COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 10, 2010

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sababta ay u degi la’dahay

Hargeysa,(NNN)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha qaska, dagaallada iyo is-qarxinta ka taagan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ayaan-darro ku tilmaamay. “Dee, ayaan-darrooyin baa Muqdisho ka socda, dabka Muqdisho ka baxaya halkaas kuma ekaanayo, waana iska Sharci wuu fidayaa, sababtoo ah waxa la yidhi Dab munaafaq shiday, muumin baa ku gubta oo qofkii damiir lehi wuu ka damqanayaa dhibta halkaa ka taagan.
Waxtarkayga kaliya waxa weeye, waar toloow Colka jooja. Waxa la yidhi, halka laba Maroodi ku dagaallamaan waxa ku baaba’a Doogga, waxa kale oo la yidhi, Mulac Caruuro qabteen isna waa ku qudh-gooyo, Caruurtana waa la ciyaar.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo isaga oo ku sugan magaalada Burco ee Xarunta Togdheer khadka Telefoonka ugu waramay Idaacadda Radio Tusmo ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho oo aanu Warkan ka soo xiganay.
Mar la waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha in dhinacyada Soomaaliya isku haya ay ku jiraan dad Wadaaddo iyo Culimo ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Culimadu waa tii dadka is-dhex taagi jirtaye, Kitaabka Quraanka ah u qaadann jirtaye, ku hoga-tusaalayn jirtaye, dareenkooda damqi jirtaye, iyadu Waddadii Ilaahay iyo sidii uu Ilaahay yidhi dadka ku kala kaxayn jirtay. Kollayba ayaan-darrada jirtaa waxa weeye, Culimo, Diin iyo Kitaab-ba layska tagye, Dabku wuxuu u bakhtiyi waayay, Kitaabkii, Diintii, Islaamkii iyo Ilaahay ayaa layskala fogaadaye, ciddii Ilaahay ka yaabaysa ee rumaysan in Ilaahay jiroow, xil baa kaa saaran oo hadhow if iyo aakhiraba waa lays waydiinayaa oo sidaa ku tegi mayso oo sidaa ahaan mayso’e, waa la joogaa wakhtigii laga dhergi lahaa dhiigga iyo dhimashada ee dadka Miyirku ku soo noqon lahaa ee waan-waani dhalan jirtay oo waa la garanayaa muddada dagaalku socdaye, anigu kala guri maayee cidda Islaam sheeganaysa in ay arrintaa dhinaca wanaagsan iska taagto oo ay waan-waan iyo nabad u faydato.”
Gebogebadii, mar la waydiiiyay Abwaanka waxa uu ugu baaqayo dhinacyada ku dagaallamaya Koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxaan ka codsanayaa dhinacyada is-haya oo aan ugu baaqayaa in ay mid kastaba ku iloobaan danta umadda iyo Ilaahay dartii oo ay isku dayaan inay dhiigga qubanaya joojiyaan. Maalinkan maanta ah ma jirto inay wada hadlaan oo ay isweydiiyaan waxay isku hayaan, cid walbana tanaasul u samayso umadda maslaxaddeeda iyo ayaan-darradan Waddanka ka dhacaysa ee Caalamka oo dhan gilgishay inay ka wada hadlaan oo ay cid waliba soo tanaasusho oo arrintaa layska arko oo laga kulmo oo Dhiiggaas daadanayaa uu joogsado.”
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking