COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, May 20, 2010

Khiyaamo lagu doonayay in lagu xado Kaadhadhka diiwaangelinta oo fashilantay

Hargeysa,(NNN)- Wejigii hore ee qaadashada Kaadhadhka cusub ee codaynta iyo aqoonsiga, ayaa xalay laga soo gebogebeeyay guud ahaanba dalka, iyada oo xalay ay uu fashilmay qorshe looga shakiyay in lagu doonayay in lagu xado mid ka mid ah Sanduuqada laga bixinayay Kaadhadhka cusub.
Qaadashada Kaadhadhka cusub ee Jinsiyadda iyo codaynta oo guud ahaan dalka ka bilaabantay 13-kii bishan, isla markaana socotay ilaa shalay, ayaa la soo gebogebeeyay 6:00pm fiidnimo ee xalay. Halkaas oo ay hawl-wadeenada Guddida Doorashada agabkii, kaadhadhkii iyo qalabkii kale ee hawsha Kaadh-qaadashada ku wareejiyeen wakiilo iyo masuuliyiin ka socda Guddida Doorashada. Hase ahaatee, waxa xalay fiidkii fashilmay khiyaamo la rumaysan yahay in la doonayay in lagu xado Kaadhadhka cusub ee mid ka mid ah goobaha bixinta Kaadhadhka ee magaalada Hargeysa. “Goobtan aan hadda ku suganahay ee lambarkeedu yahay 261 ee Axmed Dhagax, ayaa sida naloo sheegay waxa yimi laba Hablood oo Gaadhi wata, dabadeed waxay qaadeen Sanduuqii Kaadhadhku ku jireen. Markii ay meel dhexe marayaan, ayay Askartii la socotay ku yidhaahdeen Gaadhiga ka dega, taasi waxay keentay in Askartii diiddo oo ay yidhaahdaan ama Komishankii na geeya ama nagu celiya goobtii, dabadeed Askartii intay Qori ku qabteen ayay Sanduuqii ku soo celiyeen goobtiisii, waananu la joognaa hadda goobta Sanduuqu yaalo. Axsaabtii kalena way nala joogaan.” Sidaa waxa Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka ugu sheegay Xil. Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada.
Mar aanu xildhibaanka waydiinay halka ay hawlaha Kaadhadhka ka soo galeen labada Hablood iyo sababta loogu dhiibay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa naloo sheegay in hablaha mid ka mid ahi Komishanka ka shaqayso, sababta loogu dhiibay markaanu waydiinayna waxay yidhaahdeen markii horeba way na soo kormeeri jireen, markii aanu sii waydiinay maxaa keenay in aad aamini waydaan markii dambe, waxay nagu yidhaahdeen waxaanu ka shakinay halkay tidhi nagaga dega oo meel madow ah.” waxaanu intaa raaciyay Xildhibaanu oo uu yidhi, “Hadda waanu wada joognaa, Sanduuquna wuu xidhan yahay, waxa hadda noo yimi Guddidii Doorashada, waxaana imika qaadaya Ciidankii iyo Sanduuqiiba Guddoomiye-xigeenkii Komishanka ee Gobolka Hargeysa.”
Dhinaca kale, Guddida Doorashada Somaliland ayaa sheegay in wejiga labaad ee qaadashada Kaadhadhka cusub ay ka bilaabmi doonto Degmooyinka, isla markaana ay dadka intii aan qaadan toddobaadkii hore Kaadhadhka ay halkaa ka qaadan doonaan. Wejiga labaad ee Kaadh-qaadashada ayaa degmooyinka ka socon socon doona 9 maalmood ah. Waxaana la filayaa in Guddida Doorashada Somaliland ay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan Liiska dadka qaatay Kaadhadhka ee codaynaya.
Geesta kale, Warar ka soo baxaya goobaha kaadh-qaadashada qaarkood, ayaa sheegaya in ay jiraan Goobo laga xaday Kaadhadh aan tiradooda la sugin. Hase ahaatee, Guddida Doorashada Somaliland oo aanu la xidhiidhnay, si aanu arrintaa wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking