COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 10, 2010

Guddiga Doorashinkooda oo Kaadhadhkii cusbaa ee diiwaangelinta u kala diray Gobollada Dalka

Hargeysa, (NNN) - Guddiga qaranka ee doorashooyinka u qaabilsan Somaliland ayaa maanta si rasmiy ah Gobolada dalka ugu kala diray kaadhadhka cusub ee diiwaangelinta dadka ka qayb-qaadanaya codbixinta doorashada Madaxtooyada, kuwaas oo lagu beddelayo kaadhadh ay hore u bixiyeen Guddidii hore ee doorashada ee la casilay.
Hawsha dirista kaadhadhka cusub oo saaka si rasmiya uga bilaabantay xarunta dhexe ee Komishanka doorashooyinka Somaliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa qaybka ah hawlaha waaweyn ee Gudiga doorashooyinka laga sugayey. Isla markaana waxa baabuur loogu kala raray maanta Goboladda iyo Degmooyinka hoos yimaadda.
“Maanta waad arkaysaan Gobolada ayaa loo kala rarayaa kaadhadhkii cusbaa ee codbixinta doorashada. Sidaa daraadeed waxaan ku celcelinayaa in qof waliba dhawro anshaxa doorashada, qof kastaana hal cod iyo hal kaadh ayuu xaq u leeyahay ee wax ka badan ha isku dayina inaad qaadataan, nabadgalyada iyo deganaanshahana ilaaliya ayaan leeyahay dadweynaha.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Md Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo maanta u Warbaahinta u waramayay.
Guddoomiyuhu mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyey wakhtiga qaybinta kaadhadhka codaynta oo ay hore ugu mudeeyeen 10-ka Bishan May oo maanta ahayd iyo xilliga la qaybinayo maadaamoo tobankii bisha kaadhadhka rarkoodii la bilaabay halkii in la qaybiyo laga sugayay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Guddoomiyuhu. “Saddex iyo tobanka bisha ayaa la bilaabayaa qaybintooda kaadhadhkan, maanta bishu waa 10, markaa sadexdaa cisho ee ka hadhay 13-ka Bishan waxa soconaya daabulka (Rarka) Kaadhadhka cusub.”
Waxa uu dadweynaha reer Somaliland Guddoomiyaha Doorashooyinku, isla markaana carabka aad ugu adkeeyey, ugana digay, inay isku dayaan qaadashada wax ka badan hal kaadh oo ay hal mar ku codeeyaan. Isaga oo tilmaamay in qof kasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu qaato hal kaadh oo kuwa codaynta doorashada ah, isla markaana halkiisa cod cida uu isagu doorbidayo ugu rido maalinta codaynta doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha Juun ee foodda inagu soo haysa.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking