COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, May 9, 2010

Xisbiyada oo ku qaybsamay inay goob-joogayaal u dirsadaan beddelaadda kaadhadhka codbixinta

Hargeysa,(NNN)- Xisbiyada siyaasadda Somaliland, ayaa isku maandhaafay in hawlwadeeno metelayaa ka qaybgalaan hawsha bedelaada kaadhadhka codbixinta.
Ismaandhaafkan oo labadii maalmood ee u dambeeyay taagnaa, waxa uu aragtiyo kala duwan iska taagay xisbiyada UCID, KULMIYE iyo UDUB.
Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare oo shalay warsaxaafadeed soosaaray, waxa uu sheegay in aanu sharcigu dhigaynin in wakiilo xisbiyada metelayaa goobjoog ka noqdaan wax ka baxsan codbixinta doorashada. “Xisbiyada Qaranku waxay xaq sharci ah u leeyihiin kuna xusan xeerka Doorashooyinka, xeerka hab-dhaqanka xisbiyada in muraaqibiinta xisbiyadu ku egyihiin inay goobjoog ka ahaadaan goobaha cod-bixinta maalinta Doorashadu dhacayso oo kaliya, balse aanay ku jirin meel ay ku qoran tahay aanay muuqan in xisbiyadu geystaan muraaqibiin goobaha kaadhadhka lagu bedelayo. Iyadoo hore la iskula qaatay in Komishinku fuliyo hawshaas uu u xilsaaran yahay, waxaanan xisbi ahaan u aragnaa inay gaf iyo sharci-darro tahay in KDQ ogolaado si ikhtiyaari ah uga qaybgeliyaan xisbiyada mudadda kala bedelka kaadhadhka, taaso noogu muuqata mid carqalad iyo hakad ku keeni kara habsami u socodka xiliga loo qoondeeyay kaadhadh bedelka,” ayuu yidhi Afhayeenku. “Sidaas darteed, xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka UCID wuxu Komishinka Doorashinka Qaranka ku wargelinayaa inaanu qayb ka noqonayn waxaan sharciyada ku fadhiyin, horseedi karta is-maandhaaf iyo muran hor leh,” ayuu raaciyay.
Hase yeeshee, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, ayaa ku dooday in xisbi ahaan ay gudbinayaan hawlwadeeno aanu Komishanku dhaqaale siinaynin oo xisbigooda ula socda bixinta kaadhadhka cusub. “Shaqaalahani waxay ku shaqaynayaan si mutadawacnimo ah, xisbiga UCIDna wuxuu yidhi anagu ma xiisaynayno,” ayuu yidhi Xoghayaha oo uu xalay xogwaran kooban la yeeshay Wargeyska Ogaal. “Komishanku waxay yidhaahdeen markay doorashada gaadho dadka xisbiyada muraaqibiinta u ah anagaa lacagta ka bixinayna oo kharashka ayay ugu jirtaa, laakiin tani waa mutadawacnimo oo xisbigii doona ayaa dirsanaya,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay isku raaceen in dadkaa metelaya la hawlgeliyo, isla markaana ay khibrad ka qaadan doonaan hawsha bedelaada kaadhadhka, si ay muraaqibiin rasmi ah u noqdaan xilliga codbixinta doorashada Madaxtooyada. “Xisbiyadu cid metelaysa way geysan karaan, wayna iska dayn karaan oo khasab maaha,” ayuu yidhi Kayse Xasan Cige.
Mar la waydiiyay sida uu u arko hadalka xisbiga UCID ee la xidhiidha in aanay sharciyad ku fadhiyin in dad xisbiyada metelayaa ka shaqeeyaan bedelaada kaadhadhka codbixinta, waxa uu sheegay in bedelka kaadhadhku tahay arrin xilli dambe timi, horena diiwaangelin loo galay. “Laakiin, waa la isla afgartay in haddii xisbigu doonayo inuu cid keensado oo waxba kama qabaan (Komishanku), wayna ogolyihiin Komishanku,” ayuu yidhi. “Dadka aanu imika dirsanaynaa hadhowna xiliga doorashada way na anfacayaan, xisbi ahaan baanay noo anfacayaan oo way waayo-arkayaan. Markaa dadkaa imikaanu xulanaynaa, waananu gudbinaynaa,” ayuu raaciyay.
Xoghayaha KULMIYE waxa uu ku dooday in hawlwadeenadan ay xisbi ahaan dirsanayaan in aanay waxba u dhimaynin sharciyada hawlaha doorashada. “Waxayna waxba u yeelaynin, dadka kaadhadhka bedelaya waxa dirsanaya Komishanka, dadkanina waa goobjoogayaal eegaya siday hawshu u socoto,” ayuu yidhi Mr. Kayse Xasan Cige.
Dhinaca kale, xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa soo dhaweeyay in xisbiyadu shaqaale ay dirsadeen geysan karaan goobaha muwaadiniintu ka qaadanayaan kaadhadhka cusub. “Anagu Komishanka waanu iska aragnay arrintaa, waxayna noo sheegeen in wakiilo Axsaabtu leeyihiin inay goobaha u diraan aanay kharash u haynin, laakiin xisbigii doonaa uu keensan karo wakiilo u jooga goobtaa,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xafiiska siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintaas.
Waxa uu sheegay inay taageersan yihiin xisbiga doonayaa inuu wakiilo geysto goobaha kaadhadhka lagu qaybinayo. “Waanu ku talo jiraa in aanu geysano,” ayuu yidhi mar la waydiiyay inay dirsanayaan shaqaale wakiilo u noqda.
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking