COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, May 28, 2010

Isbeddel Siyaasadeed Waa Lama Huraan

Halgan dheer oo muddo qaatay kadib, waxay beelaha Somaliland iyaga oo isku dhan isugu yimaaddeen shirwayne, kaas oo ay ku go’aansadeen in ay la soo noqdaan dawladnimadii sibiqda kaga fakatay lixdankii, waxayna ku heshiiyeen inay unkaan qaran loo wada dhan yahay oo loo wadasiman yahay oo ayna cidina ka sheegan cid kale,
waxaanna la isla meel dhigay in xumaantii taliskii hore kala dhexdhigay bulshada daadka la raacsho, run ahaantiina taasi waxay noqotay mid hirgashay, balse cadawga Somaliland wuxu ahaa mid mar walba ku dedaalayey oo heegan u ahaa sidii uu shaki u kala dhex dhigi lahaa beelaha Somaliland ee walaaaha ah iyaga oo beelaha qaarkood ku beer-laxawsan jirey in aanay waxba ka noqon karin Somaliland oo beel-gaara ay u xidhan tahay

Waxayna ahayd arrintani degaalkii kowaad ee cadawga muddadii u dhexeysay 1991 – 2002 marka dhinacyo badan laga eego dhacdadan aynu dusha ku soo xusnay ee cadawgu qoriga ka dhiganaayey, waxay saameynteeda marka laga eega sida ay dhegta ugu laad-laadiyeen qurba-joogga beelaha darifyada Somaliland.

Waxa ku xigay cahdigii cusbaa iyo isbeddelkii xaqu keenay May 2002, Madaxweyne-ku-xigeenkii waqtigaa markii loo dhaariyey inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay soo afjarantay aafadii uu cadawgu kula dhex jirey shacabka, waxayna keentay taariikh cusub oo rumaysay wixii beelaha Somaliland kusoo heshiiyeen.

Mar labaad markii la qaatay nidaamka xisbiyada badan ku dhisan ee lagalay doorasho dimoqoraadiya (one man on vote) waxa dib loo doortay Madaxweyne hadda oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha darifyada Somaliland, waxayna tani noqotay mid u quus-gooysa cadawgii Somaliland.

Waxa bilaabmay cahdi cusub oo ahaa shantii sanno ee hoggaaminta Madaxweyne Rayaale loo doortay iyo istaraatajiyad hoggaamineed ee qarankan oo la sugayey in la helo isbeddel taageero gudo iyo caalamiba leh, maadaama ay meesha ka baxday wixii lagu tuhmayey in uu ku sifoobay qarankan Somaliland. Isbeddel dhaqaale oo ay kaga baxaan dadweynaha muddada dheer ku sugnaa xaaladaha adag ee quutal-daruurigu u ahaa xorriyadda iyo calankaa ka dul lusha, qorshayaasha siyaasadeed iyo tayada hawlwadeenadiisa maamul ee uu hoggaamiye dejisto, ayaa furre u ah in ay hoggaamintiisu najaxdo iyo in ay fashilanto.

Madaxweyne Daahir Rayaale nasiib-darro waxa uu ku guuldaraystay inuu dalkan u dhigo qorshe cad oo leh mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa uu ku guuldarraystay in uu halbawlaysaash hogaamineed ee xukuumaddiisa u xusho dad tayo leh oo dalkooda iyo dadkoodaba u daacada, waxay labadan arrimood u fureen cadawgii Somaliland wadiiqo kale oo ay kaga hortagayaan in Somaliland noqoto qaran madaxbannaan, iyaga oo ka hortagaya isku-duubnida, midnimada iyo iskaashiga mujtamaca Somaliland, iyaga oo ka hortagaya in aynu beesha caalamka ka helno aqoonsi, waxayna kaga faa’idaysteen oo u suurageliyey hawlgaladooda tayo-darrida hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Rayaale waxay bilaabeen falal argagixo oo hor leh oo ay ku fuliyeen goobo kala duwan oo dalka ka mid ah 99% ay ku guuleysteen.

Haddaba iyada oo lafilaayo inay doorashadii qabsoonto bisha june iyada oo ay muddo ay dib inooga dhacday waxa uu dalku u baahan yahay markaa isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul oo kasaara dalka marxaladan uu ku jiro, awoodna u yeesha fulinta dhamaan arimahaa aynu dusha kusoo xusnay hoggaaminta wanaagsan iyo tayadda hoggaamiyayaashu waa xirfad lagaga hortagi karo cadawga islamarkaana dalka lagaga saari karo cidhiidhiga siyaasadeed iyo dhaqaale, xulashada hawl-bawlayaasha maamul oo loo doorto cida ku habboon waa furaha horumarka uu dal kastaa ku faano, wada-shaqaynta iyo isjacaylka dadweynaha iyo ciidammada ammaanku waa furaha xakamaynta cadawga Somaliland, isku-duubnida dadweynaha Somaliland guud ahaan iyo wadashaqaynta golayaasha iyo xukuumad tayo lehi waa furaha aqoonsi ay Somaliland hesho.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, marka hore waxaan leeyahay hambalyo, marka xigta maanta kubadii idinka ayay hortiina taalaa, idinkaa gacanta ku haya masiirkii badbaadinta qaranka oo ah in aad u guntataan oo aad habeen iyo maalin u shaqaysaan sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah.

Waxaad ogtihiin cid waloo oo masuuliyad ummad u qaadaa in ay noqondaan kuwa wanaagooda iyo xumaantooduba ay u gasho taariikhda umadooda, manta waxa uu dalku galay neecaw qabow iyo filasho inay doorashii dhacdo .waana mid shacabku u wada diyaar garoobay isla markaana hogaamiyayaasha asxaabta qaranku diyaar u yihiin waxaynu sugnaaba waa doorsho dhacda iyo isbedel siyaasaddeed oo yimaad.

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, Somaliland

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking