COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, June 24, 2010

Wasiiro iska casilay Xukuumadda Rayaale, kuna biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa 24, June 2010 (Ogaal)- Xubno ka tirsanaa golaha Wasiirada Somaliland, ayaa cadeeyay inay iska casileen xilalkii ay hayeen.
Xubnahan oo kala ah wasiiradii Madaxtooyada iyo Wershadaha Mr. Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin) iyo Axmed Cali Ubaxle, waxay sheegeen inay xilalkii ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka hayeen iska casileen, kuna biireen xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Labadaa xubnood oo xalay goor dambe shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen inay go’aankaa qaateen ka dib markii murashaxa xisbiga ay ka tirsanaayeen ee UDUB Mr. Daahir Rayaale Kaahin ka gaabiyay inuu xisbiyada Mucaaradka tartan la galo. “Anigoo ahaa wasiirkii Madaxtooyada Somaliland, waxaan caddaynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay qaranka,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale. “Waxa kale oo aan iska casilay xubinimadii xisbiga aan ka tirsanaan jiray ee UDUB,” ayuu raaciyay.
Mr. Xasan-Macalin waxa uu ka hadlay sababta ku keliftay inuu iska casilo xilka wasiirnimo oo uu muddo dheer ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Sababta igu keliftay inaan iska casilo xilkaa wasaaradda Madaxtooyadu waxa weeye, haddii aanu ahayn xisbiga UDUB waxaanu lahayn murashax, wuxuuna ahaa Daahir Rayaale Kaahin – Madaxweynaha Somaliland, murashaxaas baana noo taagnaa, laakiin murashaxii noo taagnaa baa ka baxay tartankii loolanka siyaasadda. Maadaama uu murashaxii noo taagnaa tartanka ka baxay, ololihiina ka fadhiistay cid aan dhisaa meesha joogtaa ma jiro, taas baana nagu keliftay in aanu iska casilo hawshaa. Taasi way noo muuqatay anaga, si wanaagsana way noogu muuqatay anagoo hawshii gudaheeda ku jira, xogogaalna u ah,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Dadka taageerayaasha ii ahaa dhamaantood, waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan oo ay codka siiyaan xisbiga KULMIYE, waanan ku dhiirigelinayaa.”
Wasiirkii Wershadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu jeclaystay inuu ka muquurto inuu tartan u galo xilka uu u sharaxan yahay, taas bedelkeedana waxa uu amaanay qaabka xisbiyada Mucaaradku ololaha u galeen. “Anagu Madaxweynenimo maanu doonayn oo wasiiro ayaanu ahayne, murashaxayagii mar haddaanu diyaar u ahayn inuu tartamo ama hawsha wax ka galo, anaguna taas ma doonayno in aanu ku keliyaysano, sidaa darteed baanan iskaga casilay xilkaa. Markaa wixii hadda ka dambeeya, waxaan jecelahay in la helo dadkii aan muddadaa ku hawlanaa cid ka faa’iidaysata codkooda. Markaan eego dedaalada ay sameeyeen xisbiyada kale (Mucaaradku), qaabka ay u abaabulan yihiin iyo siday hawshu ugu kala qaybsan tahay, waxaan filayaa runtii in taas lafteedu hinaase badan I gelisay, waanan jecelahay dadkaygii inay noqdaan kuwo maanta taageerayaal u ah ama gacan siiyay xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Mr. Ubaxle.
Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu kaga baxay inay soo daad-gureeyaan dad uu ku tilmaamay reer guuraa kaadhadhka cod-bixinta qaatay, loona baahnaa in loo fududeeyo sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. “Murashaxayagu nooma sahlin ama nooma meel dhigin qaab aanu dadkaa tasiilaad ugu samayno – ilaa xad muraaqibiintii xisbigu lahaa cidlo taagtaagan yihiin oo aad ka naxayso hawlaha na haystay,” ayuu raaciyay.
Labadan xubnood ee xilalkii ay hayeen iska casilay oo ka soo wada jeeda degaanka bariga Burco, waxay ku doodeen inay ku rejo wayn yihiin in xisbiga ay u digo-rogteen ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada.
Mar la waydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu Murashaxa xisbiga UDUB tartanka uga muquurtay, waxay sheegeen in ilaa bilawgii ololaha aanu u muuqan murashax rejo ka qaba doorashada, isla markaana aanu isu diyaarin inuu tartan la galo Mucaaradka tartanku ka dhexeeyo. Hase yeeshee, waxay ku doodeen inay iyagu hawsha intii kaga beegnayd dedaal u galeen, isla markaana aanay garanaynin sababta uu Madaxweyne Rayaale ugu dedaali waayay inuu tartanka ka midho dhaliyo. “Halganka si fiican baanu ugu jiray, daacadna waanu u ahayn, saaxiibkay, murashaxayagii UDUB qaabkii aanu ugu talogalay ololaha wuu ka fadhiistay…..Waxa noo cadaatay in hawshii aan haya isa soo xidhay,” ayuu yidhi Mr. Macalin oo la waydiiyay inuu faahfaahiyo waxay uga jeedaan in Rayaale aanu tartankiisa niyad u gelin. “Ololuhu maaha in meelahaa la marmaro, in aanu rejoba ka qabin oo uu ka hawl yaraystay iyo inuu qaab kale oo aanaan garanaynin u dhigay garan mayno,” ayuu raaciyay.
Xubnahan is casilay waxay muujiyeen in aanay weli rasmi ahaan Madaxtooyada u gudbin iscasilaadooda. “Way qoran tahay, waana la gudbinayaa,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking