COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 15, 2010

Xukuumadda iyo Mucaaradku oo ka hadlay xadhigga goobaha beddelka kaadhadhka iyo shaqaalahoodaba

Hargeysa, (NNN)- Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabo ay Ciidamada Booliska Albaabada ugu xidheen shalay laba goobood oo ay ka socotay bedeliska kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha.
Doodda Xukuumadda:
Xukuumadda Somaliland ayaa difaacday tallaabada ay Ciidamada Boolisku ku xidheen laba goobood oo ka mid goobaha qaadashada kaadhadhka cusub ee Doorashada ee Hargeysa iyo Shaqaalihii ka hawl-galayay. “Markaanu ogaanay Boolis ahaan in qorshihii loogu talo galay bedelka Kaadhadhku ay isbedeleen, waxa noo muuqatay in ay qalad sharciyan ah tahay, keenina karto is-afgaran-waa iyo tuhun iyo asxaabta oo iska hortimaadda in Rag Axsaabta ka mid ah guryahaooda la dhigo (Kaadhadhka iyo agabka bedelista Kaadhadhka), waayo tartan baa jira, waanay dhici kartaa in halkaa khalad ka dhaci karo, Markaa tallaabaanu qaadnay, waanu ka soo ururinay. Booliska ayaana arrintii baadhaya.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo xalay u waramay Telefishanka Dawladda.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo wehelinayay Taliyaha Ciidamada Booliska oo isna xalay laga baahiyay codkiisa Telefishanka Dawladda, ayaa ku taageeray Taliyaha Ciidamada Booliska fikirkaa. “Labada Sanduuq ee Boolisku soo qabteen ka dib markii la ogaaday laba masuul oo Xisbiyada ka mid ah oo aan hore loo dhigi jirin Guryahooda, haddii laga bedelo halkeedii horena tuhunkeeda ayay leedahay. Markaa waajibkoodii ayay guteen, ciidanka Booliskuna waa in uu mucaarad iyo Muxaafadba dhex u noqdo..” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddaanay xeeladi ku jirin maxaa habeenkii sacabka loo tumaa, maxaa keenay in halkaa la dhigo, maalinta doorashadana halkaas ayaa la dhigi lahaa. Ciidamada Booliskuna hawshiisii ayuu gutay, si dhaqso ah ayaanay war uga soo saari doonaan. Komishankuna wuu hadlay baan maqlay ee waa wax laga wada hadli karo.”
Aragtida Xisbiyada Mucaaradka:
Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay in Boolisku farogelin ku sameeyaan hawlaha bedelka kaadhadhka. “Waxaanu khalad u aragnaa in Boolisku ay hawshaa sidaa u galaan, waayo dadka Somaliland waxay isku ogyihiin in Komishanku ay hawshaa u madaxbanaan yihiin. Dabcan, Boolisku hawl bay leeyihiin oo amniga dalka ayay qaabilsan yihiin, laakiin xisbi ahaan waxaanu aad uga xunahay in Boolisku soo farogeliyo hawlaha Komishanka. Taasi waxay wax yeelaysaa sumcada doorashada inoo socota, gudo iyo dibadba,” ayuu yidhi.
Waxa uu ku baaqay in si dhakhso ah loo sii daayo hawlwadeenadaa ka hawlgalayay labadaa goobood oo ku yaala caasimadda Hargeysa, kuwaasoo lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Booliska. “Waxaanu jecelahay in si degdeg ah loo sii daayo dadkaa Komishanka u shaqaynaya, amarka Komishankana la ixtiraamo. Ciidanka amaanku waa inay fahmaan qiimaha wayn ee ay doorashadu leedahay, sidoo kalena fahmaan in waxani aanay ahayn wax yar oo nabadgelyo ku xidhan, balse uu ku xidhan yahay mustaqbalka Somaliland,” ayuu raaciyay Dr. Maxamed-Rashiid.
Mar la waydiiyay cidda amarkaa bixisay iyo sababta ay xisbi ahaan u aanaynayaan inay salka ku hayso, waxa uu ku jawaabay; “Sida Komishanku sheegay, madaxda Boolisku way iska riixeen amarka xidhitaanka goobahaa, waa wax aan la garan garanaynin, waana waxyaabaha nasiib-darada noqon doonta hadday dadku garan kari waayaan dadka wax xidhaya. Wadanku qawaaniin buu leeyahay, waana inay cadaato oo ay Komishanka u cadaato yaa amarka bixiyay? Amar aanay dadkii ku haboonaa bixini, waa waxyaabaha keeni kara khalkhalka siyaasadda iyo isku-dhaca.”
Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige oo isna xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay cambaaraynayaan talaabada Boolisku albaabada ugu xidhay labadaa goobood ee bedelaada kaadhadhku ka socotay. “Waxaanu u aragnaa in arrintaasi tahay mid sharci-daro ah, sababtoo ah su’aashu waxa weeye, maxay labadaa goobood kuwa kale kaga duwan yihiin,” ayuu yidhi.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in goobahani aanay ahayn kuwo markii hore furnaa oo qorshaysnaa. “Waa goobo ku yimi xaalad degdeg ah, goobihii hore ee ay ugu talogaleena qaar baa dukaamo ah, kuwo kalena waa lagu jiraa. Labadan goobood markii halkay hore u yaaleen la waayay, waxay Komishanku waydiisteen meelihii u xigay ee ugu dhawaa, siday ku yimaadeena waa sidaa, balse macnuhu maaha in madaxda KULMIYE intay u yeedheen inay meeshooda keensadeen, sida guddoomiyaha Komishankuba sheegay,” ayuu yidhi Xoghayaha KULMIYE oo iftiiminayay in labadaa goobood oo xubno xisbigaa ka tirsani leeyihiin, ay ku timi baahi Komishanka ka timi. “Wixii dhib ka yimaada, masuuliyadeeda waxa qaadaysa Xukuumadda,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay sababta ay u aanaynayaan xidhitaanka goobaha, waxa uu yidhi; “Sababtu waxa weeye, Booliska amar baa la soo siiyay, waxaana soo siisay Wasaaradda Daakhiliga,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in taasi muujinayso hadal uu sheegay inay si wadajir ah warbaahinta qaarkood ugu jeediyeen Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad. “Waad arkaysaa inay labadoodu wada shaqaynayaan, wada fadhiyaan oo iska caawinayaan shirka jaraa’id…Markaa waa arrin Wasaaradda Arrimaha gudaha ka timi, dambina waanu u aragnaa,” ayuu yidhi Xoghayuhu.
Waxa uu sheegay in xidhitaanka goobahaa ka hor, aanay Boolisku baadhitaan ku samayn sababaha keenay in goobahaa loo raro.
Mr. Kayse Xasan Cige waxa uu sheegay inay jiraan goobo masuuliyiin UDUB ka tirsani leeyihiin oo bedelaada kaadhadhka codbixinta loo furay. “Goobta diiwaangelintu ka dhacday ee Cusbatalka Edna, waa dukaan oo imika hudheel bay noqotay, waxaana loo raray xafiis UDUB halkaas ku leeyahay. Markaa inay labadan goobood ee lala soo doontay eegayaan, iyagu si rasmi ah bay xafiiskooda ugu rareen, mana aha in Komishanku u raraan xafiiska UDUB, waana khalad. Waxa kale oo naloo sheegay in niman madaxda ah oo xisbiga UDUB ah ay imika guryahooda ka furan yihiin bedelista kaadhadhku,” ayuu raaciyay. “Markaa haddii la is dabagalayo khaladaadku wuu badan yahay,” ayuu yidhi.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking