COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 30, 2010

Ceerigaabo: Ciidamada Qaranka oo xabsiga dhigay hawlwadeeno Komishanka ka tirsan, qorshe ay wateena fashiliyay

Ceerigaabo,(Nnn)- Guutada lixaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhigeedu yahay gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay fashiliyeen isku-dayga weerar masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbul-xaakimku ay ku qaadeen xarunta Komishanka dorashooyinka ee magaalada Ceerigaabo.
Siday ay xalay faafisay Idaacada Horyaal, weerarkan waxay xubno xukuumadda ka tirsani ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan hawsha tirinta iyo hubinta codadkii doorashada ee ka soo xerooday guud ahaan gobolkaas.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ciidamada qaranku ay gaashaanka u daruureen kooxo la sheegay inay maleeshiyaad-beeleedyo yihiin oo lagu eedeeyay inay masuuliyiintaasi soo abaabuleen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Yuusuf Ciise Tallabo, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Taliyaha Saldhiga saddexaad ee Ciidanka Qaranka Mr. Muuse Jaamac Dalaf.
Kooxahan la eedeeyay waxa la sheegay inay isku dayeen inay galaan gudaha xarunta Komishanka oo ay ka socotay hawshii tirinta codadku.
Sida warku sheegay, waxay Ciidanka qaranku xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Komishanka ee degmada Ceerigaabo Naalleeye Axmed Sheekh iyo Siciid Cali Ducaale oo ka mid ah hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka ee Ceerigaabo, kuwaasoo warku tibaaxay inay kula jireen masuuliyiinta xukuumada weerarkaa la sheegay in lagu qaaday xarunta Komishanka ee gobolkaas, hase ahaatee waxa la sheegay in hawshii dib-u-tirinta iyo hubinta codadku ay xalay ku dhawayd gebogabo.
Dhinaca kale, wararka ka imanayay gobolka Awdal, ayaa sheegaya inay masuuliyiin xukuumada halkaa ka joogtaa ay cadaadis badan ku saarayeen xarunta Komishanka doorashooyinka oo hawshii tirinta iyo hubintu ka socotay, kuwaasoo la sheegay inay isku deyayeen sidii uu musharraxa xukuumaddu uga heli lahaa codad badan. Labada musharrax xigeen ee Xisbiyada Mucaaradka ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay xukuumadu cadaadis badan ku haysay goobihii doorashooyinka ee Gobolka Awdal. Sidoo kalena, warbixino ay soo saareen Goob-joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba, ayaa lagu sheegay in Gobolka Awdal, gaar ahaan Degmeda Boorame ay ku arkeen caruur aan gaadhin da’dii codaynta oo codadkooda dhiibanayay.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Juun, waxa caalamku u akay mid la jaan-qaadaysa doorashooyinka caalamiga ah ee nidaamka dimuquraadiyadeed ku salaysan.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking