COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, June 18, 2010

Ciidanka Booliska Hargeysa oo Xalay saqdii Dhexe Calanka xisbiga Kulmiye ka ururiyay Badhtamaha Magaalada

Hargeysa, (Nnn)- Ciidanka Bilayska ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay saqdii dhexe faras Magaalaha Magaalada Hargeysa ka urursaday Dhamaan Astaanta Calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, kuwaasoo oo sudhnaa meelo badan oo ka mid ah Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Badhtamaha Suuqa dhexe.
Ciidanka Bilayska ee Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo iyagu fuliyey hawl galkan lagu furfurayey Calamada Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ay u qaateen markii ay dhulka soo dhigeen dhinaca Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu ururiyey.
Ma cadda illaa hada sababta keentay in Ciidanka Bilaysku ay u beegsadeen Calamada Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo sudhnaa Faras Magaalaha Hargeysa, iyo cidda bixisay amarkan toona, iyadda talaabadana ay ku soo beegayso xilli lagu gudo jiro maalmihii u dambeeyey ee ololaha doorashada madaxtooyada ee dhawaan dalka ka dhici doonta, waxaanay wakhtiyadan ololaha Meelkasta oo ka mid ah Magaalooyinka dalka lagu arkayaa oo sudhan Calamaada saddexda Xisbiga Qaran ee ku loolamaya doorashada madaxtooyadda.
Talaabadan ay Ciidanka Bilaysku xalay saqdii dhexe ku ururiyeen Calamada Xisbiga Kulmiye ayaa saaka ahayd arrinta ugu hadal haynta badan Magalaada Caasimada ah ee Hargeysa, iyaddoo dadweynuhu iswaydiinayeen sababta keentay arrintan.
Dhinaca kalena, War goordhaweyd naga soo gaadhay magaalada lughaya ee Gobolka Salal, ayaa sheegay in Ciidanka Bilayska ee Magaaladaasi ay xabsiga dhigeen afar nin oo xidhnaa Garamo ay ku qoran yihiin Astaanta Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo sida Wararku nagu soo gaadhay ay ciidanku jidh-dil u geysteen, isla markaana xabsiga u taxaabeen.
Courtesy: Ramaas

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking