu ku qancin doonaa in aanay guursan qof Qaadka cuna.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking