COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 4, 2010

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa oo la kulmay masuuliyiin Faransiis ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gudo galay hawlahoodii shaqo ee ay Dalka Fransiiska u joogeen, kaasi oo ay ku yimaadeen Dalkan Fransiiska booqasho rasmi ah, waxa maanta lagu qaabilay aqalka looga taliyo Dalka Fransiiska ee la yidhaahdo Elysee, halkaasi oo uu ku qaabilay la taliyaha Madaxweynaha Fransiiska ee Arrimaha Africa , Mudane , Andre Parant iyo saraakiil ka socotay aqalka Madaxtooyada.
Kullankaasi labadaa dhinac ay isaga waraysteen, arrimaha labada dal dhinacyadooda ; Siyaasadda; dhaqaalaha iyo Nabadgelyada; taasi oo ay ku jirto arrimaha ka taagan, mandaqadda Geeska Africa oo Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu tahay.
Arrimahaaasi ay labada dhinac isla soo qaadeen falanqeyn dheer ka dib waxay ku soo gabagaboobeen jawi wanaagsan iyo is afgarad,
Madaxweynaha waxa kullankaasi ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wakiilka Somaliland ee Dalka Fransiiska, Mudane Cali Ismaaciil Xassan iyo Mudane Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha. 

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking