COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, June 9, 2010

Jeneraal Ismaaciil Axmed Ismaaciil fariin u diray dhinacyada siyaasada iyo shacbiga reer Somaliland

Washington(NNN)- Janaraal Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo ka mid ah saraakiishii ugu horeysay ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay fariin iyo tallooyin u jeediyay dhinacyada siyaasada iyo guud ahaan shacabka Somaliland.
Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo muddo dheer ahaa taliyihii ciidamada Asluubta ee dawladdii Milatariga ahayd ee Soomaaliya, waxa uu ka hadlay doorashada Madaxtinimada ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacdo. “Marka hore, waxaan amaan balaadhan u jeedinayaa ummada reer Somaliland ee gartay ta u wayn ee noloshooda tacabiraysaa ay tahay nabadegelyada, ka dibna ku tashaday inay gooni isu taagaan. Iyadoo la dhaliilayo oo la leeyahay maxay noqon karaan? yay muujiyeen gooni isu taagoodii oo ay ka gaadheen hamigoodii iyo yoolkii ay lahaayeen, taasoo keentay nabadgelayada ay ku naaloonayaan oo lagu amaanayo,” ayuu Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo isagoo ku sugan dalka Maraykanka u waramay shabakadda wararka Internet-ka ee Ramaas. “Kuwii Koonfur joogay waa kuwaa is cunaya, dadkii reer Kooonfureedka ahaa waxa khasab ku noqotay inay yimaadaan Burco iyo Hargaysa iyo dhulka nabadu taalo. Markaa Xukuumadda iyo Axsaabta habeen iyo maalin kula talinaysa nabada in la adkeeyo, way muuqata nabadgelyda ay ku naaloonayaan ee ay ee heerkaa ku gaadheen, waxayna muujinaysaa ujeedadii ay lahaayeen inay tahay mid saldhig leh oo aanay ahayn mid ciyaar ama caadifad ku timi, balse ay tahay wax ummada ka soo go’ay. Waxaan leeyahay nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aad halkaa ku gaadheen yaanay idinka lumine xejiya,” ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayay doorashada Madaxtooyada iyo talooyin uu Murashaxiinta u jeediyay, waxa uu yidhi, “Ta doorashada, saddex doorasho ayaad soo marten oo la idinku amaanayaa oo aad ku amaanan tihiin, maantana tii Madaxtooyada ayaad ku jirtaan, madaxdii baad dooranaysaan, doorashadu sida caalamka kale weeyaan, ninkii soo baxaaba waa nin Somaliland ah, xisbigii soo baxaaba waa mid Somaliland ah, midna meel gooni ah wax gayn maayo, mid waliba wuxuu u shaqaynayaa ama u ordayaa waa danta Somaliland. Ka la doortaa inuu nabadgelyada xejiyo, inuu hour-kicii dalka ku fikiro, inuu barnaamijkiisii siyaasadeed sidii uu u yidhi uu dadka ugu hogaamiyo, kii laga helaana inuu u haneeyo oo uu ku taabaco oo uu ku dhiiriyo horukaca iyo nabadgelyada dalka, ummadana waxaan leeyahay waxaa saldhig idiin ah nabadgelyada, wax kasta oo kale waad heli kartaan, xoolo waad heli karaa, ubad waa la heli karaa, nabadgelyadu waa asalka.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking