COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 3, 2010

“Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida Caqligeedii soo celiyo, falka noocaas ahina…”

Sheekh Cali Warsame……..Waraysi
Burco, (NNN)- Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland, ayaa naqdiyay qarax doraad lala beegsaday Masaajid ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa Masaajidkaas oo aanay masuuliyadiisa ciddi sheegan, waxa ku dhintay ilaa 40 qof, halka ilaa 80 kalena ku dhaawacmeen.
 Hase yeeshee, Sheekh Cali Warsame waxa uu sheegay in falka noocaas ahi aanu sal ku lahayn diinta Islaaamka iyo bani-aadaminimada. “Waa arrin markaan maqlay qalbigayga aad u gilgishay…Wadamadaa kale waan ka maqli jiray iyadoo Masaajidada la qarxinayo, laakiin arrintani waa mid hadda soo korodhay, waxaana keenaya xadgudubka iyo qofka marka uu dadka Muslimiinta ahi dhiigoodu la fududaado, kumana joogayo markii hore halkuu joogaye, maalin walba waxyaabo la odhan karo kanina kii hore wuu ka fool-xun yahay baa lagu kacayaa,” ayuu yidhi.
Waxa uu Illaahay ka baryay in kuwa falalka noocaas ah samaynaya uu garansiiyo khaladka ay faraha kula jiraan, umadda Soomaaliyeedna uu karaamadeedii soo celiyo. “Haddii aanu nahay Culimada Fadwada, cilmi-baadhista iyo ka jawaabista arrimaha Diinta, arrintaa waxaanu u aragnaa ama aan u arkaa mid aad u fool-xun, diinta ku xun, bani-aadaminimada ku xun oo akhlaaqda ku xun. Markaa aad baan uga xumahay, waxa halkaa (qaraxa Masjidka Bakaaraha Muqdisho) ka dhacay – diinta, bani-aadaminimada, damiirka iyo damqashada Ilaahay bani’aadamka ku abuuray wuu khilaafsan yahay. Arrintaa dhacday meel ay daliil ka helayso, hadday tahay caqliga, cilmiga iyo diinta ma leh. Markaa Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida caqligeedii soo celiyo, falka noocaas oo kale ahina aanu dib dambe uga dhicin, dadka waxaa ku jirana Ilaahay garansiiyo khaladka ay ku jiraan,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay in shaqsiyan uu filayay in gudaha Soomaaliya lagu geysan doono qaraxyo lala beegsado goobo lagu cibaadaysanayo, waxa uu ku jawaabay, “Waanu filaynay wax kastaa inay dhici karaan hadday joogsan waayaan, waxaas iyo wax ka darani inay imanayaana waa wax la filayay.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Culimada diinta Islaamka ee ay isku aragtida ka yihiin falalka noocaas ah, ay sii wadi doonaan inay umadda ka wacyigeliyaan inay ka joogsadaan.
Mar la waydiiyay waxa uu kula talinayo kooxaha falalkaa geysanaya, waxa uu yidhi, “Waxaan u jeedinayaa Illaahay inay ka cabsadaan, naftooda Illaahay uga cabsadaan, aakhiradooda ay u cabsadaan, umaddana ay u naxaan oo dhibaatadaa ay ku wadaan ay ka waantoobaan.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking