COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 29, 2010

Beesha reer Shirdoon (Yoonis Nuux) oo Suldaan cusub caleemo-saaray

Hargaysa, (NNN)- Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur ayaa loo caleemo saaray inuu noqdo Suldaanka beesha reer Shirdoon (Sacad Muuse), ka dib munaasibad balaadhan oo shalay lagu qabtay magaalada Hargaysa.
Munaasibadaas oo Suldaan Ibraahim loogu caleemo saaray Suldaanka beesha reer Shirdoon (Sacad Muuse) ka dib markii todobaadkan uu aabihii Suldaan Sulub Nuur ku geeriyooday dalka Sucuudiga, waxa ka qayb galay Salaadiin, masuuliyiin ka kala socotay xukuumadda iyo xisbiyada qaranka, guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo marti sharaf aad u tiro badan.
 Waxa ugu horeyn munaasibada lagu caleemo saarayey Suldaanka cusub ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Illaahay ha u naxariistee Suldaan Sulub Nuur wuxuu ahaa nin wax badan soo qabtay, maantana waxay joognaa laba munaasibadood mida hore waa tacsidii Suldaan Sulub oo aynu illaahay uga baryeyno inuu qabriga u nuuro. Ta labaadna Suldaanka cusub Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub waxaanu leenahay illaahay xilkaa culus ee loo dhiibay ha u fududeeyo, si wanaagsana waanu ula shaqayn doonaa insha Alla.”
Waxa isna munaasibadaa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu Suldaanka cusub illaahay uga baryey inuu xilkaa loo dhiibay u fududeeyo, waxa kale oo uu illaahay ka baryey guddoomiyuhu in doorashooyinku si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaan.
Waxa isaguna ka hadlay Guddoomiyaha ololaha doorashooyinka Madaxtooyada gobollada galbeedka Somaliland ee xisbiga KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, waxaanu Suldaanka cusub u rajeeyey inuu illaahay la qabto xilkaa loo caleemo saaray, waxaanu tilmaamay in Suldaanka uu matali doono Salaadiinta cusub ee Somaliland lana jaan qaadi doono marxaladaha cusub ee aynu hadda galnay.
Ugu dambayntii Suldaanka cusub wuxuu mahad naq u soo jeediyey dhamaan dadweynihii ka qayb galay munaasibadaasi waxaanu sheegay in xilka Suldaanimadu yahay xil dhaqan oo dhex ah sidaa uu yahayna uu u wadi doono insha alla.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking