COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 10, 2010

Somaliland: Dad markii u horaysay maqalkoodii Dhegaha la soo celiyay

Hargeysa,(NNN)- Cusbatalka gaarka ah ee Manhal, ayaa markii u horaysay Somaliland ka sameeyay qaliino dhinaca Dhegaha ah.
Qaliinadaas oo qayb ka ahaa olole Caafimaad oo todobaadkii hore ka bilaabmay xarunta Cusbatalka Manhal ee magaalada Hargeysa, waxa fuliyay Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.
Hawlgalkaa dhinaca qaliinka Dhegaha, waxa barbar socday indho-jeexis uu fulinayay Dr. Maxamuud Axmed (Shiine), kaasoo ay ka faa’iidaysteen dad kun qof gaadhay, isla markaana qaliin dhinaca Indhaha ah loogu sameeyay ilaa afar boqol oo qof.
Qaliinadan Dhegaha oo ah markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Somaliland, waxa sida la sheegay ka faa’iidaystay dad tiro badan, iyadoo ilaa afar qof loo sameeyay beeris maqal ah, kuwaasoo lacag badani ku bixi lahayd haddii Cusbatalo dibadeed loo qaado.
Sidoo kale, waxa qaliino kala duwan loo sameyay dadka dhegaha culus, iyadoo ilaa boqol qofna loo qaybiyay sameecadaha maqalka dhegaha.
Mashaariicdaas oo ay ka faa’iidaysteen dad tiro badan oo ka kala yimi dalalka Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxa gacan ka gaystay hay’adda Manhal Foundation iyo kaalmeeyayaal Carbeed oo kaashanaya hay’adda Bisha Cas.
Cusbatalka Manhal oo la furay 2006, waxa uu ka kooban yahay qaybaha daryeelka hooyada iyo dhalaanka, cudurada guud, Carruurta, qaliimada guud iyo Lafaha, iyadoo muddadii uu furnaa dad tiro badani adeegyo Caaafimaad ka faa’iidaysteen.
Dhinaca kale, waxa habeen hore xaflad casho sharaf ah iyo sagootis ah loogu sameeyay hotelka Ambassador Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo qaliinada dhegaha fuliyay, taasoo ay ka qaybgaleen Wasiirka Caafimaad Axmed Xasan Cali (Casoowe), Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Sheekh Maxamed Cali Geedi, maamulka sare ee hay’adda Manhal iyo wefti ka socday hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka. “Waxaan halkan u imi dadkan walaalaheen ah ee aynu Carabta isku nahay ee dadkeena caawiyay inaan u mahadnaqo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas.
Wasiir Casoowe waxa uu amaanay hay’adda MANHAL oo uu sheegay inay adeegyo Caafimaad oo wax-ku-ool ah dadka u qabatay. “Cusbatalada Manhal dadka way anfaceen, si naxariis leh ayay Dhakhaatiirta u shaqeeyaana dadka ugu hagar-baxaan oo aan kala sooc lahayn, kanaa dhaqaale haysta iyo kan baan haysana lahayn, dadkuna si siman bay daawooyinka u helaan,” ayuu raaciyay Wasiirku.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Dr. Mazin oo fulinayay qaliinada dhinaca Dhegaha ee markii u horaysay taariikhda Soomaalida laga bilaabay Cusbatalka gaarka ah ee Manhal.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking