COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 2, 2010

KULMIYE oo Deeq lacageed gaadhsiiyay dadkii ku waxyeelloobay Roobabkii Hargeysa

Hargaysa,(NNN)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay deeq lacag ah guddoonsiiyey dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay Roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Hargaysa, gaar ahaan labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.
Munaasibadii guddoonsiinta deeqdan oo shalay lagu qabtay Hoolka Cali Maarshaal ee xarunta xisbigaas, waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar (Xamarji), Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiilada iyo masuuliyiin kale.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar (Xamarji) oo sheegay in Lacagta ay guddoonsiiyeen shalay Guddida horumarinta iyo taakulaynta ee Degmooyinkaas ay dhan tahay $6150 (Lix Kun iyo boqol iyo konton Dollar). waxaanu u mahad-naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay Lacagtaas oo uu sheegay in ay tahay qaadhaan Xisbigoodu iska ururiyay. “Runtii Xisbi ahaan cashuur ma qaadno, runtii jeebadayada iyo guddahayaga xisbi ahaan ayaanu dhexda u xidhanay sidii aanu u caawin lahayn ummadayada dhibaatadu gaadhay, ilaahay ha ka abaal mariyee Dumarka xisbiga KULMIYE madaxdooda iyo dhamaan taageerayaasha waxa loo sameeyey sanduuq qaadhaanka lagu ururiyo, qaadhaankiina waanu u ururinay” ayuu yidhi Mr.Xamarji.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada ee laga soo doortay degmada Axmed Dhagax. Waxaanu sheegay Xildhibaanku dadkaa u baahan caawimada aanay qaddarkaas Lacagta ah iyo in u dhaw toona ku filnayn, waxaanu dadweynaha ka codsaday in baahida caawimada dadkaasi ay weli taagan tahay.
Guddoomiyaha guddiga dibu-dhiska labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax Mr. Kayse Haybe Muxumed ayaa isaguna ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE deeqdaa lacagta ah ee ay ugu deeqeen dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay roobabkii dhawaan ka da’ay Hargaysa.
Gebogebadii, Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige oo munaasibaddaa soo gebogebeeyay, ayaa sheegay in ciddii dalka ay ku timaaddo masiibo aanay u baahnayn in loo kala eego Xisbiga uu taageero iyo halka uu ka soo jeedo, balse loo baahan yahay in la caawiyo.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking