COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 30, 2010

Guddiga Anshaxa doorashada oo qodobbo culus ka soo saaray Doorashada Madaxweynenimada Somaliland ee Natiijadeeda la sugayo

Hargeysa, (Nnn)- Guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland ayaa ka codsaday Xisbiyada qaranka Somaliland [KULMIYE, UDUB iyo UCID] inay xakameeyaan taageerayaashooda si looga hortago waxkasta oo kicinaya taageerayaasha Xisiyada kale ee ay tartamayaan, isla markaana waxay u soo jeediyeen shacabweynaha reer Somaliland inay muujiyaan dulqaad inta ay komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqayaan natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010.
Sidaa waxay guddidu ku sheegtay Shir-saxafadeed uu gudoomiyaha guddiga ilaalinta An-shaxa iyo Habsami u socodka doorashooyinka Md. Axmed Maxamed Cadaad ka akhriyey warsaxafadeed qoraal, kaas oo ka koobna todob qodob oo cidkasta la hadlaya.
Waxaanu Warsaxafadeedkii oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:
“Guddida Ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka madaxweynaha, iyaga oo fulinayaa hawlihii loo igmaday waxay si aad u dhow ula socdeen ama si qoto dheer ula socdeen banaan baxyadii ololaha doorashada, iyaga oo ugu baaqay dhamaan cidda ku xad-gudubta heshiiska anshaxa ee ay saxeexeen sadexda Xisiga qaran [Code Of Conduct].
Si ay u hirgeliyaan heshiiska, isla markaana ugu cadeeyeen dadweynaha guud ahaan ciddi ku kacday dhaq-dhaqaaq sharci-daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay Caasimada iyo gobolada dalka oo ay la joogeen wakiilladayadu si xilkas ahna u guteen hawshoodii.
Maanta waxay guddidu qiimaysay xaaladii doorashada ka danbeysay waxaanay go’aamisay qodobadan soo socda:
Guddida ilaalinta anshaxa iyo hasami u socodka doorashooyinka qaranka waxay:
1. Waxay u dhamaan dadweynaha reer Somaliland sidii nabadgelyada iyo kala danbeynta lahayd ee ay sida xoogan uga qeyb-qaateen doorashada, iyaga oo iska dhega mariyey khatartii ay ku hayeen xag-jirka ka soo horjeede dimuqraadiyada.
2. Waxay u mahad-qanaysa cidkasta oo si firfircoon uga gacan-geysatay inay guuleysato doorashadu, gaar ahana hawlwadeenadii guddida doorashooyinka qaranka, Golkaha Guurtida. Goob-joogayaasha caalamiga ah, Goob-joogayaasha wadaniga ah iyo gudiga dhex-dhexaadinyta khilaafaadka.
3. Waxay Si diiran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culimaa’udiinka Somaliland, kuwaas oo ku dhiirigelinayey dadweynaha reer Somaliland inay codeeyaan oo aan dheg jalaq loo siinin hadalada aan saxa ahayn, isla markaana ku abuureysa khal-khal iyo doodo aan sax ahayn oo khal-khalgelinayaa doorashada oo inagaga timi dibada, iyada oo culima-awdiinta si fir-fircoon u caawinayey codbixiyayaashi ay ku adkaatay inay si hamsami ah u raacaan nidaamkii codbixinta, maalinta codbixinta.
4. Waxay u mahad-celinayaa ciidamadda amniga ee sida hawlkarnimada leh u sugayey amniga ee ilaalinayey kala danbeynta intii ay socotey doorashadu.
5. Waxaan mar-labaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddida doorashooyinka qaranka ee ku guuleystay habeynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonaan karo, imika u soo saaray natiijadii oo ku saleysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhex dhexaadnimo.
6. Waxay Cambaareynaysa oo ay dhalaaceynaysa cidkasta oo wareejinaysa hadalada kutiri kuteenka iyo mala-awaalka natiijooyinka doorashooyinka sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada in ay ilaaliso oo raacdo talalooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hordhicin ku dhawaaqida natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.
7. waxaanu Ka codsanaynaa guud ahaan dadwaynaha reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee kasoo bixi doona guddida doorashada qaranka waxaan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo isku dhac iman kara.
8. Waxaanu ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyaan taageerayshooda wax kastoo awoodooda ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicin kara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartamayeen.
9. Waxaanu si qalbi furan u soo dhaweynaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba taasoo muujin doonta wadaninimadooda.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking