COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 15, 2010

“Markii nala soo kaxeeyay waxa nalagu yidhi Komishankaa laydin geynayaa, laakiin..”

Hargeysa,(NNN)- Xubno ka mid ah Shaqaalihii laba goobood oo ka mid ah kuwa dadweynuhu ka qaadanayeen Kaadhadhka cusub ee codaynta ee Hargeysa oo ay Ciidamada Boolisku shalay xidheen, ayaa ka warbixiyay sida loo xidhay iyaga iyo goobahaasba.
Xubnahan oo ka mid ah 17 xubnood oo laba ka mid ahi Askar yihiin oo ka hawl-galayay laba goobood oo ka mid ah goobaha dadweynuhu ka qaadanayeen Kaadhadhka cusub ee codaynta ee magaalada Hargeysa, ayaa iyaga oo ku xidhan Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa waxa ay Wargeyska Ogaal ugu warrameen Khadka Telefoonka.
Labadan xubnood oo ka kala tirsan shaqaalaha labada goobood ayaa ugu horrayn mid ka mid ahi wuxuu ka warbixinayaa sidii ay wax u dhaceen iyo goobaha la xidhay kuwa ay yihiin. “Goobaha la xidhay waa laba goobood oo midkood Lambarkeedu yahay 321 ee Guryaha Baanka oo ku taala Xaafadda Ex-State House-ka, halka goobta kalena uu Lambarkeedu yahay 334, kuna taala Biriijka afkiisa, halkii hore loo odhan jiray Bile Restourant ee imika Dalxiis la yidhaahdo agteeda. Ciidamada Boolisku goobahaas markay yimaadeen ayay soo xidheen, anagana na soo xidheen, qalabkiina soo qaateen.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Abbaaro 4:20 daqiiqo ee galabta (shalay), iyada oo ay dadku Safafka ku jiraan oo hawshu socoto, ayaa laba Gaadhi oo Ciidan ahi noogu yimaadeen goobtii aanu joognay ee State House-ka ee hore loo odhan jiray Guryaha Baanka, waxaanay na waydiiyeen Mulkiilaha Guriga, markii ay waayeen-na, waxay si hanjabaad iyo caga-juglayn leh waxay noogu yidhaahdeen soo xidha goobta amar ka soo baxay Taliyaha Ciidamada Booliska awgii, isla markaana waxay soo qaadeen qalabkii, anagiina way na soo xidheen.” Ayuu yidhi Xubintani.
Waxa kale oo Xubintani uu ka hadlay tirada shaqaalaha xidhan, halka ay ka kala socdaan iyo halka ay ku dambeeyeen qalabkii ay ku hawl-galeen iyo Kaadhadhkii. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Tiradayadu hadda waa 17 qof, waxaananu ku xidhanahay Saldhigga dhexe, waxa nala fadhiisiiyey meel daarad ah. Waxaananu ka koobanahay 2 Askari, saddex qof oo laba ka mid ahi UDUB ka socdaan iyo xubin KULMIYE ka socda, saddex qof oo Komishanka ah iyo laba qof oo arrimaha gudaha ka socda. Waxa kale oo nala xidhan 7 xubin oo iyana laga soo xidhay goobta Ex- Bile Restourant. Qalabkiina waxa Xafiiskiisa ku xidhay oo haya Taliyaha Booliska oo waxay yaalaan saldhiggan dhexe.”
Mar aanu waydiinay in cidi u timi intii ay xidhnaayeen iyo in kale, ayaa wuxuu yidhi, “Waxa noo yimi Guddoomiyaha Komishanka, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo Komishanka ah, waxaanay noo sheegeen in ay la xidhiidheen Wasiirka, balse aanay jawaab ka ahayn ilaa imikadan aan kula hadlayo (xalay abbaaro 9:00 fiidnimo), ilaa imikana way ku maqan yihiin arrintayada.”
Dhinaca kale, xubin kale oo ka mid ah xubnihii ka hawl-galayay goobta lambarkeedu yahay 334 ee Ex-Bile Restourant oo ka mid ah labadan goobood ee la xidhay, kana mid ah xubnaha xidhan oo isna aanu wax ka waydiinay sidii loo xidhay iyo in ay la kulmeen Taliyaha Booliska, ayaa wuxuu yidhi, “Waxa na soo kaxeeyay oo Ciidan na dul keenay Taliyaha qaybta bariga, markii uu noo yimi ee uu yidhi soo xidha goobta oo soo baxa, waxaanu waydiinay halkeed na geynaysaa, wuxuu nagu yidhi, Komishanka (Xarunta), ayaanu idin geynaynaa ee soo baxa. Markii nala soo kaxeeyay wuxuu na keenay Saldhigga dhexe oo uu wakhtigaa joogay Taliyaha guud ee Ciidamada Boolisku Maxamed Saqadhi Dubbad. Dabadeed, wuxuu Taliye Saqadhi naga qoray Magacyadii iyo tiradii shaqaalaha ee aanu ahayn, waxaana lala hadlay Komishankii, ilaa imikana nalama odhan waxaasaa laydinku haystaa.”
Courtesy:OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking