COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, May 12, 2010

Golaha Guurtida oo dhaqaale waydiistay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, (NNN)- Shirguddoonka golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinku ay cid kale siiyeen dhaqaale golahooda ugu jirtay miisaaniyadda Komishanka, gaar ahaan hawlaha wacyigelinta.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo waraysi dheer siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu beeniyay in Shirguddoon ahaan ay ku hawlan yihiin hawlgal lagu xagal-daacinayo hawlaha diyaargarawga doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyay bisha June.
Waraysigaas oo uu kaga hadlay kulamo ay Komishanka kala yeesheen doorka golahooda ee hawlaha doorashada, dhaqaale ay sheegeen inay Komishanadii hore ka heli jireen, sida uu u arko isku-dhacyada taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB ee gobollada Bariga qaarkood iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, waxa jira war warbaahinta qaarkood faafiyeen oo la xidhiidha in Shirguddoonka aad u ololaynaysaan sidii markale doorashada dib loogu dhigi lahaa, idinka oo u maraya xeerarka u degsan, markaa arrintaas maxaa ka jira?
J: Waxba kama jiraan. Golaha Guurtidu doorka keliya waxa weeyaan wacyigelinta inuu ku wacyigeliyo dadweynaha inay doorashada si nabadgalyo ah ku galaan, nabadana la ilaaliyo, qof kastaana uu codkiisa ku dhiibto kaadhka la siiyo oo keliya.
Dhinaca golaha Guurtida, waad ogtahay oo waa aasaasihii Jamhuuriyadda Somalilad, marxalado badana wuu la soo maray, duruufo badana isagoo la kaashanaya golayaasha kale iyo Xukuumaddaba ayuu ka soo saaray. Markaa maanta oo doorashadii la filayo inay dhacdo bilahan soo socda kama suurtawdo inuu u ololeeyo in doorashada dib loo riixo.
S: Laakiin, adiga, guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Xoghayaha Guurtidu waxa la sheegay inaad wadaan hawlgal aad Mudaneyaasha ku xodxodanaysaan oo la xidhiidha sidii aad taako ugu dhigi lahaydeen wax-ka-bedelka xeerka doorashooyinka?
J: Maya, waxaasi wax kama jiraan weeyaan oo jaraa’idka qaarkood waxay doonaan bay iska qoraan. Anagu doorashada dib uma riixi karno, waqtigii ugu dambeeyayna go’aankii aanu anagu soo saarnay wuxuu ahaa mid ayidaaya lixdii qodob ee beesha caalamku soo jeedisay, taas baana lagu socdaa, go’aankayaguna wuxuu ahaa in doorashada bil ka dib uu xilkii Madaxweynuhu ku egyahay. Midda kale, maadaama oo xilligii doorashada la cayimay, xeer aanu hadda anagu u cuskanayno oo aanu leenahay doorashadii dib bay u dhici kartaa ma jiro.
S: Guddoomiyaha golaha Wakiiladu wuxuu ku baaqay in labada gole iska arkaan arrinta ku saabsan doorashada, markaa Shirguddoon ahaan diyaar ma u tihiin in golaha kale aad iska aragtaan, kana wada tashataan?
J: Anagu Baarlamaan baanu isla nahay, labada gole wixii tallo ah ee la gudboonaada sharcigaaba siinaya waxyaabaha ay iska arki karaan, waanay ka tashan karaan wixii xaalad ah ee markaa timaada.
S: Laakiin, mar haddii uu soo baxay baaqaasi idinka dhinaciina ma soo dhawaynaysaan inaad kala kulantaan dhigiina Wakiilada?
J: Aad baan u soo dhawaynaynaa, arrintanina wax qoraal ah noogumay iman, runtii anigu joornaalka kumaan arag. Laakiin, iyagu hadday ku baaqeen fikirka ay hayaan waanu isla eegaynaa.
S: Waxa la sheegay inaad kulan la yeelateen adiga iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Komishanka doorashooyinka, maxaad ka wadahadasheen?
J: Waxaanu ka wadahadalay, waxa jirtay dood uu goluhu yeeshay oo ku saabsanayd doorka uu goluhu ku yeelan karo doorashada, waana dood, doodana mudane kastaa aragtidiisa ayuu ka soo jeedin karaa. Markaa waxaanu doonaynay xubnaha qaarna waxay dalbadeen in Komishanka golaha la horkeeno oo ay ka warbixiyaan habka ay doorashada ugu talogaleen, kaadhadhka ay u bixinayaan iyo natiijooyinka soo baxa sida ay iyagu u qaateen, markaa arrintaas ayaanu ka hortagnay intaan golaha la horkeenin, si aanu golaha u qancino.
S: Markaa ma in Komishanka golaha looga yeedho oo ay hor tagaan baad ka hortagayseen?
J: Waxa nala siiyay inaanu anagu soo waraysano oo golaha ayaaa noo ogolaaday inaanu anagu soo waraysano.
S: Markaa waraysigaa aad Komishanka la yeelateen maxaad idinka baxay?
J: Waraysigooda waxa nooga baxay sidii ay barnaamijka u soo dhigeen inay doorahada u dhacdo ayuun bay noo sheegeen.
S: Mar haddii Axsaabtu qaranku ku qanacsan yihiin Komishanka doorashooyinka, maxaa khasbanaya in xubnaha golihiina qaarkood dalbadaan yeedhmadaa ama idinkuba aad la kulantaan?
J: Hay’aduhu wada shaqayn bay leeyihiin, markaa golaha Guurtidu had iyo jeer doorkiisu waa wacyigelin iyo dhinaca ilaalinta xeerarka. Markaa wixii aanu u aragno inay doorashada ama nabadgalyada carqalad ku noqonayso in laga wada tashado way tahay.
S: Gole ama Shirguddoon ahaa, ma wax carqalad ah baa idiin muuqda imika?
J: Maya, hadda wax carqalad ahi nooma muuqdaan, markii aanu Komishanka la kulanayna si fiican baanu isu afgaranay.
S: Markaa ma waxaad kala hadlayseen inaad Guurti ahaan wacyigelin ka gashaan sidii loo qaadan lahaa kaadhkan iyo in si nabadgalyo ah lagu codeeyo?
J: Haa, xeerkii 37 (xeerka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha) ayaa sheegayay in Guurtidu intaan doorashada la gaadhin inay doorka wacyigelinta qaadato, horena way u samayn jirtay Guurtidu oo intaan doorashada la gaadhin, doorasho kasta ha noqotee golaha Guurtidu wuu bixi jiray, daweynaha wuu ku wacyigelin jiray in doorashada si nabadgalyo ah loo galo, xasiloonidana la ilaaliyo, haddana goluhu wuu isu diyaarinayaa inay doorkoodii wacyigelineed qaataan.
S: Ma jirtaa inaad Komishanka kala hadasheen inay dhaqaale ahaan idinka taageeraan, si aad guddiyo hawshaa u baxa u saartaan?
J: Maalintii dhawayd iyaga kala maanaan hadlayn arrinkaas. Laakiin, qaabka doorashada ayaanu warbixin ka qaadanaynay.
S: Laakiin, Komishanadii hore dhaqaale ahaan way idinka kaabi jireen guddiyada aad gobollada u dirtaan sow maaha?
J: Waxa ku jira Miisaaniyadaa Komishanka wacyigelin, wacyigelinta nabadgalyadana Guurtidu waa ka kaw, bulshada kalena kama madhna. Laakiin, Guurtidu waa inay gogol-xaadh u sii noqdaan doorashada.
S: Dabcan, wadahadalkiinana qayb way ka ahayd in doorkiinii dhaqaale ee wacyigelinta ku jiray aad heshaan?
J: Taas doorashada waanu waydiinay oo waxaanu ku nidhi ‘doorashooyinkii hore goluhu guddiyo ayuu saari jiray oo wacyigelin xaga nabadgalyada ah uu u saari jiray, markaa maxaad nooga haysaan?’ markaa waxay yidhaahdeen wax dhaqaale ah oo anagu hadda aanu idinka kaabaynaa ma jirto. Markaa waanu ku qanacnay oo anagu taayada (miisaaniyadda golaha) ayaanu ku bixinaynaa, markaa hadda wacyigelinta aanu u baxayno maaha mid ay Komishanku naga taageereen.
S: Komishanku miisaaniyadii ay Komishanadii hore idin siin jireen ee dhinaca wacyigelinta nabadgalyada, inay maxay ku baxday bay idiin sheegeen?
J: Wallaahi, waxaan u malaynayaa iyagu dad kale ayay siiyeen, qaybaha kale ee bulshada ayey siiyeen. Markaa kama xumin, laakiin waa door uu golaha Guurtidu lahaa. Laakiin, uma baajinayno dhaqaale la’aantaa ay Komishanku naga caawin waayeen, anaga ayaa taayada ku bixinayna.
S: Goorma ayaad guddiyada hawshaa u saaraysaan?
J: Todobaadkan soo socda ayaanu golaha xidhaynaa, ajandihiina wuu dhamaaday golihii kale waa kuwa fasaxa galay, labada golena way wada shaqeeyaan, fasaxyadooduna way isku beegan yihiin, doorashadii iyo waqtigeedii waa kuwan soo dhaw oo kaadhadhkii la qaadanayo, arrinkaasina wuxuu u baahan yahay wacyigelin wayn, waayo bulshadu way kala aragti duwan yihiin. Markaa si doorashadu si xor ah oo xalaal ah ugu dhacdo oo nabadgalyo ah ayaanu anagu damacsanahay, markaa inaanu baxno intaanay doorashadu soo galin.
S: Sideed u aragtaan gole ahaan isku dhacyada kooban ee dhexmaray taageerayaasha Axsaabta ee gobollada bariga qaarkood?
J: Waad ogtahay, waxaynu ku jirnaa xaalad doorasho, wax badana did bbay inooga dhaceen, maadaama maanta ay tahay waqtigii ugu haboonaa oo ay doorashadu inoogu qabsoomi karto, anagu waxaanu jeclaan lahayn in umaddu dadweynaha ha noqoto ama Axsaabta ha noqotee in la ilaaliyo nabadgalyada iyo xasiloonida, doorashadana aan wax carqalad ah lagu abuurin dhinac kastaba ha ahaatee, Axsaabtuna iyagaa doorashada galaya, markaa inaanay khalkhal gelinin nabadgalyada iyo hawlaha doorashada. Laakiin, anagu imika cid gaar ah u eedayn mayno arrintaas.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking