COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, June 11, 2010

Muuqaalka furitaanka munaasibadda koobka adduunka iyo Mandela oo aan ka qayb-galin

Hargeysa, (NNN)- Koobkii 19aad ee ciyaaraha tartanka qaramada adduunka ayaa lagu furay munaasibad aad u soo jiidatay dhammaan dadkii ka qayb-galay iyo kuwii ka daawanayay shaashadaha taas oo lagu qabtay garoonka Soccer City ee ku yaala magaalada Johannesburg halkaas oo lagu qaban doono ciyaarta faynalka labada xul ee ugu dambaynta isugu soo hadha.
Shakhsiyaadka muhiimka ah ee la filayay inay ka qayb-galaan munaasibadda furitaankan waxa ka mid ah Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, Madaxweynaha dalka Mexico Felipe Calderon, Amiir Albert ee Monaco iyo madaxweyne-xigeenka Maraykanka Joe Biden halka madaxweyne Jacob Zuma iyo wadaad-diimeedka Desmon Tutu ay ka mid ahaayeen shakhsiyaadkii goobta joogay.
Si kasta oo ay tahay, waxa jiray shakhsi si weyn loo tabay ka maqnaanshaha munaasibadda kaas oo ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Aabihii waddanka horumarkan gaadhay Nelson Mandela oo maqnaanshihiisa lagu sababeeyay geerida gabadh uu awow u yahay, Zenani, oo shil baabuur ku dhimatay.
Zenami oo 13 jir ahayd ayaa dhimatay wakhti ay ku sii jeedday gurigooda iyada oo ka tagtay munaasibaddii xalay lagu qabtay Soweto ee daahfurka bilowga tartankan oo ah markii ugu horaysay ee Afrika lagu qabto.

Mr. Mandela oo 91-jir ah ayaa laga filay inuu qayb ka qaato munaasibadaha maalinta ay furmayaan ciyaaruhu, in kasta oo haddana qoyskiisu ku sababeeyeen maqnaanshihiisa geerida ku timid awgeed.
Laakiin maqnaanshihiisu kamuu horjoogsan 1,581 qof oo ciyaaro ku soo bandhigayay munaasibadda kuwaas oo haddana kala-badhkoodu ka niyad jabay maqnaanshiyaha Mandela iyaga oo xilli dambe yimid goobta munaasibadda lagu qabanayay ee garoonka Soccer oo qaadi kara 85,000 oo qof.
Ka dib markii qaar ka mid ah diyaaradaha cirka ee Koonfur Afrika, waxa garoonka gudihiisa lagu soo bandhigay muuqaalka qaaradda Afrika iyo heesta ‘Ku soo dhawaada Afrika’
Fannaaniin iyo farshaxanno ayaa hiddaha iyo dhaqanka qaaradda Afrika ku soo bandhigay garoonka dhexdiisa kuwaas oo ka kala socday dalalka Afrika ee ka qayb-galaya tartanka oo kala ah Cameroon, Ghana, Ivory Coast, iyo Nigeria.
Kor iyo Hoos: Muuqaallada Xafladda Furitaanka
Waxa kale oo goobta ka heesay fannaanka Maraykanka ah ee dhawrka jeer ku guulaystay abaal-marinnada caalamiga ah R. Kelly iyo sidoo kale fannaaniin ka socotay waddanka Koonfur Afrika.


Ugu dambayntii, waxa munaasibadda lagu soo gebo-gabeeyay bandhigga calamada 176 waddanka ee xubnaha ka ah ururkan ee ku guul-darraystay inay u soo baxaan, waxaana ku wareegsanaa calamada dalalka u soo baxay oo ay kor u hayeen carruur ku dhawaaqaysay magacayada 32ka dal ee ku loolamaya, dabadeedna inta ay isku yimaaddeen ayay sameeyeen muuqaalka astaanta tartanka ee sannadkan.
Ciyaaraha ayaa waxa lagu furayaa xulalka Koonfur Afrika iyo Mexico kuwaas oo hadda ciyaartoodu socoto.............. la soco natiijada

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking