COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, May 29, 2010

Cajiib: Laba-sanno jir maalintii Qiijiya 40 xabbo oo sigaar ah

Hargeysa, (NNN)- Marka aad aragto sawirka ilmahan yar isaga oo gaadhi-caruureedkiisa isteerinka ku dhagan, Sigaarkana bafta ku haya, waxaa hubaal ah inaad u maleyn doonto darawal gaadhi xamuul oo gawaadhida caruurta ku ciyaaraya, laakiin wiilkan oo lagu magacaabo Ardi Rizal waa laba jir aad u jecel cabbista sigaarka.
Wiilkan oo ka soo jeeda koofurta Gobalka Sumatra ee dal Indonesia waxa uu cabbaa laba baako oo sigaar ah maalinkasta. Waqtigiisa inta badana waxa uu ku dul dhameystaa gaadhi-caruureedkiisa. Way yartay xili aanu Ardi dhuuqeyn sigaar, tani waa sababta keentay inuu kaligii dhaqaaqo waayo iskaba daa caruuurta filkiis ah inuu la cayaaree.
Hooyadii oo khaatiyaan ka taagan sigaar-cabbista uu wiilkeedu sabinimada ku bilaabay ayaa cadaadis ku saartay in uu joojiyo sigaarka, hayeeshee dadaalkaas kuma ay guulaysan, isaga oo Ardi bilaabay inuu ooyo madaxana darbiga la dhaco, wuxuu ku calaacalay in joojinta balwadan ay u keentay xanuun iyo wareer.
 Ilmahan layaabka leh sigaarkasta iskama cabo ee waxaa jira nooc gaar ah oo ay xaraaraddu ugu baxdo. Waalidkii waxa ay maalinkasta sigaarkiisa ku kharash gareeyaan $5.50 (Shan iyo badh dollar). Halka ay hooyadii xusulduub ugu jirto in willkeeda yar uu joojiyo sigaarka, aabihii wuxuu qabaa in ilmahooda uu caafimaad qabo sabab looga joojiyo sigaarkana aanay meesha ku jirin.
‘Cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaaya uu ku tusaa,’ ayay ahayd murti ay leeyihiin dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya. Ardi wuxuu si fiican ugu xarragoon yaqaanaa sigaarka, waxaadna moodeysaa in uu yahay jilaa filim ku jilaya sigaarka.
Dowlada Indonesia waxa ay u yaboohday waalidiinta laba jirka sigaaryacabka ah Gaadhi cusub, waase hadii ay ilmhahooda ka dhaadhiciyaan in uu joojiyo balwadan. Waxa ay u muuqataa in waalidiintiisa aanay markan ku dhicin inay weydiistaan inuu joojiyo sigaarka, wayoo waa uu qabatimay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Beesha reer Shirdoon (Yoonis Nuux) oo Suldaan cusub caleemo-saaray

Hargaysa, (NNN)- Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur ayaa loo caleemo saaray inuu noqdo Suldaanka beesha reer Shirdoon (Sacad Muuse), ka dib munaasibad balaadhan oo shalay lagu qabtay magaalada Hargaysa.
Munaasibadaas oo Suldaan Ibraahim loogu caleemo saaray Suldaanka beesha reer Shirdoon (Sacad Muuse) ka dib markii todobaadkan uu aabihii Suldaan Sulub Nuur ku geeriyooday dalka Sucuudiga, waxa ka qayb galay Salaadiin, masuuliyiin ka kala socotay xukuumadda iyo xisbiyada qaranka, guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo marti sharaf aad u tiro badan.
 Waxa ugu horeyn munaasibada lagu caleemo saarayey Suldaanka cusub ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Illaahay ha u naxariistee Suldaan Sulub Nuur wuxuu ahaa nin wax badan soo qabtay, maantana waxay joognaa laba munaasibadood mida hore waa tacsidii Suldaan Sulub oo aynu illaahay uga baryeyno inuu qabriga u nuuro. Ta labaadna Suldaanka cusub Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub waxaanu leenahay illaahay xilkaa culus ee loo dhiibay ha u fududeeyo, si wanaagsana waanu ula shaqayn doonaa insha Alla.”
Waxa isna munaasibadaa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu Suldaanka cusub illaahay uga baryey inuu xilkaa loo dhiibay u fududeeyo, waxa kale oo uu illaahay ka baryey guddoomiyuhu in doorashooyinku si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaan.
Waxa isaguna ka hadlay Guddoomiyaha ololaha doorashooyinka Madaxtooyada gobollada galbeedka Somaliland ee xisbiga KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, waxaanu Suldaanka cusub u rajeeyey inuu illaahay la qabto xilkaa loo caleemo saaray, waxaanu tilmaamay in Suldaanka uu matali doono Salaadiinta cusub ee Somaliland lana jaan qaadi doono marxaladaha cusub ee aynu hadda galnay.
Ugu dambayntii Suldaanka cusub wuxuu mahad naq u soo jeediyey dhamaan dadweynihii ka qayb galay munaasibadaasi waxaanu sheegay in xilka Suldaanimadu yahay xil dhaqan oo dhex ah sidaa uu yahayna uu u wadi doono insha alla.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiyada Kulmiye, UCID, UDUB iyo Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay Xaaladda Buuhoodle

Hargeysa,(NNN)- Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan xaaladda Deegaannada Sool iyo Buuhoodle. Saddexda Xisbi ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xaaladda Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood iyo sidoo kale Deegaanka Buuhoodle oo dhawaan dagaallo ka dhaceen.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodlle iyo sidoo kale Laascaanood, waxaanu arrintaa ku tilmaamay dayac ka yimi Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isaga oo eedda dagaalkaasna dusha u saaray dad uu sheegay inay dibadaha isaga soo bahaysteen inay dagaal ridaan. “Waanu ka xunnahay dadkaa ku geeriyooday shaqaaqooyinka, maxaa yeelay maanta looma baahna in Dhiig dambe reer Somaliland ama Soomaali oo dhan ka daata.
Dhibaatada halkaa ka taagan, waxaanu dusha ka saaraynaa dadka iska soo urursaday dibadaha ee ka yimi Maraykanka iyo Yurubta kale ee dhulkii maatidu deganayd damacsan inay dab geliyaan, iyagoo og dhibaatada Soomaali ku dhacday, halkii ay 18-ka sanadood burburkii Soomaaliya la burbursanayd Somaliland oo ka nabad gashay, ay ugu faani lahaayeen ee ay nabadgelyada ka adkayn lahaayeen ee ay horumarka ummada ka shaqayn lahaayeen. Dadkaasi lacagtii qaxoontigay soo gurteen oo waxa ummadoodii dabka galiyey qaxa geliyey lacagtaas ayaa kaw ka ah. Ta labaad, waxa canaanta ku leh dawlada Somaliland ee ku guuldaraysatay Buuhoodle oo Burco dusheeda ah inay maamulka gaadhsiiyaan.” Ayuu yidhi Faysal oo ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiyada ee ka hadlay xaaladda bariga dalka, kuwaas oo u waramay Telefishanka UNIVERSAL, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xaq buu dalku u leeyahay inuu nabadgelyada deegaankiisa la ilaashado wadanka jaarkiisa iyo inaanay meeshaasi noqonin meel ay fawdo ka abuuranto oo aragagixiso ku dhalato oo dhibaato u keena dalkooda.
Ciidamada Somaliland ee tagay xuduudaha, xaq bay u leeyihiin, dalkoodii bay tageen oo dal ajaanib ah may tagin. Waxaananu leenahay dadka deegaanka Laascaanood iyo degmada Buuhoodle, niman Carruurtoodii iyo dadkooda gaystay Dibadaha oo Kenya laga guray oo qaxoonti u ah, yaanay carruurtiina imika naruuradu u bilaabantay, waayo maanta Laascaanood Jaamacad bay leedahay, qofkii qof dila waa loo dilayaa, nabadgelyada weeyaan. Markaa yaanay dhibaatada sharci darrada ah ee xukun-darrada ah ee maamul darrada ah, ee ku waartay Buuhoodle, yaanay idinku soo fatihin baanu leenahay. UCID haddaanu nahay waxaanu diyaar u nahay in dadkaasi waxay tabanayaan oo dhan aanu buuxino inaanu walaalnimadii iyo wada dhalashadii soo celino, inaanu ka fikirno sidii dalkeena aynu u horumarin lahayn, inaynaan wadadii qabiilka ee lagu jabay raacin, inaynu raacno wadadii wanaagsanayd ee illaahay inoo tilmaamay”
Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo isna dhinacooda wax laga waydiiyay xaaladda Deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Marka hore aad baanu uga xunnahay inay dhacdadaasi (Dagaalladii Buuhoodle) dhacdo, waana nasiib darro inay dhacdo. Waayo dad baa ku dhintay walaalaheena oo wax ina tari lahaa, waxaanse rumaysanahay Soomaaliyadii isku jirtay waxay u kala bixi kartaa oo keliya laba qaybood oo kala ah, Soomaaliya iyo Somaliland. Qaranimada iyo reernimaduna waa laba wax oo kala duwan isirka cid waliba waxbay isku ahaan kartaa, kuwan Hargaysa iyo kuwa Gaashaamo yaala waxbay isku yihiin.” Waxaanu intaa raaciyay Cali-Gurey oo uu yidhi, “In siyaasadda iyo Beelnimada la kala saaraa buu arrinku ku roon yahay. Arrintan imika waxaad moodaaa markii Puntland ay u aragtay inaanay si cunfi ah khilaafka iyaga iyo Soomaaliya u wada gali karin ay sidaa yeleen. Waxay yidhaahdaan Gobollada Sool iyo Sanaag, laakiin, reer Sanaag kuma jiraan. Markaa anigu waxaan aaminsanahay wixii u dhexeeya reer Sool iyo reer Somaliland intooda kale waxa lagu dhamayn karaa wada hadal. Dhinaca kale, ciidamada Qaranka ee Somaliland inay aminiga Somaliland sugaan waa wax qasab ah, cidna taa laga baryi maayo. Laakiin ciddii wax tabaynaysaa xaq waxay u leedahay in la dhagaysto oo si nabadgelyo ah loo wada hadlo oo wanaag lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira dalka gudihiisa oo dhan.”
 Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, ayaa xaaladda Buuhoodle ku tilmaamay mid lagu khalkhal-gelinayo Doorashada iyo geedi-socodka hannaanka Diiwaangelinta. “Wallaahi, waxaanu u aragnaa arrin ayaan darro ah oo fool xun in la daadiyo dhiig, sida aynu ognahay waxaynu isu diyaarinaynaa doorashadii Kaadhadhkii qaadashadoodiibaa gebogebo ah, waxaanu u aragnaa anagu arrin la doonayo in lagu khal khal galiyo geedi-socodka doorashada. Sababtoo ah, waqtigan imika aynu joogno ee xasaasiga ee dadku ay u diyaariyeen inay u hawl-galaan doorashada in la abuuro xiisad colaadeed iyo dhibaato waxaanu u aragnaa inay mid laga dambeeyo.” Ayuu yidhi Keyse Xasan Cige.
Xoghayaha guud ee KULMIYE wuxuu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku sheegay Madaxweynuhu in lagu cadaadinayo in uu sii daayo dadka u xidh-xidhan falalka Argagixiso ee Xabsiyada ku jira. “Waxa kale oo iyada aanu la yaabnay Madaxweynaha oo dhawaan ku dhawaaqay in Bulshada caalamku ay leeyihiin dad markii horeba loo haystay arrimo argagixiso hala siidaayo, taasina mid aynu qaadan karno maaha. Maanta waxa keliya ee uu heshiiska ka yahay (Caalamku) waxa weeye in lala dagaalamo argagixisada, taasina waa arrin kale. Anagu waxaanu u aragnaa inay wada socdaan oo ay isku lug leeyihiin arrintaa uu Madaxweynuhu leeyahay hala sii daayo (Argagixisada) iyo arrintaa imika ka socota gobollada bari oo ah in culays badan Madaxweynaha lagu saarayo oo la leeyahay sii daa dadka ka soo jeeda, gaar ahaan haddaynu eegno deegaankaas oo kale oo yaan la marinin sharciga. Isla markaana hala khal khal galiyo oo hala mideeyo dhaqdhaqaaqaa ka socda imika bariga Buuhoodle iyo Widh Widh iyo arrintan la leeyahay ha la siidaayo”
Geesta kale, Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa iyana wax laga waydiiyay arrintan bariga Somaliland iyo in ay saamayn ku yeelan karto arrimaha Doorashooyinka. “Wax saamayn ah kumay yeelan oo shaqadii Kaadh-badelku sidii ayuun bay u socotaa hadday deegaanadaa tahay iyo hadday meelo kale tahayba. Dad ay cabsi galisay inay jiraan waa laga yaabaa, laakiin wax saamayn ah kumay yeelan oo lama dareensanaba runtii oo sidii bay kaadh bixintu isaga socotaa.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida Doorashada Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Guddoomiyaha Guurtida oo si qotodheer uga hadlay arrimaha doorashada, baaqna u jeediyey xisbiyada

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda dalka iyo Komishanka Doorashooyinkaba ay khasab ku tahay inay wada shaqayn yeeshaan.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay Hargeysa ku soo laabtay ka dib socdaal dhawr bilood qaatay oo uu ku tegay dibadda, waxa uu ka hadlay shaqaaqooyin dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay degmada Buuhoodle.
Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu baaq u jeediyay Murashaxiinta u taagan doorashada Madaxtinimada, wuxuuna amaanay siday wax u wadaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtida beesha Caalamku ka qabto Somaliland iyo doorashadeeda, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiyaha, sideed u aragtaa qaabka Komishanku hawsha u wadaan?
J: Anigu waxaan u arkaa in Komishanku hawl fiican wadaan. Doorashadu way inagu raagtay, saddex sannadood bay hadda dhaaftay waqtigii lagu qaban lahaa, hase yeeshee muddadii ay joogeen waxaan qabaa inay si fiican u hawlgaleen, wax walbana waxa ka wayn kalsoonida dadku ku qabo, kalsoonidii dadkana sidaa ku kasbadeen. Hadday wax badan qabtaan, balse aan kalsooniyi jirin waxba ma tarto, laakiin ilaa hadda kalsoonidii dadka way kasbadeen, waxaanan ku rejo waynahay inay ku wadaan, doorasho xor oo xalaal ah inay qabtaan, inay caddaalad inoogu garnaqaan, waayo garsoorayaal weeye, waana inay kii xaq lehna xaqiisa siiyaan, kii aan xaq lahayna yidhaahdaan waad gardaran tahay, wixii la odhan jiray waxbaa lagu shubay iyoxoolaa la qaatayna inay mar uun inaga hadho, ilaa haatana way wanaagsan yihiin. Markaa anigu waxaan bogaadin ahayn uma hayo, hawshiina si fiican bay u wadaan. Hadda waxa England ku maqan xubno Komishanka ka tirsan, hawshana way is barbar wadeenba. Markaa insha Allaah in 26 June karku inaga dhaco, sidaa ay u wadaana ay u wadaan baan u arkayaa.
S: Maxay tahay aragtidaada ku saabsan qaabka ay u wada shaqaynayaan Xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka iyo Komishanku?
J: Anigu siday u wada shaqaynayaan idiinkama dhawiye, way khasban yihiin inay wada shaqeeyaan, tartana waa la ogolyahay oo siyaasaduba waa tartan. Laakiin, labaduba waa inay danta guud u adeegayaan, Mucaarad iyo mid hadda awoodii ku fadhiyaa labaduba waa inay danta dadweynaha iyo dalka u adeegaan, wada shaqayna waa in la helaa. Waxa walba waxa ka wayn inay ilaaliyaan nabadgelyada.
S: Waxa jira in Komishanku codsadeen in xeerka doorashooyinka wax laga bedelo, waqtiga ololahana laga dhigo 21 maalmood, taasna labada goleba ansixiyeen, laakiin weli in aanu Madaxweynuhu saxeexin sideed u aragtaa?
J: Waxaan u arkaa in laga gudbo, wax dib loo sii dhigtaa ma jirto, mar haddii labada goleba isku raaceen. 21 maalmood wax ka badan maxaaba la qaban? Dalalka ugu waawayn baa afar todobaad ku qabsada, intaa wax ka badana dadkaa ku daalaya, doorashaduna had iyo jeer dhaqaale ayay keentaa. Markaa aniga Madaxweynuhu inuu saxeexayaa aniga I soo gaadhaye, ma wax baa is bedelay? Waa inuu isna saxeexaa, kuna wada dhaqaaqnaa oo loo wada hawlgalaa, si ay doorashadu 26-ka u dhacdo, ololuhuna ku dhamaadaa muddada loo qabtay.
S: Guddoomiye, waxa jiray in dhowaan shaqaaqooyin dad ku dhinteen ka dhaceen Widhwidh iyo Buuhoodle, markaa gole ahaan sidee baa jeceshihiin inaad ku waajahdaan?
J: Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inaga qaboojiyo – horta dhiig daata uma baahnin. Dawladda Itoobiya iyo Ciidanka qarankaba way isku dhaceen (dadka degaanka), waxaanan anigu jeclahay in maskaxdu shaqayso, balse aanu laxawga iyo shucuurta seef-la-boodnimadu shaqaynin, wax la dhawrtana dad baa ugu wayn. Waqtigan ay ku soo hagaagtay waa waqti doorashadeeniiba bisishahay, tii Itoobiyana waa tii dhacaysay, waxyaabahaas oo kalena waa marka la iska ilaaliyo wixii shaqaaqo keenaya, dadweynane ama reer Buuhoodle ha noqdo ama qolooyinka kaleba ha noqdee waa inay iyagu is ilaaliyaan, dalkana waa la wada joogaa, waa la wada degen yahay oo meelna reer kelidii ma degena. Markaa in taas la ilaaliyo ayaan u arkaa, insha Allaahna Illaahay wuu inaga qaboojin.
S: Dadweynaha reer Somaliland maxaad u soo jeedinaysaa?
J: Waxaan u soo jeedinayaa, doorashadana gala, qaranimadiinana ilaashada.
S: Gole ahaan guddi ma u saaraysaan shaqaaqadaa dhinaca Bariga?
J: Dee waanigan hadda imiye, aan war iyo taloba qaato oo Guurtidu wixii ay ilaa hadda qabteen aan ilaa beri (maanta) eego, wixii waajib ahna waajib baa naloogu leeyahay in aanu dadka dhexmaro oo wax u sheegno, laakiin horta aan warqaato.
S: Kaalintii guud ee doorashaduna maxay tahay?
J: Waa tii ay ahaan jirtay, wacyigelin, wanaag iyo nabadoonimo inaanu ku shaqayno.
S: Maadaama aad dibadda ka soo laabatay, dadweynaha dunidu siday u arkaan xaalada Somaliland iyo siday doorasho uga bixi karto.
J: Somaliland inay inala wayn tahay oo isla wayne, dadweynaha dunidu uma jeedaan. Laakiin, dawladdaha gaar ahaan kuwa reer Galbeedku way danaynayaan in doorasho xor ahi ka dhacdo, waxay ina yidhaahdaana waxa weeye, ‘bal doorashadan gala inaad Dimoqraadiyadda u bislaateen aanu idinka eegnee.’ Markaa aniga waxay ila tahay iyaga ugu danayn maynee inagaa isugu danaynayna inaynu u bislaano Dimoqraadiyadda, inay doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan wax iswaydaarin lahayni dhacdo…
S: Ugu dambayn, maxaad u soo jeedinayaa saddexda Murashax ee doorashada u tartamaya?
J: Tartama, dadka iyo dalka uun bay muhiimadu tahay dantoodu waa taas, kiina laga helaana ha haneeyo, kii helaana xuquuqda ka kale ha ilaaliyo.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Damaca Al-Shabaab Damanaanta Xukuumada Iyo Doorashada Somaliland

Waa Maalin salaasa ah bishu waa 28 october saacada waa 10:28 Subaxnimo ayaa guud ahaan waxaa gilgiley Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa qarax aad iyo aad u xoog badan oo qofkasta oo hargeisa Joogay is yidhi maxaa kugu qarxay dareenkaa kadib waxa shaqsi kastaa is waydiiyey suaalo dhawr ah.
Maxaa qarxay halkee wax ka qarxeen maxaase quruxu yahay suaalahaas jawaabtooda oo noqotay amakaag yaab afriir qiiq oohin sawaxan iyo qaylo kasoo yeedhay goobihii nacabku ku xaansuuqay dadkii biri magaydayga ahaa iyo shacabkii aan waxba galabsan ee goobahaa ku sugnaa taariikhdaas ah mid ma guurto ah abidna aan ka go,ayn qalbigayga iyo dhamaan ka bulshada reer Somaliland.
Dhacdadaa murugada leh ayaa ahayd mid ku cusub umada bilaa xusuusta ah ee Somaliland iyadoo qaraxaasi uu ina gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur soo gaadhay sedexdii goobood ee muhiimka ahaa ee qaraxa lala beegsaday.
Hadaba Sidaad la wada socotaan dhacdo kasta oo caalamka ka dhacda waxaa lagu dadaalaa mar haday dhacday inaanay mar dambe dhicin.
Hadii hadaba caalamku taa aaminsan yahay inagu maxaynu ka baranay xaansuuqii bahalnimada ahaa ee lagula kacay shacbiga reer S/land ee ku dhaqan caasimada hargeisa Waxaan odhan karaa Somaliland waxay lamid tahay umushii la odhan jiray kolka uu ilmuhu dhasho ayey fooshii iyo xanuunkii soo maray ilawdaa waxaan uga jeedaa taas.
Waxa la filayaa inay Somaliland ka qabsoonto doorshada madaxtooyada oo xukumada iyo xusbiyada mucaaridkuba ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu guulaysan lahaayeen Taasoo daaqada kasaartay heegankii iyo foojignaantii looga bartay ciidanka Sirdoonka qaranka Somaliland oo xukumadii arintaa loo igmaday ayaa ka dheerayn wayday KULMIYE qaar kadib ah ayaa ALSHABAAB ku jira INA XAASHI IYO GABOOSE KULMIYE ayaa soo kiraystay iyo ereyo lamid ah.
Iyagoo Mucaaridka laftoodu ay u muuqdaan inaanay dabyar shiday oo iyana ay wadhooda ritaan ayaa waxaan maal mahan dambe website yada qoorkood ku qornaa xog sir ah oo sheegaysan damaca alshabaab ee ku wajahan doorashada Somaliland warbixintaas oo u qornayd sida :
Sagaalkan nin oo ka soo jeeda Gobalada Somaliland hase yeeshee bilihii u dambeeyey tababaro ku qaadanayey Xero ku taala Gobalka Bay ayaa waxaa u soo dhamaaday tababarkoodii ay siinayeen saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajaanib oo ka wada tirsan Alshabaab, waxaana gunaanadka tababarkoodu halkaasi loogu soo jeediyey dardaaran iyo guubaabo.
Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa illo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay safar dhinaca dhulka ah ku galeen Somaliland, iyaga oo sida la sheegay isu kala qeybiyey Gobalada iyo goobaha Muhiimka ah oo ay doorashooyinku ka dhici doonaan, waxaana bartilmaameedka kooxdan la sheegay in ay tahay sidii ay u toogan lahaayeen ama u qarxin lahaayeen goobjoogayaasha caalamiga ah iyo Madaxda Xisbiyada ee tartameysa.
ka hor intii ayna ka safrin Koofurta Soomaaliya ragani naftood Dilayaasha ah ayaa waxa ay duubeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ay ku cadeynayaan ujeedada socdaalkooda iyo howlaha ay ka soo qaban doonaan Somaliland, waxaana halkaasi ugu duceeyey Amiirka Alshabaab Axmed Godane oo loo yaqaano Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr.
Sagaalkan nin ayaa la sheegay in ay heyb ahaan ka soo jeedaan Gobalada Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay deegaanadooda ka soo tageen laba sano ka hor, qaarkod waxa ay ahaayeen arday, halka kuwo kalana ay ahaayeen kuwo reero leh, mana la oga in ay amarada loo soo dhiibay fulin doonaan iyo in kale.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ay ku talaabsatay horumar baaxad leh, waxa ay heer sare ka gaadhay dhinaca nabada iyo dimiqoraadiyada, iminka waxa ay u diyaargaroobayaan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha xiligan kala guurka ah.”
Hadaba iyadoo cadawga Somaliland maagan yahay inay hawlgal ismiidaamin ah ka fuliyaa wadanka ayaad moodaa inaynaan warkaaba ahayn ,
Waa ta labaade maxaa qorsha ah ee xumukada Somaliland ay kaga hortagaysaa khatarta alshabaab ee ku wajahan doorashada madaxtooyada shacabkuse ma yihiin kuwa lagu soo Dhex dhuumanayo maadama raga warbixintu sheegtay ay yihiin muwaadiniin la qalday oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Somaliland

Abdilahi Abdi Mahdi (DAJIYE )
Mobile:4479627 or 65479627
DAJIYE2005@HOTMAIL.COM

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Beesha Reer Shirdoon (Sacad Muuse) oo Markii ugu horraysay isku raacay inay taageerayaan Xisbiga Kulmiye

Hargaysa, (NNN) - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal tiro badan oo sheegay inay ka soo baxeen xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay taageeradooda u hurayaan xisbiga Kulmiye.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay barxada hore ee xafiiska Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland iyo dadwayne tiro badan.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Xisbigii UDUB uu baaba’ay, isla markaana uu tartanku ka dhaxeeyo Xubno uu sheegay inay shaqaale dawladeed yihiin, waxaanu soo dhaweeyey taageerayaasha beesha reer shirdoon oo uu sheegay inay u baahnaayeen, waxaanu yidhi “ Raga maanta nala tartamayaa waa Wasiiro iyo Xubno kale oo shaqaale dawladeed ah oo aan sharcigu u banayn inay xafiisyada ummada cid ugu olaleeyaan, waxaanse idin sheegayaa inay UDUB meesha ka baxday oo aanay jirin.
Waxaanu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata ”Qoladaa wasiirada ah waxaan leeyahay anagaa dhawr jeer dhacnay oo hadana waanu nool nahay, markaa soddon sanadood ayaan mucaarid ahaa ceebna kuma qabo ee waxaan leeyahay wuxuun baydun cuniye qalaanqalka inaga daaya.
Dadwaynaha waxaan leeyahay doorashadaa aynu si nabad ah u galno oo iska ilaalino danbaabudha UDUB iyo qoladaa xukuumada, qolada maanta xisbiga taageerada u muujinaya aad baan u soo dhawaynayaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna sheegay inay Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay, isla markaana Xukuumadu tartanka kula jirto, waxaanu u mahad celiyey taageerayaasha cududooda muujiyey oo uu ka dalbaday inay codka siiyaan, waxaanu yidhi “ Walaalayaal waxaan idin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay oo burburay, cida inala tartamaysaa waa Dawladii oo sidaa walaalkay Muuse Sheegay aan sharcigu u ogalayn inay xafiisyada ummada ku olaleeyaan. Walaalayaal hadaad codkiina iigu ridaan wax badan ayaan idin qaban doonaa sida aad ka akhrisateen barnaamijka Xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE ayaa xafiis cusub ka furtay degmada Abaarso ee galbeedka magaalada Hargaysa, iyadoo uu xafiiskaas cusub xadhiga ka soo jaray guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee gobolada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, May 28, 2010

Sir Fakatay: Sheekaddii Cisman Hindi Uu Yidhi Waa Laysoo Weeraray Oo Noqotay Mid Uu Isagu Soo Abaabulay. Iyo Ujeedadii Laga Lahaa.!( Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah)‏

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Dhamanba Shacabka Somaliland Salaan Xushmad Iyo Karaamo Mudan Iga Gudooma.

Waxaa Shalay magaalada Hargeysa ee caasimada JSL kadhacay arin layaable oo la yidhi waxaa la weeraray Ninka Lagu Magacaabo Cismaan Hindi, Arinkaas ayaa Markiiba Saxaafada Qaar kamidihi Qoreen in weerarka uu geystay nin kamida Shaqaalihii udub Goobjoogeyasha u ahaa howshii kaadhadh bedelka,Isla Markana dhaawac la gaadhsiiiyey Mr Hindi.
Haddaba Halkaa Iyada oo Xaaladu Marayso oo dadka qaarkii rumaysteen in arintaasi sidaa tahay oo Nin xaqiisii la duudsiyey oo Cadhaysani Uu Mr Hindi Nabar Gaadhsiiyey ayaa Waxaa Saxaafada La hadlay Mr Hindi oo Yidhi Xusbiga Kulmiye ayaa Arintaa Ka Danbeeyey Waxaanay Ka cadhoodeen Hadalkii aan idhi iyaga ayaana Weerarka Ka Danbeeyey.

Hadaba Waxaa Arintii noqotay mid uu ka danbeeyey Cismaan Hindi Laftiisu oo uu isagu soo abaabulay waxaana Warkaas Xaqiijinaya Waraysigii uu Bixiyay ee Ku Qoraa Saaxaafada. Aan Ku Bilaabee Sheekadan Waa Mid Loogu Gogol Xaadhayo Weerar Lagu Qaado Mucaaridka Gaar ahaana Madaxda Xusbuiga Kulmiye, Si Loo Hello Wado Lagu Weeraro Madaxda Kulmiye Waa In Horta la hello Deriiqii Sheekadaasi Ku Suuro Geli Lahayd. Kadibna Mu'aamaradii Waxaa Loo qaybiyay Sidan Bal Eega Sheekadan Layaabka leh.!

1-In marka hore Cismaan La Weeararo Wax wayna aan loo gelaysan Si ay u Furanto Wadada Madax Wareerku.
2-Marka Xigana In Cismaan Hindi Shirjaa'id Qabto ooYidhaaho Kulmiye ayaa Ka danbeeyey Si Loo Hello Wado Loogu Magac Daray Anigaba Waa Lay Weeraray, Loona Abaabulo Cidii weerari Lahayd Madaxda Kulmiye.
3- In la Bartil-maameedsado Madaxda Kulmiye Sida Muj Siilanyo, Xildh Nacnac, Dr Gaboose Iyo Kuwooda Ugu Hadalka Kulul.
4-In laga dhigo sheekada Mid u dhexaysa laba reer, iyada oo la adeegsanayo Mr Hindi Ayaa Siilaanyo Wax ka sheegay Ka dibna Reer Hebel ayaa ka Cadhooday, Kadibna Cismaan Hindi ayay La dagaalameen, Dariiqaa oo ah ka La doonayo in Lagu Weeraro Siilanyo Laftiisa Si Loo Abuuro Xafiiltan U dhexeeya Laba Reer.

Maxaa u Caddayn Ah in Sheekadaa Mr Hindi Soo Abaabulay?

U fiirso Hadalka Mr Hindi. Wuxuu Yidhi Xafiiskayga ayaan Soo Gelayey, Sedex Gaadhi oo Lagu Hor gooyey ayaan arkay, Askarigii i illaalinayey ayaan Ku Idhi Orod bal soo Eeg Waxay Yihiiin, Sida uu Hadal ka U dhigay Xagii Baabuurtu Ka xigtay ayuu askarigii qabtay, Wuxuu Yidhi intii Askarigii iga Maqnaa Ayaa Lay Soo Weeraray,
Wuxuu Yidhi ninka ila dagalamay Waan Garanayey,Wuxuu Yidhi Askarigii ayaan Isku Duubay Oo Waxaan Is Idhi Yaanu Layn Nimanka, Wuxuu Yidhi Sedexdii Gaadhi Markii aan Askariga Qabtay Ayay Carareen Kadibna Police Ka Ayaa Meeshii Yimi.

Su'aalaha Meesha Yaalla Waxay Yihiin?
1- Nimanka Ku Dilay Haddii Aad Garanaysay Maxad U odhan Waydey Hebel Iyo Hebel ayay ahaayeen?
2- Haddiii Lagu Dilay oo Lagu Soo Weeraray Maxad Ninkii Ku Illaalinayey Isugu Duubtay Illeen Nimanka Waa uu Qaban Lahaaye?
3-Haddii Aad Askariga Isku Duubi Karaysay oo aadan Waxba Qabin Maxaad isugu Duubi Waydey Mid ka mida Kuwii Ku Dilayay Ama aad Baabuurtii Ku Weerartay Number kooda u qoran waydey?
4- Haddii Aad Ku tidhi Askariga orod Nimanka Soo Eeg halkee ayay Ka soo Daba Mareen Illeen Xagii nimanku Joogeen Waakii Askarigu Qabtaye?!
5- Haddii aad Askariga Isku Duubayso Muxuu Illaalinayaa ee uu kaala Socdaa markaa?
6- Nimankii hadii la garanayo Maxaa loo soo qaban Waayey?

Haddii aad Si Fiican u akhridaan Hadalka Mr Hindi Waxaad Ogaanaysan in uu Filma Isagu Ka danbeeyey Laguna heshiiyay isoo weerara kadibna Askariga ayaan isku Doobayaa Idinkuna Yaaca, Si aan Laydiiin Qaban. Sheekadani oo kale Shacabka Somaliland Kuma cusba Waxayna La mid tahay Sheekadiii Berigii dhowayd dhacday ee La yidhi nin ba Meel Miiino Dhigayey oo Gabadh yaa isku Duubtay.! Waxayna Ka mid mid tahay Siyaasadaha NSS ta.

Talo Ku Socota Madaxda Mucaaradka Iyo Dhamanba Shacabka Somaliland.
Waxaa Xaqiiqo ah in ay jiraan shirqoolo La maleegay oo loogu tallo galay mucaridka gaar ahaana Madaxda Xusbiga Kulmiye,Waxaa Jira Mu'aamarado Ka dhan ah Madaxda oo Loo Diyaariyay Marka Ololaha Doorashgadu Bilaabmo in La Weeraro ama Arrimo kale oo dahsoon la Sameeyo Sida Qaraxyo la dhigo kadibna La yidhaaho Waa Laynagu soo duulay Dhalinyaro la abaabulo oo Dagaal Geysta.
Hadaba Waxaan U Soo jeedinayaa Dhamanba Shacabka Somalilnd Gaar Ahaana Madaxda Mucaridka In ay Ka Digtoonaadaan Shirqoolada Udub Maleegtay, Sidoo Kalena In La Adkeeyo Amaanka Musharaxiinta Xusbiyada Mucaridka Ah. In ay Iska Jiraan Goobaha Ay Ka hadlayaan Waxaa Jira Dhex raacise.

Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Isbeddel Siyaasadeed Waa Lama Huraan

Halgan dheer oo muddo qaatay kadib, waxay beelaha Somaliland iyaga oo isku dhan isugu yimaaddeen shirwayne, kaas oo ay ku go’aansadeen in ay la soo noqdaan dawladnimadii sibiqda kaga fakatay lixdankii, waxayna ku heshiiyeen inay unkaan qaran loo wada dhan yahay oo loo wadasiman yahay oo ayna cidina ka sheegan cid kale,
waxaanna la isla meel dhigay in xumaantii taliskii hore kala dhexdhigay bulshada daadka la raacsho, run ahaantiina taasi waxay noqotay mid hirgashay, balse cadawga Somaliland wuxu ahaa mid mar walba ku dedaalayey oo heegan u ahaa sidii uu shaki u kala dhex dhigi lahaa beelaha Somaliland ee walaaaha ah iyaga oo beelaha qaarkood ku beer-laxawsan jirey in aanay waxba ka noqon karin Somaliland oo beel-gaara ay u xidhan tahay

Waxayna ahayd arrintani degaalkii kowaad ee cadawga muddadii u dhexeysay 1991 – 2002 marka dhinacyo badan laga eego dhacdadan aynu dusha ku soo xusnay ee cadawgu qoriga ka dhiganaayey, waxay saameynteeda marka laga eega sida ay dhegta ugu laad-laadiyeen qurba-joogga beelaha darifyada Somaliland.

Waxa ku xigay cahdigii cusbaa iyo isbeddelkii xaqu keenay May 2002, Madaxweyne-ku-xigeenkii waqtigaa markii loo dhaariyey inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay soo afjarantay aafadii uu cadawgu kula dhex jirey shacabka, waxayna keentay taariikh cusub oo rumaysay wixii beelaha Somaliland kusoo heshiiyeen.

Mar labaad markii la qaatay nidaamka xisbiyada badan ku dhisan ee lagalay doorasho dimoqoraadiya (one man on vote) waxa dib loo doortay Madaxweyne hadda oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha darifyada Somaliland, waxayna tani noqotay mid u quus-gooysa cadawgii Somaliland.

Waxa bilaabmay cahdi cusub oo ahaa shantii sanno ee hoggaaminta Madaxweyne Rayaale loo doortay iyo istaraatajiyad hoggaamineed ee qarankan oo la sugayey in la helo isbeddel taageero gudo iyo caalamiba leh, maadaama ay meesha ka baxday wixii lagu tuhmayey in uu ku sifoobay qarankan Somaliland. Isbeddel dhaqaale oo ay kaga baxaan dadweynaha muddada dheer ku sugnaa xaaladaha adag ee quutal-daruurigu u ahaa xorriyadda iyo calankaa ka dul lusha, qorshayaasha siyaasadeed iyo tayada hawlwadeenadiisa maamul ee uu hoggaamiye dejisto, ayaa furre u ah in ay hoggaamintiisu najaxdo iyo in ay fashilanto.

Madaxweyne Daahir Rayaale nasiib-darro waxa uu ku guuldaraystay inuu dalkan u dhigo qorshe cad oo leh mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa uu ku guuldarraystay in uu halbawlaysaash hogaamineed ee xukuumaddiisa u xusho dad tayo leh oo dalkooda iyo dadkoodaba u daacada, waxay labadan arrimood u fureen cadawgii Somaliland wadiiqo kale oo ay kaga hortagayaan in Somaliland noqoto qaran madaxbannaan, iyaga oo ka hortagaya isku-duubnida, midnimada iyo iskaashiga mujtamaca Somaliland, iyaga oo ka hortagaya in aynu beesha caalamka ka helno aqoonsi, waxayna kaga faa’idaysteen oo u suurageliyey hawlgaladooda tayo-darrida hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Rayaale waxay bilaabeen falal argagixo oo hor leh oo ay ku fuliyeen goobo kala duwan oo dalka ka mid ah 99% ay ku guuleysteen.

Haddaba iyada oo lafilaayo inay doorashadii qabsoonto bisha june iyada oo ay muddo ay dib inooga dhacday waxa uu dalku u baahan yahay markaa isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul oo kasaara dalka marxaladan uu ku jiro, awoodna u yeesha fulinta dhamaan arimahaa aynu dusha kusoo xusnay hoggaaminta wanaagsan iyo tayadda hoggaamiyayaashu waa xirfad lagaga hortagi karo cadawga islamarkaana dalka lagaga saari karo cidhiidhiga siyaasadeed iyo dhaqaale, xulashada hawl-bawlayaasha maamul oo loo doorto cida ku habboon waa furaha horumarka uu dal kastaa ku faano, wada-shaqaynta iyo isjacaylka dadweynaha iyo ciidammada ammaanku waa furaha xakamaynta cadawga Somaliland, isku-duubnida dadweynaha Somaliland guud ahaan iyo wadashaqaynta golayaasha iyo xukuumad tayo lehi waa furaha aqoonsi ay Somaliland hesho.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, marka hore waxaan leeyahay hambalyo, marka xigta maanta kubadii idinka ayay hortiina taalaa, idinkaa gacanta ku haya masiirkii badbaadinta qaranka oo ah in aad u guntataan oo aad habeen iyo maalin u shaqaysaan sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah.

Waxaad ogtihiin cid waloo oo masuuliyad ummad u qaadaa in ay noqondaan kuwa wanaagooda iyo xumaantooduba ay u gasho taariikhda umadooda, manta waxa uu dalku galay neecaw qabow iyo filasho inay doorashii dhacdo .waana mid shacabku u wada diyaar garoobay isla markaana hogaamiyayaasha asxaabta qaranku diyaar u yihiin waxaynu sugnaaba waa doorsho dhacda iyo isbedel siyaasaddeed oo yimaad.

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, May 26, 2010

Dhakhaatiirtii u Horraysay ee Ultrasound-ka (Mishiinka Uur-ku-jirta) Tababar ku Qaata Dalka Gudihiisa oo Maanta Shahaado la Siiyey

Hargeysa (NNN)- 9 Dhakhtar oo ka kala yimid deegaanada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, ayaa maanta la gudoon siiyay shahaadooyinkii ka dib markii ay Magaalada Hargeysa ku dhamaysteen tababar qaatay muddo lix Todobaad ah oo ay ku baranayeen mishiinka uurku jirta (Altra Sound).
Tababarkaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen Jimciyada samo-falka ee Manhal iyo machadka caalamiga ah ee (Afro Asian Institute of Medical Science).
Xafladii loo sameeyay shahaado gudoonsiinta dhakhaatiirtaasi oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Ibraahim Diiriye Xayd, Masuuliyiinta Haayada Manhal iyo sarkaal ka socday Haayada WHO.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada samo-falka ee Manhal C/Laahi Carab, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadaasi ay tahay mid samo-fal oo ka shaqeysa dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha.
C/Laahi Carab, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tababarkan ay dhamaysteen Sagaalkaasi dhakhtar waxaanu tilmaamay inay dhakhaatiirtaasi oo ka kala yimid deegaano kala duwan ay juhdi badan u galeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen Tababarka mishiinka uur ku jirta oo uu xusay inay ahmiyad weyn u leeyahay adeega caafimaadka bulshada.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haay’ada Manhal waxa kale oo uu sheegay in ay ka faa’iidaysteen in ka badan 200,000 oo qof mashruuca dawaynta iyo qaliinka indhaha ah ee ay manhal ka fulisay gobolada dalka dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay “Waxa kale oo aanu baadhis iyo dawayn indhaha ah u samaynay ardayda dugsiyada dalka oo tiradoodu gaadhayso illaa 9000 oo arday, waxaana noo qorshaysan inaanu 50.000 oo arday oo wax ka barta dugsiyada dalka. Waxaan idiin sheegi karaa in dedaalka mashruuca caafimaadka indhaha ee Manhal inuu yahay mid looga yimaado dalalka Geeska Afrika oo dhan waxaana mandaqada ugu horreeya dhinaca indhaha Cisbitaalka Manhal,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada Manhal.
Maxamed Ibraahim, oo ah madaxii tababarkaasi gacanta ku hayay oo xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay Haayada Manhal dedaalka ay u gashay sidii loo hirgelin lahaa tababarkan waxaanu sheegay in baahi weyn looga goobaha adeega caafimaadka mishiinka uurkujirta.
Maxamed Ibraahim waxa kale oo uu ammaanay dhakhaatiirtii tababarkaasi dhamaysatay oo uu ku sifeeyay inay ahaayeen dad xul ah oo waayo aragnimo caafimaad oo hore lahaa, waxaanu ku booriyay inay aqoontii ay ka korodhsadeen tababarkan ugu adeegaan bulshadii ay ka yimaadeen.
“Waxa tababarkan waxa loo qabtay waxa baahi weyn looga qabaa xarumaha caafimaadka ee dalka mishiinkan uur-ku jirta (Altra Sound) waxa darruuri ah in mishiinkan loo baahan yahay in loo helo dad u dhashay dalka oo ku shaqayn kara ugu yaraan goob kasta hal qof, ilaahay mahadii wuu guulaystay tababarkani waxa ka soo baxay midho fiican waxaana ku ammaanayaa Haayada Manhal oo la garab taagnayd wax kasta oo tababarkani u baahnaa,”ayuu yidhi Madaxii tababarka mishiinka Altra Sound.
Xidhiidhiyaha mashruuca ka hortaga Indho la’aanta ee Haayada WHO Dr. Xanaan Choudhury, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadiisu ay cisbitaalka Manhal kala shaqeyso sidii kor loogu sii qaadi lahaa adeega ka hortaga indho la’aanta ee ay ku hawlan yihiin.
Waxaanu sheegay inay sii wadayaan iskaashiga shaqo ee ay la leeyihiin Haayada Manhal.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, oo ka hadlay xafladaasi ayaa aad u soo dhaweeyay dhakhaatiirtan tababarka dhamaystay waxaanu u soo jeediyay inay dalkooda u shaqeeyaan waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Cisbitaalka Manhal dedaalka ay u galeen dhamaystirka tababarkan waxaanan leeyahay dhakhaatiirtii dhamaystay tababarkan dadkiina iyo bukaanada idiin yimaada si naxariis leh ugu adeega aqoontan aad barateen.”
Md. Mahdi Cismaan Buuri, wuxuu ka Somalia u rajeeyay inuu ilaahay dabka ka qaboojiyo waxaanu yidhi “Waxa idinku jira dhakhaatiir tababarkan qaatay oo ka yimid dalka Somaliland la dariska ah ee Somalia ee dagaaladu ka jiraan waxaan leeyahay ma ahi tababarkani kii u horreeyay ee halkan lagu qabto ee tan iyo labaatankii sanadood ee qalalaasuhu ka jiray dalkaasi halkeenan ayaa tababarka lagu siiyaa waxaanay taasi ku timid nabadgelyada Somaliland ka jirta waxaanu leenahay dalkaasi waa mid aanu daris nahay oo walaalo nahaye’e ilaahay dabka ha ka qaboojiyo. Somaliland-na waxa la inaga doonayaa inaynu ilaahay uga mahad celino nabadgelyada iyo dawladnimada aynu haysano.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar, Guddoomiyaha Jaamacada HOPE Najiib Axmed Xaashi iyo Guddoomiyaha Hay’aDda Manhal ee Gobolka Hargeysa, waxaanay dhamaantood ka warameen siday ugu faraxsan yihiin tababarkan oo ay sheegeen in baahi balaadhan loo qabay mishiinkan iyo cidii ku shaqayn lahaydba.
Magacyada Sagaalka Arday
1- Dr. Siciid Xuseen Geeddi.
2- Drs Niciima C/Qaadir Maxamed.
3-Dr.Axmed Jaamac Muuse.
4-Dr.Xuseen Axmed Mahdi.
5-Dr.Nuur Cumar Warsame.
6-Dr. Liibaan Siciid Maxamed.
7-Drs. Nimco Cabdi Xasan.
8.-Dr. Shucayb C/Kariim Sh. Ibraahim.
9- Dr. Axmed Maxamed Axmed.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 25, 2010

Doorashadda Madaxtooyadda, Dalabka Rayaale iyo Doodda Shacabka

Doorashadda ayaa ah shaandho ama miire kala reeba huubaha iyo faa,iidada waxa lagu miiro waxaana faa,iidada ka soo baxdda kala shaandhayntaasi hella shacabka oo ah kuwa iyagu khasaare iyo faa,iido ba gacantooda ku keena.
Somaliland ayey ku soo fool leedahay doorashadda madaxtooyadda oo ay naawilayeen ama sugayeen shacabku mudo 3 sanno ku dhaw.

Madaxwayne Rayaale ayaa talladda dalka hayey muddo 8 sanno ah oo kala ah 5,tii sanno ee xilkiisa iyo 3 sanno oo uu ku korarsaday .
Muddo korarsiga madaxwaynuhu waxa uu sii kordhiyey haraadkii shacabku u qabay isbaddal siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Isbaddal la’aanta 8-da sanno ah ee ka jirtay Somaliland waxay dhiiri galisay dhibaatooyin doora oo isugu jira mushkillada tahriibka, balwaddaha dhalinyaradda iyo in dalka gabi ahaanba ay ka mooraal jabaan dadkii u dhashay ee dheeftiisa lahaa.

Doorashadda la filayo in bisha jun ee sannadkan ay ka qabsoonto s/land ayey ku tartamayaan Seddexda xisbi ee Ucid,Udub , iyo Kulmiye
Xisbiga udub ee ay ka soo jeedo xukuumadda M/wayne Riyaale ayaa isagu soo maray tijaabo sideedii sano ee uu dalka ka talinayey taasi oo uu hadda hayo natiijadeedii.
Waxaana si wayn ay shacabku ugu Doodaan M/wayne Riyaale in aanu dhigan abaal ay markale ugu celiyaan xilka, waxaanay
sababta ku sheegaan in uu M/Riyaale garan waayey fursadii soo martay ee uu ku badbaadin lahaa sucadiisa
Iyaga oo daliishanaya waxqabad la,aanta guud ahaanba Naafaysay Dalka , Musuqmaasuqa ku baahay xukuumaddiisa, Ballan qaadyaddiisii oo dhaafi waayey dhagax meel la dhigo, ku xadgudubka Distoorka dalka
Khaladaadka laga galay shacabka, Diciifinta nidaamka Dimuquraadiyada, Xaraashka Hantida Qaran ka, Xaqiraadda taariikhda S/land soo martay,Bahdilaadda iyo xadhiga dadka qiimaha ku leh dalka
Hoos u dhaca dhaqaalaha, kootadda xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha shisheeye, Xal u waayidda qadiyada Ceel Cardaale, Dilalkii Muwaadiniinta, Kootadda Shidaalka,Camal la,aanta dhalinyaradda
Iyo dhaliilo aan qoraal lagu soo koobi Karin

Arrimahaasi ayaa dood adag ka dhex dhaliyey Xukuumadda M/wayne Riyaale iyo Shacabka reer s/land kuwaas oo jawaabta kaliya ee ay u hayaan dallabka M/waynaha iyo xisbigiisa udub ay tahay maxaad qabteen sideedii sanno ee aad hayseen tallada dalka ????

Maaha mid ku kooban xisaabtankani maalmahan balse waxaa la filayaa xoogiisa xilliga Ololaha doorashadda ee bilowga bisha June.

Qalinkii Muna Casayr Jaamac
Hargaysa, Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 24, 2010

Xubno ka Tirsan Xisbiga ANC ee dalka koonfurta Afrika oo ku Nuux-nuuxday Horumarka Somaliland

Munaasibad Lagu Xusayey Maalinta Qaranimada Somaliland oo Lagu Qabtay Dalka Koonfurta Afrika
Johannesburg (NNN)-Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, ayaa habeenkii Axadda lagu qabtay magaalada Johannseburg ee dalka Koonfurta Afrika, iyada oo halkaasi ay ka hadleen xubno ka socday xisbiga ANC ee wadanka Koonfurta Afrika oo lagu casuumay.

Munaasibada loogu dabaal-degayey maalinta qaranimada Somaliland oo sannad kasta 18 bisha May laga xuso Somaliland oo lagu qabtay hudheel weyn oo ku yaal magaalada Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka socday xisbiga gobonimada u horsdeeday Koonfurta Afrika ee ANC, jaaliyadaha reer Somlailand iyo dadweyne kale oo isugu jiray South Afrikaan iyo qoomiyadaha kala duwan ee Soomaalida.
Xafladda lagu xusayey 19 guurada ka soo wareegtay maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay inay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 18 May 1991, waxay ahayd mid si aad u heer saraysa oo qiimo badan loo soo agaasimay, iyada oo calanka Somaliland lagu sharraxay hudheelka xafladdu ka dhacday.
Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka koonfurta Afrika (COSSA) Mr. Axmed Jaamac oo dadweynaha xuska ka qaybgalay hadal u jeediyey, ayaa si qoto dheer oo faahfaahsan uga sheekeeyey taariikhda Somaliland iyo horumarka ballaadhan ee ay 19 kaa sanno ku tallaabsatay, isaga oo xusay in Somaliland looga diyaargaroobayo qabsoomidda doorashadda madaxtooyadda, waxaanu dadweynaha reer Somaliland ku boorriyey inay ka qaybqaataan sidii doorashadaasi ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah oo sumcad weyn u soo jiida qaranimada Somaliland.
Waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay xubno ka socday xisbiga ANC iyo dad kale oo lagu soo martiqaaday, kuwaasi oo ku nuuxnuuxday waxyaabaha qiimaha leh, horumarka iyo wanaaga ay Somaliland ku tallaabsatay.
Dadweynaha reer Somaliland ee ka qaybgalay xafladda lagu xusayey maalinta qaranimada ee 18 May, waxa wejiyadooda iyoq quluubtooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka dalkoodu gaadhay iyo qiimaha wadaniyadu leedahay, maadaama ay ku nool yihiin dal shisheeye oo aan dalkoodii hooyo ahayn. Kuwaasi oo hadaladii wanaaga ahaa iyo calamada Somaliland ee hudheelka ku kiciyeen boholyowga ay u qabaan inay mar uun cagaha soo dhigaan dhulkooda hooyo.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sheekh: Mac-hadka faafinta Islaamka oo kulan la xidhiidha fikirta Diinta ee is-qarxinta u qabtay Ardayda Dusgiga SOS

Sheikh,(NNN) Mac-hadka faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa dorraad kulan-diimeed u qabtay ardayda Dugsiga sare ee SOS ee degmada Sheekh.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Dugsiga sare ee SOS, isla markaana ku saabsanayd fahanka saxda ah ee diinta islaamku ka qabto is-qarxinta, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Sheekh Saleebaan Siciid, Ardayda iyo macalimiinta Dugsiga.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ka warbixiyay Mac-hadka faafinta Diinta Islaamka. “Mac-hadkani waa mid diinta Islaamka fidiya, waxaanu wax badan ka qabtay wadamada Afrikada galbeed, maantana waxa farxad weyn noo ah in aanu la joogno ardaydan wax baranaysa ee dugsiga SOS.” Ayuu yidhi Guddomiye Mooge, isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idin sheegayaa in Hay’addani u dhisan tahay in ay dadka ku wacyigeliso ha is-qarxinina cidna ha dilina, idinkuna ha is-dilina. Waxaana aad ogaataan in Dugsigan madaxda maanta wadankeena ugu caansani ay dugsigan sheikh ka soo baxeen, waxanan rajaynayaa in idinkana ay madaxweynaha mustaqbalku idinku jiro.”
Waxa kaloo halkaas muxaadaro diini ah ka soo jeediyay Sheekh Saleebaan Siciid, oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Waxanan maanta idin soo gudbin doonaa sida islaamu ula dhaqmo dadka aan islaamka ahayn, waxana haboon in dhalinyaradu ay diinta si fiican u bartaan, si ay u kala saaraan dadka sharka xun wada ee halaynaya dhalinyarada ee odhanaya si aad janada u gashaan is-qarxiya, oo ku jano taga dadkaas halkaas jooga, waayo dhalinyaradii fikirka ay ku xadeen waxa weeye, idinku dadka meesha jooga wada qarxiya muslin iyo gaalaba ha ahaadaane waxa iman doonta in dadka halkaas ku dhintay loo kala saari doono niyadooda. Markaas taasi waa fakir liita, oo aan haboonayn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu sheekku ku daray “idinku ka SOS ahaan waa dhadhmiseen wax wax dila waayo waxa halkan lagu dilay malimiintii wax idin dhigi jiray oo aan waxba galabsan, taasina waa ta maanta ka jirta meelo badan oo ay wadaaan dad fakir aad u daciif ah wata oo runtii u bahan in laga hortago.” Waxaanu intaas ku ladhay oo uu yidhi “waxad maqlaysaan musaajid ayaa la qarxiyay, runtii taasi waa mid inagu cusub waayo marka la qarxiyo musaajid aamiintu ka baxayso waa mid aad u daran, una bahan in tashi iyo wacyi gelin xoog ah u bahan. walalayaal maanta farxad weyn ayay noo tahay in aanu horfadhiyo shabaabkii wadanka oo u tafo xaydan sidii ay wax u baran lahayeen.”
Gebo-gabadii kulan diimeedkaas waxa halkaas su’aalo diimi ah ku waydiiyay Sheekha muxaadirada jeediyay ardayda Dugsiga sare ee SOS.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Raggii Cigaal ka hor yimi Inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan”

WASIIRKA MAALIYADDA
Wasiir Cawil oo ka hadlay xigmada 2003 UDUB kaga badisay Mucaaradka
Hargeysa,(NNN)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inay ka guulaysan doonaan xisbiyada Mucaaradka marka la gaadho doorashada Madaxtinimada ee qabsoomideeda la filayo.
Wasiir Cawil oo doraad hadal dheer ka jeediyay munaasibad xisbiga UDUB ku qabsaday degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxa uu dadweynaha gobolka Saaxil kula taliyay in aanay ka hadhin murashax uu sheegay in maamuuskii Madaxweyne Cigaal lagu siiyay. “Barigii aanu inqilaabka samaynay, Maxamed Cabdiraxmaan (Lugooyo) oo ka mid ahaa saraakiishii inqilaabka nala samaysay waxaan had iyo jeer idhaahdaa meelo badana aan ka idhi dadka degan Sheekh, marka dhinaca SNM la eego gobanimada kaw bay ka noqonayaan. Waxaan idhaahdaa nin madax ah ayaa ka soo baxay (AHN) Maxamed X. Ibraahim Cigaal 50 sanadood ayey la socdeen oo aanay kelmad kala hor iman, waa gobanimo, beelaheena kale la heli maayo reer sanad ninkooda u dulqaadanaya. Marxuumkii nin aad u culus buu ahaa, boqol qof oo isku jira ayuu ahaa, lixdankii bay umaddeenu tukhaantukhisay, keligii buu noqday. Alle haw naxariistee wuxuu igu yidhi ‘waxaan waayey qof qudha oo ii hiiliya oo yidhaahda dawladnimadaa aynu haysano calan buu Illaahay ina siiyey, sharaf buu ina siiiyey, Xamar buu geeyey maxaynu dhaxalnay? Karbaash, madfac, burbur, waad aragteen isaga oo aan tin qudhii caddaan ayuu madax inoo noqday oo wixii dhib soo maray aanay ka muuqan. Dawladnimadaa aynu maanta wadno seeskeedii isagaa dhigay, isagaa ina kala maslaxay, ina kala laaluushay ina kala dejiyey, nidaam inoo dhisay, maamul inoo dhisay, hubkii dadka ka qaaday oo ciidanka ku wareejiyey. Raggii ka hor yimi haddii aad u wada fiirsataan inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan, intii dhibtay wuu inkaaray dalkana waxba ka noqon maayaan, magac kasta ha sheegto, wax allaale waxay dalkan ka noqonayaan ma jirto. Xisbiga UDUB ayuu sameeyey oo umaddeenaa Laas-qoray ilaa Lawyacado ay ku jiraan, waa Xisbigaa umaddan hagaya ee markaad u fiirsato doorashadii hore 80 baanu kaga helnay, wax sahlan maaha qolada Mucaaradku qoob iyo qaylo ayey isku dareen, lacag baa meel walba laga keenay, waxa meesha taalay ducadii Marxuumka. Waan aaminsanahay markana waligoodba ha qayliyeen, waanu ka guulaysanaynaa waa hubaal,” ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale. “Dalkan ciidan baanu u dhisanay, ciidankeenii waakaa halkaa maraya, waakaa xuduudii ku socda, waa ciidan dawlada UDUB ay dhistay, inaad xisbigiina ku faantaan weeye, inaad tidhaahdaan waa xisbigii marxuumku dhisay ee uu aasaasay ee uu calaamada u sameeyey ee uu magaca u bixiyey,” ayuu raaciyay.
Wasiirku waxa uu shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ku sababeeyay dhaqaale-xumida dalka, maadaama aanu sida uu xusay jirin cid mucaawimo siisa Somaliland. “Wasiirka Maaliyada ayaan ahay, wixii dakhliya ee ina soo gala markaan eego waxay dhaafi wayday ciidankii oo tirada uu hadda marayo aan la sheegi karin inta uu yahay hubkiisii, rasaastiisii, baatroolkiisii iyo mushaharkiisii oo aanu ku dedaalno askariga xuduuda jooga in raashinkiisa iyo mushaharkiisa uu bisha 30-keeda helo, wax kasta oo ina soo galena waxa ka weyn baahidii ciidan iyo tii dawladeed. Waxay noqotay inaynu ciidamada ka dhigno bar-tilmaameedka koowaad wixii inoo soo hadha markaa la qaybsado, Wasaarad qudha kuma filna Miisaaniyadeenu, adduunka waxba kama helno, mucaawinooyin la inama siiyo, go’doon baa la ina galiyey, haddana wataa dawladnimadeenii inoo socota ee ciidan inoo dhisan yahay ee nabada haysana,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in dadka gobolka Saaxil looga baahan yahay inay taageeraan xisbiga talada dalka haya ee UDUB, maadaama ay murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenku ka soo jeedo gobolkaas. “Saaxil maanta waxay leedahay Madaxweyne ku-xigeen, Madaxtooyadu waa Madaxweyne iyo ku-xigeen, waa inaad ogaataan Saaxil sharfAtii bay leedahay, ku-xigeenka waxay ku heleen marxuumka taariikhdiisii iyo ducadiisii meel Saaxil wax kale u yaalaan ma jirto gobolka sharaf baa deeqda, cuno ma deeqi karto. Maanta Madaxweyne ku-xigeenkii baad leedihiin, inaad maanta taa u dedaashaan oo ninka haddii ay dooran waayaan reerkiisu marka uu murashaxa yahay wuu hagaasaa, maanta waa inaad heegan u noqotaan codka siisaan Madaxweyne ku-xigeenka la safataan, dawlada la safataan,” ayuu yidhi Wasiirku.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo shalay Daad ku qaaday Hargeysa

Hargeysa, (NNN)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil, ayaa shalay daad ku qaaday gudaha caasimadda Hargeysa.
Wasiirka oo gelinkii dambe doonayay inuu ka gudbo Laagta xaafadda Goljano ee degmada 26 Juun, waxa qaaday daad ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay magaalada Hargeysa.
Mr. Abiib Xasan Filfil oo markii gurmad loo sameeyay lagu badbaadiyay ka dib, una warramay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka xogwaramay dhacdadaas.
Wasiirka oo dhacdadaas ka waramaya, ayaa sheegay in Gaadhigii ay wateen uu daadku qaaday shalay duhurki, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maanta (shalay) 2:30-kii roobkii oo da’aya ayaanu rawaxnay, Laag yar oo Xaafadda Goljano ku taala oo Baabuurtu marto, wakhtigaana ay Caruuri ku ciyaaraysay, ayaanu is-nidhi Gaadhiga anaga oo wadana mara, dabadeed Gaadhiga ayaa naga yar qabsaday. Anaga oo aan meeshii ka bixin oo Gaadhigu haysto, ayay Mawjad Biyo ahi noo timi, ileen Roob baa da’ayee. Dabadeed, anaga iyo Gaadhigiiba way na rogtay oo anaga iyo Gaadhigiiba Daadku wuu nala tegay, Biyihiibaa na qaaday oo Doon naga dhigay (na kaxeeyay) oo meel kale ayuu na geeyay.”
Mar aanu Wasiirka waydiinay tirada dadka ay gaadhiga ku saarnaayeen iyo sida ay wax u gaadheen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Saddex qof baanu ahayn, darawalka, Askari iyo Aniga..Shakhsiyan waxba namay gaadhin, laakiin waanu ashahaadanay oo waanu dhiman waynoo, meel buu Gaadhigii Daadku dhigayoo, dad baa noo gurmaday oo naga saaray markii ay Muraayadihii dambe naga jebiyeen ee ay Biyihii ku soo dhex dhaceen, ayaanu gacanta dhiibanay oo nalaga guray. Markaa imika Gaadhigaa ay dhibaatadu gaadhay mooyaane, wax dad ahaan a gaadhay ma jirto, Alxamdullilaah waa nalaga guray oo dawakh yar mooyaane, wax kale oo na soo gaadhay may jirin.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Gaadhigii laga soo saari kari waayay Laagtii qaadday, isla markaana Wiishashkii loogu yeedhay ay ka saari kari waayeen. “Gaadhigu halkii (Laagta) ayuu yaalaa mooyaan, meel loo maraa la waayay, saddex Wiish baanu ugu yeedhnay oo way ka noqdeen, Makaaniga (farsamo-yaqaanka) ayuun baa sheegi doona marka la jiido.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal aanu arrintaa ka waydiinay.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 23, 2010

Qaar ka mid ah haweenka Somaliland oo shahaado sharaf ku maamuusay Marwo Edna Aadan Ismaaciil

Hargaysa,(NNN)- Qaar ka mid ah haweenka Somaliland ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Marwo Edna Aadan Ismaaciil, taas oo ay ugu hibeeyeen waxqabadkeedii mutadawacnimo ee ka fulisay Somaliland.
Munaasibada xalay lagu Hutel Empirial ee magaalada Hargaysa oo ay ka qayb masuuliyiin ka socday xisbiyada Mucaaradkak, Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horeyn Aamina Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah haweenkii munaasibadan soo diyaariyey ayaa waxay aad ugu dheeraatay taariikh nololeedkii shaqo iyo hawlihii ay soo qabatay muddo ku siman dhawr iyo konton sano Marwo Edna Aadan Ismaaciil. “Marwo Edna Aadan waxay bilawday nolosheeda shaqo 1953-kii, iyada oo ka bilawday dugsi ku yaalaa magaalada Burco, markay ahayd 1954-kii waxa loo diray waxbarasho magaalada London ee cariga Ingiriiska, si ay u soo barato aqoonta umulisonimada iyo kalkaalinta caafimaad. Waxay soo noqotay 1961-kii waxaanay shaqo ka bilawday cusbitaalka Hargaysa iyadoo ka shaqaynaysay qaybta dumarka. 1963-kii waxa loo badelay magaalada Xamar halkaas oo ay ku tababaraysay umulisooyinkii iyo kalkaaliyayaashii caafimaad ee Xamar joogay. 1965-kii waxa qaadatay hay’ada WHO ee caafimaadka adduunka, waxaana la geeyey Xamar iyadoo halkeediina ka sii waday tababarkii ay dhinaca umulisooyinka iyo kalkaalinimada caafimaadka. Isla 1965-kii waxa la geeyey dalka Liibiya, waxaanay ka soo noqotay 1967-kii.” Ayay tidhi Aamina, waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, “Sababtay ay u soo noqotay waxay ahayd odaygeedii alla ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo laga dhigay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, si markaasi ay dhinac ula qabato hawshaa qaran ee loo dhiibay. 1971-kii waxay noqotay agaasimaha qaybta dumarka ee cusbitaalka Madiina. 1976-kii waxay gashay tababar milatari oo dhinaca caafimaadka ah. 1978-kii waxay tagtay dalka Cumaan iyadoo u tagtay shaqo. 1982-kii waxay tagtay dalka Jabuuti oo ay u dirtay hay’ada WHO si ay halkaa uga furto dugsi caafimaad oo lagu barto dhinaca caafimaadka dumarka. 1984-kii ilaa 1987-kii waxay ku hawlanayd inay cusbitaal ka dhisto magaalada Xamar, cusbitaalkaas oo dhismihiisu aanu suuro galin duruufihii waqtigaa taagnaa awgii. 1986-kii waxay noqotay u qaybsanaha 22 dal oo carbeed dhinaca umulisooyinka iyo kalkaalinta caafimaad ee hay’ada WHO.”
Sidoo kale, waxa ka hadlay munaasibadan Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka warbixiyay hawlo badan oo ay soo wada qabteen Marwo Edna oo dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshadaba. Waxaanu sheegay inay Edna isaga ay abaal gaar ah ku leedahay, “Marka laga yimaado Edna magaca ay u soo hoysay qaranka iyo hawsha ay imika u hayso ee dhinacyada badan leh, aniga Edna abaal gaar ah bay igu leedahay, shan caruura baan leeyahay afar ka mid ah iyadaa ka umulisay Hooyadood.” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyey oo yidhi “Markii ugu horeysay ee aan Ingiriiska tagayn taygii Hargaysa la iiga sii xidhay, iyada iyo Dr. Aadan Ismaaciil ayaan ugu tagay, dukaankii ugu horeeyey iyo ilbaxnimadii ugu hareysay Dr. Aadan baa I geeyey, Ednana dadkii na tababaray ee na ilbixiyey ee indhaha noo furay ayey ka mid ahayd.”
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay mareti sharf badan oo ay ka mid yihiin Sh. Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Culamada Somaliland, Cali Maxamed Cajab madaxa xidhiidhka bulshada ee shirkada TELESOM. Dr. Robert oo ka mid hawl wadeenada Cusbitaalka magaalada Hargaysa.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa iyaduna mahad naq balaadhan u soo jeedinayey, dadweynihii ka soo qayb galay munaasibadan iyo haweenkii soo agaasimay munaasibadaba. Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa guddoonsiiyey Marwo Edna Aadan shahaado sharaftii ay ku maamuuseen qaar ka mid ah haweenka Somaliland.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“M/weynaha Jabuuti fikirkiisa ayuu hadlay, in ictiraafka Somaliland isaga la waydiiyana maaha.”

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku marayey qaybo ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaalada Hargaysa, ayaa shalay wuxuu kormeer ku soo maray Saylada Xoolaha ee magaalada, Sariibadda Inji iyo Biriijka labaad.
Guddoomiyaha oo ay socdaalkiisan ku wehelinayeen masuuliyin ka tirsan Xisbigiisa, ayaa ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay Saylada Xoolaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo soo-dhawayn ka dib, uu kula hadlay dadweynihii soo-dhaweeyay. “Maanta Daaq xumaanta xoolaheena haysata, waxa ka xun Saylad-xumaanta haysata Xoolihii Saylad ma haystaan. Sayladdan magaalada waanu ka dhex raraynaa, Saylad hadhkii leh oo Biyihii leh oo dadku marka ay wax iibsanayaan aanay kululaan baanu u dhisaynaa. Halkan waxaanu ka dhigaynaa garoon Kubbadeed oo dhalinyartu ku ciyaarto..” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xoolaheenana wixii Ood ah ee la ootay waanu ka baabiinaynaa, Geed dambe oo la jarayaa ma jirayo, xoolihinana xor baad u noqonaysaan, wax kooto la yidhaahdo oo dalka ka jirayaa ma jirayo. waxaanu doonaynaa inaan carabta oo qudha la gaynine Maraykan la geeyo oo Aasiya la geeyo oo insha alla aynu Yurub gayno oo uu Wankeenu ka qaalisanaado laba foosto oo Baasiin ah. Markaa walaalayaal xoolaheena waxaanu ka dhigaynaa inay dahab inoo noqdaan.”
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu kormeerkiisan ku soo maray Sariibadda Hilibka lagu iibiyo ee Inji ee magaalada Hargeysa. ““Halkan waxaanu ka dhigi doonaa iyo meelaha kale ee wax lagu iibsadaba meelo casriya, walaalayaal waxaanu idiinku ballan qaadaynaa Caanahaa caagadaha ku jira inaanu weel cusub u samayno oo aanu Wershado u samayno oo dhalooyin lagu shubo oo suuqa adduunka loo iib geeyo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo la hadlayay dadweynihii ku soo dhaweeyay Sariibadda Inji.
Intaa ka dib, waxa uu Guddoomiyaha UCID kormeerkiisa ku tegay Biriijka labaad ee magaalada Hargeysa oo muddo dheer qabyo ah. isla markaana wuxuu ka hadlay ujeedada socdaalkiisa iyo arrimaha Biriijka. “Walaalayaal ilaa dorraad magaalada ayaanu dhex maraynay, hadda waxaanu dhex maraynaa waa Hargaysadii hore, waxaan labada maalmood ee soo socdana waxaanu tagi doonaa daafaha magaalada oo halkan ka sii liita. Waxaynu arkaynaa inay magaaladii Hargaysi qudhuntay, waad aragtaan Biriijkii, ummad ama dawlad samaysan kari wayday Biriij magaalada isku xidha way adag tahay inay Qaran dhisaan, taasi waxay ku tusaysaa inaan dan laga lahayn dalka, Dumarkeenii caanaha iibinayey waad arkayseen halka ay fadhiyeen, dumarkeenii khudradda waad arkayseen khudraday iibinayeen, waxay ahayd mid ay ka keeneen Itoobiya kaabashka iyo Baradhadu Waad arkayseen intay leekayeen, Sanaag Kaabashka ka baxaa wuxuu leeg yahay neef adhiya, Baradhaduna waxay le’eg tahay xabbad Maango ah.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waad aragtaan khudraddeenii waxa haysata Itoobiya, haddaynu wax beerano WFP ayaa raashin bixinaysa, hadhuudhkeenii wuu baaba’ayaa. Waxaan jirin sharci, adduunku wuxuu ku dhisan yahay waa sharci, waxaanu jecelnahay inay dadka reer Somaliland ku cibro qaataan caasimadii Hargaysa hadday sidaa tahay, dhulkii kalena maxaad u malayn doontaan. Markaa waxaanu idin leenahay maanta codkiina ku aarsada. Somaliland waa inuu waa cusubi u baryaa, waa inaynu gadaal iska marinaa xumaantii, xaasidkii, musuqmaasuqii iyo qabyaaladda. Waa inaynu ku hamminaa sidii dalkeena loogu haajiri lahaa ee inaynu ku fikirno maaha sidii aynu uga tahriibi lahayn. Maanta waad arkaysaan Hargeysa Club (Hudheelkii Dawladda) wuu xidhan yahay, wuxuu ka mid ahaa meelaha ugu fiican ee lagu nasan jiray.”
Guddoomiyaha UCID wuxuu dhaliilay wax-qabadka Wasiirka Hawlaha guud iyo guud ahaan Xukuumaddaba. “Wasiirkii hawlaha guud wuxuu qabanayaa ma jirto, waddooyinkii way burbureen, Wasaarad qudha oo shaqaynaysaana ma jirto. Waxa lagu mashquulsan yahay sidii dhulka ummada loo iibsan lahaa, dadka cashuurtii waa laga qaadayaa hadday cashuurta la habsaamaan albaabka ayaa laga goosanayaa wax uga soo noqonayaana ma jiro.” Ayuu yidhi Faysal Cali.
Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay dad uu sheegay in laga iibsanayo Kaadhadhka codaynta iyo Aqoonsiga. “Dadka laga iibsanayo Kaadhadhka waxaanu leenahay, Kaadhadhka la iibsanayaa waa Kaadhkii dhalashada ee maaha Kaadhkii codaynta. Qofka Kaadhka iska iibiyow waxaad ogaataa in aan lagu dawaynayn, in aan Shaqo lagu siinayn oo ay Kaadhkaa kaaga xidhmayso oo qofka reer Somaliland ahi kaadhka ayuu ku kala baxayaa. Anigu ujeedo ay ka leeyihiin Kaadh-urursiga ma garanayo, laakiin waxaan idin leeyahay waxaad iibsanaysaan maaha Kaadhkii codaynta ee waa Kaadhkii dhalashada.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Mar Guddoomiyaha UCID la waydiiyay sida uu u arko Dhismaha Biriijka labaad ee raagay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Wasiirka Hawlaha guud, saaxiibkay Siciid Sulub waxaan xusuusinayaa, in uu halkaas (Biriijka labaad) uu isa soo taagay oo uu yidhi, Hargeysaay ogaada Biriijkii waxa u hadhsan saddex bilood, hadda waxa uu marayaa bishii Afraad.”
Mar uu ka jawaabayay Faysal su’aal la xidhiidhay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu ku sheegay in aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu yidhi, “In isaga la waydiiyaba maaha, fikirkiisa ayaanu hadlay, inaga ayay ina khusaysaa arrintaasi. Xornimada Somaliland maynu baryin oo xoog baynu kaga soo qaadnay (Soomaaliya), insha Allah aqoonsigana baryi mayno..haddii uu isagu (Madaxweynaha Jabuuti) isagu Soomaaliya waydiisanayo, anagu wax aanu waydiisanaynaa ma jirto. Sanad ii qabta Insha Allah, anaga ayaa keenayna ictiraafka.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 22, 2010

Hindiy: 158 qof oo ku dhintay burburka diyaarad waddankaas laga leeyahay

Hargeysa, (NNN) - Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee India Express oo ka kacday madaarka magaalada Dubai ayaa burburtay ka dib markii ay isku dayday inuu ku degto madaar ku yaala Koonfurta waddanka Hindiya taas oo ay ku dhinteen 158 qof, waxaanu shirlku yimid markii ay si khaldan ugu degtay madaarka isla markaana ay ka baxday dhabbaadii diyaaradaha.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 kuna degaysay madaarka Mangalore ee gobolka Karnata waxa ay sidday 166 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda, kaliya waxa ka badbaaday siddeed qof, sida uu sheegay agaasimaha shirkadda diyaaradaha ee Air India.
Shaqaalaha badbaadaha ayaa burburkii diyaaradda ka soo guray dad mayd ah oo jidhkoodu gubanayo, taas oo inta badan dadkii dhintay ay kuraastooda weli ku dhegsanaayeen.
Burburka diyaaradda ayaa yimid cimilada oo xumayd awgeed – roobab laxaad leh oo xataa hakiyey hawshii badbaadinta shaqaalaha. Waxa kale oo shilka sii xumeeyey cimilada daruuraha lahayd iyo aragtida duuliyaha diyaaradda oo ay ka xannibtay. Waxa kale oo ka qayb-qaatay madaarka oo ku yaala meel buuruhu ku badan yihiin taas oo ay ku adagtahay shaqaalaha dab-demiska inay gaadhaan goobtii shilku ka dhacayh.
Telefishannada waddankaas qaarkood ayaa sheegtay in diyaaraddu saaka abbaara 6:30 ay ku burburtay meel kayn ah oo ka ag dhow madaarka. “Diyaaraddu waxa ay u kala go’day laba. Waan ka booday diyaaradda markii ay burburtay. Waxa kale oo aan arkay laba qof oo iyaguna diyaaradda ka baxaya,” waxa sidaa yidhi nin magaciisa la yidhaahdo Abdullah oo isagu ka mid ahaa siddeeddii qof ee ka badbaaday diyaaradda oo u warramay telefishanak TV9. Mid kale oo ka mid ah dadka badbaaday oo magaciisa la yidhaahdo Pradeep ayaa u sheegay telefishan waddankaas laga leeyahay in taayirka hore ee diyaaraddu uu go’ay markii ay diyaaraddu isku dayday inay degto.

Source: NASIIB NEWS

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Haweenkii lagu dhacay mashruucii JIIF-OO-JAQ oo xisbiga UDUB lagu shirqoolay

Hargeysa, (NNN)- “Maalin hore ayey noo timi anagoo ah dumarkii lagu dhacay Jiifoo-Jaq, gabadha (Xaaska) Badhasaabka Maroodi-Jeex, waxaanay nagu tidhi sheekadiinan (Mashruucii la dhacay) baan wax idiin ka qabanayaa, dabadeed shalay (dorraad) bay gabadhi nala soo hadashay.
Waxay tidhi, dumarkiini la dhacay oo 50 Dumar ah ayaa la idin doonayaa, laba Bas ayaa la idiin soo dirayaa, waxa la idin gaynayaa Huteel Baar Xaraf (Hargeysa), waxaana la idin doonayaa 8:00 subaxnimo (shalay), Ra’yigiina ka dhiibta.” Mid ka mid ah Haweenka lagu dhacay Mashruucii fashilmay ee fadhi-ku-macaash oo magacceeda ka gaabsatay, isla markaana sheegtay in Xisbiga UDUB u maleegay xeelad ay sheegtay in lagu doonayay in lagu sheego inay ka digo-rogteen Xisbiga KULMIYE oo ay UDUB ku biireen.
Haweenaydan oo ka mid ahayd Haween shalay u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in la khiyaameeyay. “Anagoo hooyooyin badan ah oo gaadhayna 180 ayaanu diyaar garawnay. Hawshayadii iyo shaqadayadiiba dhulkaanu dhignay, ka dibna waanu dhaqaajinay oo Baskiibaa nalagu guray. Markaanu Xarumaha Wasaaradaha ag-marayno, ayaanu ugu tagnay laba Bas oo kale, waxaanu ku nidhi, Baar Xaraf baanu doonaynee waakan Bar Xarafe na jooji. Inankii Baska waday ayaa nagu yidhi Xaraf halkan maahee waa Hotel kale oo halkaa hore laga dhisay oo cusub, anagu hore umaanu arag, markaa horaanu u soconay oo waanu raacnay. Wax kolba Dhir nala sii mariyaba, waxa nala geeyey meel la yidhaahdo Xaraf baa la yidhaahdaa, ka dibna Basaskiibaanu ka daadegnay oo geed baanu fadhiisanay.” Ayay tidhi Haweenaydani, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Intayadii wada socotay gaar baanu u fadhiisanay, cabbaar baanu fadhinay, Gabadhii (Marwada) Badhasaabkaanu la hadalnay, waxaanu ku nidhi kumee, waan idiin soo socdaa meel gaar ah baan idiin diyaariyee fadhiya bay tidhi. Waanu fadhinay oo waanu sugnay..Gabadhii way noo timi oo way na kaxaysay, meel gaara ayaan idin gaynayaa bay tidhi, balse namay gaynin, dadkii meesha joogay markaanu wareysanay ee aanu Dumarkii wareysanay, waxay nagu yidhaahdeen waxaanu leenahay Alla-Bari, qaarna waxay yidhaahdeen dad KULMIYE ka soo baxay ayaanu meesha ku soo dhaweynaynay. Intaa ka dib Gabadhii iyo Gabadhii kale ee noo yeedhay ayaanu labadoodiiba helnay, gabadhii noo yeedhay baanu ku nidhi waadigii lahaa wax baa la idiin qabanayaaye wixii naloo qabanayey ha naloo qabto. Iyada oo aan na qancin bay gabadhii haddana tagtay, dabadeed, meeshii laga hadlay oo waxaa la yidhi meeye dadkii KULMIYE ka soo baxay, cid hadasha waa la waayey.”
Haweenaydan oo ka sii hadlaysa Kiiska Dacwadda mashruuca fadhi-ku-macaash iyo dhacdada ay sheegtay in lagu sameeyay, ayaa waxay hadalkeeda ku soo gunaanadday oo ay tidhi, “Markii hore waxa nalagu yidhi, Marwada Madaxweynaha ayaa idin la hadlaysa, markaa anaguna waxaanu is nidhi idinka oo aan Xisbina ka socon mar haddii marwada Madaxweynhu idin la hadlayso u taga oo dantiina u sheegta. Maxkamaddii dhulka nagu jiidaysay, waxa noo raacday maanta in nalagu siyaasadeeyo gabadhii Madaxweynaha ayaa idiin yeedhaysa, waxbana iyadoo aanay ka jirin. Hadal iyo dhammaan, waxaanu af-duubnayn 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo.”
Dhinaca kale, Warbaahinta maxalliga ah, gaar ahaan Telefishannada ayaa laga baahiyay Barnaamijka ay Haweenkani sheegeen in uu fashilmay ee dadweynaha ku biiray Xisbiga UDUB, sidoo kalena mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno masuuliyiinta Xisbiga UDUB, si aanu arrintan wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking