COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, June 19, 2010

Madaxweyne Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo Guryo Qurux Badan Dhistay & Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo Hargeysa kaga Jirta Aqal Kiro ah

Hargeysa, (Nnn)- Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa ku guul-daraysatay inay bannayso dhul hore loo siiyey Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd xaaskii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hadda magaalada Hargeysa kaga jirta guri kiro ah.
Dhulka la siiyey marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ku yaal xaafadda Shacabka ee degmada Ibraahim Kood-buur ee caasimada Hargeysa, ayey xukuumadda Rayaale ku fashilan tahay inay ka rarto, isla markaana dhul siiso qoysas danyar ah oo degen meesha la siiyey Marwada madaxweyinihii hore ee Somaliland marxuum Cigaal.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo madaxtooyada ku dhadhawi, bishii June ee sannadkii 2002, ayuu madaxweyne Rayaale magacaabay guddi soo qiimaysa sidii wax loogu qaban lahaa, meelna loo dejin lahaa marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cilmi, kuwaasi oo muddo ka dib soo jeediyey in la siiyo dhul ku yaal xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, balse qorshahaasi muu noqon mid ilaa hadda hirgalay, iyada oo dhulka loo qoondeeyey marwo Kaltuun ay degen yihiin qoysas danyar ah oo aan cidlo lagu daadin karin.
Waxay ilaha xogogaalka ahi xaqiijiyeen in madaxweyne Rayaale amray in dadka danyarta ah ee degen dhulka la siiyey Marwo Kaltuun laga raro, isaga oo aan wax qosrhe ah u hayn, balse waxa tallaabadaasi ku gacan saydhay Kaltuun Xaaji Daahir oo sheegtay inay meesha degen yihiin dad dan yar ah ee oo reer Somaliland ah, sidaa darteedna aanay ogolaanayn in iyada darteed qoysaskaasi jilcdasan ee tolkeed ah loogu daadiyo meel cidlo ah, kuwaasi oo ilaa hadda ku nool booskii la siiyey xaaskii madaxweynihii hore ee Somaliland, iyada oo meelaynta qoyaskaasina sida la sheegay uu hortaagan yahay maayirka caasimada Hargeysa oo gacan kale u haadinayso.
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo sida laba toddobaad ka hor magaalada Burco ka sheegay wasiirka hawlaha guud Md. Siicd Sulub ka faa’iiday geeridii marxkuum Cigaal, ayey ahayd inay gacan ka gaystaan sidii meel loo dejin lahaa marwadii uu ka tagay Maxamed Xaaji Ibrhaaim Cigaal, balse taa beddelkeedii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa maagalada Hargeysa ka dhistay guryo bilicsan, iyada oo marwo Kaltuuna ay ku jirto aqal kiro ah, arrintaasi oo foolxumo ku ah Somaliland.
Mar aanu xalay la xidhiidhnay marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal si aanu arrimahan wax uga xaqiijino wey noo suurto geliweyday, balse waxaanu isku deyi doonaan inaanu booqasho ugu tagno si aanu waraysi arrimahan la xidhiidha uga soo qaadno.
Dhulka la siiyey marwo Kaltuun Xaaji Daahir ee xukuumaddu dhamaystiri weyday, ayaa qayb ka ah ballamo badan iyo meelo badan oo madaxweyne Rayaale dhagax dhigay oo aan ilaa hadda waxba ka hirgelin, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhismaha biriijka labaad ee Hargeysa, warshadihii la sheegay in Berbera laga dhisayo ee Rayaale dhagax dhigay iyo balamo xad dhaaf ah oo xukuumadda Rayaale fulin weyday, kuwaasi oo naanays iyo wejigabax ku noqday madaxweyne Rayaale oo doonaya in mar labaad dib loo doorto.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking