COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 24, 2010

“Raggii Cigaal ka hor yimi Inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan”

WASIIRKA MAALIYADDA
Wasiir Cawil oo ka hadlay xigmada 2003 UDUB kaga badisay Mucaaradka
Hargeysa,(NNN)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inay ka guulaysan doonaan xisbiyada Mucaaradka marka la gaadho doorashada Madaxtinimada ee qabsoomideeda la filayo.
Wasiir Cawil oo doraad hadal dheer ka jeediyay munaasibad xisbiga UDUB ku qabsaday degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxa uu dadweynaha gobolka Saaxil kula taliyay in aanay ka hadhin murashax uu sheegay in maamuuskii Madaxweyne Cigaal lagu siiyay. “Barigii aanu inqilaabka samaynay, Maxamed Cabdiraxmaan (Lugooyo) oo ka mid ahaa saraakiishii inqilaabka nala samaysay waxaan had iyo jeer idhaahdaa meelo badana aan ka idhi dadka degan Sheekh, marka dhinaca SNM la eego gobanimada kaw bay ka noqonayaan. Waxaan idhaahdaa nin madax ah ayaa ka soo baxay (AHN) Maxamed X. Ibraahim Cigaal 50 sanadood ayey la socdeen oo aanay kelmad kala hor iman, waa gobanimo, beelaheena kale la heli maayo reer sanad ninkooda u dulqaadanaya. Marxuumkii nin aad u culus buu ahaa, boqol qof oo isku jira ayuu ahaa, lixdankii bay umaddeenu tukhaantukhisay, keligii buu noqday. Alle haw naxariistee wuxuu igu yidhi ‘waxaan waayey qof qudha oo ii hiiliya oo yidhaahda dawladnimadaa aynu haysano calan buu Illaahay ina siiyey, sharaf buu ina siiiyey, Xamar buu geeyey maxaynu dhaxalnay? Karbaash, madfac, burbur, waad aragteen isaga oo aan tin qudhii caddaan ayuu madax inoo noqday oo wixii dhib soo maray aanay ka muuqan. Dawladnimadaa aynu maanta wadno seeskeedii isagaa dhigay, isagaa ina kala maslaxay, ina kala laaluushay ina kala dejiyey, nidaam inoo dhisay, maamul inoo dhisay, hubkii dadka ka qaaday oo ciidanka ku wareejiyey. Raggii ka hor yimi haddii aad u wada fiirsataan inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan, intii dhibtay wuu inkaaray dalkana waxba ka noqon maayaan, magac kasta ha sheegto, wax allaale waxay dalkan ka noqonayaan ma jirto. Xisbiga UDUB ayuu sameeyey oo umaddeenaa Laas-qoray ilaa Lawyacado ay ku jiraan, waa Xisbigaa umaddan hagaya ee markaad u fiirsato doorashadii hore 80 baanu kaga helnay, wax sahlan maaha qolada Mucaaradku qoob iyo qaylo ayey isku dareen, lacag baa meel walba laga keenay, waxa meesha taalay ducadii Marxuumka. Waan aaminsanahay markana waligoodba ha qayliyeen, waanu ka guulaysanaynaa waa hubaal,” ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale. “Dalkan ciidan baanu u dhisanay, ciidankeenii waakaa halkaa maraya, waakaa xuduudii ku socda, waa ciidan dawlada UDUB ay dhistay, inaad xisbigiina ku faantaan weeye, inaad tidhaahdaan waa xisbigii marxuumku dhisay ee uu aasaasay ee uu calaamada u sameeyey ee uu magaca u bixiyey,” ayuu raaciyay.
Wasiirku waxa uu shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ku sababeeyay dhaqaale-xumida dalka, maadaama aanu sida uu xusay jirin cid mucaawimo siisa Somaliland. “Wasiirka Maaliyada ayaan ahay, wixii dakhliya ee ina soo gala markaan eego waxay dhaafi wayday ciidankii oo tirada uu hadda marayo aan la sheegi karin inta uu yahay hubkiisii, rasaastiisii, baatroolkiisii iyo mushaharkiisii oo aanu ku dedaalno askariga xuduuda jooga in raashinkiisa iyo mushaharkiisa uu bisha 30-keeda helo, wax kasta oo ina soo galena waxa ka weyn baahidii ciidan iyo tii dawladeed. Waxay noqotay inaynu ciidamada ka dhigno bar-tilmaameedka koowaad wixii inoo soo hadha markaa la qaybsado, Wasaarad qudha kuma filna Miisaaniyadeenu, adduunka waxba kama helno, mucaawinooyin la inama siiyo, go’doon baa la ina galiyey, haddana wataa dawladnimadeenii inoo socota ee ciidan inoo dhisan yahay ee nabada haysana,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in dadka gobolka Saaxil looga baahan yahay inay taageeraan xisbiga talada dalka haya ee UDUB, maadaama ay murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenku ka soo jeedo gobolkaas. “Saaxil maanta waxay leedahay Madaxweyne ku-xigeen, Madaxtooyadu waa Madaxweyne iyo ku-xigeen, waa inaad ogaataan Saaxil sharfAtii bay leedahay, ku-xigeenka waxay ku heleen marxuumka taariikhdiisii iyo ducadiisii meel Saaxil wax kale u yaalaan ma jirto gobolka sharaf baa deeqda, cuno ma deeqi karto. Maanta Madaxweyne ku-xigeenkii baad leedihiin, inaad maanta taa u dedaashaan oo ninka haddii ay dooran waayaan reerkiisu marka uu murashaxa yahay wuu hagaasaa, maanta waa inaad heegan u noqotaan codka siisaan Madaxweyne ku-xigeenka la safataan, dawlada la safataan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking