COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, June 13, 2010

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe oo maalintii 2aad maraya iyo digniinta Guddida Imtixaanaadka Qaranka

Hargaysa, (NNN)- Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare oo shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada Somaliland ayaa maraya Maalintiisii labaad.
Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in Imtixaanku uu si wanaagsan uga bilaabmay gobollada dalka oo dhan, waxaanu ka warbixiyay tirada ardayda u fadhiisatay Imtixaanka iyo tirada Dugsiyada laga galay.
“Sida aad ogtihiin, waxa maanta (shalay) ka bilaabmay dalka Somaliland oo dhan imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo dhexe, dhamaan gobollada dalka oo dhanna ilaa hadda wax dhibaato ah kama hayno, waxaanau ka warhaynaa dhamaan inay saaka (shalay) 8:00 ka wada bilaabmeen.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Tirada dugsiyada dhexe 156 dugsi dhexe ardayda imtixaanada u fadhiisatay dugsiyada dhexena waxay dhan tahay 8904 arday. Tirada dugiyada sare waxay dhan tahay 49 dugsi tirada ardayduna waxay dhan tahay 4042 arday, markaa waxaad moodaa inuu korodh badani jiro, waxaana ka qayb galay sarakiishii waxbarada oo aad u fara badan illaahayna waxaan ka rajeynaynaa in sidaa ay ku bilaabantay ay ku dhamaato.”
Mr. Daa’uud wuxuu farriin u diray guud ahaan Ardayda dalka ee imtixaanka galaya iyo waalidkoodba. “Ardaydana waxaan u sheegaynaa inay si wanaagsan uga qayb galaan, waxa kaliya ee aanu uga digaynaa waxa weeye qishka ama kala eeegashada ama arbushaadda imtixaanka, waliba waxaanu aad uga digaynaa bahalka la yidhaahdo Mobile-ka (Telefoonka gacanta) oo runtii ardayga khasaare u keeni kara, waanu giiranay sanadkan, sanad walba waxa nagu dhaca in Mobile-kaasi ardayda si caddaalad darro ah isu dhaafiyo. Marar qaarkood ardaygii soo dedaalay ee wax yaqaanay, in mid aan waxba aqoon in Mobile imtixaankii loogaga soo shaqeeyo.” Ayuu yidhi Daa’uud, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sidaa darteed imika aad baanu uga digaynaa arrintaas, waxaananu waalidiinta u gudbinaynaa in dulqaadkii xagga Mobile-ku naga soo dhamaaday, Mobile-kana waanu la wareegaynaa, ilmahana imtixaanka waa laga baabiinayaa, haddii lagu qabto. Waayo, waxaanu doonaynaa inuu yimaado isagoo nadiif ah oo laba ama saddex qalin wata, waana kaa hubkiisu. Markaa si aynu caddaalada u sugno, waalidka waxaanu leenahay hadhaw baad odhan doontaa inankaygu wankuu gali jiray marka imtixaanka laga baabiiyo, imika ilmihiina guul baanu u rajaynaynaa. Laakiin aroortii markay soo baxayaan ka reeba Mobile-da.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking