COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, May 12, 2010

David Cameroon Oo Noqday Ra'isal Wasaaraha Cusub Ee Britain ka dib markii uu Brown is-casilay

David Wiliam Cameroon oo da'diisu tahay 44 sanno jir ayaa noqday Ra'isal wasaaraha cusub ee Britain ka dib 13 sannadood oo xisbigiisa Conservativeku uu ka maqna saaxadda maamulka Britain.

Abaaro 6:00 makhribnimo ee caawa ayaa laga war hellay in xisbigiisa Conservative-ku ay heshiis horudhac ah la gaadheen xisbiga seddexaad ee kale ee Libral Democratska wallow qodobada heshiiska aan la soo bandhigin.

Abaaro 19:20 daqiiqo ayaa ra'isal wasaarahii hore ee Britain Gordon Brown wuxuu ka baxay albaabka hore ee No.10 Downing Street isagoo ay gelbinayaan 6 gaadhi oo Jaguar ah waxaana uu gaadhay xarunta boqortooyada Britain ee loo yaqaano Buckingham Palace halkaasi oo u gudbiyey is casilaadiisii.


Abaaro 20:10 daqiiqo ayaa Gordon Brown Ra'isal wasaarahii hore ee Britain wuxuu soo gaadhay xarunta xisbiga shaqaalaha ee ku Taalla Green Park ee badhtamaha London wuxuuna halkaasi ku macasalaameeyey boqolaal ka mid ah shaqaalaha xisbiga shaqaalaha "waxaan qaatay masuuliyadda guul darrada xisbiga shaqaalaha, waxaanan huba inaynu soo noqon doono" ayuu yidhi Brown.

Abaaro 20:26 daqiiqo ayaa David Cameroon wuxuu ka baxay gurigiisa isagoo u dhaqaaqay dhinaca guriga Buckingham Palace isagoo halkaasina kula kulmay boqoradda loona dhiibay qoraalka codsiga inuu soo dhisi karo dawlad, wuxuuna aqbalay inuu noqday Ra'isal wasaare soo dhisaaya dawlad wadaag ah.

Abaaro 20:47 daqiiqo ayuu David Cameroon soo gaadhay xafiiska Downing Street No. 10 isagoo halkaasina ka jeediyey hadal kooban oo uu ku sheegay inuu soo dhisaayo dawlad wadaag ah oo dalka u horseeda wuxuu ku tilmaamay horumar.

Malaayiin qof oo dadka Soomaalida Britain ka mid ahaayeen oo u codeeyey xisbiga shaqaalaha ayaa niyad jab weyn ay la soo daristay gallabta maanta markii la sheegay in aanay suurtagal ahayn in heshiiskii xisbiga Labourka iyo Conservativeku ay hirgalaan.

Maxaa Xigi Doona?
Xisbiga shaqaalahu waxay dhawaan dooran doonaan hogaamiye bedeli doona Gordon Brown waxaa durtaba taagan dhawr nin oo caan ah balse Mr. Brown wuu diiday inuu midkoodna garab siin doono.

David Cameroon wuxuu soo dhisi doona dawlad wadaag ah oo ay ku midoobeen Lib Democratska iyo Conservativeku, waxaana isbedel ku iman doona dhammaan qodobadii sharciyadda Britain oo waxaa iman doona Britain sharciyo iyo siyaasad cusub oo labada xisbi wataan.

Qodobka ugu weyn ee saamaynta weyn ku leh soomaalida Britain ayaa ah socdaalka iyo arrimaha bulshada sida fidinta gargaarka guryaha, caydha iyo wixii la mid ah oo xisbiga Conservativeku uu la iman doono siyaasad ta hadda shaqaysa ka duwan.

Maxaa Laga Bartay?
Saacad iyo badh ayey ku qaadatay Britain in laba Ra'isal wasaare ay isku bedelaan taasi oo lagu tilmaamay dimuqraadiyad da' weyn, halkay adduunyada ka dhacda, weriye aad looga qadariyo saaxafadda Britain ayaa ku tilmaamay waxay kaga duwanyahiin caalamka intiisa kale dimuqraadiyad gaboobawday dheh.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking