COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, May 7, 2010

INOO KALA GOO - Maqaal Xiiso badan Leh

Marka hore waxan salaamayaa dhammaan dadka reer Soomaaliland madax iyo minjaba, waayeel iyo dhallaanba , sheikh iyo shariifba, Haween iyo dhalaanba oo aan ku salaamayo asalaamu alaykum dhammaantiinba.
Waxan jecelahay in aan yer mililico siyaasada dalkeena (dibadda iyo gudahaba), maamulka hadda jira, musuqmaasaqa iyo dardaaran kii u danbeeyey ee xisbiyada mucaaradka iyadoo haatan xilligii doorashadu kaabiga inagu soo heyso.

QISADII INOO KALA GOO:
Casrigii Nebi Daauud iyo Nebi Suleymaan (Caleyhim salaam) oo aan xiligaa jirin waxa loo yaqaano DNA ee dhiiga lagu baadho ayaa laba dumarah isku qabsadeen ilmo yer oo mid waliba tidhi anaa dhalay. Markaasay isula tageen nabi Daauud ( calayhi salaam) oo ay yidhaahdeen nakala furo. Dabadeedna tii aan dhalin oo oyaysa , dhulkana isla dhacaysa ayuu nabigi arkay markaasuu u xukumay iyadii ( waa tii aan dhalin ilmaha). Hooyadii run ahaantii dhashay ayaa qanciweyday, dabadeena waxay hadana isula tageen nabi Suleymaan ( calayhi salaam).
Nabi suleymaan wuxu yidhi hadii aydaan isudayn waan idiin kala goynayaa ilmaha, dabadeena seef ayuu soo qaatay oo uu dul dhigay ilmihii.Hooyadii rasmiyan u dhashay ayaa soo boodey oo tidhi ha dilin ee iyada sii, tii kalena ee aan dhalin waxay lee dahay noo kala goo. Dabadeedna nabi Suleymaan ( calayhi salaam) wuxu ilmihii u xukumay Hooyadii tidhi ha noo kala goyne iyada sii.
Waxan qisadan aan uuga jeedaa marar badan oo wadenkeenu khal khal la galiyey ayaa xisbiyada mucaaradka uuga tanaasuleen xisbul xaakim oo lahaa noo kala gooya , waayo iyagu ( siiba xisbiga kulmiye) soomaaliland wey dhaleen.Waana astaanta hogaanka fiican ( good leadership) inuu tanaasulo xaaladaa adeg.
Maanta la isutanaasulimaynee food ( Vote) ayaa lagu kala baxayaa ee barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen, dadweynihuna waxay ku ciilbaxayaan footkooda.

Siyaasada dibedda: Waxan ku tilmaamey siyaasada dibadda ee dalkeena Dawaarad aan meel laga baxo lahaeyn (Roundabout without exit).
Maxaa yeeley isku wuxuun bay sheegayaan nimaka talada hayaa madaxweyne illaa wasiir, waxay odhanayaan waanu isa soo afgaraney wadankii aanu u baxnay, wax natiijo ah oo wadanka looga soo midhodhaliyeyna majiraan 10kii sanadood ee u danbeeyey.

Siyaasada gudaha:Iyadu yooyootan iyo xisbiga kulmiye muxu yidhi ayey ka dhammaan weydey iyo hebel hebel ku dhufo iyo been dadka ku maaweeli.
Ajinabiga u yimaadana waxay ku yidhaahdaa anagaa isdabarney oo dalkayaga macawino dabadeed laanteed dhisanay. Waxa ay ilowsanyihiin inaan reergalbeedka iyo IMF daynka bixisaa u riyaaqeyn erayadda siyaasiyan iyo dhaqaaalo ahaanba iyagoo markey kula joogaan aan kaa hor imaneyn. Balse waxay garan layihiin si kale wuxuu uugu sheega.

Dhulboobka:Dhibaatada dhulboobka oo inugu habsatay waxay garan la yihiin sidii dalka Sudan oo taas oo kale ku dhacdey inay qofkii meel weyn xidha layidhaahdo cashuurta dhulkaa baaxadda leh bixi kana soo biximaysid intaa aad oodatey inta kale dadka inta hadhey ayaa leh. Aakhirkii qofna jeelkaa iyo kharaashkaa xamilimaaayo ,wuxu ogolaadey in dhulka in macquul ah uu ka qaato taasna waxa laga filayaa xisbiga kulmiyey oo talada dalka dhawaan la wareegidoona inshaalla.

Musuqmaasuqa:Madaxda iyo minjaha musuqmaasuqa aafeeyey ee aan nina ninka kale ka daa odhaneyn ,waayo ninwaliba isagaa lugta kula jira, tuuguna wuxu jecelyahay tuug uu ku dhexdhuunto oo aanu tuke baalcad noqon. Taasina kulmiyey aayaa isbadelkeeda looga fadhiyaa. Wasiirada mustaqbalkana sidii Kenya ayaa hantidooda la diiwaan galinayaa inta aanu wasiir noqon ama ninkasto oo jagada dawlada mansab sare ka qabta Madaxweynahana ku daroo.Taana kulmiyaa looga fadhiyaa.

Tacllinta:Waxa dalkeena ku caan ah inaan la kantroolin manaahijta iskuulada malcaamadaha khaaska loo leeyahey. Taas oo halisø ku ah nabadgelyada dalkeena iyo heerka tacliimeed ee ilmaha laga rabo. Ayaduna waa hawl xisbiga kulmiye u taal.

Qaxoontiga (immigration): Arrinkaa cidina kama warheyso tirade dadka ajinabiga ah ee dalka jooga iyo meesha loogusoo hagaagayo.Majiro adduunka dal aan diwaangalin dadka qaxootiga ah ee dalkooda yimaada Somaliland mooyee. Iyana kulmiyey utaalaa.
Dardaaran: waxaan kula talinayaa dhamman inta isbadeldoonka ah in ay ayagu muujiyaan isbedel oo ay naftooda ka billaabaan .Haddii kale arrinku wuxu inooga dhacayaa iiga gac meesha.Ninkii caanka ahaa ee Mahatba Ghandi ee u dhashey India Wuxu yidhi “ If you like to make a change , be the change”.

Wabillaahi tawfiiq

Abdulkhaliq Mohamed Sheikh Osman Nur
Birminghakm UK

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking