COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, May 18, 2010

Kulan Ay Ku Kulmeen 16 Kooxood Oo Kubada Carta Ah Oo Lagu Xusaayey 18 May Oo Ka Dhacay Magaalada Oslo ee Norway

Kulan lagu xusaayey 18 May oo ay iska hor yimaadee kooxo kubada cagta kuwaas oo ka kala yimid magaalooyinka Norway ayaa maanta ka dhacay magaalada Oslo.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen dhaliyaro uu hormood ka ahaa Xasan Waraaba cade, Sacad, Cabdi raxman Lisaaye oo ahaa Sidhiwalaha Cayaarahani.
Waxaa lacagta la helo loogu deeqaayey sidii rooga loogu dhigi lahaa garoonka kobada cagta ee magaalada Hargaysa .
Cayaarta ayaa kooxihii ka soo qayb galay finale kii waxaa isugu soo baxay laba kooxood oo muujiyey cayaar wanaagsan labadaa kooxood oo kala ahaa (Faynoos iyo Dahabshiil) Akhirkiina waxaa ku guulsayaty kooxada Dahabshiil laguna gudoonsiyey koobka 18 May ee sanadkan.
Goobtan oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Norway Mudane Maxamed M.Adan,Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Norway Xuseen Aadan Cadib ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid eed dalka Norway Eng Cabdi Xakiim Ismaaciil, Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Udub ee dalka Norway Cabdi Raxmaan Axmed (Maraaci)Madax ka socota xawaalada Caalamiga ah ee QaranExpress iyo dadwayne aad u tiro badan , gababadii cayaarta waxaa safiirka Norway u fadhiya Somaliland uu goobtaas ku gudoonsiiyey koob loogu talo galay kooxada ku guulaysata taasoo oo uu gudoonsiiyey kooxda Dahabshiil koobkii sanadkan.

Cabdi wahaab Maxamed
Oslo

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking