COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, June 13, 2010

Maxay TELESOM ku hanatay horyaalka Isgaadhsiinta Somaliland?

Marka laga hadlayo sababaha shirkaddii ku hanan karto kaalinta horyaalnimada, waa kuwo u baahan dedaal iyo qiimayn gaar ah.
Shirkadda TELESOM waxay dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay ka shaqaynaysay adeegyada Isgaadhsiineed ee dalka, waxayna soo martay marxalado kala duwan.
Inta badan keli kumay ahayn bixinta adeegyada Isgaadhsiinta, balse waxay ku keliyaysatay horyaalka shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka.
Marka aynu eegno sababaha ay kaalintaa ku hanatay, waxa ka mid ah dedaalka kobcinta adeegyada ay bixiyaan, kor-u-qaadista kalsoonida macaamiishooda, tayaynta iyo casriyaynta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo ka midho-dhalinta hiigsigooda.
Bilawgiiba waxay ku caanbaxday in fal-celintooda dareenka macmiishoodu noqoto mid sugan oo degdeg ah, si ay u dhisaan kalsoonida macaamiisha, una horumariyaan adeegyada ay u fidiyaan, taasoo ka mid ah tiirarka aaminaada iyo isku-xidhnaanta macmiilka iyo shirkadda.
Sannadkan bilawga ah oo keliya, waxay soo kordhiyeen adeegyo wax-ku-ool ah oo qayb ka ah casriyayntaa ay muddada dheer soo waday shirkadda TELESOM, kuwaas oo ay ka mid yihiin; keenista Telefoono ku shaqaynaya tamarta Qorraxda, ZAAD Services, Mobile Internet (GPRS), Dhambaal (MYSMS), Ii-CUG JAALLE (CUG) iyo kuwo kale.
Telefoonadan Qorraxda ku shaqaynaya, waa markii u horaysay ee dalka la keeno, kuwaasoo muhiimad gaar ah qayb bulshada ka mid ah oo ah kuwo aan haysan ama aan joogin goobaha korontada leh. “Faa’iido kamaanu eegin keenista telefoonadan, balse waxaanu ka eegnay sidii aanu bulshada degaamada Miyiga ku dhaqan fursad ugu siin lahayn inay macaamiisha kale kula raaxaystaan adeegyada shirkadda TELESOM,” sidaa waxa yidhi Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-geynta TELESOM, Maxamed Isaaq Cilmi oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu soo bandhigay telefoonadaas.
Marka la eego adeegga ZAAD Service, waxay dadweynuhu ku tilmaameen inuu yahay mid ka mid ah adeegyada baahiyaha bulshada ugu muhiimsan ee ay shirkaddu hirgelisay, wuxuuna kuu sahlayaa inaad lacagtaada ku kaydsan karto telefoonkaaga gacanta, lacag ku diri karto, waxna kaga iibsan karto meel kasta oo dalka gudihiisa ah.
Adeegga GPRS, waxa uu kuu saamaxayaa inaad telefoonkaaga gacanta ku isticmaali karto Internet-ka, isla markaana ka eegan karto, kuna diran karto fariimaha.
Adeegga Dhambaal (MySMS) waxa loogu talo-galay hay’addaha iyo shirkaddaha oo loo samaynayo nidaam u sahlaya inay halmar fariimo wargelin ah oo loo marinayo telefoonadooda gacanta u diri karaan hawlwadeenadooda, taasoo xoojinaysa adeegyada ay hayaan hay’adduhu/Shirkadduhu.
Iyadoo muhiimad la siinayo qiimo-dhimista macmiisha shirkadda, TELESOM waxay dhowaan nidaamisay sidii loo hirgelin lahaa adeegga Ii-CUG JAALLE (Closed users group) ama CUG, kaasoo loogu talogalay in hawlwadeenada hay’addaha, shirkaddaha ama kooxaha hawl-wadaagta ahi ku wada hadli karaan qiimo gaar ah oo ka jaban ka dadka caadiga ah.
Ka sokow adeegyadan ay Shirkaddu bulshada u soo kordhisay, waxa muhiimad gaar ah leh kaalinta ay dalka kaga jirto, gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca shaqo-abuurka bulshadan saboolka u badan.
Source: TELESOM

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking